HAWEENKII RASUULKA SCW
(UMAHAATUL-MUMINIIN)
Haweenkii uu Rasuulku SCW
guursaday waxa ay ahaayeen Saddex iyo Toban oo uusan labo la
aqal galin iyo labo adoomo ah, waxayna kala ahaayeen Saqaal
uu kadhintay oo ahaa: Caa'isha bintu Abiibakar-Sidiiq, Xafsa
bintu Cumar binu Khadhaab, Umu Xabiiba binu Abii-Sufyaan
binu Xarbin, Umu Salama bintu Abii-Umaya binu Muqiira, Sawda
bintu Samca binu Qays, Saynaba bintu Jaxshin binu ri'aab,
Maymuuna binu Xaarith, Juwayriya bintu Xaarith binu
Abii-Daraar, Safiya binu Xuyey binu Akhdhab, iyo labo
hortiis dhimatay oo kala ahaa: Khadiija bintu Khuwaylid iyo
Saynaba bintu Khusayma, iyo labo uusan la aqal galin oo kala
ahaa: Asmaa bintu Nucmaan iyo Camra bintu Yasiid, iyo labo
Adoomo ah o kala ahaa: Maariyatul Qibdhiya iyo Rayxaana
bintu Sayd, intaas weeye haweeenkii Rasuulka SCW oo isugu
jiray wuxuu la aqal galay iyo wuxuusan la aqal galin,
waxaana u soo qaadanaynaa mid mid anagoo raacayna siday
ukala horeeyeen:
1. Khadiija bintu Khuwaylid
binu Asad waxa ay ahayd haweentiisii ugu horaysay waxaana u
guuriyey Aabaheed Khuwaylid ama walaalkeed Camar binu
Khuwaylid, waxayna jirtay 40 sano Rasuulkuna SCW wuxuu jiray
25 sano, waxay Rasuulka SCW hortiis soo guursatay Labo nin
oo kala ahaa abii-haala binu Maalik oo ay u dhashay labo
caruur ah iyo Catiiq binu Caabid oo asna ay labo caruur ah u
soo dhashay. Rasuulku SCW wuxuu Khadiija qabay ilaa uu 50
sano gaaray, lamana uusan guursan. Khadiija waxa ay Rasuulka
SCW u dhashay caruurtiisa oo dhan Ibraahim ma ahane.
2. Sawda bintu Samca binu
Qays waxa uu Rasuulku SCW ku guursaday Makka sannadkii 11aad
ee nabinimada markii ay Khadiija dhimatay waxaana u guuriyey
Sulaydh binu Camar ama Abuu-Xaadhib binu Camar, waxaa isaga
hortii soo guursaday ina adeerkeed Sakraan binu Camar oo
kamid ahaa muslimiintii Xabashida u hijrootay ka dibna ku
soo laabtay maka oo ku geeriyooday.
3. Caa'isha bintu Abii
bakar-Sidiiq wuxuu Rasuulku SCW ku guursaday Makka sanadkii
11aad ee Nabinimada Sawda ka dib iyada oo lix sano jirta,
wuxuuna ku dhistay Madiina iyada oo Sagaal sano jirta, waxaa
u guuriyey aabeheed Abuubakar, mana guursan Rasuulku SCW
bikro aan iyada ahayn oo haweenkiisa inta kale garoobo ayey
ahaayeen, waxa ay ahayd haweenkiisa mida uu ugu jeclaa uguna
cilmiga badnayd.
4. Xafsa bintu Cumar binu
Khadhaab waxa uu Rasuulku SCW ku guursaday Madiina sannadkii
3aad ee hijriga, waxaana u guuriyey aabeheed Cumar, waxaana
Rasuulka SCW hortii guursaday Khunays binu Xudaafa oo ku
shahiiday dagaalkii Badar.
5. Saynaba bintu Khusayma
oo lagu naanaysi jiray hooyadii masaakiinta siday ugu
naxariisan jirtay oo ay ugu jilicsanayd darteed, wuxuu
Rasuulku SCW guursaday sanadkii 4aad ee hijriga, waxaana u
guuriyey Qabiisa binu Camar, waxaa hortiis soo guursaday
Cabdullaahi binu Jaxshin oo ku shahiiday dagaalkii Uxud,
waxayna dhimatay guurka Rasuulka SCW labo bilood ama Sadex
bilood ka dib.
