DAGAALKII UXUD
[Qaybta 1aad]
| Qaybta
1aad | Qaybta 2aad |
Qaybta 3aad |
Qaybta 4aad | Qaybta
5aadKa dib
markii uu dhacay dagaalkii Badar, oo
ay qureysh u soo hoyatay guul darro iyo jab, lana laayey
odeyaashoodii, ayey waxa ay galeen tabaabushe ay u
tabaabusheysanayaan sidii ay Nabiga SCW iyo asxaabtiisa uga
aarsan lahaayeen. Sidaa darteed waxa ay is amreen in aan loo
ooyin dadkii Badar lagu laayey, laguna degdegin furashada
dadkii lagu qafaashay Badar. Dadkii ugu xamaasad iyo shaqo
badnaa in muslimiinta lala dagaallamo waxaa ka mid ahaa Abuu
Sufyaan binu Xarbi, Cikrama binu Abii Jaha, Safwaan binu
Umaya, Cabdullaahi ibnu abii Rabbiica. Waxay raggaani soo
jeediyeen fikrad ay leeyihiin maalkii saarnaa safarkii Abuu
Sufyaan waday oo ka koobnaa 1000 ka rati sababtana u ahaa
dagaalkii Badar dadkii iska lahaa waa in aan la hadalnaa.
Markii ay dadkii u yimaadeen waxa ay ku dheheen "qureysheey
Maxammed waa idin dabar gooyey, akhyaartiinniina wuu laayey,
marka maalkan noogu kaalmeeya sidii aan kula dagaallami
lahayn, waxaa la arkaa in aan ka aar gudannee". Maalkaas oo
qiimihiisa lagu qiyasay 50,000 oo Diinaar dadkii iska lahaa
way oggolaadeen, wayna u riyaaqeen fikraddaas, maxaa yeelay
waxaa quluubtoodii buuxiyey ciil iyo caro ay u hayaan Nabi
Maxammed SCW. Sidoo waxay hoggaamiyayaashaas qureysh
bilaabeen in ay ka ururiyaan dhaqaale cid kasta oo jecel in
ay ka qayb qaadato dagaalka lala gelayo muslimiinta, oo u
dhashay qabiillada Kinaana, iyo Tuhaama. Allaah SW isagoo
ficilkooda tilmaamaya wuxuu qur'aankiisa ku yiri:
((KUWA
GAALOOBAY WAXAY BIXINAYAAN MAALKOODA SI AY (DADKA) UGA
JEEDIYAAN JIDKA ALLE, WAY BIXIN DOONAAN (MAALKA) KA DIB
WAXAY KU NOQON DOONTAA SHALLAYTO WAANA LAGA QAALIB NOQON
DOONAA, KUWA GAALOOBAY WAXAA LOO KULMIN XAGGA JAHANNAMO)), (Suuratul-Anfaal
36).
Hoggaamiyayaashaa qureysheed waxa ay aad xoogga u saareen
ururintii maalka iyo dhiirri gelinta dadkii qureysheed iyo
qabiilladi kale ee xulufada la ahaa iyagoo adeegsanaya
raggoodii gabayaaga ahaa sida ninkii la oran jirey Abaa Cisa,
oo ku jirey dadkii la qafaashay dagaalkii Badar, ka dibna
Rasuuku SCW iska cafiyey markuu u dan sheegtay, kulana
ballamay in uusan dib dambe islamka uga hor imaanayn,
laakiin ballaantii wuu ka baxay. Sababta uu Abaa Cisa
ballanta uga baxay waxa ay ahayd waxaa kadiyey Safwaan binu
Umaya oo ku yiri "waxaan kaa ballan qaaday, haddii aad
dagaalka nabad uga soo labato, in aan qani kaa dhigo, haddii
aad ku dhimatana aan gabdhahaaga kafaalo qaado". Sidaa
awgeed ninkii Abaa Cisa ahaa gabaygiisii ayuu qabiillada
kala dhex istaagay isaga oo ku boorrinaya la dagaallanka
Nabiga SCW iyo asxaabtisa. Sidoo kale waxaa ka mid ahaa
Musaafe binu Cabdimunaaf Al-jumxi.
Dadkii reer
Makka waxay ku jireen diyaargarowgaas iyo hub urursi laga
soo bilaabo bishii Ramadaan oo dagaalkii Badar dhacay iilaa
laga gaaray Bishii Shawaal ee sannadkii xigay oo dagaalka
Uxud dhacay. Waxaa isna cadaawaddii Qureys sii siyaadiyey oo
ka caraysiiyey khasaarihii ka soo gaaray safarkii Safwaan,
taas oo ku noqotay murugo kale. Ka dib markii la gaaray
bishii Shawaal ee sannadkii 3aad ee hijriga oo hal sano laga
joogo dagaalkii Badar ayaa waxaa u dhammaaday
diyaargarowgoodii dagaalka. Sida darteed waxaa Makka ka soo
baxay ciidan gaaraya 3,000 oo nin oo isugu jirey qureysh iyo
xulafadooda, waxayna soo kexeysteen 15 dumar ah oo ay ugu
talo galeen in ay ciidanka guubaabiyaan oo dhiirri geliyaan
si aan ciidanku u baqan oo uu aad ugu dagaallamo.
Hoggamiyaha
guud ee ciidanku wuxuu ahaa Abuu Sufyaan binu Xarbi,
ciidanka fardooleydana waxaa madax u ahaa Khaalid ibnu
Waliid, waxaana kaaliye u ahaa Cikrama ibnu Abii Jahal.
