Faarax Macallin: Ma dhici doonto in Mardambe Xamar looga taliyo Kulbiyow,
ninka taas ku riyoonayana waxaa uu ku nool yahay qarni kale...
"Gelitaanka Ciidamada Itoobiya ay galeen Soomaaliya waxay dhibaato weyn u
keeneysaa hawlgalka Kenya..." Faarax Macallim
Nov
22, 2011:
Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Dalka Kenya, Faarax macallin oo ay
waraysi la yeelatay idaacadda Alfurqaan ayaa sheegay in uu ka soo horjeedo soo
gelitaanka ciidanka Itoobiya ay markale ku soo galeen gudaha Soomaaliya, isagoo
arrintaas ka hadlaya waxa uu yiri "Itoobiya taariikhdeedu waa mid ka duwan
taayada (Kenya), waana mid soo jireena ah, marka soo gelitaanka ay hadda soo
galeen (Soomaaliya) ma soo dhaweyneyno, waxaana u arkeynaa mid dhib weyn u
keeneysa hawlgalkanagii oo waji kale oo loo yeeli karo."
Laakiin Faarax Macallin waxa uu sheegay in taas ay ka duwan tahay Kenya
hawlgalkeeda (duullaanka) ay ka waddo gudaha Soomaaliya. Waxa kale oo uu ka
hadlay dastuurka DFKMG (ee lagu soo sameeyey Kenya) waxana uu yiri dastuurkaas
"annagu" (kenya) uma soo samayn, waana Federaal, kaas oo uu markaas raaciyey "ma
dhici doonto mar dambe in xamar laga taliyo oo nin jooga Kulbiyow....." Hoos ka
dhegeyso:
Kenya iyo Ethiopia waxay gumaystayaashii reer Yurub ay gacanta u geliyeen
dhul Soomaaliyeed (NFD iyo Soomaali Galbeed), taas oo ay shacab Soomaaliyeed
qarnigan ku hoos nool yihiin gumaysiyadaas oo aysan xor u ahayn in ay ka
tashadaan mustaqbalkooda.
Duullaanka cusub waxay Kenya ku qaaday gudaha Soomaaliya 16-kii October 2011
markaas oo ciidan koodu galeen gudaha Soomaaliya. Waxaana soo shaac baxayey
khilaaf u dhexeeya Itoobiya iyo Kenya oo ku saabsan cidda maamuleysa
Jubbooyinka. Waxayna ahayd October 30-keedii markii Jariidadda EastAfrican ay
qortay in Kenya, Ethiopia
iyo Faransiisku ay ku Muransan yihiin Cidda Loo Dhiibayo Xakunka Kismaayo haddii
la Qabsado Kaddib.
Dowladda Federaalka KMG oo Sheegtey in ay soo Dhaweyneyso Ciidan kasta oo la
Dagaalamaya Al-Shabaab
Wasiirka gaashaandhigga dawladda federaalka Soomaaliya iyo wafddi uu
hoggaaminayo oo dalka dib ugu soo noqday ka gadaal markii uu safaro ku soo kala
bixiyay dalalka Kiinya iyo Itoobiya.
November 21, 2011:
Xuseen Carab Ciise wasiirka gaashaan dhigga xukuumadda ku meel gaarka soomaaliya
ayaa markii dalka ku soo laabtay waxa uu saxaafadda kula hadlay gudaha garoonka
diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka ayaa sheegey inuu ka qayb galay shirar dhowr ah oo looga hadlaya
ammaanka dalka soomaaliya kuwaasoo uu sheegey in ay ka soo qayb galeen dalalka
doonaya waa siduu hadalka u yiriye in ay ciidamo ku soo biiriyaan hawl galka
amisom ee Soomaaliya.
Xuseen carab ayaa sidoo kale sheegey in uu ka qayb galay shirkii madaxweynayasha
Somaliya, Ugandha iyo Kiinya ay wada yeesheen isla markaana uu goob joog ka
ahaa.,Mr Carab ayaa intaa raaciyay in ay soo dhaweynayaan haddii ay yihiin
xukuumaadda Soomaaliya dawlad kasta oo dalka imaanaysa si ay u taageerto
dawladda Soomaaliyeed dooneyseyna in ay qayb ka qaadato dagaalka lagala soo hor
jeedo Xarakada Shabaab.
