DUULLAANKII AXSAAB
Markii Ilaahay muslimiintii cisi siiyey oo
ay ku xoogeysteen mandiqaddii Jasiiratu-Carab, carabtii iyo
yahuuddii ag degganaydna ay qolo gaar u haweysata
muslimiinta yaraatay oo cid walba ka baqday, nimankii ugu
xoogga iyo dhibka badnaa ee qureyshna ay salka dhulka ku
dhufteen, ayaa yahuuddii laga raray Madiina waxay sameeyeey
khiddo ay rabaan in ay qabiilooyinka oo dhammi (yahuud iyo
carab) ugu kulmaan muslimiinta oo dabar gooyaan.
Khiddadaas waxa ay ahayd: 20 nin oo ahaa
odeyaashii yahuuddiii reer binuu Nadiir ayaa Khaybar ka
tegey oo Makka aaday, waxayna qureysh ku boorriyeen la
dagaallanka Rasuulka SCW iyo muslimiinta ikyo sidii ay isaga
kaashan lahaayeen. Qureysh oo sumcadeedii iyo magaceedii
hoos u dhacay markii ay baqeen ballantii Badartii labaad oo
dhexda ka laabteen, kana cabsadeen oo ku dhici waayeen in ay
keligood Nabiga SCW la dagaallamaan waxa ay u arkeen in
fursaddani tahay fursad dahab ah oo aan la heli karin,
waxayna isla markiiiba qaateen fikraddaas ay yahuuddu u so
jeedisay.
Labaatankii nin waxay sidii oo kale ugu
tageen oo ugu boorriyeen la dagaallanka Rasuulka SCW
qabiilooyinkii reer Qadafaan. Ka dibna waxay u tageen
qabaa'ilkii kale ee reer baadiyaha ahaa, dhammaantoodna
gacmo furan ayey ku soo dhoweeyeen, wayna u riyaaeen
fikraddaas maxaa yeelay waxaa dhammaantood buuxiyey ciil iyo
caro ay u qabeen Nabiga SCW iyo axaabtiisa. Yahuuddu way ku
najaxda siyaasaddii iyo khiddadii ay wadatay, waxayna isku
soo ururisay acdaa'dii Alle ee dhulkaas degganayd si ay
Nabiga Alle SCW ula dagaallamaan, nuurkii Allena u damiyaan.
Waxaa intaa dabadeed soo baxay oo Madiina
duullaan ku soo qaaday ciidamo aad u tiro badan oo ka kooban
qabiilooyin kala duwan, waxayna dul degeen Madiina. Dhinaca
koonfurta waxaa Madiina uga yimid qureysh iyo xulafadoodii,
waxayna ciidammadoodu gaarayeen 4,000 oo nin, waxaana
hoggaaaminayey Abuu Sufyaan, dhexdana waxaa kaga soo
darsamay reer banuu Suelym. Dhinaca bari waxaa Madiina kaga
yimid qabaa'ilkii reer Qadaafaan oo kala ahaa: banuu Fasaara
oo uu hoggaaminayey Cuyeyna binu Xusin, banuu Murra oo uu
hoggaamineyey Xaarith binu Cawf, banuu Ashjac oo uu
hoggaaminayey Mascar binu Rukheyla iyo banuu Asad.
Qabiilooyinkaas reer Qadafaan waxay ciidammadoodu ahaayeen
6,000 oo nin. Dadkii muslimiinta ahaa ee waqtigas Madiina
deggenaa, haddii ragooda, dumarkooda iyo carruurtooda la
isku daro, ma aysan gaareyn tiradaas.
Rasuulku SCW markii la soo gaarsiiyey
duullaanka qabiilooyinkaas iyo ciidammada ay wateen oo isku
soo bahaystay sidii ay u dabar goyn lahaayeen islaamka iyo
muslimiinta, ayuu muslimiinta ahaa isugu yeeray shir guud oo
loo dhan yahay, lagagana wada hadlayo sidii looga hortegi
lahaa acdaa'daas Alle. Muddo markii arrinkii laga wada
hadlayey ayaa nin asxaabta ka mid ahaa oo la oran jirey
Salmaanul-Faarisi, oo ahaa reer Faaris, wuxuu yiri
"Rasuulkii Allow annagu markii aanu Faaris joogney haddii
nala hareereeyo godad ayaan qodan jirney". Rasuulku SCW wuu
ku farxay ra'yigaas iyo khiddadaas uu Salmaan keenay taas oo
ahayd khiddaad cajiib ah oo aysan caRabbi horey u aqoon,
wuxuuna markaa Rasuulku SCW bilaabay fulinteedii, Tobanki
ninba wuxuu amray in ay qodaan god dherekiisu yahay 40
dhudhun, baliciisuna yahay 9 dhudhun, dhammaan godkii
laqodayeyna waxaa uu dherekiisu ahaa 500 oo dhudhun.
Ciidankii muslimiintu si firforcooni iyo
hawlkarnimo ka muuqato ayuu u hawl galay, Rasuulkuna SCW
amar intuu bixiyey is kama fariisane hawshii ayuu dhiniciisa
ka qabtay isaga oo muslimiinta dhiirrigelinaya una duceynaya
oo leh "Allahayow nolosha Aaskhiro ma ahane nolol kale ma
jirto, una Dambi dhaaf Muhaajiriin iyo Ansaar", asxaabtuna
iyagoo hawshii qabanaya waxay lahaayeen "waxa aan nahay
kuwii Maxammed SCW kula baayactamay Jihaad inta aannu nool
nahay". Saxabigii Baraa' ibnu Caasim isaga oo ka hadlayay
Rasuulka SCW shaqadiisa wuxuu yiri "waxa aan arkay Rasuulkii
Alle oo ciidda ka rogaya godkii ilaa aan ka arkay
calooshiisa haraggeedii oo boor qariyey, wuuna timo badnaa,
waxa aan maqlay isaga oo akhrinaya tix uu tiriyey
Cabdullaahi binu Rawaaxa isaga oo ciidda rogaya, wuxuuna
lahaa "Allahayow adiga haddii aadan ahayn ma hunuunneen, ma
sadaqaysanneen, mana tukanneen, nagu soo deji deggenaaan,
gommodahayagana sug haddii aan la kulanno (cadowga), hore
ayey noogu qooqeen haddii ay fitno (gaalnimo) nala dooneenna
waan diidneay".