6. Umu-Salama bintu
Abii-Umaya oo magaceeda la oran jiray hinda wuxuu Rasuulku
SCW guursaday isla sanadkii 4aad ee hijriga waxaana u
guuriyey wiilkeedii Salama ibnu Abii-Salama waxaana Rasuulka
hortii kadhintay Abii-Salama binu Cabdi Asad oo magaciisa la
oran jiray Cabdullaahi una dhintay dhaawac ku soo gaaray
dagaalkii Uxud, waxayna usoo dhashay Abii-Salama Afar caruur
ah oo kala ahaa: Salama, Cumar, Saynab, iyo Ruqiya.
7. Saynaba bintu Jaxshin
binu Ri'aab wuxuu Rasuulku SCW guursaday sanadkii 5aad ee
hijriga, waxa ayna ahayd Rasuulka SCW ina eedadiis waxaana
hortiis soo guursaday Sayd binu Xaarith, Alle ayaana u
guuriyey sababteedana waanu soo marnay.
8. Juwayriya bintu Xaarith
waxa uu Rasuulku SCW guursaday sanadkii 6aad ee hijriga
waxayna kamid ahayd dadkii lagu soo qabsaday duulaankii
banii musdhaliq waxaana qayb ahaan u helay Thaabit binu Qays
markaasuu kitaabeeyey, Rasuulka SCW ayey u timid si uu uga
gudo markaasuu Rasuulku SCW ku yiri "makuu sameeyaa wax taas
kaaga khayr badan?" waxay tiri "waa maxay", wuxuu yiri "waan
kaa gudayaa waana ku guursanayaa", waxay tiri "waayahay".
Markaasuu ka guday ka dibna guursaday.
9. Umu-Xabiiba bintu
Abii-Sufyaan oo magaceeda la oran jirey Ramal wuxuu Rasuulku
SCW guursaday Sanadkii 7aad ee hijriga waxaana hortii soo
guursaday Cubaydilaah binu Jaxshin oo ay u wada hijroodeen
Xabashida markaasuu ka ridoobay islaamkii dabadeedna ku
dhintay halkaas, hase yeeshee Umu-Xabiiba islaamkeedii ayey
ku sugnaatay sidaa darteed markii Rasuulku SCW uu Najaashe
Asxam warqada udirayey sanadkii 7aad ayuu ku codsaday in uu
kusoo meheriyo oo usoo diro Najaashana sidii ayuu yeelay,
wuxuuna kusoo daray Shuraxbiiil ibnu Xasna.
10. Safiya bintu Xuyey
wuxuu Rasuulku SCW guursaday sanadkii 7aad ee hijriga
waxayna ahayd reer banii Israa'iil oo waxay kamid ahayd
dadkii lagu soo qabsaday duulaankii Khaybar markaasuu iyada
ka doortay oo xoreeyey ka dibna guursaday, waxaana isaga
hortii guursaday kinaana binu Rabbiic ibnu Abil-Xaqiiq.
11. Maymuuna bintu Xaarith
wuxuu Rasuulku SCW guursaday sanadkii 7aad ee hijriga markuu
Cumratul-Qadaa gutay, waxaana u guuriyey adeerkiis Cabaas
binu Cabdi-Mudhalib oo ay gurigiisa joogtay walaasheed Umu
Fadlina qabay, Rasuulka SCW hortiisna waxaa soo guursaday
Abii Ruhmi binu Cabdi Cusaa.
Kow iyo Tobankaas ayey
ahaayeen xaasaskii Rasuulka SCW marka laga reebo labadii
adoomada ahaa oo kala ahaa: Maariyatu Qibdhiya oo boqorkii
Isandariya xukumayey usoo hadiyeeyey sanadkii 7aad ee
hijriga waana gabadha u dhashay wiilkiisii Ibraahim, iyo tan
kale oo ahayd Rayxaana bintu Sayd oo kamid ahayd dadkii lagu
qabsaday duulaankii banii Qurayda oo uu markaa naftiisa u
doortay. Labada uusan laguri galin sidaan soo sheegnayba waa
Asma bintu Nucmaan iyo Camrata binu Yasiid, lagumana tiriyo
Labadaan Umuhaatul-Muminaatka, maxaa yeelay kama aysan mid
ahayn xaasaskii Rasuulka SCW.
