SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SIIRADII - RASUULKA (scw)

<><><> 

Casharka 61aad ee Kitaabka Siirada Nebiga Muhammed SCW

SHEEKADII BEEN ABUURASHADA

Qisadan waxa ay sababteedu ahayd: Rasuulku SCW markii uu duullaan ama meel kaleba aadayo wuxuu kaxeysan jirey xaasaskiisa mid ka mid ah, wuuna u qori tuuri jirey. Sidaa darteed markii uu aadayey duullaankii Banii Musdhaliq ayaa waxaa qori tuurkii ku soo baxay Caa'isha oo raacday.

Markii laga soo laabtay duullaankii ayaa meel la degay, markaas ayey Caa'isha goor habeen bar ah aaddey bannaanka si ay xaajadeeda u soo gudato, caadana waxaa u ahaan jirtey dumarkii waqtigaa, weliba kuwii mu'minaatka ahaa ee aadka u xishoodka badnaa in haddii ay bannaanka aadayaan ay fogaadaan oo sharqarta ka dhex baxaan, ilaa haddana meelaha uu xishoodku ku dambeeyo waa laga helayaa.

Markii ay Caa'isha soo laabatay ayaa waxaa ka lumay kuul ay wadatay oo ay gabar ka soo caariyeysatay, markaas ayey raadkeedii dib ugu laabatay iyada oo baadi goobeysa hase yeeshee waa meel Ilaahay arrin ka watee intii ay Caa'isha maqnayd ayaa Rasuulkii SCW amray in la guuro, lagamana war hayn in ay Caa'isha maqan tahay maxaa yeelay marka la guurayo waxay dhex geli jirtey bahal la yiraahdo Hawdaj oo loogu talo galay. Hawdajkaas ayaa markaas dhowr nin geesaha qaban jirtey oo ratiga saari jirtey, sidaa darteed nimankii hawdajka qaadayey waxay u maleeyeen in Caa'isha ku dhex jirto mana aysan dareemin fudeydkiisa maxaa yeelay Caa'isha waxa ay ahayd gabar yar oo aan hilib lahayn, sidoo kale guuritaanka ciidanku waqti dheer ma qaadan maxaa yeelay waxa ay ahaayeen rag ciidan ah oo aan alaab badan wadan oo nin walba hubkiisa iyo daabbadiisa ayuu soo qabsanayey.

Caa'isha markii ay soo laabatay iyada oo kuushii soo heshay ayaa waxa ay timid goobtii oo lagu kala guuray oo wax sii sharqamayana usan jirin, markaas ayey meesheedii iska fariisatay iyada oo is leh "haddii lagu tebo waa lagu soo raadinayaa" hase yeeshee sidii ay u fadhiday ayey indheheedii ka qaalib noqdeen oo ay gama'day. Waagii markii uu baryey ayaa waxaa arkay qofka meesha jiifa saxaabi la oran jirey Safwaan binu Mucdhil oo ahaa nin hurdo weyn, marar badanna ciidanka ka dib dhici jirey. Safwaan markii uu meesha yimid ayuu  Caa'isha gartay maxaa yeelay intii aan xijaabka la is amrin ka hor ayuu yiqiinney, markaas ayuu yiri "Innaa Lilaahi wa inaa ileehi raajicuun, waa xaaskii Rasuulkii Alle". Caa'isha ayaa markaas hadalkiisa ku toostay. Safwaan intuu neefkiisii geela ahaa u arumiyey (fariisiyey) ayuu ka durkay, markii ay fuusheyna wuu ku waday. Goor harsimadii ah ay ayuu ciidankii oo meel degey ka daba tegey.

Munaafaqii Cabdullaahi binu Ubay markii Madiina la tegey ayuu wuxuu sameeyey been abuurasho uu ku been abuuranayo Caa'isha iyo Safwaan, dacayad ayuuna suuqa geliyey, aad ayeyna u dhex dabbaasheen dacaayaddaas isaga iyo munaafaqiintii kaleba, waxaa kale oo ku simbiriraxday dad wanaagsanaa oo asxaabta ka mid ahaa sida Misdhax, Xasaan binu Thaabit iyo Xamna bintu Jaxshi.

Caa'isha markii ay Madiina ku soo laabatay ayey xanuunsatay, mana aysan maqal dacaayaddan been abuuradka ah ee suuqa ku jirta. Maalin dambe ayey bannaanka aadeen iyada iyo Misdhax hooyadiis. Goor ay meel dhexe marayaan ayey turaanturrootay duqdii, markaas ayey tiri "Misdhaxow hoog". Caa'isha ayaa markaas ka celisay oo tiri "ma nin Badar ka qayb galay ayaad sidaas leedahay?", markaas ayey duqdii tiri "miyaadan maqlin waxa uu suuqa wax ka geliyey?", Caa'isha waxa ay ku jawaabtay "maya". Duqdii ayaa markaas u sheegtay qisadii suuqa ku jirtey ee lagu been abuurtay. Caa'isha oo ahayd gabar cafiifad ah oo dhawrsan, waxaasna beri ka ahayd, markii ay maqashay warkaas foosha xun ee suuqa galay ayaa xunuunkii hayey xanuun kale ugu darsamay, waxayna gashay oohin is daba joog ah. Waxaa kale oo Caa'isha intaas uga sii darnayd in ay aragtay Rasuulka SCW oo aan u hayn naxariistii uu u hayn jirey, siiba markii ay xanuunsato, markii uu guriga soo galana wuxu ku gaabsanayey "sidee tahay?". Caa'isha waxa ay markaas uga idan qaadatay Rasuulka SCW in ay aaddo guriga waalidkeed, Rasuulkuna SCW waa u idmay.