Waxaa Rasuulka SCW iyo asxaabtiisa intii
ay godadkaas qodayeen oo ay hawshaas ku jireen la soo
gudboonaatay gaajo aad u daran ilaa ay ka gaareen in ay
calooshooda dhagaxyo ku xirtaan. Saxaabiga la yiraahdo Abuu
Dhalxa isaga oo arrinkaa ka hadlaya wuxuu yiri "Rasuulka SCW
ayaan u sheegannay gaajada na haysey, waxaannuna feydnay
caloolahayagii oo hal hal dhagax ku xiran yahay, markaas
ayuu Rasuulku SCW calooshiisii feydey mise labo dhagax baa
ku xiran". Waxyaalihii goobtaa ka dhacay, oo aan la soo
koobi karin, haddii aan wax ka soo qaadanno dhinicii
mucjisaadka iyo calaamooyinkii Nabinnimada. Waxa uu yiri
Jaabir ibnu Cabdullaahi "waxaan arkay Rasuulka SCW oo gaajo
darani ka muuqato, markaas ayaan guriga tegey oo neef (ari
ah) qalay, saac qamadi ahna xaaskaygii ayaan u geeyey oo ku
iri "u muufee Rasuulka Alle scw iyo dhowr nin oo soo raacda".
Markii muufadii la dubey, hilibkiina bislaaday ayuu Jaabir
Rasuulka SCW hoos ula hadlay, markaas ayaa Rasuulku SCW u
dhawaaqay wax Alle wixii godadka ku jirey oo dhan, markaas
ayey ka cuneen xeeradii hilibku jirey iyo xoogaagii muufada
ahaa ilaa ay dhamaaantood ka wada dhergeen raashinkii oo
weli sidiisi ah".
Sidoo kale gabar la dhalatay Nucmaan binu
Bashiir iyada oo timir yar u wadda aabbeheed iyo abtigeed
ayey Rasuulka SCW soo martay, markaas ayuu intuu timirtii ka
qaaday u yeeray ciidankiii oo dhan, markaas ayey cuneen ilaa
ay ka wada dhergeen timirtii oo intii ka badan.
Waxyaalihii kale ee meeshaa ka dhacay oo
muujinayey mucjisaadka Rasuulka SCW waxaa ka mid ahaa in
Baraa' ibnu Caasim uu yiri "maalinkii Khandaq godadkii
qaarkood waxaa naga hor yimid dhagax aan loodin weyney,
markaas ayaannu Rasuulka SCW u sheegnay, markii uu yimid
ayuu "Bismillaah" intuu yiri hal mar ku dhuftay dhagaxii,
dhagaxii ayaa qayb ka jabtay, wuxuu markaas yiri "Allaahu
Akbar waxaa la i siiyey furayaashii Shaam, Ilaah baan ku
dhaartaye waaba aniga oo hadda eegaya sarahoodii
gudguduudnaa", markaas ayuu mar kale ku dhuftay dhagaxii,
qayb kale ayaa jabtay wuxuuna yiri "Allaahu Akbar waxaa la i
siiyey furayaashii Faaris, Ilaah baan ku dhaartaye waaba
aniga oo hadda u jeeda sarahoodii cadcaddaa". Mar saddexaad
ayuu ku dhuftay dhagaxii intuu "Bismillaahi" yiri, waxaa
markaas jabtay qaybtii dhagaxa ugu dambaysay, markaas ayuu
yiri "Allaahu Akbar waxaa la i siiyey furayaashii Yaman,
Ilaah baan ku dhaartaye waaba aniga oo meeshan uga jeeda
albaabadii Sanca".
Nimankii munaafaqiinta ahaa, ee afka
islaamka ka sheeganayey, markii ay maqleen hadalladaas
Rasuulka SCW ayey dheheen "godad baannu qodanaynaa oo baqdin
darteed madaxa ayaannu kor u qaadi la'nahay, isna wuxuu
noogu sheekeynayaa in aanu furan doonno dowladihii waweynaa
ee Ruum iyo Faaris".
Hadii aan wax ka soo qaadanno khiddadii
muslimiinta, Madiina waxaa ku wareegsanaa buuro iyo beero
dhinaca woqooyi maahane, sidaa darteed wuxuu Rasuulku SCW
amray in dhufeysyada laga qodo dhinacaas woqooyi, maxaa
yeelay wuxuu ahaa dhinaca ugu daran ee Madiina looga imaan
karayey. Ciidankii msulimiintu waxa ay dhufeystka qodi
jireen maalinkii, habeenkiina guryahooda ayey u hoyan jireen
ilaa uu dhufeyskii ka dhammaaday, ciidammadii gaaladuna ka
yimaaddeen.
