HIJRADII LABAAD EE DHULKA XABASHIDA
Markuu cadaadiskii iyo ciqaabkii lagu hayey dadkii
muslimiinta ahaa ee joogey Makka oo aad u kordhay iyadoo
waxa lagula dagaaallamayey ay ahayd tawxiidka iyo ciqiidada
saliimka aha oo ay qaateen ayaa Rasuulku scw amray
asxaabtiisii mar labaad iney dhulka Xabashida u hijroodaan
oo sidaan soo sheegnayba uu ka talinayey boqor caaddil ah.
Waxaa marka baxay oo hijroday 83 rag ah iyo 18 dumar ah oo
ku baxay si qarsoodi ah. Ilaahna waa u fududeeyey jidkii oo
nabad qab ayey ku gaareen dhulkii Xabashida.
Madaxdii qureysheed markay maqleen in dadkii muslimiinta
ahaa ay dhulka xabashida u hijroodeen iyagoo ah caddad tiro
badan, oo tegey meel ay diintooda iyo naftooda ku ammaan
helayaan, aad ayay u caroodeen waxayna isla markiiba qaateen
tallaabo degdeg ah oo ay uga hortegayaan arrintaas. Waxay
direen laba nin oo la kala oran jirey Cumar binu Caas iyo
Cabdullaahi ibnu abii Rabbiica, waxayna u dhiibeen hadiyad
badan, waxayna ku dheheen "waxaad hadiyaddan u geysaan
boqorka Najaashi iyo wasiirradiisa, kuna hormara wasiirrada
oo intaad arrinka ka dhaadhicisaan u kaxaysta boqorka,
boqorka markaad la kulantaanna waxaad u sheegtaan inuu
gacanta idinka soo geliyeo dadkaas isagoo aan ka hadalsiin".
Labadii nin waa ay baxeen iyagoo xoolo badan oo hadiyaad
ah daadihinaya, siday arrintu ahaydna waxay ku hormareen
wasiirradii, nin walba oo ka mid ahaana waxay siiyeen
hadiyad fiican, go'aankii ay wateen way ka dhaadhiciyeen, ka
dibna labadii nin iyo wasiirradii oo wada socda ayaa u wada
tegey boqorkii ahaa Najaashi, hadiyaddiisiina waa loo geeyey.
Ka dibna labadii nin ee wafdiga ahaa mid ka mid ah ayaa
istaagay si uu barnaamijkii ay boqork iyo dowladda Xabashida
ugu yimaadeen u soo gudbiyo, wuxuu yir "boqorow waxaa
dhulkaaga soo galay niman dhallinyaro ah oo aan caqli lahayn
oo diintoodii kuwii u sharaf badnaa oo ahaa odeyaashoodii
noogana ogaal badan xaalkooda iyo waxa ay ku ceebeynayaan".
Intaa markay soo bandhigeen labadii nin ayaa waxaa hadalkii
qaatey wasiirradiii, oo sidaan soo sheegnayba ahaa niman
xoolo cunay waxayna yiraahdeen: "boqoroow run bay
sheegayaane u dhiib ha celiyaane".
Najaashi oo siduu Rasuulka scw sheegayba aha boqor
caaddil ah, markuu dhegaystay hadalkii ay soo jeediyeen
nimankii wafdiga ahaa ee hadiyadda keenay iyo ayiditaankii
wasiirradiisa ma uusan qaadan hadalkoodii kumana kedin
arrimaahaasi inu caddaaladda ka tago oo hal dhinac keliya
dhegaysto ee wuxuu yiri: "ha la ii keena dhinaca kale".
Markii loo tegey dadkii muslimiinta ahaa oo loo sheegay
in boqorku rabo ayna yimaadeen niman loo soo diray ayey ka
wada hadleen siday u qaabbili lahaayeen arrinkaas, ugu
dambeyntiina waxay qaateen go'aankii lagu yaqaanney qofka
iimaanka macaankiisa dhadhamiya inuusan qofna uga cabsoon
Ilaahay diintiisa waxayna go'aansadeen wax kasta oo ku
yimaada ineysan diintooda marna ka soo dabcin.
