Isla sannadkii 13aad ee soo diritaankii Rasuulka SCW ayaa
waxaa kale oo Madiina ka soo baxay oo xajka soo aaday 73 nin
iyo 2 dumar ah oo muslimiin ah iyagoo la socda mushrikiin
qabiilkooda ah. Dhowr iyo toddobaatankii qof ee muslimiinta
ahaa waxay Rasuulka SCW samaysteen kulan, waxayna ku
ballameen iney isugu yimaadaan meesha la yiraahdo Caqaba oo
Muna ku taalla habeen ka mid ah waqtigii xajka.
Musimiintii reer Madiina way ka qariyeen shirkaas
nimankii ay isla socdeen ee mushrikiinta ahaa hal nin
maahane. Ninkaas oo la oran jirey Cabdullaahi ibnu Camar
ibnu Xaraam wuxuu ahaa nin oday ah oo ay ku kalsoonaayeen
una bandhigeen islaamka, markuu aqbalayna kulankii ayey u
soo kaxaysteen.
Markii la gaaray habeenkii ay Rasuulka SCW la ballameen
ayey habeen barkii si qarsoodi ah u baxeen waxayna Rasuulka
kula kulmeen Caqaba. Rasuulka SCW waxaa la socday adeerkiis
Cabbaas oo aan weli islaamin laakiin ka war hayey arrimaha
Rasuulka SCW, garab taagnaana Rasuulka SCW intii uu
Abii-dhaalib dhintay, waqtigaasna u socday inuu arrintaas
ayido. Cabbaas wuxuu noqday ninkii ugu horreeyey ee shirkaas
ka hadla wuxuuna yiri "reer Khasrajow waad ogtihiin Maxammed
meeshuu naga joogo, 13 sananna annaga ayaa ka difaaceynay
dadkii aan isku diinta ahayn ee aan isaga wada khilaafsanayn,
isaguna hadda wax kale wuu diidey inuu idin soo haleelo
mooyee, haddaad marka ballan qaaddaan inaad difaaceysaan oo
aad ballantaas ka soo baxeysaan, axadkii khilaafana ka
difaaceysaan waa idinka iyo waxa aad qaaddeen; laakiin
haddii aad berri diidi doontaan oo aad garabkiisa ka bixi
doontaan haddaba iska daay".
Ka dib waxaa hadlay Thaabit oo ka mid ahaa 73 kii nin
wuxuu yiri "Rasuulkii Ilaahayow maxaan kugula mubaayacoonnaa?",
Rasuulkuna SCW wuxuu yiri "waxaad igula mubaayacooneysaan is
maqal iyo is addeecid waqtiga nabadda iyo waqtiga shiddadaba,
iyo in aad maalkiinna bixisaan marka la barwaaqaysan yahay
iyo marka la dhibateysan yahayba, waana in wanaagga la is
faro, xumaantana la reebo, waana in Ilaahay dartiis aad u
istaagtaan oo mid dagaallamaya dagaalkiis waxba idinka
dhibin, iyo in aad ii gargaartaan haddaan idiin imaado, iina
difaacdaan sidaad u difaacdaan carruurtiinna, naftiinna iyo
maalkiinna, iddinkuna janno ayaad leedihiin (hadaad sidaa
yeeshaan)".
Markii hadalkaasi dhammaaday waxaa Rasuulka SCW
gacantiisa qabtay Baraa ibnu Macruur oo yiri "Ilaahii xaq
kugu soo bixiyaan ku dhaarannaye, waan kaa difaacaynnaa waxa
aan reerkayaga ka difaacno ee nala mubaayacood Rasuulkii
Allow, annagana waa nala og yahay inaan nahay wiilashii
dagaalka ku barbaaray oo hubka qaadi jirey". Waxaa isna
raggii meesha ka hadlay ku jirey Abuu Haythama oo yiri "Rasuulkii
Allow annaga iyo yahuudda xargo ayaa isug kaaya xiran oo
heshiis baa naga dhexeeya, haddaad tiraahdo gooyana waan
goyneynaa ee ma laga yaabaa in hadhow markaad guuleysato aad
naga soo tagto?", Rasuulku SCW dhoollaha ayuu caddeeyey
wuxuuna yiri "dhiigga ayaa naga dhexeeya iga mid baad tihiin,
aniguna idinka mid baan ahay, waan la dagaallamayaa ciddii
aad la dagaallantaan, waana soo dhoweynayaa ciddii aad soo
dhoweysaan. Cabbaas ayaa mar kale hadlay oo yiri "ogaada
ballanta aad maanta qaadaysaan inay tahay in aad la
dagaallantaan caddaan iyo madowba, haddii hadhow markii
xoolihiinna dagaalku dhammeyo, raggiinnana seeftu dhammeyso,
aad ka bixi doontaan haddaba iska daaya, haddaad sidaa
samaysaan waa idiin hooge," laakiin haddii aad u istaagtaan
naf iyo maal waa idiin liibaan".
