BILAABITAANKII DUULLAAMADA (JIHAADKA)
Rasuulku SCW markuu dejiyey
Madiina oo muslimintii ka dhigay dad isku duuban wax kastana
diyaar u ah, yahuuddii Madiina degganaydna uu heshiis la
samaystay, ayuu bilaabay inuu qabaa'ilkii agagaarka
magaalada Madiina deganaa uu heshiisyo la samaysto.
Heshiisyadaas oo ay ka mid ahaayeen ineysan qabaa'ilkaas
magan galin karin qureysh maalkeeda iyo nafteeda,
muslimiintana ku soo xad gudbi karin. Wuxuu kaloo Rasulku
SCW direy duullaamo iyo ilaalo is daba joog ah si qureysh
cunaqabateyn loogu sameeyo oo la soo qabto safarradeeda
Shaam iyo Makka u kal socda.
1. Rasuulka SCW wuxuu direy
bishii Ramadaan ee sannadkii 1aad ee hijriga ciidan uu
hoggaaminayo Xamsa binu Cabdimudhalib oo gaaraya 30 nin oo
muhajiriin ah, wuxuuna u direy badda xeebteeda si ay u soo
qabtaan safar qureysh oo Shaam ka yimid, ayna wadeen 30 nin
oo Abii Jahal madax u yahay. Xamsa iyo ciidankiisii markay
gaareen meeshii loo diray oo ay safarkii haleeleen ayaa
waxaa kala dhex galay oo ku kala hagoogtay nin la yiraahdo
Majdi ibnu Camar oo odey u ahaa qabiil meeshaas degganaa oo
labada qolaba heshiis la ahaa. Sidaas ayaa Xamsa iyo
Ciidankiisii ku soo laabteen iyadoo uusan wax dagaal ihi
dhicin.
2. Rasuulka SCW markii uu
hal sano joogey ayuu bishii Safar ee sannadkii 2aad ee
hijriga wuxuu la baxay ciidan dhan 70 nin oo muhaajiriin ah.
Rasuulku SCW wuxuu u baxay safar ay qureyshi leedahay oo
lagu sheegay meel u dhexaysa Madiina iyo Makka. Magaalada
Madiina wuxuu Rasuulku SCW madax uga sii dhigay Sacad binu
Macaad. Rasuulka SCW iyo ciidankuu hoggaaminayey waxay ka
dib gaareen meesha la yiraahdo Waddaan ama abwaa, hase
yeeshee wax dagaal ihi ma dhicin oo la isma arag. Halkaas
wuxuu Rasuulku SCW heshiis kula soo saxiixday ninka
layiraahdo Camar ibnu Makhshiye oo madax u ahaa qabiilkii la
oran jirey banuu Damra. Heshiiskaa waxaa qodobbadiisii ka
mid ahaa: in Rasuulku SCW aammin gelin doono reer banuu
Damra naftooda iyo maalkooda, loona hiilin doono haddii lagu
xad gudbo iney Ilaahay diintiisa la dagaallamaan maahee.
Markaa ka dib Rasuulku SCW wuxuu u soo laabtay Madiina
iyadoo duullaankaasi ahaa kii ugu horreeyey ee Rasuulku SCW
duulo, wuxuuna Madiina ka maqnaa 15 beri.
3. Bishaas uu soo laabtay
ee Rabbiicul Awal wuxuu Rasuulku SCW diray ciidan gaaraya 60
ilaa 80 nin, wuxuuna madax uga dhigay Cubeyda ibnu Xaarith.
Cubeyda iyo ciidankiisii way baxeen ilaa ay gaareen meesha
la yiraahdo Thaniyatu Murra halkaas oo ay kula kulmeen
ciidan badan oo qureysh ah hase yeeshee dagaal ma dhicin
laakiin fallaaro ayaa la is weydaarsaday. Fallaarahaas qaar
ka mid ihi waxay ku dheceen Sacad binu Abii Waqaas oo
muslimiinta ka mid ahaa, waana fallaartii u horreysey oo
islaamka lagu soo gano, dabadeedna ciidankaasi waa soo
laabtay.
