SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SIIRADII - RASUULKA (scw)

<><><> 

Casharka 23aad ee Kitaabka Siirada Nebiga Muhammed SCW

DHIBAATADII REER DAA'IF

Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu markay Makka dacwadii ka soo wadeen 10 sano, juhdi nooc walba ahna ku bixiyeen, shacabkii reer Makkana wax yar maahee ay ka wada hor yimaaddeen islaamkii, Nabiga SCW iyo asxaabtiisiina ay Makka ka noqdeen tuke cambaar leh, ayaa Rasuulku SCW wuxuu ku dhaqaaqay tallaabo kale oo ah in uu dacwadii gaarsiiyo magaalooyinka kale ee Makka u dhowaa oo laga yaabi karey iney islaamka qaataan, taasoo ah arrinta had iyo jeer lagu yaqaanno qofka daaciga ah inuusan quusan haddii irrid ka xiranto irrid kale uu garaaco, haddii ay meel dacwadii iyo xaqii diiddana ay meel kale qaadato. Sidaa darteed Rasuulka SCW wuxuu aaday Daa'if oo Makka u jirta 60 mayl isagoo uu la socdo seyd binu Xaarith wuxuuna doonayey inuu dacwada gaarsiiyo shacabka reer Daa'if.

Rasuulka SCW intuu dhexda sii socday qabiil kasta oo uu sii maro wuxuu ugu yeerayey islaamka hase yeeshee cidna ma ajiibin. Markuu gaaray magaaladii Daa'if wuxuu ugu horreyntiiba u tegey madaxdii reer Daa'if raggii ugu sarreeyey oo ahaa saddex nin oo walaala ahaa oo la kala oran jirey Cabdiyaaliin, Mascuud iyo Xabiib ilma Camar ibnu Cumeyr Al-thaqafi ayey ahaayeen. Wuxuu Rasuulka SCW saddexdaa nin u bandhigay dacwadii islaamka hase yeeshee waxay noqdeen kuwo ka shar badan kuwii Makka, wuxuuna ku jawaabay kii u horreeyey "haddaad run sheegeyso oo Ilaah adiga ku soo direy waxaan jeexjeexayaa maryaha kacbada", kii labaadna wuxuu yiri "Ilaahay ma waayey cid kale oo uu soo diro", kii saddexaad wuxuu isna yiri "kuu jawaabi maayo haddaad run sheegayso, maxaa yeelay Rasuul uma jawaabi karo, haddaad Alle ku been abuuranaysana ma mudnid in laguu jawaabo".

Rasuulka SCW markuu saddexdaa nin jawaabohoodii arkay iyo ineysan xaqa diyaar u ahayn ayuu dadkii u tegey oo dacwadii u bandhigay uguna tegey qof qof iyo koox koox waxayse noqdeen kuwo ka dhib badan reer Makka waxayna is gaarsiiyeen inuu Makka ka yimid nin waalan oo Maxammed la yiraahdo, waxayna ku direen wax ma garatadii, dumarkii, carruurtii iyo dadkii waalnaa. Markuu Rasuulka SCW damcay inuu ka baxo magaaladiina way daba galeen iyagoo ku orinaya oo dhagaxyeynaya ilaa uu Nabiga SCW ka baxay Daa'if isagoo uu dhiiggu ka tifqahayo lugihiisa oo dhibaateysan.

Markuu muddo sii socdey ayuu galay beer dhexda ku taalley oo 3 mayl u jirtey Daa'if oo ay lahaayeen Cutba ibnu abii Rabbiica iyo walaalkiis Sheyba ibnu Rabbiica oo odeyaashii Makka ka mid ahaa. Geed ayuu Nabigu SCW hoos fariistay, Cutba iyo Sheyba markay arkeen Nabiga SCW oo dhib aad u weyni ka muuqdo geedna hoos fariistay ayey wiil nasraani (christian) ahaa oo uu shaqeynayey magaciisana la oran jirey Caddaas ugu dhiibeen xoogaa canab ah oo ku dheheen "ninka geedkaas hoos fadhiya u gee". Rasuulka SCW markii canbkii loo keenay ayuu ku bilaabay BISMILLAH, wiilkii ayaa yaabay oo yiri 'waa kalimad aan halkaan laga aqoon", markaasaa Rasuulka SCW ku yiri "xaggee ka timid?", Caddaas ayaa yiri "waxaan ka imid Neynawi (magaalo shaam ku taal)", markaasaa Rasuulku SCW ku yiri "waxaad ka timid magaaladii ninkii saalixa ahaa ee Yuunis ibnu Mataa". Caddaas intuu yaabay ayuu yiri "sidee ku ogaatay?", Nabiga SCW wuxuu yiri "waa walaalkay, isna waa Nabi, aniguna Nabi baan ahay' markaasaa Caddaas Rasuulka SCW ku soo boodey oo lugaha iyo gacmahaba ka dhunkaday. Cutba iyo Sheyba oo meeshoodii ka daawanayey ayaa midkood kii kale ku yiri "Maxammed wiilkii waa kaa fasahaadiyey". Markuu Caddaas iyagii u soo laabtay waxay ku dheheen "war hooge maxaad samaynaysey?" Caddaas wuxuu yiri "ninkaas wax ka kheyr roon dhulka ma joogo maxaa yeelay arrinkuu ii sheegay nin aan Nabi ahayni kama war hayo" markaasay ku dhaheen "diintaadaa ka wanaagsan diintiisee yuusan kaa jeedin".

