NASABKII RASUULKA SCW
Sida la wada ogsoon yahay nasabka Rasuulka SCW ama abtirisiinyihiisu
wuxuu galaa nabiyullaahi Ismaaciil oo uu dhalay nabi Ibraahim. Abtirsiinyada
nabiga SCW waxay u qaybsantaa saddex qaybood: Qaybta u hooreysa marka nabiga
SCW laga soo bilaabo waxay ku eg tahay ilaa Cadnaa, waana qayb culimada
islaamka oo dhan ay isku waafaqsan tahay isla markaasna la hubo sixadeeda;
Qaybta labaad oo iyaduna ka bilaabato Cadnaan waxay ku eg tahay ilaa nabi
Ismaaciil, hase yeeshee waa qayb ay culimadu isku khilaafsan tahay sixadeeda
in badan oo culimada ka mid ihina way ka gaabsadaan, qaar kalena way ka
hadlaan; Qaybta saddexaad oo ka bilaabata nabi Ismaaciil ilaa laga gaaro
nabi Aadan aad ayaay u adag tahay xaqiijinteeda iyo sixadeeda waxana
wanaagsan in laga dhowrsada oo aan la dhex dabaalan.
Waxaan markaa soo qaadaneynaa qaybta ugu horreysa ee ay culimada islaamku
isku waafaqsan yihiin dhabnimadeeda hadday noqon lahaayeen kuwii hore iyo
kuwii dambeba, waxaana weeye sidatan:
Maxammed binu Cabdullahi binu Cabdimudhalib (Shaybah) binu Haashim (Camar)
binu Cabdimanaaf (Muqiira) binu Qusayi (sayd) binu Kilaab binu Murra binu
Kacab binu Nadar (Qays) binu Kinaana binu Khuseyma binu Mudrik (binu Ilyaas
binu Mudar binu Nisaar binu Macad binu Cadnaa.
Rasuulka SCW jilibkiisa waxaa la oran jirey reer binu Haashim, waxaana
loogu magac daray awoowgiisii labaad, Haashim binu Cabdimanaaf. Haashim
wuxuu ahaa nin ka sheegganaa reer Makka, wuxuu waraabin jirey xujeyda oo uu
aabbihiis Cabdimanaaf ka dhaxlay, sidoo kale wuxuu ahaa ninkii ugu horreeyey
ee jideeyey labadii safar ee suuratul Quraysh sheegtay oo ay qurayshtu u
kala safri jirtay Shaam iyo Yamaan.
Haashim Wuxuu dhalay afar wiil oo kala ahaa: Asad, Abu Seyfi, Nadla' iyo
Cabdimudhalib iyo shan gabdhood oo kala ahaa: Sharaf, Khaalida, Daciifa,
Ruqiya iyo Junna. Waxaa sagaalkooda ugu yaraa Cabdimudhalib oo ahaa nibiga
SCW awowgiis.
Cabdimudhalib siduu ku dhashay waxay ahayd aabbihiis Haashim ayaa Safar
ugu kacay Shaam, wuxuuna sii maray Madiina oo uu ku guursaday kulana
aqalgalay Salma bintu Camar. Haashim wuxuu sii watay safarkiisii Shaam.
Markuu Shaam tegey ayuu xanuunsaday, muddo dabadeedna wuxuu ku geeriyooday
magaalo la yiraahdo Qusa oo Falastiin ku taala. Salma, oo uur lahayd markuu
Haashim tegey, waxay dhashay wiil ay u bixisay Sheyba. Haashim markuu
dhintay waxa mas'uuliyaddii waraabinta xujeyda qaaday walaalkiis Mudhalib.
Mudhalib markuu hawshaas muddo hayey ayuu Madiina aaday si uu u soo wado
wiilkii uu walaalkiis Haashim ka tegey (Sheyba). Markuu Madiina yimid ayuu
Salma ka codsaday inay wiilka ku darto hase yeeshee way u diidday, markaasuu
ku yiri "waxaan u dhiibayaa hawshii aabbihiis iyo xaramkii Alle", sidaa
ayeyna ugu dartay. Mudhalib markuu Makka ku soo noqday isagoo wiilkuu
adeerka u ahaa wada, ayaa waxaa arkay dadkii Makka joogey markaasey wiilkii
u maleeyeen addoon uu Mudhalib soo iibsaday sidaas darteed ayey wiilkii ku
dheheen Cabdimudhalib (addoonkii Mudhalib), markaasuu mudhalib ku yiri "war
hooggiinee, waa wiilkii walaalkay Haashim". Sidaas ayaa wiilkii Sheyba ahaa
kula baxay naaneystaas Cabdimudhalib.
Cabdimudhalib wuxuu dhalay toban wiil iyo lix gabdhood, waxaana tobanka
wiil lakalal oran jiray: Xaarith, Subayr, Abuu Dhaalib, Cadullahi, Safar,
Cabbaas, Xamsa, abuu Lahab, Qiyidaaq, Muqawim. Lixda Gabdhoodna waxay kala
ahaayeen: Safiya, Arwa, Ummu Xakiim, Bara'Caatika iyo Ummayma. Cabdimudhalib
wuxuu noqday nin cajiib ah oo qureysh oo dhan ka tilmaaman, wuxuu noqday
odeygii qureysheed sida lo ogsoon yahayna wuxuu leeyahay qisooyin caan ah oo
kala duwan, halkanna aynaan ku soo wada koobi karin, waxaana ka mida ahaa
Duullaankii Abraha iyo Qodiddii Samsamka, kuwaas oo isaga iyo qureyshba
Ilaahay ugu gargaaray.
Dib u sixid: November 22, 2001 | June 26, 2004