4. Isla bishaa Rabbiicul
Awal Rasuulka SCW iyo ciidan uu hoggaaminayo ayaa baxay,
wuxuuna Madiina madax uga sii dhigay Saa'ib binu Cismaan
binu Madcuum. Rasuulka SCW iyo Ciidankiisii waxay gaareen
meesha la yiraahdo Buwaadh oo u dhow Yunbuc hase yeeshee
waxba lama soo kulmin. Bishii Rabbiicul Awal aakhirkeed ayey
Madiina ku soo laabteen.
5. Bishii Jamaadul Uulaa ee
isla sannadkaas ayaa Rasuulka SCW iyo ciidan uu hoggaaminayo
ka bexeen Madiina. Ciidankaasu waxay gaarayeen 150 ilaa 200
oo nin. Sababta uu Rasuulku SCW u baxay waxay ahayd isaga oo
maqlay safar ay qureysh leedahay oo Makka ka baxay una sii
socda Shaam. Magaalada Madiinana wuxuu madax uga si dhigay
Abaa Salama ibnu Cabdil-Asad. Rasuuulka SCW iyo ciidankiisii
waxay gaareen meesha la yiraahdo Dil-cusheyra oo Yunbuc u
dhow hase yeeshee la isma arag. Dabadeed Rasuulku SCW wuxuu
halkaas heshiis kula soo saxiixday qabiilka la yiraahdo
Mudlaj iyo xulafadooda reer banii Dumra. Ka dib wuxuu
Madiina ku soo laabtay bisdhii Jamaadul Aakhir.
6. Isla markuu soo
laabtayba Nabiga SCW wuxuu diray koox ciidan ah oo ka kooban
8 nin uuna madax u yahay Sacad binu Abii Waqaas. Sacad iyo
kooxdiisii waxay gaareen meesha la yiraahdo Kharraar oo
Xijaas ka mid ah, dabadeedna way soo laabteen iyagoo aan wax
ciidan ah la soo kulmin. Isla bishii Jamaadul Aakhir ayaa
Rasuulka SCW iyo ciidan uu hoggaaminayo ka bexeen Madiina,
ka dib markii ay soo gaartay in safar qureysheed oo shaam u
socda uu makka kasoo baxay, wuxuuna Rasuulka SCW iyo
ciidankiisii u bexeen ilaa ay ka gaareen meesha la yiraahdo
Safwaan oo ceelka Beder u dhoweyd, ka dibna wuu soo laabtay
isagoo aan waxba helin.
7. Bishii ka dambeysey ee
Rajab wuxuu Rasuulku SCW direy koox ciidan ah oo ka kooban
12 nin oo uu madax u yahay Cabdullaahi binu Jaxshi, wuxuuna
u direy Makka iyo Dhaa'if dhexdooda, wuxuuna Cabdullaahi u
qoray warqad, wuxuuna ku yiri "ha furin ilaa aad labo
maalmood socoto". Cabdullaahi iyo kooxdiisii way bexeen
dabadeedna markay labo maalmood dhex ku sii jireen ayuu
furay warqaddii Rasuulka SCW, waxaana ku qornaa "haddaad
warqaddeyda aragto soco ilaa aad ka gaartid meesha la
yiraahdo Nakhla oo u dhexeysa Makka iyo Dhaa'if, halkaasna u
gal saffarrada qureysheed ee ka imaanaya Dhaa'if,
wararkoodana noo soo gudbi". Cabdullaahi markuu hadalladaa
akhriyey ayuu yiri "waan maqlay waana adeecay", kooxdii la
socoteyna wuxuu ku yiri "Rasuulku SCW wuxuu i amray inaan
socdo ilaa aan ka gaaro Nakhla oo aan qureysh safarradeeda u
galo, wararkanan uga keeno, wuxuuna Rasuulku SCW iga reebay
inaan khasbo qof idinka mid ah ee qofkii shahaado doonayaa
ha isoo raaco, qofkii nacayana ha iska laabto, anigu waxaan
ku soconayaa amarka Rasuulka SCW".