Ciidammadii gaalada, oo sidii aan soo
sheegnayba ahaa ciidammo aad u xoog badan , iskuna soo
bahaystay in ay muslimiinta cirib tiraan, markii ay dadkii
muslimiinta ahaa arkeen waxa ay dheheen hadalka ay aayaddani
tilmaantay:
((MARKAY MU'MINIINTU ARKEEN ASXAABTII WAXAY DHEHEEN KANI WAA
KII ALLE IYO RASUULKIISU NOO YABOOHEEN, ALLE IYO
RASUULKIISUNA WAA RUN SHEEGEEN, UMANA SIYAADIN WAXAAN IIMAAN
IKYO HOGAANSAMID AHAYN)), (Suuratul-Axsaab 22).
Laakiin kuwii munaafaqiinta ahaa markii ay
arkeen ciidammada aadka u tirada badan ayaa waxaa ku dhacay
cabsi iyo argagax, Allahna isaga oo ficilladoodii tilmaamaya
wuxuu qur'aankiisa ku yiri:
((MARKAY YIRAAHDEEN MUNAAFIQIINTII IYO KUWII QULUUBTA KA
JIRANAA ALLE IYO RASUULKIISU SCW WAXAN DHAGAR AHAYN NOOMA
YABOOHIN)), (Suuratul-Axsaab 12).
Ka dib Rasuulku SCW wuxuu diyaariyey
ciidammadiisii, wuxuuna la soo baxay ciiidan gaaraya 3,000
oo nin, waxayna tageen dhufeyskoodii, Shicaarka ciidanku
wuxuu maalinkaas ahaa (XAAMIIM LAA YUNSARUUN). Magaalada
Madiina wuxuu Rasuulku SCW u xilsaaray Cabdullaahi ibnu ummi
Maktuum.
Ciidankii qureysh oo ahaa 4,000 oo qof
wuxuu degey meesha la yiraahdo Majmuucul-Asyal oo ah dhinaca
woqooyi ee Madiina, qabiilooyinkii reer Qadafaan oo gaarayey
6,000 waxay degeen dhinaca bari ee buurta Uxud.
Ciidammadaasi markii ay arkeen khiddadii muslimiinta iyo
dhufeyska ay qoteen ayey la cajabeen waxayna dheheen "tani
waa khiddad aysan carab hore u aqoonin", waxayna ku
wareegaaleysteen dhufeyska hareerihiisii iyaga oo raadinaya
meel uu ka gaaban yahay oo ay ka geli karaan. Ciidankii
muslimiintu wuxuu la socday dhaqdhaqaaqooda, wuxuuna ku
ganayey fallaaro. Ciidankii farooleyda qureyshtu wuxuu aad
isugu hawlay meel uu godku karin gaabo ka leeyahay, wax ay
ku wareegaanba waxay markii dambe koox ka mid ihi heshay
meel yar oo ciriiri ah. Kooxdaas waxaa ku jirey Camar binu
Cabdi-wuddi, Cikrama binu Abii-Jahal iyo Daraar binu
Khadhaab. Waxaa markaa ka hor tegey kox muslimiin ah oo uu
ku jirey Cali binu Abii-dhaalib, markii meeshii la isugu
tegeyna Camar binu Cabdi-wuddi, oo ka mid ahaa geesiyadii
qureysh, ayaa dalbaday mubaaraso (wax u soo baxa). Cali binu
Abii-dhaalib ayaa markaas u soo baxay, intii aan foodda la
is darin ayaa Cali la hadlay oo ku yiri "Camaro waxa aad (hadda
ka hor) Alle ballan uga qaadday in haddii nin qureysh ihi
kuugu yeero labo arrimood midkood aad ka qaadanayso, marka
waxa aan kuugu yeerayaa Alle iyo Rasuulka SCW iyo islaamka".
Camar wuxuu yiri "waxaas dan kama lihi", markaas ayaa Cali
ku yiri "waxa aan marka kuugu yeerayaa in aad soo degtid",
Camar wuxuu yiri "sabab, walaalkey wiilkiisiiyow, Ilaah baan
ku dhaartaye ma jecli in aan ku dilo". Cali ayaa markaa ku
yiri "laakiin Ilaah baan ku dhaartaye aniga ayaa jecel in
aan ku dilo". Markaas ayuu Camar xanaaqay oo faraskiisii
boqno gooyey, wejigana seeeg uga dhuftay (si aysan baqdin u
gelin). Ka dib foodda ayaa la daray, muddo yar ka dibna Cali
waa ka takhallusay ninkaas. Kooxdii la socotey markii ay
arkeen waxa ku dhacay saaxiibkood Camar iyo sida dhakhsaha
leh oo loo diley ayey baqdeen oo cagaha wax ka dayeen ilaa
uu ninkoodii khatarta ahaa ee Cikrama binu Abii-Jahal ka
cararay warankiisii.
Ciidammadii gaaladu waxay soo qaadeen
weerarro is dabajoog ah oo aad u daran hase yeeshee si
fiican ayaa loo caabbiyey, iyadoo waxa lagu dagaallamayey
ahaayeen fallaaro iyo warmo, maxaa yeelay seefo laguma
dagaallami karin oo labada ciidan god baa u dhexeeyey.
Weerarradaasi waxa ay sababeen in maalmaha qaarkood
muslimiintii tukan kari waayaan, markarka qaarkoodna madaxa
kor u qaadi waayaan. Saxiixeynku waxa ayka wariyeen Jaabir
binu Cabdullaahi in Cumar binu Khadhaab yimid isaga oo
caayaya gaaladii querysheed wuxuu yiri "Rasuulkii Allow ma
karin in aan tukado (casar) ilaa ay qorraxdii ka dhacday",
markaas ayaa Nabiga SCW yiri "aniguba ma tukan Ilaah baan ku
dhaartaye", markaas ayey isu raaceen meel la yiraahdo Budxaa
oo ku weyso qaateen, casarkiina ku tukadeen markii qorraxdii
dhacday, dabadeedna maqribkii ayey tukadeen. Rasuulkuna SCW
wuu habaaray gaaladaas, salaaddii ay ka tagsiiyeen darteed.