Calanka ciidanka waxaa waday waday jilibka reer banii
Cabdi-daar, gaadiidkii ay wateen wuxuu ahaa 3,000 oo rati
iyo 200 oo faras, dhinaca gaashaanka iyo qalabka difaaca
waxa ay wateen 700 oo canbuur bireed. Waxay ka soo
ambabexeen Makka oo soo aadeen dhinicii Madiina iyagoo
duullaan ah.
Dhinicii
muslimiinta Cabbaas binu Cabdimudhalib, oo joogey Makka, had
iyo jeerna akhbaarta cadawga u soo gudbin jirey Rasuulka SCW
ayaa warqad degdeg ah oo uu ku qoran yahay dhammaan warkooda
oo dhan u soo direy. Ninkii warqadda loo soo dhiibey aad
ayuu u dheereeyey, wuxuuna ku gooyey masaafada u dhexeysa
Makka iyo Madiina oo ah 500 KM, saddex maalmod. Wuxuuna u
tegey Rasuulka SCW oo joooga Masaajidka Quba, oo warqaddii
ugu geeyey. Waxaa warqaddii Rasuulka SCW u akhriyey Ubay
ibnu Kacab, markii uu dhammeeyeyna wuxuu Rasuulku SCW amray
in uu qariyo waxa ku yaalla warqadda. Ka dibna Rasuulku SCW
si degdeg ah ayuu tegey Madiina, wuxuuna la tashaday
odeyaashii Muhaajiriin iyo Ansaar. Magaaladii Madiinana
waxaa laga qabtay waardiye, maxaa yeelay cadowgii jidka ayuu
ku soo jiray, halisna waxay u tahay in ay kedis ku soo
galaan, Rasuulkana SCW si gaar ah ayaa waardiye looga qabtay.
Waxaana waardiyaha ka hayey qar ka mid ah odeyaashii Ansaar
oo kala ahaa Sacad binu Mucaad, Sacad binu Cubaada iyo Useyd
binu Xudeyr. Ciidankii muslimiintuna wuxuu bilaabay war doon
iyo in uu maalin walba la socdo meesha uu cadowgii soo
marayo.
Ciidanka
gaalada wuxuu ka soo baxay Makka, dabadeed markuu marayo
meesha la yiraahdo Abwaa, oo Rasuulka SCW hooyadiis
qabrigeedu ku yaalley, ayaa islaanta la oran jirey Hinda
binu Cutba oo Abii Sufyaan qabay, aabbeheed, walaalkeed iyo
adeerkeedna lagu diley Badar, waxa ay soo jeedisey in la
faago qabriga Rasuulka SCW hooyadiis hase yeeshee madaxdii
ciidanku waa diideen fikradaas, waxayna ka baqeen cirib
xummada dambe oo ay reebayso. Ka dib socodkoodii ayey sii
socdeen, markii ay marayaan togga la yiraahdo Caqiiqo ayay u
leexdeed dhinaca midig, dabadeedna way sii socdeen ilaa ay
ka degeen meel u dhow buurta Uxud oo la yiraahdo Cayneyn.
Maalinkaas wuxuu ahaa maalin Jimca ah, 6dii bishii Shawaal,
sannadkii 3aad ee hijriga.
Muslimiintu
hadba sidii ay ula socdeen wararka cadowga iyo hadba meesha
uu soo marayo ayaa ugu dambayntii loo soo gudbiyey in uu soo
degey buurta Uxud gadaasheeda, markaas ayaa Rasuulku SCW
wuxuu qabtay kulan guud oo uu la tashanayo asxaabtiisa,
wuxuuna u sheegay riyo uu arkay oo wuxuu yiri "Ilaah baan ku
dhaartaye waxaan arkay kheyr oo ah; waxaan arkay lo' la
gowracayo, seefteyda oo dhinac ka jabtay iyo aniga oo
gacantayda geliyey canbuur bireed adag. Waxaana ku fasirayay
lo'da, qayb asxaabtayda ka mid ah oo la layan doono,
seeftayda dhinaca ka jabtayna waxa aan ku fasiray nin
Ehlu-beytkayga ka mid ah oo la dili doono, canbuur
bireedkana waxa aan ku fasiray Madiina".
Dabadeed
waxa uu Rasuulku SCW asxaabta u soo bandhigay ra'yigii uu
arkayey oo ahaa in aan Madiina laga bixin oo difaac la galo
si cadawga haddii uu magaalada soo weeraro si xun loogu
hoojiyo. Waxaa markaa Rasuulka SCW ra'yigiisaa ku raacay
qaar ka mid ahaa odeyaashii asxaabta oo u arkay in uu
ra'yigaani sax yahay. Sidoo kale waxaa ku raacay munaafiqii
weynaa Cabdullaahi binu Ubay oo aan saxnimo ugu raacin ee
ugu raacay baqdin uu cadowga ka baqayo iyo in uu ka fogaado
dagaal.
Waxaa
ra'yigii Rasuulka SCW mid ka duwan qaatay koox ka mid ah
asxaabta oo aan ka qayb gelin dagaalkii Badar, aadna ugu
xamasadaysnaa in dagaal kale cadowga lala galo iyo in badan
oo dagaalkii Badar ka qayb gashay laakiin diiddanaa in
cadawga magaalada lagu sugo, waxayna Rasuulka SCW u soo
jeediyeen in la baxo oo cadowga meeshiisa loogu tago, aad
ayeyna Rasuulka SCW ugu celceliyeen ra'yigaadaas ilaa mid ka
mid ihi yiri "maalinkaan war rajaynaynay, Allaah baanuna u
baryaynay, waana noo yimid oo waa soo dhowaaday ee u bax
cadowgayaga yaysan noo arkin in aan ka baqnaye". Sidoo kale
raggii aadka ugu adadkaa ra'yigan waxaa ka mid ahaa Nabiga
SCW adeerkiis Xamsa binu Cabdimudhalib. [akhri
qaybta labaad] |