QISADII BAXIIRA
Markuu Rasuulka SCW 12 sano jirey ayaa adeerkiis
Abii-dhaalib iyo rag kale oo qureysh ka mid ah ay safar ugu
kicitimeen dhinaca Shaam, wuxuu markaa Rasuulku scw ka
codsadey adeerkiis inuu raaco, adeerkiisna waa uu ka yeelay.
Dabadeed markuu safarkii baxay waxaa uu sii maray meel la
yiraahdo Busra oo ay safarrada qureysheed ee Shaam u socda
sii mari jireen uuna degganaa nin raahib (suufi) ahaa oo
Baxiira la oran jiray heystayna diinta masiixiga, cilmina u
lahaa waxyaalihii uu ilaahay ku sheegay Tawreet iyo Injiil.
Ninkaas raahibka ah safarrada qureysheed waa ag mari
jireen danna kama geli jirin; laakiin maanta waxaa uu arkay
calaamooyin ku saabsan wiilkan yar oo safarka la socda,
calaamooyinkaas oo kutubtii hore lagu sheegay, markaas
ayuu ninkii martiqaad u sameeyey safarkii oo dhan. Waa ay la
yaabeen waxayna yiraahdeen "weligayo waannu ku ag mari
jirney martiqaadna nooma aadan samyn jirin ee maanta maxaa
jira?", wuxuu ku yiri waa sax laakiin marti baad tihiine
imaada. Markii ay u yimaadeen wuxuu yiri "Ma cid baad ka soo
tagteen?", waxay ku jawaabeen yar ayaannu rarkii uga soo
tagnay. Baxiira ujeeddadiisu waxay ay ahayd wiilka yar
markaasu ku yiri "u yeera gabanka".
Markii la qadeeyey ayuu Baxiira su'aal weyddiiyey
Abii-dhaalib oo uu ku yiri "wiilkan mxaad u tahay"? wuxuuna
ugu jawaabey "Aabbe ayaan u ahay". Baxiira waxa uu yiri "suurogal
maaha in wiilkan aabbihiis nool yahay ee maxaad u tahay?".
Abii-dhaalib waxaa uu yiri "Adeer baan u ahay", intaa ka dib
Baxiira wiilkii ayuu gees ula baxay wuxuuna weyddiiyey
su'aalo, ugu dambeyntiina wuxuu ka arkay khaatumkii
nebinimda oo nabiga scw garbihiisa dhexdooda ku yaalley.
Baxiira wuxuu ku yiri Abii-dhaalib "wiilkani arrin weyn ayuu
yeelan doonaa, waxa aan anigu ka fahmeyna haddey nimanka
yahuudda ihi ka fahmaan waa ay dilayaan ee ku celi
magaaladiisii kana ilaali yahuudda", Abii-dhaalib markii uu
alaabtiisii soo gateyba si degdeg ah ayuu ugu soo rogmaday
Makka. Markaas ka dib waxaa uu Rasuulku SCW Makka ka baxay
hal mar oo kale illaa hijrada laga gaarey. Rasuulka SCW
markuu soo barbaaray waxa uu bilaabey inuu buuraha Makka
ariga ku ilaaliyo.