Wasirka ayaa la weydiiyey sida uu u arko Ciidamada Itoobiya ee soo galey Qaybo
ka mid ah Gobolada Galgaduud iyo Hiiraan wuxuuna sheegey ama uu ku celceliyey in
ay soo dhaweynayaan Ciidan kasta oo la dagaalamay Xarakadda Alshabaab noocey
doonaan ha ahaadeen.
Wasiirka ayaa intaa raaciyay in shuuradda ku xiran imaatinka dawladaha caalamka
in ay tahay in aysan waxba u dhimeyn dalka Soomaaliya gaar ahaan Qaranimadiisa
,Hadalkan wasiirka ayaa imaanaya xilli dhawaan Ururka Midowga afrika uu
ansixiyay in dawladaha Itoobiya iyo Kiinya ay ku biiri karaan hawl galka amisom
oo haatan ay ka joogaan ciidamo dalalka Ugandha iyo Burundii iyadoo dhawaana la
filayo ciidamo kale oo ka yimaada dalalka Jabuuti iyo Siraaliyoon.
Wasiirka gaashaan dhigga ee dawladda ku meel gaarka Soomaaliya ayaa saxafiyiinta
u sheegey in dhamaanba kulamadii laga yeeshey arrimaha soomaaliya ay noqdeen
kuwo meel mar ah isla markaana wadamadii kulamadaas ka soo qayb galay ay ballan
qaadeen in ay taageerayaan xukuumadda ku meel gaarka Soomaaliya.
Si kastaba waxaa maalmahan dambe hadal haynta ugu badan ay tahay ciidamada
Kiinya kuwa Itoobiya iyo kuwo kale oo la sheegayo in ay imaanayaan arrimahaas oo
si aad ah loo hadal hayo in kastoo hadaladan uu wasiirku ka shanqariyay ay u
dhigmaan hadalo ay hore u jeediyeen Shabaab oo ahaa in cid kasta oo Jihaad doon
ah uu u furan yahay dalka soomaaliya soona geli karaan.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Ciidamada AMISOM oo La Soo Gaarsiiyay Diyaarado Dagaal oo Noocoodu uu yahay
Helikoptaro ah
Warar lagu kalsoonaan karo oo laga heley dhinaca Madaxtooyada dawladda
federaalka Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada Amisom ee ku sugan gudaha
magaalada Muqdisho loo keenay illaa afar diyaaradooda oo helicopteris ah. Diyaaradahan helikobtariska ah oo nooca dagaalka ah ayaa la sheegey in markii ay
soo gaareen magaalada Muqdisho in ay sameeyeen hawl galo iyo baaritaano ay ka
fuliyeen goobaha ay ciidamada Amisom kaga sugan yihiin magaalada Muqdisho.
Diyaaradahan dagaalka ee loo keeney ciidamada Amisom ayaa sida la sheegey
dhawaan waxaa lagu arkay iyagoo joog hoose ku duulaya degaano ay Maamulaan
Xarakada Al Shabaab kuwaasoo sida la sheegey loo malaynayay in ay sawiro ka
qaadayeen halkaas . Diyaaradahan ayaa qayb ka noqonaya gaadiidka ay ku hawl galaan ciidamada Amison
oo haatan qorsheynaya in ay isku sii fidiyaan degaanada ka baxsan magaalada
Muqdisho kuwaasoo la sheegey waddooyinka oo xun dartood in diyaaradahan ay qayb
ka qaataan gaarsiinta ciidamada goobaha dagaalada iyo soo qaadida dhaawaca
ciidanka. Dawladda Ugandha ayaa hore u sheegtay in ay gudaha soomaaliya u soo direyso
diyaaradaha helikobtariska ah haddii ay dhaqaale u hesho taasoo sida ay sheegeen
door ka ciyaareysa dagaalka lagula jiro ciidamada xaraka shabaab. Codsiga xukuumadda Ugandha ayaa u muuqanaya mid la aqbalay iyadoo sababtuna ay
tahay in dawladda Ugandha ay durbaba gudaha soomaaliya soo gaarsiiyay
diyaaradahaas dagaalka. Si kasta ha ahaatee ma cadda diyaaradahan qaabka ay ula hawl galayaan ciidamada
amisom iyo kuwa dawladda oo iskaashanaya walow amisom iyo dawladduna aysan ka
hadal diyaaradahan la sheegey in Muqdisho la keenay ,hase yeeshee waxaa xusid
mudan markii Cidamada Itoobiya ay soo galeen Soomaaliya gaar ahaan Magaalada
Muqdisho ayaa waxaa laga soo ridey Diyaarad Dagaal oo Nooceedu yahay Helekopter
ka dib mar dambe ma isticmaalin Ciidamada Itoobiya Diyaarado Dagaal waxayna
dadweynaha ay isweydiinayaan qaabka ay Ciidamada Amisom u isticmaali doonaan
Diyaaradahaas maadaama la haysto Qoryaha lidka Diyaaradaha. W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2011
Nov 18, 2011: Cabdulaahi Cabdi Yirid oo Shirkii
London ku Tilmaamey Shirkii Hagardaamada Soomaaliya.
