CAWAAQIB XUMIDA UU LA KULMAYO QOFKII CAAYA RASUULKA (SCW)
SomaliTalk.com Editorial Board | December 31, 2002
Waxaa na
soo kedinayay maalmihii ugu danbeeyay dad ku abtirsanaya
inay yihiin soomaali oo si dhiiranaan aan dheelitirsanayn
ugu kacaya falal-denbiyeed aad ugu weyn miisaanka culus ee
diinta islaamka. Dadkaasi, waxay si ula kac leh wax uga
sheegayaan diinta muqaddaska ah ee islaamka, iyagoo aad
mooddo inay xanbaarsan yihiin ama lagu soo qanciyay fikrado
baadiyaysan oo loo hal-abuuray la dagaallanka islaamka iyo
muslimiinta-ba.
Haddaba,
bishan aan ku jirno 26-keedii ayaa waxaa bogga furan ee
loogu tala galay fikradaha akhristayaasha shabakadda
somalitalk.com lagu arkay qoraal ka yimid nin soomaaliyeed,
kaasoo si bareero leh qoraalkiisa ku soo bandhigay
af-lagaaddooyin iyo caay aan ehel u ahayn Suubbanaha
Rasuulka (scw). Ninkaan oo dhab ahaantii qoraalkiisa sida ku
cad si weyn jaahil uga ah shakhsiyadda weyn ee Rasuulka (scw)
iyo guud ahaan aqoonta diinta islaamka ayaa ku andacooday
inuu Rasuulka (scw) u yahay ummadda mid baadiyeenaya,
wuxuuna isagoo soomaalida uga digaya raacista Rasuulka (scw)
yiri hadal uu cinwaan uga dhigay qoraalkiisa oo uu yiri "soomaaliyeey
waxaan ka xumahay in Moxamad idin baadiyeeyay", isagoo isla
mar ahaantaasna aan qoraalkiisa aan ku xusin sida iyo qaabka
uu u baadiyeeyay.
Iyagoo
mahadsan ayeey aqristayaasha sharafta leh naga codsadeen
haddaan nahay bahda somalitalk inaan jawaab celin ka bixinno
qoraalkaan sida weyn meel ku dhaca ugu ah diinta islaamka,
innagoo isla markaasna dhinaceena caddaynayna cawaaqib
xumida ka imaan karta Rasuulka (scw) oo la aflagaaddeeyo ama
meel looga dhaco iyo guud ahaan diinta islaamka.
Eebbe (sw)
ayaa weyneeyay maqaamka Rasuulka (scw)
Waxaan
shaki ku jirin inuu Eebbe (sw) sarraysiiyay maqaamka iyo
fadliga Suubbanaha Rasuulka (scw), isagoo ka faddilay
dhammaan makhluuqaadka ku nool koonkan aynu ku noolnahay iyo
addoomada suubban (malaa'igta oo kale) ee iyaga ku nool
samada. Eebbe (sw) isagoo noo sheegaya siduu u maamuusay
Rasuulkiisa Muxammad (scw) wuxuu yiri "waxaa mahad iska leh
Allihii qur'aanka ku soo dejiyay adoonkiisa (Muxammad) oo
aan qur'aanka ka yeelin mid qaloocan" suuradda al-kahf
aayadda 1-aad. Wuxuu misna Eebbe (sw) yiri isagoo weli
tilmaamaya sidii uu u maamuusay Rasuulkiisa Muxammad (scw)
ayaa wuxuu yiri "waxaa kheyr batay Allaha qur'aanka ku soo
dejiyay addoonkiisa (Muxammad) si uu (markaasi) u ahaado mid
u digaya dunida" Suuradda Al-furqaan aayadda 1-aad.
Dhinaca
kale, wuxuu Eebbe (sw) noo tilmaamayaa inuu Rasuulka (scw)
yahay mid naga saaraya baadida iyo mugdiyada shirkiyaadka,
isagoo noo saaraya iftiinka iyo hanuunka islaamka, wuxuuna
yiri Eebbe (sw) "Eebbe (sw) waa kan addoonkiisa ku soo
dejiyay aayado cad-cad si uu idiinkaga saaro mugdiyada,
idiina saaro iftiinka, Eebba-na (sw) waa kan idiin
naxariista" Suuradda Al-xadiid aayadda 9. Wuxuu Eebbe (sw)
nagu addoonsaday inaan qaadanno amarrada uu na farayo
Rasuulka (sw), isagoo cadaab daranna nooga digay haddaan
qaadan weyno wadiiqadiisaas toosan, wuxuuna yiri "wixii uu
Rasuulka (scw) idiinla yimaado qaata, wixii uu idinka
reebana ka reebtoonaada, Eebbe (sw) ka cabsada, Eebbe (sw)
waa mid ay ciqaabtiisu daran tahay" Suuradda Al-xashr
aayadda 7.
