Markii uu jab ku soo dhacay
mushrikiintii qureysh (dagaalkii Badar), waxaa Makka
buuxiyey colaaddii Rasuulka SCW maxaa yeelay odeyaashoodii
ayuu (dagaalkaas ku) laayey, Haddaba maalin maalmaha ka mid
ah ayaa waxaa guri wada fariistay Safwaan binu Umaya, oo
aabihiis iyo walaalkiis Badar lagu dilay, iyo Cumayr binu
Wahab Al-jumuxi, oo ka mid ahaa dadkii aad u dhibi jirey
Rasuulka SCW iyo asxaabta, wiilkiisii Wahab binu Cumayrna
lagu qafaashay Badar.
Waxay labadaa nin ka sheekeysteen
dadkii Badar lagu laayey ceelka lagu gurey, markaas ayaa
Safwaan yiri "Ilaah baan ku dhaartaye nolosha iyaga ka
dambaysaa nolol maaha", Cumayr ayaa markaas yiri "run baad
sheegtay, Ilaah baan ku dhaartaye haddii aysan jirin deyn la
igu leeyahay oo cid iga gudeysaa aysan jirin iyo ciyaal aan
rafaad uga baqayo gadaashay, rukuubkayga ayaan fuuli lahaa
ilaa aan Maxammed u tago oo dilo, arrin aan ku cudurdaartana
waan haystaa oo wiilkaygii ayey qafaasheen". Safwaan ayaa
markaa jeclaystay fikraddaas wuxuuna yiri "deyntaadu waa
dusheyda oo anigaa kaa gudaya, ciyaalkaaguna ciyaalkayga
ayey la noolaanayaan, inta ay nool yihiinna wanaag ayaan u
samaynayaa". Cumayr wuxuu yiri "qari go'aankeenna",
Safwaanna wuxuu yiri "waa yahay".
Cumar seeftiisii intuu qaatay oo
rakuubkiisi fuulay dhaqaaqay ilaa uu Madiina ka tegey. Ka
dib isagoo hashiisii masaajidka agtiisa ku aruminaya ayaa
waxaa arkay Cumar binu Khadhaab oo koox muslimiinta ka mid
ah la sheekaysanayey, markaasuu yiri "eygaan Cumayr oo
cadowga Ilaahay ah wax aan shar ahayn lama imaan", ka dibna
wuxuu cumar u tegey Nabiga SCW oo ku yiri "Nabigii Allow,
kani waa cadowgii Ilaahay ee Cumayr oo seeftiisii
jeeniqaarsan". Markaas ayaa Rasuulku SCW yiri "ii soo daaya".
Cumar ayaa u tegey isaga oo seeftiina dharka u saaray, rag
muslimiinta ka mid ahna ku yiri "iila geeya Rasuulka SCW oo
agtiisa fariisiya, kana digtoonaada aammin ma ahane". Markii
la soo geliyey oo uu Rasuulku SCW arkay Cumar oo wada ayuu
yiri "soo daa Cumarow, war Cumery soo dhowow", markaasuu
Cumeyr soo dhawaaday wuxuuna yiri "subax wanaagsan",
Rasuulku SCW wuxuu ugu jawaabay "Ilaahay wuxuu nagu
karaameeyey salaan ka kheyr badan salaantaada Cumayrow,
waana salaant Ehlu-jannaha", Ka dib Rasuulku SCW wuxuu yiri
"maxaad u timid Cumayr?", wuxuu yiri "waxaan u imid in aad
ii soo deysaan wiilkayga aad soo qafaalateen". Rasuulku SCW
wuxuu yiri "maxay tahay seeftan aad qoorta ku wadato?",
Cumayr wuxuu yiri "Allaah ha hoojiyo seefo, ma wax bay noo
tareen". Rasuulku SCW wuxuu yiri "runta ii sheeg maxaad u
timid?", wuxuu yiri "arrintaas ma ahane wax kale uma imaan".
Markaas ayaa Rasuulku SCW wuxuu yiri "adiga iyo Safwaan baa
qol fariistay, waxa aadna ka sheekaysateen dadkii godka lagu
guray ee qureysheed, waxaad markaa tiri "haddaan deyn la igu
lahay, ciyaalna ii joogin, waan bixi lahaa ila aan Maxammed
soo dilo", Safwaan ayaa markaa dusha saartay deyntaadii iyo
ciyaalkaagii si aad aniga ii disho, Allaahna waa kala
fogeeyey aniga iyo arrinkaas". Cumayr wuxuu yiri "waxa aan
qirayaa in aad tahay Rasuulkii Allaah, waxaannuna ahayn
Rasuulkii Allow kuwo kugu beeniya in khabar samada kaaga
yimaado, waxyina kugu soo dego, arrintaanna cid kale nalama
ogeyn aniga iyo Safwaan, Ilaah baan ku dhaartaye waxa aan
ogaadey Allaah ma ahne cid kale in aysan warkaan kuu keenin,
Alle ayaa mahad leh Allihii islaamka igu hanuuniyey,
socodkaanna ii soo waday", dabadeedna tawxiidkii ayuu qiray.
Markaas ayaa Rasuulku SCW ku yiri asxaabtii "fahamsiiya
walaalkiin diintiisa qur'aankana u akhriya, maxbuuskiisana u
sii daaya".
Ninkii Safwaan ahaa, oo Cumayr ay
ballanta isku ogaayeen, wuxuu reer Makka ku dhihi jiray
intuu Cumayr maqnaa "ku bishaaraysta dhacdo imaan doonta
dhowaan oo idin hilmaansiin doonta dhacdadii Badar". Wuxuuna
dadka socotada ah ee Madiina ka yimaada weydiin jirey Cumayr
iyo xaaladdiisa ilaa markii dambe loo soo sheegay in Cumayr
islaamay. Safwaan wuxuu markaas ku dhaartay in uusan Cumayr
dib dambe ula hadlin, waxna tarin. Ka dib wuxuu Cumayr Makka
ku soo laabtay, isagoo soo islaamay, wiilkiisiina loo soo
daayey, wuxuuna Makka ka bilaabay dacwo uu dadka islaamka
ugu yeerayo, dad badan ayaana gacantiisa ku islaamay.