Rasuulka SCW markii Madiina lagu soo laabtay wax qur'aan ama waxyi ah oo arrintaa ka hadlaya laguma soo dejin, wixii arrintaa ka jireyna ma ogeyn maxaa yeelay Rasuulku SCW qeybka (waxa maqan) kama war hayn, wax Rabbi uu u waxyoodo maahane. Rasuulku SCW wuxuu markaa arrintii kala tashaday Cali Abii-dhaalib iyo Usaama binu Seyd oo markaa dhowr iyo toban jir ahaa. Cali wuxuu Rasuulka SCW ku yiri "dumarka aan iyada ahayn waa badan yihiin, hase yeeshee Usaama wuxuu yiri "Rasuulkii Allow xaaskaaga wax aan wanaag ahayn kuma ogi ee hayso". Sidoo kale wuxuu Rasuulku SCW arrinka Caa'isha ka wareystay gabar jaariyad guriga ka ahayd, waxayna gabadhaasi tiri "wax xumaan ah ama ceeb ah kuma ogi in ay tahay gabar yar oo cajiinka ka seexata maahane". Rasuulku SCW waxaa kale oo uu arrintaa wax ka weydiiyey xaaskiisii Seynaba bintu Juxshi oo walaasheed dacaayadda wax ka wadday, waxay Seynaba tiri "wax aan wanaag ahayn kuma ogi Caa'isha".

Ka dib Rasuulku SCW wuxuu Caa'isha ugu tegey gurigoodii iyada oo ay la joogaan aabbeheed iyo hooyadeed markaas ayuu ku yiri "Caa'isha arrintaas ayaa iga kaa soo gaartay, haddii aad beri ka tahay Alle waa ku bari yeeli doonaa, haddii aad dembigaas ku dhacdayna Alle dembi dhaaf ka dalab oo u toobad keen maxaa yeelay addoonku haddii uu dembigiisa qirto Allena u toobad keeno Alle waa ka toobad aqbalaa. Caa'isha waalidkeed ayey marba mid la hadashay iyada oo ku leh "u jawaab Rasuulka" hase ahaatee mid walba wuxuu yiri "maxaan Rasuulka SCW ugu jawaabaa?". Waxay markaas Caa'isha tiri "Ilaah baan ku dhaartaye waan ogahay in aad sheekada maqasheen ilaa naftinnu ku qanacday oo aad rumeyseen. Hadii aan marka idin dhaho beri baan ka ahay iima rumeyneysaan, haddii aan idiin qirtana waad ii rumeyneysaan . Haddaba Alle ayaan ku dhaartaye idiin dhihi maayo wax kale, sidii Yuusuf aabbihiis yiri oo kale maahane", waxayna akhriday aayadda micnaheedu yahay:

((SABIR WANAAGSAN, ALLAANA KA KAALMAYSTAY WAXAAD SIFAYNEYSAAN)), (Suuratu-Yuusuf 18).

Ka dib Rasuulku SCW wuxuu ka istaagay memberkii masaajidka isaga oo ka dacwoonaya Cabdullaahi binu Ubay, markaas ayaa Useyd binu Xudeyr, oo odeygii reer  Aws ahaa, yiri "Rasuulkii Allow haddii uu annaga yahay waan kaa kaafineynaa oo waan dileynaa, haddii uu walaalahayo Khasraj yahayna amar ha dilaane", markaas ayaa Sacad binu Cubaada oo odeygii reer Khasraj ahaa xoogaa xammiya ihi qaadday oo yiri "waxa aad ogaatay in uu annga (Khasraj) yahay", Rasuulka SCW ayaa markaa kala dajiyey. Ka dib Rasuulku SCW wuxuu tegey gurigii reer Abuubakar, waxaa markaas ku soo degey waxyi isaga oo la fadhiya, markaas ayuu yiri "Caa'isha Ilaah waa ku beri yeelay", markaas ayaa Caa'isha hooyadeed ku tiri Caa'isha "u istaag Rasuulka" hase yeeshee Caa'isha way diiddey oo waxay tiri "Ilaah baan ku dhaartaye u istaagi maayo, mana mahadinayo cid aan Alle ahayn?".