Sidoo kale,
wuxuu Eebbe (sw) nagu adkeeyay inaan ka shidaal qaadanno
hanuunka Rasuulka (scw) oo aan isaga ku dayano, wuxuuna
Eebbe (sw) yiri "waxaa idiinkaga sugan Rasuulka (scw) ku
dayasho wanaagsan waana kuwa rajeynaya Eebbe iyo maalinta
aakhiro oo in badan Eebbe (sw) xusaya" Suuradda Al-axzaab
aayadda 12.
Guud ahaan
mu'miniinta waxaa la faray inay si weyn u qaddariyaan una
ixtiraamaan Rasuulka (scw), wuxuuna isagoo Eebbe (sw) ka
hadlaya arrintaan yiri "kuwa xaqa rumeeyayow codkiina ha ka
kor yeelina codka Rasuulka (scw), hana ula jahrina hadalka
si aan camalkiina u burin idinkoon ogeyn" Suuradda Al-xujuraat
aayadda 2aad.
Gooddi
haysta qofkii dhibaato u geysta Rasuulka
Maadaama
aan soo oggaanay sidii weynayd ee uu Eebbe (sw) u maamuusay
una karaameeyay xabiibkiisa Suubbanaha Rasuulka (scw), ayuu
misna ugu jeedinayaa gooddi daran ciddii iyaga ku tala gala
dhibaataynta Rasuulka (scw) oo ay ka koow-ga tahay cayda iyo
af-lagaaddada Rasuulka (scw). Wuxuu Eebbe (sw) aayad ku
jirta suuradda Al-towbah ku soo gabagabeenayaa hadalkan "kuwa
dhibaatada u geysanaya Rasuulka (scw) waxay mudan cadaab
daran". Inkastoo ay jiraan gooddiyadaas, haddana wuxuu
qur'aanka noo sheegay inay weligood jireen dad iyaga cadoow
u ahaa anbiyadii Alle (sw) sida ku cad aayaddan "saasaan ugu
yeelnay Nebi kasta cadoow dembiilayaal ah, Eebbe (sw) ayaa
ku filan hanuuniye iyo gargaare" aayadda 31 ee suuradda Al-furqaan.
Xukunka
qofkii caaya Rasuulka (scw)
Aflagaaddada iyo cayda Rasuulka (scw) waa jariimooyinka ugu
waaweyn ee la galo. Ibnu Taymiyah wuxuu kitaakbiisa Assaarim
Al-masluul ku leeyahay juska 3-aad bogga 983 hadalkan
macnihiisu yahay "muujinta aflagaaddada iyo cayda Rasuulka (scw)
ayaa ah mid si weyn u dhaawacaysa una dhibaataynaysa guud
ahaan muslimiinta". Dhammaan imaamyada iyo fuquhada islaamka
waxay qabaan in cayda iyo aflagaaddada ama iyadoo meel looga
dhaco sharafta Rasuulka (scw) ay ka rattibmayso kufri cad,
waana sida uu qabo imaamu Shaafici iyo dhammaan fuquhada
kale. Imaamu Abii Xaniifa Allaha u naxariistee wuxuu ku
sheegay qofkii meel uga dhaca Rasuulka (scw) amaba beeniya
inuu yahay murtad (diinta ka baxay), sidaas si la mid ah
ayeey qabaan asxaabta imaamu shaacifici oo iyagu leh "qof
alla qofkii ugula dhaqaaqa Rasuulka (scw) wax uu ku liidayo
sida aflagaaddo iyo cayda qayaxan, Nebiga (scw) oo la
ihaaneesto waa kufri ama gaalnimo..."
Ciqaabta
Rabbaaniga ah ee ka dhalanaysa aflagaaddada Rasuulka (scw)
Waa hubaal
inuu la kulmayo ciqaab rabbaani ah qofkii aflagaaddeeya ama
caaya Rasuulka (scw), ciqaabtaasi ha noqoto mid ku timaadda
isagoo saaran dunida ama ha ku timaaddo maalinta aakhiro.