Bukhaari wuxuu ka weriyey Cali binu Abii-dhaalib in uu
Rasuulku SCW yir i"Ilaah ha ka buuxiyo (gaalada) guryahooda
iyo qubuurohooda naar sida ay nooga mashquuliyeen
Salaatu-Wusdhaa (Salaadda Cassar) ilaa ay qorraxdu ka
dhacday. Sidoo kale Axmed binu Xanbal iyo Shaafici waxay
weriyeen in gaaladu maalintaa muslimiinta ka mashquuliyeen
salaadihi duhur, casar, maqrib, iyo cishe, ka dbna hal mar
ayaa la wada tukaday.
Waqtigaas dadka muslimiinta ah ay
salaaduhu ka tegayeen wuxuu ahaa intii aan la jideyn
Salaatul-Khawfka. Ka dib waxaa la jideeyey Salaatul-Khawfka
oo uma bannaana in ay salaad ka tagto qofka muslimka ah
jihaad kasta oo uu ku jiro iyo xaalad kasta oo la soo
derista illaa labo arrimood maahane: Hilmaan iyo hurdo,
iyagana markii uu qofku xusuusto ama tooso ayuu salaaddisii
tukanayaa. Halkaas waxaa laga garanayaa weynida salaadda iyo
meesha ay islaamka ka joogto oo ah in aan marnaba la
oggoleyn in qof muslim ah uu salaadda dayaco. Salaadduna waa
xiriirka ka dhexeeyea qofka iyo Rabbigiis, waan waxa kala
sooca islaamka iyo gaalnimada sida ay nusuustu caddeysey.
Haddaba waxaa la yaab ah in salaaddii
sidaas ahayd, oo xitaa ninkii jihaadka ku jirey oo Ilaahay
diintiisa u dagaallamayey in uu tukado la amray, ayaa maanta
dad badan oo muslimiin sheeganayaa fududeysteen oo markiii
ay doonaanna tukanayaan markii ay doonaana iska dhaafayaan.
Allaahna isaga oo dadka noocaas ah ka hadlaya wuxuu
qur'aankiiisa ku yiri:
((WAXAA HALAAG U SUGNAADAY KUWA TUKANAYE EE HADDANA
HILMAANSAN SALAADDOODA, DADKANA IS TUSA, UNA DIIDA (DARISKA)
ALAABTA (ADEEGA AH)), (Suuratul-Maacuun 4-7).
Sidoo kale Allaah isaga oo ka hadlaya
markii dadkaas la geliyo naarta Saqaro ah wuxuu yiri:
((MARKII LAGU YIRAAHOD MAXA IDIN GALIYEY NAARTA SAQARA AH,
WAXAY DHAHAAN KAMA AANAAN MID AHAYN KUWA TUKADA)),
(Suuratul-Muddathir 42-43)
Haddii aan Axaadiista Rasuulka SCW oo
salaadda ka hadashay wax ka soo qaadanno, wuxuu Rasuulku SCW
yiri "annaga (muslimiinta) iyo iyaga (gaalada) salaadda ayaa
noo dhexeysa, qofkii ka tagana waa gaaloobey". Sidoo kale
wuxuu Xadiis kale ku yiri "waxaa la i amray in aan dadka la
dagaallamo ilaa ay Allaah ka qiraan oo salaadda ka tukadaan,
sakadana ka bixiyaan. Haddii ay sidaas sameeyaan way iga
ilaaliyeen dhiigooda iyo maalkooda xaqa islaamka maahane".
Sidoo kale Rasuulku SCW wuxuu yiri "qofka waxa ugu horreeya
ee qiyaamaha laga xisaabinayo waxaa weeye salaadda. Haddii
ay salaaddiisu wanaagsanaato, camlkiisa kalena waa
wanaagsanaanayaa". Asxaabtii Rasuulka SCW iyagoo salaadda ka
hadlaya waxa ay dheheen "waqtigii Rasuulku SCW camal laga
tago gaalnimo kuma aannan tirin jirin illaa salaadda
maahane". Haddaba nusuusta ku soo aruurtay ama ka hadashay
mawduuca salaada iyo waxay cullimadu ka yiraahdeen haddii
aan dhex galno in aan ka hadalno aad ayey u dheeraanaysa,
mowduuceennuna ma ahayn in aan salaadda ka hadalno eearrinta
ayaa nal dhex gashay sidaa darteed intaas ayaannu ku
ekeyneynaa, qofkii u baahan mawduucan salaadda ah ha
akhristo kutubada ay culimadu ka qoreen salaadda.
Haddii aan dib ugu laabanno dagaalkii
Axsaab, si daran ayaa la isku dhaafsaday fallaaraha iyo
warmaha iyo wixii la tuuri karo oo dhan maxaa yeelay sidii
aan soo sheegnayba seefo laguma dagaallami karin oo godkii
ayaa u dhexeeya labada ciidan. Falaarahaa la is dhaafsanayey
waxaa musimiinta uga dhintay 6 nin, gaaladan 10 nin in
kastoo hal ama labo ka mid ah (kuwa gaalada ) seef lagu
diley.