Nav 18, 2011: Safiirka Kenya ee Qaramada Midoobey
oo Sheegey in Dhalinyaro u Dhalatey Mareykan oo Tiradoodu u dhaxeyso 700- 1000
ay ka Barbar Dagaalamayaan Xarakada Al-Shabaab
Nov 17, 2011: Maxamed Cumar Xabeeb ( Maxamed
Dheere) Oo Soo Dhaweeyay Soo Gelitaanka Ciidamada Kenya ee Soomaaliya
Nov 17, 2011: Isbahaysiga Nabada Soomaaliyed
(SPA) oo ku baaqay in Kenya iyo Al-Shabaaba loo aqoonsdado gumeysi cadow ku ah
Qaranimada dalka
Nov 16, 2011:
Sheikh Shariif oo gaarey Nairobi iyo Shacabka Kenya oo loo sheegay in Sheikh
Shariif taageersan yahay hawlgalkooda Militari ee ay ka wadaan gudaha Soomaaliya
Nov 14, 2011:
Kenya oo Sheegtay in ay Gaartey Boqolkiiba 50% Ujeedadoodii ugu weynayd ee
Hawlgalka Militari, taas oo ah in ay Samayso Aagga loo yaqaan buffer zone
Nov 14, 2011: Prof
Xuseen Warasame “Dowlada Kenya waa ku Fashilantey Duulaankii Soomaaliya ,
Taakulo yar oo ay ka Heshana Israa’iil waxay ku Diri doontaa Muslimiinta”
Nov 13, 2011:
Kenya oo Sheikh Shariif degdeg ugu yeertay Nairobi si uu u caddeeyo in uu
Taageersan yahay Hawlgalkooda Militari ee ay ku galeen Soomaaliya
Nov 11, 2011: Axmed Madoobe oo 10 Kiilo oo Aargoosato ah ku casumay Weriye reer Kenya oo
waraysi ka qaaday
Nov 10, 2011: Maxaa ka soo baxay kulan Dhex marey Madaxweynaha Kenya Kibaki iyo Xubno ka
socdey Soomaalida Waqooyi Bari.
Nov 7, 2011: Guddoomiyaha Gobalka Gedo ee DFKMG Maxamed Cabdi Kaliil "Faarax Macalin
wuxuu Huwan yahay Shaar ONLF ee Wax Azaaniya la yiraahdo ma jirto"
Nov 6, 2011: Ma Dhihi Karaa Dhamaan Dowladaha IGAD waxay Faregelin ku Sameeyeen Soomaaliya
?