Ragii dhamantood wey ku
wada raalli noqdeen waxayna diyaar u noqdeen shahaado ay
awalba jeclaayeen. Waxay laba iyo tobankoodu wateen lix rati
oo lababa rati saarnayd, markii meel dhexe la maray oo ayaa
la degay, markaas ayaa waxaa lumay ratigii ay saarnaayeen
Sacad binu abii Waqaas iyo Cutba binu Qaswaan. Ratigi ayey
baadi dooneen hase yeeshee markii muddo la sugayey
labadoodii oo la waayey ayaa tobankii kale baxday oo waxaa
meeshii soo maray safar ay qureyshi leedahay oo ay wadeen
afar nin oo qureysh ah oo uu madax u ahaa Camar binu Xadrami.
Waqtigaasna waxa uu ahaa maalinkii ugu dambeysey bisha Rajab
oo ka mid ah bilaha xurmada leh oo aan la dagaallamin.
Cabdullaahi iyo sagaalkii nin ee la socday arrintii ayey ka
wada hadleen oo waxay dheheen "haddaan la dagaallanno maanta
Bilihii xurmada lahaa ayaan dagallanay, haddaan ilaa caawa
oo bisha kale dhalanayso deynana xaramka ayey naga gelaayaan".
Waxay ka wada hadlaanba ugu dambaynti waxay go'aan ku
gaareen iney safarka iyo raggaba qabtaan. Dabadeedna weerar
ayey ku qaadeen waxayna dileen ninkii madaxda u ahaa Camar
ibnu Xadrami, nin la oran jirey Nawfal binu Cabdullaahina
waa fakaday, labadii kale oo la kala oran jirey Xakam ibnu
keysaa iyo Cusmaan ibnu Cabdullaahi way qabteen, dabadeedna
waxay ku laabteen Madiina iyagoo soo qafaashay labadaa nin
iyo safarkii. Rasuulku SCW wuxu ku yiri "maxaad u
dagaalanteen dagaal idinma amrine'.
Nimankii iyo safarkiiba
Rasuulku SCW wuu u kadiyey. Qureysh iyo reer makkana waxay
dheheen "Maxammed iyo asxaabtiisii waxay xalaashadeen
bilihii xurmada lahaa, dhiig bay daadiyeen, maalna way
qaateen, dadna way qafaasheen". Allaah ayaa markaas soo
dejiyey aayaddaan:
((KU DILA MEESHAAD KA
HESHAANBA, KANA SAARA MEESHAY IDINKA SAAREEN (MAKKA) FIDNADA
(OO GAALNIM AH) AYAANA KA DARAN DILKA, HANA KULA DAGAALAMINA
MASAAJIDKA XURMADA LEH AKTIISA ILAA AY IDINKULA DAGAALAMAAN
DHEXDIISA, HADDAY IDIN KULA DAGAALAMAAN LAAYA SIDAAS WEEYE
ABAALKA GAALADUYE, HADDAY REEBTOOMAAN (OO GAALNIMADA IYO
FIDNADA JOOJIYAAN) ALLE WAA DHAAFID BADANE NAXARIIS BADAN,
LA DAGAALAMA (OO LA JIHAADA GAALO IDILKEED) ILAA GAALNIMO LA
WAAYO, OO DIINTU U AHAATO ALLE, HADDAY REEBTOOMAAN LA LAMA
COLAYTAMO CID AAN DAALIMIIN AHAY)), (Suuratul-Baqara
191-193).
Qureysh waxay u soo cid
dirsatay labadoodii nin, Rasuulkuna SCW wuxuu yiri "idiin
sii deyn maayo ilaa ay ka yimaaddaan labadaydii nin oo
ratigu ka lumay oo ahaa Sacad binu abii Waqaas iyo Cutba
binu Qawsaan". Markii ay yimaaddeen labadaa nin Rasuulku SCW
wuu u sii daayey labadoodii nin. Labadii nin ee la sii
daayey, Xakam wuu islaamay, Cusmaanse gaalnimo ayuu ku
dhintay. |