QODIDDII SAMSAMKA IYO NADARKII ABDI MUDHALIB
Maalin ayaa Cabdimudhalib oo hurda manaam loogu yimid lana
amray inuu faago ceelka samsamka oo muddo hore duugmay, meel
uu ahaana aan la garanayn. Manaamkii ayuu ku weydiiyey
meeshuu ceelku ahaa waana loo sheegay. Goortuu hurdadii ka
kacay ayuu meeshii tegey isaga oo uu la socdo wiilkiisii
Xaarith oo uu markaas carruur ka qabay wuuna qoday. Markii
ceelkii la helay ayaa qureysh kula doodday oo tiri: "Cabdimudhalibow
waa ceelkii aabahayo Ismaaciil waxaana ku leenahay xaq ee
aan kula wadaagsano." Hase yeeshee Cabdimudhalib wuu ka
diidey arrinkaa oo wuxuu yiri: "mayeelayo arrinkaan aniga
ayaa la igu khaas yeelay". Muddo markii la dooday oo
arrinkii lagu kala bixi waayey ayaa la go'aansaday in loo
xukun tago habar wax sheegsheegta. Habartii ayaa la wada
aaday. Goortii meel cidla ah oo dhexe la marayo ayaa
Cabdimudhalib iyo nimankii jifadiisa ahaa, ee reer
Cabdimanaf, biyihii ka go'een markaasey raggii kale ee
qureysh oo la socday weyddiisteen, hase ahaatee wey u
diideen iyagoo ka baqaya in ay dhammaantood oon u wada
dhintaan.
Cabdimudhalib markuu arkay xaaladdu meeshay marayso iyo
inay halis ku jiraan, meesha ay marayaanna ay tahay saxaraa
wax ka dhowna uusan jirin, ayuu ku yiri raggii jifadiisa
ahaa "nin walba qabrigiisa ha qoto hana dul fariisto, hadba
kii dhintana waa aasaynaa". Sidii ayey yeeleen laakiin
markay muddo joogeen ayaa Cabdimudhalib yiri "ma wanaagsana
inaan meeshan iska fadhino ee aan soconno". Markuu hashiisii
fuulay oo ay dhaqaaqday ayaa biyo ka soo burqadeen meeshay
lugta ka qaadday, biyihii ayuu cabbay dhammaan raggii
qureysh ee la socdeyna wuu ugu yeeray. Markay kulligood
cabbeen, weelashiina ka buuxsadeen ayey Cabdimudhalib ku
yiraahdeen" Ilaah baan ku dhaarannaye arrinkii waa laguu
xukumay, dib dambana Samsamka kugula doodi mayno, Ilaahii
meeshaan saxaraha ah biyaha kaa siiyey yaa Samsamkana ku
siiyey ee u noqo waraabbintaadii, waxba habar u tegi maynee".
Markaa ayuuu Cabdimudhalib wuxuu ku nadray in haddii
Ilaahay toban wiil siiyo oo ay wada hona qaadaan uu midkod
Kacbada agteeda Alle darti ugu gowraco, halkaas ayaa markaas
dib looga soo laabtay, meeshii markii hore loo socday.
Cabdimudhalib markii Ilaahay tobankii wiil siiyey oo ay
wada hanaaqaadeen ayuu isugu yeeray oo u sheegay nadarkiisii,
markay ku wada raalli noqdeenna sanamkii Huda ahaa ayuu ag
geeyey una qori tuuray tobankoodii markaasaa waxaa soo baxay
qorigii Cabdullaahi oo ahaa wiilkii uu carruurtiisa ugu
jeclaa, Cabdimudhalib middi ayuu soo qaatey, wiilkiina
gacanta ayuu soo qabsaday oo kacbada dhinaceeda la aaday si
uu u gowraco hase yeeshee qureysh ayaa wiilkii ku dhegtay oo
u diiday inuu gowraco siiba abtiyaashiis reer bani makhsuum,
Cabdimudhalib wuxuu yiri sidee baan nadarkaygii yeelayaa,
markaasay kula taliyeen inuu aado habar wax sheegta.
Habartii markuu u tegey ayey ku tidhi "magtiinnu waa meeqa?"
markaasuu ugu jawaabay "toban halaad", ka dib ayey tidhi "toban
halaad iyo isaga u qori tuur, haddii ay tobanka halaad soo
baxaan gowrac, hadduu isagu soo baxana geelii kordhi oo
toban kale ku dar. Ka dib sidaa geela u kordhi oo hadba
toban ku dar ilaa uu geelu soo baxo oo Rabbigiis ka raalli
noqdo". Cabdimudhalib waa soo laabtay wuxuuna u qori tuuray
toban halaad iyo wiilkii hase yeeshee waxaa qorituurkii ku
dhacay Cabdullaahi, ka dib geelii ayuu hadba toban ku
darayey qorituurkuna ku dhacayeye Cabdullaahi illaa uu
gaadhsiiyey boqol geel ah oo qori tuurkiina ku dhacay geelii.
Ka dib Cabdmudhalib wuxuu gowracay boqolkii geela ahaa.
Markaa wixii ka dambeeyey magtii qureysheed ee tobanka
geelo ah ahayd waxaa noqotay boqol geel ah, islaamkuna
markuu yimid boqolkii ayuu u sugay, oo uddaayey, Rasuulka
SCW wuxuu yiri: "Anigu waxaan ahay ina labo gowrac" oo uu
ula jeedo nebi Ismaaciil iyo aabbihiis Cabdullaahi.
Waxaa aan qisadaan iyo kuwa la midka ahba ka fahmeynaa
sida qureyshu ahaayeen dad diin lahaa hase ahaatee shirki
iyo inxiraaf galay, arrimo badanna waxay ku dhaameen dad
badan oo maanta islaamka u nasab sheeganaya. Arrimahaas oo
aannaan halkan ku koobi karin oo u baahan in iyaga kaliya
qoraal ama baaritaan laga sameeyo waxaa tusaale inoogu filan
sida markay dhib ku timaaddo ay Ilaahay keliya u baryi
jireen ama siday ballanta u ilaalin jireen ammaanadana u
xifdin jireen, beentana uga xishoon jireen, nadarkana u
oofin jireen. Waxaana xaqiiqa ah in dad badan oo maanta
islaamnimo sheegnaya aanan arrimahaas oo dhan laga wada
helaynin aysanna nadar oofintiis u gowracayn ilmohooda ama
boqol geel ah.
Cabdullaahi, oo sidaan soo sheegnayba ahaa nebiga
aabbihiis, waxaa hooyadiis la odhan jirey Faadumo bintu
Caa'id binu Cimraan binu Makhsuum. Cabdullaahi wuxuu
guursaday Aamino bintu Wahab binu Cabdimanaaf binu Suhra bin
Kilaab, waxayna isku dhisteen magaalada Makka, muddo yar ka
dibna, Aamino oo uur leh, ayaa Cabdullaahi arrin u baxay oo
aadey Madiina, halkaas oo uu ku geeriyoodey. Da'diisu waxay
markaas ahayd 25 sano.
Abdul A.K.