Intaa ka dib waxay yiraahdeen "Rasuulkii Allow haddii
aanu arrintaan oofinno maxaan leenahay?", Rasuukuna SCW
wuxuu yiri "janno ayaa leedihiin" markaasay dheheen "fidi
gantaada" markuu fidiyeyna sidaas ayey kula wada
mubaayacoodeeen. Beycadaasina waxay ahayd beycadii labaad oo
loo yaqaan beycatu Caqabadii 2aad.
Markaa ka dib Rasuulku SCW wuxuu yiri "12 nin oo
odeyaashiinna ah ii soo saara', waxaana loo soo saaray 12
nin oo kala ahaa:
1) Ascad ibnu Suraara
2) Sacad ibnu Rabbiica
3) Cabdullaahi ibnu Rawaaxa
4) Cabdullaahi ibnu Camar ibnu Xaraam
5) Baraa' ibnu Macruur ibnu Sakhar
6) Cubaada inu Saamit ibnu Qays
7) Sacad ibnu Cubaada ibnu Daliim
8) Mundir ibnu Camrin ibnu Khunays
9) Raafic ibnu Maalik ibnu Cajlaan
10) Useyd ibnu Xudeyr ibnu Simaak
11) Sacad ibnu khaythama ibnu Xaarith
12) Rufaaca ibnu Cabdimundir ibnu Subayr
Laba iyo tobankaas nin waxay sagaalka hore ahaayeen reer
Khasraj, saddexda dambena reer Aws. Rasuulka SCW 12kaa nin
aad buu ula dardaarmay wuxuuna xusuusiyey mas'uuliyadda ay
qaadeen iyo inuu iyaga la soo xiriiri doono, nin walbana uu
jilibkiisa mas'uul ka yahay. Shirkaas markuu dhammaaday oo
lagu kala dareeray ayaa sheydaan ogaaday markaasuu dhawaaqay
oo yiri "dadka meesha degganow, Maxammed iyo dad la jiraa
waxay ku heshiiyeen inay dagaal idinku soo qaadaan", markii
Rasuulka SCW maqlay hadalkaas wuxuu yiri "kani waa
sheydaaankii Caqaba joogey, Ilaahay baan ku dhaarannayaaye
cadowgii Allow waan kala tegaynaa". Ka dib wuxuu Rasuulku
SCW raggii amray in la kala tago oo qof walba uu meeshiisii
ku laabto. Cabbaas binu Cubaada ayaa markaa Rasuulka SCW ku
yiri: 'haddaad doonto na amar aan qureysh aroortii weerar ku
qaadnee" hase yeeshee Rasuulku SCW wuxuu yiri "iska taga
weli dagaal la ima amrine".
Qureysh qeyladii sheydaanka ayey habeenkii maqashay,
markaasay subixii u yimaadeen dadkii reer Madiina oo
muslimiinta iyo gaalada isug jirey waxayna ku dheheen "waxaan
maqalnay inaad heshiis la samaysateen saaxiibkayo oo aad
doonaysaan inaad naga fakisaan, dagaalna nagu soo qaaddaan,
annaguna dagalkiinna dooni mayno Khasraj iyo Awsow ee maxaa
dhacay?". Waxaa markaa hadlay kuwii gaalada ahaa oo aan
waxba ka war haynin oo yiri "arrintaa waxba kama jiraan".
Cabdullaahi binu Ubey oo socotadaas reer Madiina madax u
ahaa wuxuu yiri "qoomkeygu wax aanan ogeyn ma samayn karaan"
hase yeeshee markii ay reer Madiina noqdeen ayey qureyshi
ogaatey in qisadu dhacday markaasay ka daba direen ciidan
laakiinse waxay soo qabteen nin keli ah oo ahaa Sacad binu
Cubaada, isagiina waxaaa ka sii daayey oo magangelyo siiyey
Xaarith ibnu Qeys iyo Mudhcim ibnu Caddiyi oo uu Sacad
magangelin jirey safarkooda Madiina sii maraya (ee shaam
ujeeda). Sidaas ayeyna ku dhammaatay beycadii Caqaba 2aad.