Nov 5: 2011: Kalluumaysato reer Kenya ah oo
Militariga Kenya ku laayeen doontii ay ku kalluumaysanayeen
Nov 5: 2011: Qaadka Quba - Ololaha Dhaqaale Kobcinta Soomaalida
Nov 4, 2011: Kenya oo Duqaynaysa Dameeraha ku
sugan Soomaaliya
Nov 3, 2011: Sheikh Shariif oo Sheegay in uu yahay kan ugu Wanaagsan ee hoggaamin kara
Soomaaliya kaddib 2012
Nov 2, 2011: Shariif Xasan iyo C/weli Gaas oo u
dhoofay Xajka xilli Sheikh Shariif uu safar ugu maqan yahay Kampala
Nov 1, 2011: Heshiiskii Kampala Accord oo
Ogolaanaya in Xukuumadda laga keeni karo Mooshin ka dhan ah haddii ay ku xad
gudubto Axdiga FKMG
Oct 31, 2011: C/weli Gaas iyo Odinga oo ku heshiiyey 11 qodob oo ku saabsan Ciidamada
Kenya ee Galay Soomaaliya
Oct 30, 2011: Kenya, Ethiopia iyo Faransiiska oo ku
Muransan Cidda Loo Dhiibayo Xakunka Kismaayo haddii la Qabsado Kaddib
Oct 30, 2011: Diyaarado Dagaal oo Duqeeyey Xero Qaxooti oo ku taal Magaalada Jilib
Oct 30, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Gaarey Nairobi, xilli Sheikh Shariif weli
ku adkaysanayo ka soo horjeedka Ciidamada Kenya ee soo galay Soomaaliya
Oct 29, 2011: Mooshin ka Dhan ah Ra'iisul Wasaaraha
DFKMG C/wali Gaas iyo Kenya oo loo Gudbiyey
Golaha Baarlamaanka.
Oct 28, 2011: Kenya oo Sheegatay in ay Qabsadeen
Magaalada Buurgaabo iyo Sheikh Shariif oo aan ka hadlin Sheegashada Kenya
Oct 27, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo ku
celiyey Hadal ka soo horjeeda kii Madaxweynaha DFKM ku diidanaa Ciidamada Kenya
Oct 26, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Markii ugu horeysey qiray,
soona dhaweeyey in
Ciidamo Kenya galeen Soomaaliya, Arrintaas oo khilaafsan hadalkii Sheikh Shariif
ku diidanaa Ciidamada soo galay Soomaaliya
Oct 25, 2011: Warbixin Dheer oo ku Saabsan Waxa Waqtigaan Keeney in Mugdi soo kala Dhexgalo
Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo Sida loo arko Hadalkii Shiikh Sharif
Oct 24, 2011: Kenya oo Sheegtay in ay DFKMG ka
haysatey Qoraal u Ogolaanayey in Ciidamada Kenya galaan Gudaha Soomaaliya...
Oct 24, 2011: Madaxweynaha DFKMG oo ka soo horjeestey
Faragelinta Kenya ee Gudaha Soomaaliya
Oct
24, 2011: Diyaarado Duqeeyey Kismaayo iyo Buur Gaabo iyo
Maraakiib Dagaalka Faransiiska oo duqaysay magaalada Muday....
Oct 23, 2011: Sida loo arkey Soo Gelitaankii
Ciidamada Meleteriga Kenya Qaybo ka mid ah Dhulka Soomaaliya
Oct 22, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Sheegay in
uusan ka warqabin Ciidan Kenya oo soo galay gudaha Soomaaliya
October 21, 2011: Ra'iisul Wasaaraha Kenya oo
Sheegay in Ciidamada Kenya Qabsadeen Raas Kambooni
Oct 20, 2011: Kenya oo Adeegsaneysa Erayadii Zenawi Adeegsadey markii Ciidamadiisu
Weerareen Soomaaliya - Weerarka oo xilligaas ku wajahnaa kooxdii Sheikh Shariif
Axmed....
Oct 19, 2011: Xisbiyada Mucaaradka Wadanka Kenya oo Dowladda Kenya uga Digey Faragelinta
Milatari ay ku sameeyeen Soomaaliya
Oct 19, 2011: Dawladda Kenya Shacabkeeda u Xaqiijisay in
Ciidankeedu 120 km Gudaha u Dhaafeen NFD, Kuna Muujisay Video...
Oct 18, 2011: Wasiirada Arimaha Dibadda iyo Gaashaandhiga ee Kenya oo Muqdisho kulamo kula
qaatey Masuuliyiinta ugu sareysa Dowladda FKMG
Oct 18, 2011: Ciidamada Kenya oo Maalintii Saddexaad ku jira Gudaha Soomaaliya iyo DFKMG
oo Beenisey arrintaas
Video /
Video
|