Intaas ka dib Rasuulka SCW meeshii ayuu ka tegey isagoo dhinaca Makka u sii luudaya, waxaa markaa Rasuulka SCW u yimid malaku Jibriil oo ku yiri: "Maxamedow, Alle waa la socdaa waxa dhib ah ee ku soo gaaray iyo waxay dadkaasi kugu sameeyeen, wuxuuna Alle kuuu soo direy malaggii Buuraha si aad u amarto waxaad (qowmkaaga) ka damacdo, malaggii buuraha doonto, haddaad doonto waan ku gambin labada buurood, (reer Makka), Rasuulku SCW markii amarkaas la siiyey wuxuu ku jawaabay akhlaaqdiisii naxariista iyo wanaagga badneyd wuxuuna yiri "iska daaya hadday iyagu xaqii qaadan waayeen waxaa la arkaa kuwo dhabarkooda ku jira iney ilaahay caabudaan", sidii ayeyna noqotay oo in badan oo iyaga ka mid ah ayaa aakhirkii xaqii qaatay.

Dabadeed Rasuulku Makka ayuu soo aadey, markuu marayo Makka duleedkeeda ayuu meeel fariistay isagoo ka fekeraya siduu Makka ku geli lahaa, maxaa yeelay odeyaashii qureysheed ma aysan oggoleyn in Nabiga SCW ay dacwadiisu Makka dhaafto, sidaa darteed haddii ay maqlaan in Nabiga SCW uu Makka dhaafay oo reer Daa'if iyo qabaa'ilkii baadiyaha u tegey arrintu way qaraar tahay, sidaa darteed Rasuulka SCW wuxuu u cid dirsaday oo uu magangelyo weydiistey Akhnas ibnu Subery hase yeeshee wuxuu Akhnas yiri "waxaan ahay xiliif, xiliifna wax ma magan geliyo", ka dib Rasuulku wuxuu la xiriirey Suheyr ibnu Camar oo uu magangal weydiistey hase yeeshee Suheyr dib Rasuulka SCW wuxuu yiri "Bini Caamir wax kama magan geliyaan bini Kacab". Markaa ka dib Rasuulka SCW wuxuu la xiriirey Mudcim ibnu Cadiyyi oo uu sidoo kale magangal weydiistey, Mudcam wuu ka yeelay wuxuuna qaatay hubkiisii, wiilashiisiina wuu hubeeyey, Rasuulkana wuxuu ku yiri "soo gal", markuu Rasuulku soo galay oo kacbada dawaafayey isaga iyo wiilashiisii ayaa hareeraha ka istaagay ogeysiisna wuu bixiyey oo wuxuu yiri "Maxammed aniguu magantayda yahay", markaasaa Abii-jahal, oo siduu Rasuulku SCW sheegayba ahaa fircoonkii ummaddaan, aadna u necbaa inuu qof islaamo, ayaa Mudcim ku yiri 'ma magan gelisay mise waad raacday?". Mudcim wuxuu yiri 'maan raacine waan magan geliyey', markaasaa Abii-jahal yiri "waa yahay ninkaad magan gelisey waa magan gashan yahay.

Rasuulka SCW wuu qiray Mudcim abaalkaas uu u galay maalinkii Badarna markuu qafaashay 70 gaalo ah wuxuu yiri "hadduu Mudcim noolaan lahaa oo kuwaan iga codsan lahaa waan u sii deyn lahaa".

Daabacad: 2001-12-06  | bog cusub: June 26, 2004

CASHARKA HORE CASHARKA XIGA


URL: www.SomaliTalk.com/siiro

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

 



HTML CD