Haddaba goor ay arrintu sidaas tahay oo
dagaal darani socda, ciidankii muslimiintuna u beer dhigeen
10,000 kun oo isa soo bahaysatay, iyadoo ay weliba gajadu u
sii dheer tahay, ayaa waxaa ku soo kordhay arrin kale oo
aysan fileyn. Arrinkaas oo ahaa in qabiilkii yahuudda ahaa
ee reer banuu Qureyda oo Madiina wax ka degganaa uu
ballantii ka baxay, dagaalna ku dhawaaqay, sababtuna waxa ay
ahayd ninkii la oran jirey Xuyey binu Akhdhab ee madaxda u
ahaa yahuuddii reer banuu Nadiir ee Madiina laga saaray,
kuna jirey labaatankii nin ee ciidammadaan isu keentay, ayaa
wuxuu u tegey odeygiii reer banuu Qureyda oo la oran jirey
Kacab binu Asad. Kacab markii uu gartay Xuyey ayuu albaabka
ka xirtay maxaa yeelay wuu ogaa in uu san kheyr u wadin hase
yeeshee Xuyey kama tegin oo wuu ku celcelikyey ilaa uu
markii dambe albaabkii ka furay oo uu lahadlay.
Xuyey markii albaabkii laga furey oo uu
soo galay ayuu yiri "Kacabow waxaan kuu wadaa samanka
sharaftiisii, qureysh baan kuu keenay oo madaxdeedii iyo
hoggaamiyayaasheedii wadata ilaa aan soo dejiyey
Majmacu-Asyal, sidoo kale waxaan kuu wadaa Qadafaan oo
wadata madaxdeedii iyo hoggaamiyayaasheedii ilaa aan soo
dejiyey Uxud dhiniciisa. Waxayna iga ballan qaadeen oo ay
iga gunteeen in aysan noqoneyn ilaa ay jirrid gooyaan
Maxammed iyo cidda raacsan". Kacab wuxuu yiri "Ilaah baan ku
dhaartaye waxaad iila timid samanka hoogiisii, war hooge
Xuyey iiga tag aniga iyo waxa aan ku sugnahay (heshiiska).
Aniga Maxammed kama arag wax aan run iyo (ballan) oofin ka
ahayn", hase yeeshee Xuyey kama uusan suulin in uu ku
celcelinayo ilaa uu weliba markii dambe ka qaaday ballan o
ku yiri "haddii qureysh iyo Qadafaan laabtaan iyaga oo aan
Maxammed waxba yelin waaan kuula gelayaa dhufeyska ilaa ay
igu dhacaan wixii kugu dhaca". Sidaa ayuu Kacab binu Asad
ballankiii uga baxay, uuna ugu dhawaaqay dagaal uu
muslimiinta uga soo horjeedo, isaga iyo qabiilkiisa waxay
xulafo la noqdeen gaaladii kale.
Warkaasi markii uu soo gaaray Rasuulka SCW
ayuu Rasuulku SCW si uu arrinkaas u hubsado wuxuu u direy
dhowr nin oo asxaabtiisa ka mid ahaa Raggaasi waxay kala
ahaayeen: Sacad binu Mucaad, Sacad binu Caubaada,
Cabdullaahi binu Rawaaxa iyo Khawaat binu Jubeyr wuxuuna
Rasuulku SCW ku yiri "baxa oo soo fiirsha warka naga soo
gaaray raggaas, ma sax baa mise ma aha. Haddii ay sax tahay
dadka dhexdiisa ha iigu sheegginnina ee ii baaqa, haddii ay
oofiyeenna (ballantii) kor ugu sheega dadka". Nimankii
markii ay u tageen yahuuddii reer banuu Qureyda waxa ay kala
soo kulmeen arrinkii xumaa oo weliba yahuuddii way soo
caydey, waxayna muujisatay cadaawad waxayna tiri "annaga iyo
Maxammed wax ballan ihi nagama dhexeyso".
Raggii way soo noqdeen, markii ay Rasuulka
SCW u yimaaddeenna sidii ay isla ogaayeen ayey ugu baaqeen.
Ugu dambayntii muslimiintii markii ay ogaadeen warkii reer
banuu Qureyda arrintii dhib ayey ku noqotay maxaa yeelay
iyaga iyo reer banuu Qureyda wax u dhexeeya ma jirin oo
magaalada ayey wada degganaayeen, weliba waxay yahuuddu
degganaayeen geeska ciidankii muslimiintu Madiina ka joogey
maahane geeskiisa kale, wax dumarkii iyo carruurtii ka
difaacayeyna ma jirin, ciidanka muslimiintuna meeshan kama
tegi karin, umana qaybsami karin labada dhinac. Allaahna
isagoo arrintaas tilmaamaya dhibteeda iyo wadciga ay
muslimiintu ku jireen wuxuu yiri:
((XUSUUSTA MARKAY IDIN KAGA YIMAADEEN KOR IYO HOOS OO AY
INDHIHII IISHEEN QULUUBTUNA GAARTAY DHUUNTA OO AAD ALLE U
MALAYSEEN MALOOYIN (SIDII IN UUSAN IDIIN GAR GAARAY)
HALKAASAA LAGU IMTIXAAMAY MU'MINIINTA, GILGILID DARANA LAGU
GILGILAY)), (Suuratul-Axsaab 10-11).
Munaafaqiintii iyo wixii aan Ilaahay ku
kalsooneyn ee iimaankoodu daciifka aha waxaa ku dhacay
baqdin iyo argagax, waxayna qaarkood yiraahdeen "Maxammed
wuxuu noo yabohay in aan ka cuni doonno keydadka Kisraa iyo
Qeysar, axadkayana maanta kuma aamin aha naftiisa in uu aado
bannaanka". Sidoo kale argagaxoodii waxaa ka mid ahaa in ay
meeshii joogi kari waayeen oo cudurdaarro been ah keenteen
si ay goobta uga baxsadaan, waxaana ka mid ahaa
hadalladoodii "guryahayagii way af bannaan yihiin oo waxay
xigaan dhinaca cadowga oo waannu u baqaynaa ee na idan (in
aad baxno)". Sidoo kale waxa ay yiraahdeen "Alle iyo
Rasuulkiisu waxa ay noo sheegayeen kedo uun bay ahad iyo in
aan halaagsanno". waxayna jeclaysteen in ay Madiina ka
cararaan oo baadiyahaas dadka ka wareystaan dagaalka.
