Sidaan soo sheegnayba dhibkey qureysh ku heysey dadkii
rumeeeyey Rasuulka scw ee qaatey caqiidada islaamka ayaa
marba marka ka dambeysa aad u sii siyaadayeey ilaa la
gaarsiiyey asxaabtii Rasuulka scw heer aad u adag oo ay
xammili kari waayeen iney ku noolaadaan magaaladii Makka oo
ay ku dhasheen tolkoodna degganaa, iyadoo waxa lagula
dagaallamayaana ay ahayd caqidadaas islaamka oo ay qaateen
iyo iyagoo ka baxay wixii qabiilkoodu ku dhex jiray ee
shirkiga iyo caadooyinka foosha xun ahaa Xaaladdu markay
halkaa marayso ayaa Allaah subxaanahu watacaalaa sheegay
muslimiintii in uu dhulka Alle waasic yahay.
Rasuulku scw markuu arkay heerka adag ee asxaabtiisu
marayso iyo dhibaatooyinka daran ee soo gaaraya dadkii
islaamka qaadanayey siiba kuwoodii masaakiinta ahaa ayuu u
sheegay iney u hijroodaan dhulka xabashida oo uu ka
talinayey boqor caaddil ah si fiicanna u heystey diintii
Nabi ciise magaciisana la oran jirey Najaashi. Sidaa darteed
ayaa waxaa baxay bishii Rajab ee sannadkii ee sannadkii
shanaad kooxdii ugu horreysey oo u hijroota xabashida.
Kooxdaas oo ka koobnayd 12 rag ah iyo 4 dumar ah waxaa
hoggaaminayey Cismaan binu Caffaan oo ay la socotey
xaaskiisii Ruqiya oo ahayd gabadhii Rasuulka. Wuxuuna
Rasuulku scw yiri isagoo ka hadlaya labadooda "waa
ehelu-beytkii u horreeyey ee u hijrooda jida Alle intii ka
dambeysey Nabi Ibraahiim iyo Nabi Luud". Waxay kooxdaasi ku
baxday si qarsoodi ah iyagoo baxaya habeennimo maxaa yeelay
si caddaan ah uma bixi karin, gaaladii qureysheed markay
ogaadeen in kooxdaasi baxday waxay ka daba direen ciidan si
loo soo qabto, maxaa yeelay baadilku waqti kasta oo u joogo
iyo meel kasta oo u joogo waa isku af, raallina ugama ahan
xaqa inuuu ku fulo gudaha dibeddaba.
Nasiib wanaag kooxdii muslimiinta ahayd waxay isla
markiiba tageen baddii Ilaahna wuxuu uga sahlay doonyo ijaar
ah oo meesha marayey, waxayna tageen dhulka Xabashida iyagoo
Nabad qaba. Ciidankii gaaladu soo dirtey waxay tageen baddii
oo cidla ah dabadeedna waxay ku soo laabteen Makka, xaaladdu
markay halkaas marayso laba bilood ka dib, bishii Ramadaan
ee isla sannadkii shanaad ee soo diriddii Rasuulka scw, ayaa
maalin Rasuulka scw uu ugu yimid madaxdii qureysheed oo
kacbada gabren, markaasuu sidii caadadiisa ahaan jirteyba
inuusan xaqa cidna uga cabsoon cid walbana gaarsiiyo diinta
Alle ha yeesho ama ha diiddee, ayuu odeyaashii ku dul
akhriyey suuratu al-najmi oo ah suurad aad cajiib u ah.
Odeyaashii meesha joogay markay maqleen suuraddaas waa is
hanan kari waayeen markaasay si fiican u dhegaysteen uguna
khushuuceen, maxaa yeelay in badan fursad ma siin iney
qur'aanka dhegaysteen oo waxay iska ilaalin jireen iney
maqlaan wayna ku buuqi jireen, laakiin maanta ilaahay ma
haleeshiin iney ku buuqaan. Rasuulku scw markuu dhammeeyey
akhriskii suuraddaas ayuu sujuuday sida mashruuca ah in la
sujuudo marka suuraddaa la dhammeeyo.