Waxaa intaa noogu dhamaaday
waxyaabihii aan ka ishaarnay guurkii Rasuulka SCW, waxa ay
arrintaanina ka mid tahay meelaha ay cadawga islaamku wax ka
xoq xoqdaan markii ay waayeen meel ay Rasuulka SCW ceeb uga
raadiyaan, iyaga oo aad isugu taxalujiya in ay ceeb u helaan
shakhsiyadda nadiifka ah ee Rasuulka SCW, taas oo Alle
nusqaan ka dahiray.
Haddaba haddii aan wax ka
tilmaanno guurkii Rasuuulka SCW waxaa ku jiray xikmooyin
badan oo Alle SW uu garanayo, waxaana xikmooyinkaas ka mid
ahaa kuwakan:
1. Waxaa jiray arrimo badan
oo daruuri ahaa oo ay dadka muslimiinta ahi u baahnaayeem,
aysanna ogaan karin cid aan haweenkiisa ahayn sida;
jiifkiisii, qubayskiisii, soo toosiddiisii,
salaatu-laylkiisii, janaabadiisii, mucaamaladiisii haweenka
iyo hawlihiisii khaaska ahaa oo dhan. Waxaan in badan
arkaynaa in ay haweenkiisu ka wariyeen axaadiis aad u tiro
badan, siiba kuwa ku saabsan arrimaha aan soo tilmaanay.
2. Guurku waxa uu ahaa
sunnadii anbiyadii Ilaahay, qaarkoodna wayba ka haween
badnaayeen Rasuulka SCW sida; Nabi Sulaymaan iyo Aabihii
Nabi Daa'uud, sidaa darteed Rasuulku SCW waa uu guursaday,
dadka muslimiinta ahna waa uu ku booriyey, waxaana dhici
kari lahayd haddii uusan Rasuulku SCW guursan lahayn in dad
badan oo muslimiiin ah ka tagi lahaayeen guurka, iyagoo ku
dayanaya Rasuulka SCW, markaasna waxaa lumi lahayd
muhiimaddii wayneyd oo ahay din la is guursado si bani
aadamku u tarmo, uusanna u dabar go'in, waxaa sidoo kale
dhici kari lahay din muslimiintu haddii ay guurka ka tagaan
ay yaraadaan, gaaladuna ay badato, sidaa daraadeed Islaamku
waa uu reebay in guurka iyo hawlaha kale ee addunkaba laga
fogaado sida suufiyada qubuuraha gala ama cilmaaniyiinta
dhaha konton sano ayaan ku guursanayaa. Rasuulku SCW waxa uu
maqlay sadex nin oo kala go'aansaday in aysan seexan,
salaatu-layl u taagnaadaan, maalinkii soomanaadaan, aysanna
guursan, markaasuu Rasuulka SCW yiri "anigu waan seexdaa,
waan tukadaa (salaatu-laylka), waan soomaa, waan afuraa,
dumarkana waan guursadaa, qofkii sunnadayda khilaafana iga
mid ma ahan (Ummadayda kama mid ahan).
3. Sidoo soo tilmaanayba
dumarkii uu Rasuulku SCW guursaday waxa ay u badnaayeen
dumar ragoodii oo dhintay oo dhibaataysan, sidaa daraadeed
si uu ugu kaalmeeyo, diintoodana u dhawro ayuu u guursaday,
sidoo kale waxa ay dumarkaasi u badnaayeen dadkii Ilaahay
diintiisa ugu horeeyey oo loo dhibay Alle dartii, qaarkoodna
waxa ayba ka mid ahaayeen dadkii markii dhibku ka batay u
cararay dhulka Xabashida sida; Umu-Xabiiba oo markii ay
dhulkaa fog taktay ninkeediina ka ridoobay, Umu-Salama iyo
Sawda oo iyagana markiii ay hijrada ka soo laabteen ka dib
ragoodii hinteen, sidoo kale waxa uu qaarkood u guursaday in
u kaalmeeyo caruurtana la koriyo maadaama ay ragoodii u
dhinteen Alle dartii.