Allaah SW wuxuu ku beri yeelay Caa'isha oo uu sababteeda ku soo dejiyey toban aayadood oo Suuratu-nuur ku jira oo uu uga hadlayo been abuurashadan iyo cidda bilowday, waxaana lagama maarmaan ah in aan soo qaadanno oo macneyno aayaddahan maxa yeelay arrimahan oo kale maanta aad ayey ugu badan yihiin dadka muslimiinta ah, in badanna waxaa la arkayaa in dadka munaafiqiinta ah, ee Cabdullaahi binu Ubay oo kale ah, oo maan jooga oo aan akhlaaqda lahayn ay gabdhaha asturan oo dhawrsan xuman iyo sino ku ganaan, Allaahna dadka noocaas ah wuxuu ku ridey nacalad iyo in naxariista Alle laga fogeeyo oo ay cadaab daran leeyihiin, adduunkana wuxuu ku ciqaabay in aan markhaatigooda laga aqbalin, siddeetan jeedalna lagu dhufto, ayna yihiin faasiqiin daacadda Alle ka baxay. Wuxuu Allaah aayadahaas ku yiri:

((KUWA LA YIMID BEEN ABUURASHADA (CAA'ISHA) WAA KOOX IDINKA MID AH, HANA UMALAYNINA IN AY SHAR IDIIN TAHAY EE WAXAY IDIIN TAHAY KHAYR, QOF WALBA OO IYAGA KAMID AHNA WAXA UU LEEYAHAY WUXUU KASBADAY OO DAMBI AH, KAN ARRINTA WEYNANKEEDA TAWALIYEY (IBNU UBEY) OO IYAGA KA MID AHNA WAXA UU LEEYAHAY CADAAB WAYN, MAXAAD MARKAAD MAQASHEEN MU'MINIINTA IYO MU'MINAATKU UGU MALAYN WAAYEEN NAFTOODA KHAYR OO AYSAN U DHIHIN KAASI WAA BEEN ABUURASHO CAD, MAXAYSE ULA IMAAN WAAYEEN (MUNAAFAQIINTU) AFAR MARKHAATI AH, HADDAYSAN LA IMAAN MARKHAATI KUWAASI ILAAHAY AGTIISA IYAGAA BEENAALAYAAL AH, HADDAYSAN JIRIN FADLIGA ALLE IDIIN TAABAN LAHAA WIXII AAD DHEX DABAALATEEN SABABTIIS CADAAB WAYN, MARKAAD CARRABKIINA KULA KULMAYSEEN (KU KALA QAADAYSEEN) OO AAD AFKIINA KU LAHAYDEEN WAX AYDAN OGAYN, UNA MALAYNAYSEEN WAX FUDUD ISAGOO ALLE AKTIISA KU WAYN, MARKAAD MAQASHEEN MAAD DHAHDAAN NOOMA HABOONA IN AAN KU HADALNO WAXAAN, ALLAA XUMAAN KA NASAHANE WAXAANI (QADAFKU) WAA BEEN ABUURASHO WAYN, ALLE  WAXA UU IDIN KA WAANINAYAA INAAD U NOQOTAAN ISAGOO KALE WALIGEED HADDII AAD MU'MINIIN TIHIIN, ALLENA WAA IDIIN CADDEEYEY AAYADKII, ALLENA WAA (ALLE WAX WALBA) OG OO XAKIIM AH (FAL SUUBAN), KUWA JECEL INAY KU FAAFTO XUMAANTA MU'MINIINTA DHEXDOODA WAXAY LEEYIHIIN CADAAB DARAN ADDUUN IYO AAKHIRO, ALLENA WAA OG YAHAY IDINKUSE MA OGIDIN, HADDAYSAN JIRIN FADLIGA ALLE IDIIN GALAY IYO NAXARIISTIISA IYO IN ALLE YAHAY TURID BADANE NAXARIISTA (WUU IDIN KA ABAAL MARIN LAHAA INTIINII KA WAY QAADATAY FALKAA XUN)). (Suuratu-Nuur  11-20).

Ka dib waxaa xadkii qadafka laga oofiyey oo 80 jeedal lagu dhuftay saddex qof oo asxaabtii ka mid ahaa oo dacaayaddaas dhex dabbaashay, waxa ayna kala ahaayeen: Misdhax, Xasaan binu Thaabit iyo Xamna bintu Jaxshi.

Ninkii munaafaqa ahaa ee arrinta oo dhan been abuuratay lama jeedalin, sababtana waxa ay culimadu dhaheen: Xadka laga oofiyo qofka dembiga ayuu ka fududeeyaa, isagana (Cabdullaahi binu Ubay) Alle ayaa isaga oo adduunka jooga u yaboohay cadaab, iska deyntiisana xikmado badan oo Alle iyo Rasuulkiisu garanayaan ayaa ku yirey.

Daabacad: 2003-02-03  | bog cusub: June 26, 2004

CASHARKA HORE CASHARKA XIGA


URL: www.SomaliTalk.com/siiro

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

 



HTML CD