Odeyaashii qureysh ee dhageysanayey iyagoon is ogeyn ayey
hal mar sujuud la wada daateen dhammaantood, markay
sujuuddii ka soo kaceen ayey is haaraameen waliba kuwii
meesha ka maqnaa ayaa canaantay kuwii dhagaystey oo sujuudey
kuna yiri: "ma maantaad qur'aankiisii iyo ilaahiis u
sujuuddeen!?". Odeyaashii waxay isla markiiba degsadeen
jawaab been ah si ay isu difgaacaan waxayna yiraahdeen: "ilaahyadayaduu
ammaanay oo markuu marayey Laata, Cussa iyo Manaat ayuu yiri
"kuwaasu waa asnaamtii sarreysey, shafeecadoodana la
rajaynayey", sidaa darteed ayaannu u sujuudney". Waxaa kale
oo culimada qaarkood yiraahdaan hadalka ay sheegayaan
shayaaddiintoodii ayaa dhegahooda ku akhrisey, markaasey
sujuudeen.
Markii qisadaani dhacday ayaa kooxdii muslimiinta ahayd
ee dhulka Xabashida u hijrootey waxaa la gaarsiiyey warkii
oo la bddelay oo waxaa lagu yiri: "odeyaashii qureysheed waa
islaameen" markaasay si halhaleel ah uga soo laabteen
dhulkii Xabashida maxaa yeelay awalba waxaa geeyey dhul
aysan garaneyn dadkiisa iyo dhaqankiisa carar ay diintooda
la cararayeen. Muddo markay soo socdeen oo ay soo gaareen
duleedka Makka ayey ogaadeen xaqiiqdii iyo in warkii sidii
loogu sheegay uusan ahayn cadaadiskii iyo dulmigii Makka
yaalleyna uu sidii hore kaba daran yahay, markaasaa talo ku
caddaatey waxayna ka tashadeen waxay samayn lahaayeen. Ugu
dambeyntii waxay u kala qeybsameen saddex qeybood: Qeyb ku
noqotay dhulkii Xabashida, qeyb dhuumasho ku soo gashay
Makka iyo qeyb magangelyo weyddiisatey qaar ka mid ah
odeyaashii qureysh. Qureysh markay arkeen in dadkii shalay
fakaday ay soo laabteen ayay kordhiyeen dhibkii iyo
cadaadiski ay muslimiinta ku hayeen waxayna soo saareen
go'aanno cusub oo ah: in qabiil walba uu wiilkooda ama
gabadhooda ku filnaado oo ciqaabo cadaasna saaro.
Kooxdaan dhowr iyo tobanka ahayd ee xabasha u hjrootay
waxaa ka mid ahaa Abuu Bakar siddiiq hase yeeshee markay sii
marayeen Barkul Qimaad ayaa waxaa la kulmay nin la oran
jiray ibnu Daqinna oo oday u ahaa reer Qaara markaasuu Abuu
Bakar ku yiri: "xaggee u socotaa, Abuu Bakar ayaa markaa ku
yiri: tolkay ayaa isoo bixiyey waxaana doonayaa in aan
dhulka ku socdo oo (tago meel aan) Rabbigay ku caabudo. Ibnu
Daqinna ayaa hadlay oo yiri: "adigoo kale ma baxo lamana
bixiyo ee laabo oo baladkaaga Rabbigaa ku caabud anigaa ku
meggan geliyeye, markaasuu Abuu Bakar Ibnu Daqinna la soo
noqday, Ibnu Daqinnana ogeysiis ayuu bixiyey inuu Abuu Bakar
meggan geliyey. Qureyshna wa ay ka aqbashay (laakiin waxay
Abuu Bakar u ogalaadeen) in uu gurigiisa dhexdiisa ku
caabudo Rabbigiisa oo uusan muujisan. Sidaas ayuu markaa
Abuu Bakar ahaa ilaa muddo wuxuuna sameyn jirey Qur'aanka
ayuu kor u qaadi jirey isagoo gurigiisa joooga markaasaa
waxaa ku soo ururi jirey dumarka iyo carruurta gaalada
iyagoo eegaya oo la yaabban, wuuna ooyi jirey Abuu Bakar
marka uu Qur'aanka akhrinayo, arrinkaasi wuxuu dhibay
Qureysh waxay markaa u tegeen Ibnu Daqinna oo ka codsadeen
inuu ka laabto (meggan gelyadii uu Abuu Bakar u fidiyey),
Ibnu Daqinna ayaa markaa Abuu Bakar u tegey oo kala
doorransiiyey inuu (Abuu Bakar) cibaadada siraysto ama kala
noqdo meggan gelyadii, Abuu Bakar ayaa markaa u celiyey
meggan gelyadiisii kuna yri: "waa kuu celiyey meggan
gelyadaadii, waxaana ku raaali ahay meggan gelyada Alle.