Imaamka weyn ee Bukhaari ayaa ku soo arooriyay kitaabkiisa
saxiixa ah xaddiis uu werinayo Cabdicasiis Binu Suhayb uuna
isna ka sii werinayo saxaabiga jaliilka ah ee Anas Binu
Maalik isagoo leh hadalkan macnihiisu yahay "waxaa jiray nin
kirishtaan ah oo soo islaamay, wuxuu bartay qur'aanka sida
suuradda al-baqara iyo aala-cimraan, wuxuuna noqday markii
danbe qoraagii Rasuulka (scw). Goor danbe wuxuu ku noqday
gaalnimadiisii, wuxuuna dadka ku oran jiray Muxammad waxna
ma yaqaano aan ka ahayn wixii aan anniga u qoray. Ilaah (sw)
ayaa maalintii danbe ninkii oofsaday. Dadkiisii ayaa aasay.
Markii la gaaray maalintii danbe ayaa la arkay ninkii meydka
ahaa oo ay dhulkii soo tuftay oo yaala meel dibad ah,
markaasay yiraahdeen waxaa qabriga ka soo saaray Muxammad
iyo asxaabtiisa. Meydkii ayeey qaadeen, waxay u qodeen god
kale oo si fiican loo qoday, sidii ayeey markalena ku aaseen.
Hase ahaatee, maalintii kale ayeey arkeen isagoo dibadda
yaalla, markaasay xaqiiqsadeen inay dhulka soo tuftay oo
ayna rabin inay qaaddo ninkaas, sidii ayeeyna isaga
fogeeyeen meydkoodii.
Isla
xaddiis la macno dhow xaddiiska kore ayuu ku werinayaa Imaam
Muslim saxiixiisa, isagoo uu ka werinaya isla saxaabigii aan
xusnay ee Anas Binu Maalik isagoo leh hadalkan macnihiisu
ahaa "waxaa naga mid ahaa nin najjaar ahaa oo aqristay (bartay)
suuradaha al-baqara iyo aala-cimraan. Wuxuu ahaa qoraagii
Rasuulka (scw) ee (waxyiga). Isagoo baxsad ah ayuu u cararay
xaggii ahlu-kitaabka (nasaarada iyo yahuudda). Markii ay
oggaadeen inuu ahaa qoraagii Rasuulka (scw) ee waxyiga ayeey
u yimaadeen iyagoo jeclaystay siduu gacantooda ugu soo galay.
Ma sii joogin jeer maalintii danbe uu Alle (sw) ka dilo.
Waxay dooneen inay aasaan, markaasay u qodeen godkii ay ku
aasi lahaayeen, hase ahaatee dhulkii ayaa soo tufay oo ku
soo tuuray wejiyadoodii, dabadeedna way isaga tageen kadib
markii ay ka quusteen aasitaankiisa, waxayna ku danbeysay
cirabtiisa ciqaabtaas foosha xun oo tilmaan cad u ah been-abuurkii
uu ku been abuurtay Rasuulka (scw).
Haa, sidaas
ayeey ku danbeesay abaalmarinta uu ka dhaxlay
fal-denbiyeedkiisa. Wuxuu Eebbe (sw) ku fadeexeeyay dadkoo
dhan, inuu ka soo saaray qabrigii ay is yiraahdeen ku astura
oo ku aasa. Maadaama uu is yiri ku been abuuro oo uu
dhibaateeyay Rasuulka (scw) ayuu Eebbe (sw) u aaray
addoonkiisa sharafta badan ee Rasuulka (scw). Haddaba, ugu
danbeyntii waxaan ugu nasteexeenaynaa dadka la qalday ee
aflagaadda qayaxan u geesanaya Rasuulka (scw) iyo diinta
islaamka inay ka waantoobaan, ogaadaanna inuu Eebbe (sw)
yahay mid xafidaya oo ilaalinaya diintiisa toosan iyo
sunnada xabiibkiisa Rasuulka Muxammad (scw).
SomaliTalk.com Editorial Board
Africa/Australia/Canada/USA/Yurub
Lasoo
xiriir:
www.somalitalk.com/feedback
2002-12- 31
| 2003-01-01
FAAFIN:
SOMALITALK.COM
Baro Siiradii Rasuulka (scw)...
www.Somalitalk.com/siiro
Baro Saxaabadii Rasuulka.......
www.Somalitalk.com/saxaabada
|