Allaahna isaga oo ficilladoodii tilmaamaya wuxuu
qur'aankiisa ku yiri:
((XUS MARKAY MUNAAFIQIINTU LAHAAYEEN IYO
KUWA QALBIGA KA JIRRAN ALLE IYO RASUULKIISU SCW WAX AAN KADO
AHAYN NOOMA YABOOHIN, MARKAY LAHAYD KOOX IYAGA
(MUNAAFIQIINTA) KAMID AH REER YATHRIBOW MEEL AAD KU
NAGAATAAN IDIINMA AHAANIN EE NOQDA (OO GOOBTA DAGAALKA KA
SOO KACA), KOOX IYAGA KAMID AHNA WAXAY IDAN WAYDIISANAYSAY
NABIGA IYAGOO LEH GURYAHAYAGII WAA DAYACAN YIHIIN, MANA
DAYACNAYN EE WAXAAN CARAR AHAYN MA AYSAN DOONAYN, HADDII
LOOGA SOO GALO (MADIINA) DHINACYADEEDA OO GAALNIMO LA
WAYDIISTO (OO LA YIRAAHDO GAALOOBA) WAY LA IMAAN LAHAAYEEN,
KUMANA NAGAADEEN MADIINA WAX YAR MA AHANE, XAQIIQDIINA ALLAY
HORAY ULA BALLAMEEN IN AYSAN DABADA JEEDIN, BALLANKA ALLENA
WAXA UU AHAADAY MID LA IS WAYDIIYO, WAXAAD DHAHDAA IDINMA
ANFACAYO CARAR HADDII AAD KA CARARTAAN DHIMASHO AMA DIL,
HADDABA LA IDINKU RAAXAYN MAHAYO (ADDUUNKA) WAX YAR MA
AHANE, WAXAAD DHAHDAA YAA IDINKA ILAALIN ALLE HADDUU XUMAAN
IDINLA DOONO AMA NAXARIIS, MA HELAYAAN ALLE SOKADII WALI IYO
GARGAARE, XAQIIQDII ALLE WAA OG YAHAY KUWA REEBAYAALKA AH
(CIIDANKA TASHWISHKA KU FURAYA) OO IDINKA MIDKA AH, IYO KUWA
KU LEH WALAALAHOOD (MUNAAFIQIINTA AH) NOO IMAADA, DAGALKANA
MA YIMAADAAN WAX YAR MOOYEE, WAA IDINKU BAKHAYL BADAN YIHIIN
(MUNAAFIQIINTU), MARKAY CABSIDU TIMAADANA WAXAAD ARKAYSAA
IYAGOO KU FIIRINAYA OO INDHAHOODU WAREEGAYAAN SIDII KII LA
MIYIR DABOOLAY EE DHIMANAYEY, MARKII CABSIDU TAKTANA WAXAY
IDINKU DIIRANAYAAN CARRABO AF BADAN, KHAYRKANA WAA IDIINKA
BAKHAYLAYAAN, KUWAASI (XAQA) MA AYSAN RUMAYN ALLENA WAA
HOOBIYEY CAMALKOODII, ARRINTAASINA ALLE WAA U FUDUDAHAY,
WAXAY U MALAYNAYAAN INAYSAN AXSAABTU TAGAYN, MARKII AY
AXSAABTU (COLKU) YIMAADAANA WAXA AY JECEL YIHIIN IN AY
BAADIYAHA JIRAAN OO AY WARKIINA WARSADAAN, HADDAY IDINLA
JOOGAANA MA AY DAGAALAMEEN WAX YAR MA AHANE)),
(Suuratul-Axsaab 12-20).
Dhinicii muslimiinta oo ayagu ahaa rah
Ilaahay ku kalsoon, diintiisana u istaagay, mar walbana
Ilaahay ka rajaynayey khayr iyo guul iyo in labada wanaagsan
(shahiidnimo iyo guul) midkood siiyo, waxa ay arrintaani u
xiyaadisay iimaan iyo geesinnimo.
Rasuulku SCW markii uu arkay muslimiinta
iyo xaalada adag oo ay marayaan, haddii ay ahaan lahayd
ciidammada aadka u badan ee har iyo habeen dul taagan ama
yahuuddii reer Madiina oo dagaal caddeysatay, heeganna ah oo
qaqti kasta laga baqayo in ay dhabar jebin muslimiinta ku
sameeyaan ama xasuuqdo dumarka iyo carruurta iyo haddii ay
ahaan lahayd munaafiqiintii oo intaa tashwiish ku ridaya
ciidanka muslimiinta iyo dhibka gaajada oo ay weliba dagaal
ugu taagan yihiin maalin walba, ayuu wuxuu sameeyey in uu
ciidankii dhiirrigeliyo, uuna u sheego in aan Ilaahay
hoojineyn, nasriga iyo guushana ay iyaga lahaan doonaa,
wuxuuna yiri "Allaahu Akbar, muslimiineey ku bishaaraysta
fatxiga Alle iyo nasrigiisa", ka dibna wuxuu Rasuulku SCW
bilaabay in uu khiddaad u dejiyo duruuftaas adag oo ay
muslimiintu marayaan, wuxuuna Madiina u direy ciidan dumarka
iyo carruurta ka ilaaliya yahuudda.
Sidoo kale wuxuu sameeyey khiddad uu
doonayey in uu dagaalka uga saaro reer Qadafaan oo 6,000
gaarayey si uu yahuud iyo qureysh abaalkooda u marsiiyo.