Waxayna af-hayeen ka dhigteen Jacfar binu abii-dhaalib oo
ahaa Nabiga scw ina adeerkiis, dabadeed boqorkii ayaa loo
yimid, hadalkiina waxaa bilaabay Jacfar wuxuuna yiri: "boqoroow
waxaan ahaan jirnay dad jaahiliya ah, sanamkaan caabudi
jirney, bakhtigana waan cuni jirney, faaxishadana waan la
imaan jirney, qaraabadana waan goyn jirney, deriskana waan
xumeyn jirney, midkayaga xoogga lehna wuxuu boobi jirey kan
tabarta daran, sidaas ayaan ahayn, markaasaa Ilaahay wuxuu
no soo diray Rasuul annaga naga mid ah, oo aan naqaan
nasabkiisa, runtiisa, ammaanadiisa iyo dhowrsanaantiisa,
wuxuuna noogu yeeray Ilaahay keliya inaan waxidno oo aan
caabudno kana dhex baxno wixii annaga iyo aabbayaashayo
aannu caabudi jirney; sido kale wuxu na amray inaan warka ka
run sheegno, ammaanadan gudanno, qaraabdana xiriirinno,
deriskana wanaajinno, xaaraamta iyo dhiigga dadkana ka
fogaanno; sidoo kale wuxuu naga reebay xumaan oo dhan,
markhaati beenaalaha, xoolaha agoonta oo la cuno, gabdhaha
dhowrsoon oo la af-lagaadeeyo (qadfo); sidoo kale wuxuu na
amray Allaah keliya inaan caabudno oo aanan u shariik yeelin;
haddaba Rasuulkaas ayaannu rumeyney waana raacnay wuxuu noo
keenay oo Ilaahay diintiisa ah; Ilaah keliya ayaanna
caabdunay, waxna ugu shariik yeeli mayno, waanna xarrimnay
wuxuu Ilaahay naga xarrimay, waana xalaalaynay wuxuu Alle
noo xalaaleeyey; sidaa markaan yeelnay waxaa nagu xad gudbay
dadkayagii, way na cadaabeen, diintayadii ayey naga
fitneeyeen, waxayna doonayaan inaan bannaysanno xumaataan
bannaysan jirnay, markay na dirqiyeen, na dulmiyeen oo ay na
ciririyeen oo annaga iyo diintayadii ay kala dhex galeen
ayaan waddaankaaga u soo baxsannay oo adiga ku doorannay,
derisnimadaadaanna jecel nahay, waxaanna rajayney inaan
agtaada nalagu dulmineyn", intaas markuu Jacfar ku soo
koobay hadalkiisii aadka u qiimaha badnaa dhinac walbana wax
ka ishaaray, ayaa Najaashi su'aal weydiiyey Jacfar oo ku
yiri: "waxa uu Nabigaasi xagga Ilaahay ka keenay wax ma ka
haysaa", Jacfar wuxuu yiri haa, Najaashi ayaa yiri "akhri",
markaasuu Jacfar akhriyey Suuratu Maryam oo si fiican uga
hadahsya qisadii Maryam iyo wiilkeedii Nabi Cise.
Najaashi markuu dhegaystey suuraddaas oohin ayuu la
dhacay ilaa uu gadhkiisii ka qoyey, wasiirradii meesha
fadhiyeynaa sidoo kale way ooyeen markay maqleen Ilaahay
aayaatkiisaas. Najaashi ayaa markaas hadlay oo yiri: "waxaad
akhriday iyo wixii Nabi Ciise la yimid hal dariishad bay ka
soo baxeeen", ka dibnay wuxuu ku jeestey labadii nin ee
qureysh soo dirsatay oo ku yiri "Ilaahay ku dhaartaye
inaanan idiin dhiibayn dhibna looma geysan karo".
Intaas markuu fadhigii ku dhammaaday oo lagu kala
dareeray ayaa Camar binu Caas ku yri saaxiibkiisii
Cabdullaahi ibnu Rabbiica "Ilaah ayaan ku dhaartaye shirqool
ayaan u samaynayaa dadkaas berrito aan ku dabargooyo
markaasoo Cabdullaahi ku yiri "ha samynin arrintaa, maxaa
yeelay waa tolkeen haba na khilaafaane', hase yeeshee Camar
waa ku adkeystey go'aankiisii wuxuu mar labaad ku laabtay
Najaashi isaga iyo saaxiibkiis waxayna ku dheheen "boqoroow
dadkaani Ciise ibnu Maryama waxay ka sheegaan hadal weyn",
markaasaa mar kale loo yeeray muslimiintii, markay
yimaadeenna Najaashi ayaa hadlay oo yiri "maxaad ka
aamminsan tihiin Nabi Ciise?", Jacfar ayaa u jawaabay oo
yiri 'waxaan ka aamminsannahay wixii Nabigayagu noo sheegay
oo ah inuu yahay Ilaahay addoonkiisii, Rasuulkiisii,
ruuxdiisii iyo kalimmaddiisii uu Maryama ku riday",
markaasaa Najaashi qori yar kor u qaaday oo yiri "iska taga
aammin baad ku tihiin dhulkayga qofkii dhib idiin geystana
waa dambiile, mana jecli in la siyo buur dahab ah oo qof
idinka mid ah dhib loo geysto", labadii nin ee qureysh ka
socdeyna wuxuu u yiri "ha loo celiyo hadiyaddooda uma
baahniye".
Ka dibna isagoo hadalkiisii sii wata wuxu yiri "Ilaah
baan ku dhaartaye hadda ka hor markii inqilaabka la igu
sameeyey ee Ilaahay iiga gargaaray laaluush igama uusan
qaadan, qof bini aadan ahna arrinteyda kalama uusan tashan,
aniguna arrintiinna laaluushna ku qaadan maayo qof binu
aadan ahna ku raaci maayo". Hadalkaas oo ula jeedo in
Ilaahay u gargaaray, asna Ilaahay diintiisa iyo xisbigiisa
uu u gargaarayo, sidaas ayaana arrintii ku dhammaatay,
wafdigii qureyshna ku laabtay isagoo la murug geliyey,
hadiyaddiina lagu soo celiyey, muslimiintiina waxaa Ilaahay
siiyey cisso iyo wanaag, waxayna dhulkii Xabashida ku
joogeen nabadgelyo iyo wanaag.
Madaxdii qureysheed markii wafdigoodii ku soo laabtay una
warramay wixii uu dhulka Xabashida kala soo kulmay ayey aad
u caroodeen kana xumaadeen, waxaa kaloo murugo kale ku sii
noqotay in Ilaahay diintiisii ay Makka dhaaftay oo ay
gaadhay Afrika ammaanna ku heshay, ayna baab'day arrintii ay
doonayeen oo ahayd in diintu aysan Makka dhaafin oo ay
halkaas ku cabburiyaan.