4. Carabtu waxa ay waagaas
aad u xurmayn jirtay xididka oo way qadarin jireen, sidaa
darteeed waa la wada og yahay booska ay islaamka u joogeen
afartii khulaaf'ul-Raashidiin oo uu Rasuulku SCW xididka la
ahaa, sidoo kale qabiilooyin iyo dad awal islaamka la
dagaalamayey ayaa markii uu Rasuulku SCW la xididay dhibtii
joojiyey, dabadeedna sooba islaamay, sida reer banii
musdhaliq oo soo islaamay markii uu Rasuulku SCW ka
guursaday Juweyriya bintu Xaarith oo aabeheed ciddaas oday u
ahaa, sidoo kale Abii Sufyaan oo si daran Rasuulka iyo
islaamkaba ula colaytamay markii uu Rasuulku SCW guursaday
gabadhiisii Umu-Xabiiba waa soo jilcay ilaa uu ka islaamay
isaga iyo qabiilkii uu madaxda u ahaa ee quraysh.
Haddaba dhawrkaas qodob oo
aan soo tilmaanay iyo kuwa kaleba waxa ay ina tusinayaan
xikmooyinkii iyo faa'iidooyinkii ku jiray guurkii Rasuulka
SCW. Waxa ay mustashraqiinta diin laaweyaasha ahi mararka
qaarkood qoraan iyaga oo raadinaya meel ay Rasuulka SCW iyo
islaamkaba ceeb uga helaan in Rasuulku SCW u guursaday
haweenka badan shawwo ahaan, waxaase qofkii wax garad ahi
garan karaa in aysan jirin arintaas ay acdaada Alle ku
mayraysanayaan, maxaa yeelay sida la wada ogsoon yahay
Rasuulku SCW markuu dhalinyarada ahaa ma uusan guursan
haween badan, sidoo kale ma uusan guursan gabdho yar yar ee
waxa uu guursaday Khadiija oo markaa da'ahayd oo soo
guursatay labo nin, isla markaana ma uusan guursan haween
kale ilaa ay dhimatay isaga oo konton jira ah, markii ay
dhimatayna ma uusan guursan gabar yare waxa uu guursaday
Sawda oo ahayd islaan weyn oo garoob ah, sidoo kale saan soo
tilmaanayba dumarkii uu Rasuulu SCW guursaday oo dhan waxa
ay wada ahaayeen garoobo Caa'isha mooyee, wuxuuna haweenka
badan guursaday sannadihii ugu dambeeyey cimrigiisa.
Ugu dambayntii saan soo
ishaarnayba waxaa Rasuuulka SCW guurkiisa ku jirey xikmooyin
uu Alle garanayo, annaguna aannaan wada koobi karin, mana
haboona in qof muslim ah is waydiiyo sababta uu Alle ugu
baneeyey Rasuulkiisa SCW dumarkaa badan, maxaa yeelay waxa
ay taasi noqonaysaa in uusan qofku ka raali noqon xukunka
Alle oo uu la dhinactamo Alle iyo Rasuulkiisa SCW, qofkii uu
waxyaalahaas shaydaanku ku waswaasiyana waa qof ka shakisan
diinta Alle, maxaa yeelay Alle waa Xakiim shay walbaba
meeshii ku haboon dhiga, isagaana Rasuulkiisa SCW iyo
Rusuhii kale ee ka haweyn badnayd Rasuulka SCW u baneeyey
haweenkaa badan.
Ka dib markii uu Rasuulku
SCW isu keenay sagaal haween ah (oo nikaaxiisa isugu yimid)
ayaa Alle ka xarimay in uu haween dambe guursado, waliba
waxaa isaga gaar looga xarimay oo lagu siyaadiyey in uu
haweenkuu qabay ku badelo haween kale, wuxuuna Alle isagoo
arrintaa tilmaamaya qur'aankiisa ku yiri:
((XALAAL KUUMA AHAN NABIYOW
DUMAR (KALE) DIB DAMBE, KUMANA BADALI KARTID (HAWEENKA AAD
QABTO) DUMAR KALE, HABA KU CAJAB GALIYO (DUMARKA KALE)
WANAAGOODU, KUWAY MIDIGTAADU HANATAY MA AHANE (KUWA GAALADA
LAGA QABSADO), ALLENA WAXA UU AHAADAY SHAY KASTA KII LA
SOCDA)), (Suuratul-Axsaab 52). |