Khiddadaas oo ahayd in uu la heshiiyo Cuyeyna binu Xusin iyo
Xaarith binu Cawf oo reer Qadafaan madax u ahaa si ay
dagaalka uga baxaan, isaguna u siiyo timirta Madiina ka soo
go'day sannadkaas saddex meelood meel ahaan, wuxuuna
arrinkaas kala tashaday Sacad binu Mucaad iyo Sacad binu
Cubaada, waxayna dheheen "Rasuulkii Allow, haddii Ilaahay uu
arrintaa ku amrayo waan maqalnay, waanuna yeelnay. Hadiise
ay tahay shey aad annaga (muslimiinta) noogu daneyneysid ma
dooneyno maxaa yeelay waxa aannu ahaan jirney annaga
(Ansaar) iyo reerkaas (Qadafaan) kuwo Ilaahay u wada shariik
yeela oo caabuda Asnaam, kumana aysan cunin mirahayaga wax
aan amaah iyo iiib ka ahayn, haddaba ma hadda oo Alle nagu
karaameeyey islaamka oo uu nagu hanuuniyey, adigana nagu kaa
ciseeyey miyaan siineynaa xoolahayaga?, Ilaah baan ku
dhaarannaye wax aan seef ahayn ma siineyno". Rasuulku SCW
wuu yeelay ra'yigoodii, wuxuuna yiri "waxay ahayd arrin aan
idiin samaynayey markii aan arkay in carab oo dhan hal
qaanso idin noqotay".
Ka dib waxay xaaladdu sidaa ahaataba
markii ay tagtay muddo ku dhow bil ayaa waxaa timid arrin uu
Alle ku hoojiyey axsaabtii isa soo baheysatey, muslimiintana
uu uga kaafiyey dagaalkii. Arrinkaas wuxuu ahaa: Waxaa
Rasuulka SCW u yimid nin reer Qadafaan ah oo la oran jirey
Nuceym binu Mascuud oo ka mid ahaa ciidankii Qadafaan. Wuxuu
ninkaasi Rasuulka SCW ku yiri "Rasuulkii Allow waan soo
islaamay, reerkayguna ma oga islaamnimadayda ee marka i amar
wixii aad doontid". Rasuulku SCW wuxuu yiri "hal nin keliya
ayaad tahaye ee bal nooga dhagar wixii aad doontid, dagaalku
waa dhagare".
Nuceym wuu baxay wuxuuna u tegey yahuuddii
reer bannu Qureyda oo ay saaxiibbo ahaayeen, wuxuuna ku yiri
"waad garanaysaan jacelka aan idiin hayo gaar ahaan waxa
aniga iyo idinka ka dhexeeyey", waxay yiraahdeen "waa
runtaa". Nuceym ayaa markaas yiri "qureysh lama mid tihidin,
magaaladani waa magaaladiinnii, waxaana ku sugan
maalkiinnii, dumarkiinnii iyo carruurtiinni, mana awooddaan
in aad ka guurtaan. Qureysh iyo Qadafaan waxa ay u yimaadeen
dagaalka Maxammed iyo asxaabtiisa, idinkuna waad u
kaalmeyseen; dhulkoodii, maalkoodii iyo dumarkoodiina nabad
bay ugu sugan yihiin, haddii ay guuleystaan waa u fursad
haddii kalena waxay aadayaan dhulkoodii, wayna iskaga kiin
tegeyaan idinka iyo Maxammed, wuuna idinka aar gudan
doonaa", waxay dheheen "maxaa samaynaa, Nuceymow?", wuxuu
yiri "dagaalka ha la gelina ilaa ay Rahan idiin keenaan",
waxay dheheen "Xaqiiqdii taladii waad ishaartay".
Nuceym wuxuu haddana aaday qureysh wuxuuna
ku yiri "qureysheey waad i tagaanniin jaceylka aan idiin
hayo iyo sida aan idiinla taliyo", waxay dheheen "haa",
wuxuu markaas yiri "yahuuddu waxay ka qoomameysey wixii ay
samaysay oo ahaa ballantii ay Maxammed iyo asxaabtiisa kula
jireen oo ay buriyeen, waxayna Maxammed u fareen in ay Rahan
ragga qureysh ugu akhyaarsan ah u keeni doonaan. Marka
haddii ay rahan idin weydiiyaan ha siinina". Ugu dambayntii
wuxuu Nuceym u tegey reerkiisii Qadafaan oo ku yiri intii uu
qureysh ku yiri oo kale.
Xaaladdu markii ay halkaas marayso ayaa
habeen Sabti ah bishii Shawaa, sannadkii 5aad ee hijriga,
waxay qureysh iyo Qadafaan u cid diren yahuuddii reer banuu
Qureyda, waxayna ku dheheen "annagu dhulkaygii ma joogno,
xoolihii aan wadanayna way nooga baab'een ee soo dhaqaaqa
aan Maxammed la dagaalannee oo dabar goynnee". Yahuuddii
waxa ay ku soo jawaabeen "horta maalin Sabti ah annagu ma
dagaalanno o waad og tihiin wixii ku dhacay kuwii naga
horreeyey markii ay gefka la yimaadeen. Haddana iyadoo ay
taasi jirto idinla dagaal geli mayno ilaa aad Rahan noo soo
dirtaan".
Qureysh iyo Qadafaan markii ay maqleen
jawaabtaas yahuudda ayey yiraahdeen "Ilaah baan ku
dhaaranaye Nuceym run buu noo sheegay". Ka dibna yahuuddii
waxay ku dheheen "annagu Ilaah baan ku dhaarannaye in
aannaan qof idiin soo direyn ee soo baxa dagaalka nala gala"
hase yeeshee yahuuddii reer banuu Qureyda markii ay aragtay
in Qureysh iyo Qadafaan rahantii diideen ayey isku
yiraahdeen "Ilaah baan ku dharannaye run buu idiin sheegay
Nuceym", sidaas ayaa markaa labadii qolo u kala shakiday,
Ilaahayna dhexdooda ugu riday kala tag iyo caro.
Dadkii muslimiinta ahaa Allaah ayey
baryayeen mar walba, waxaana ducooyinkoodii ka mid ahaa
"Allahayow cawradayada astur aamminna ka yeel
ilaaliyayaashayada". Sidoo kale Rasuulku SCW wuxuu baryayey
Rabbigiis, waxaana ducooyinkisii ka mid ahaa "Allaha
kitaabka soo dejiyey xisaabtiisuna degdegga badantahayow
jebi axsaabta, Allow jebi oo nooga gargaar". Allaah wuu ka
aqbalay Rasuulka SCW iyo muslimiinta baryadoodii, wuxuuna
keenay nasrigiisii iyo gargaarkiisii, wuxuuna gaaladii oo uu
awalba isku diray oo kala jabtay u keenay dabayl aad u
daran, dabayshaas oo dharyihii ka daadisay, dhistiina ka
dumisay, una diidday xasillooni, quluubtoodana wuxuu ku
riday cabsi iyo argagax. Allaahna isaga oo arrintaa
tilmaamaya wuxuu yiri:
((DADKA MU'MINIINTA AHOW XUSUUSTA NIMCADUU ALLE IDIIN GALAY
MARKAY CIIDAMMADU IDIIN YIMAADEEN OO AAN KU DIRNAY DABAYL
IYO CIIDAMO AYDAAN ARKAYN, ALLENA WAXAAD CAMAL SAMAYNAYSAAN
WUU ARKAA)), (Suuratu-Axsaab 9).
Rasuulku SCW habeenkii dabaysha iyo
qabowga darani dhacayey direy Xudeyfa binu Yamaam, wuxuuna
ku yiri "soo fiiri oo warkooda noo keen, waxna ha samaynin".
Xudeyfa markii uu u tegey wuxuu arkay dabasha Alle ku
salliday iyo xaalada ay ku jiraan iyo in aysan u ekeyn dad
meesha sii deggenaan kara, wax ayar ka dibna
hoggaamiyahoodii Abuu Sufyaan ayaa ciidankii isugu yeeray,
Xudeyfana ciidankii ayuu dhex galay. Abuu Sufyaan oo ahaa
nin ku dheereeyey arrimaha militariga iyo hawlaha dagaalka
ayaa markii uu ciidankii isugu yeeray wuxuu ku yiri "nin
walbow ninka kugu xiga iska hubso oo gacanta qabo", markaas
ayuu Xuudeyfa kala hormaray ninkii ku xigey oo ganta qabtay
kuna yiri "kumaad tahay?", markaas ayuu isku sheegay. Ka
dibna Abuu Sufyaan wuu hadlay oo wuxuu ciidankii u sheegay
in aysan meesha deggenaan karin oo ay ku rafaadeen, hadday
noqoto dabaysha iyo qabowga iyo hadday noqoto muddada dheer
ay meesha joogeen. Dabadeedna wuxuu yiri "ha la guuro anigu
waan guurayaaye".
Xudeyfa wuxuu ku soo laabtay Rasuulka SCW
oo tukanaya, markaas ayuu Rasuulku SCW maro weyn oo uu ku
tukanayey dhinac ka huwiyey maxaa yeelay qabow daran ayaa
dhacayey, ka dibna markii uu Rasuulku SCW salaaddii
dhammaystay ayuu khabarkoodi u sheegay iyo in ay guureen. Ka
dib waxay Rasuulkii SCW iyo muslimiintii waaberiisteen iyaga
oo uu Alle u gargaaray oo uu ku xoojiyey ciidammadiisa,
ciidammadii isa soo bahaystayna keligiis (Allaah) ayaa
jebiyey oo ku celiyey caradoodii iyaga oo aan wax faa'iido
ah gaarin. Allaahna isaga oo tilmaamaya faa'iido darrada ku
dhacday gaalada iy sida uu muslimiinta uga kaafiyey dagalka
wuxuu yiri:
((ALLE WAXA UU KU CELIYEY KUWII GAALOOBAY CARADOODII IYAGOON
WAX KHAYR AH GAARIN, ALLENA WUU KA KAAFIYEY MU'MINIINTII
DAGAALKA, ALLENA WAXA UU AHAADAY MID AWOOD LEH O QAALIB
AH)), (Suuratul-Axsaab 25).
Duullaankan Axsaab oo dhacay bishii
Shawaal, sannadkii 5aad ee hijriga, waxaa la is dul fadhiyey
muddo gaareysa hal bil. Culimada qaarkood waxa ay yiraahdeen
duullaankan Axsaab ma ahayn mid muslimiinta khasaare ugu
sugnaa ee wuxuu aha mid ay faa'iido ugu jirtay.
Faa'iidooyinkaas waxaa ka mid ah: isaga oo ahaa duullaankii
ugu xoogga badnaa ee Rasuulka SCW iyo asxaabtiisa lagu soo
qaado, haddana Allaah muslimiinti wax kuma yeelin,
gaaladiina iyaga oo bil dhan joogey oo aan waxba u hirgelin
balse khasaare ayey la noqdeen. Sidoo kale gaaladii waxay
ogaatay in haddii carab iyo yahuud isugu tagto muslimiinta
aysan waxba ka qaadi karin maxaa yeelay iyaga oo intaas oo
ciidan ah watay yahuuddii Madiina deggenaydna raacday, ayey
waxba geysay kari waayeen, ciidan intaas ka badanna ma aysan
ururin karin.