Markii laga takhallusay Abii Jahal oo
ahaa hoggaamiyihii qureysheed iyo in badan oo madaxdii
qureysh ah ayaa waxaa qureysh madax u noqday Abuu Sufyaan
binu Xarbi. Abuu Sufyaan wuxuu bilaabay tallaabooyin uu ku
rabo in uu ku aar guto, wuxuu markaa ku fekeray in uu
Madiina tago oo dhib u soo geysto muslimiinta si ay
dhoolatus ugu noqoto oo loo arko in uu awood leeyahay, sidaa
darteed wuxuu ku nadray in uusan janaabo ka qubeysan ilaa uu
ku duulo Nabi Maxammed SCW. Wuxuu markaa soo kexeystay
ciidan rakuubley ah oo caddadkoodu yahay Labo boqol oo nin.
Wuxuuna isla habeennimadii galay Madiina isaga oo is
qarinaya, wuxuuna u tegey Kacab binu Asad, oo ahaa odeygii
yahuudii reer banuu Qureyda, albaabka ayuuna ku garaacay
laakiin Kacab baqdin uu ka baqayo Nabiga SCW dareed waa uu
diidey in uu albaabkii ka furo.
Abuu Sufyaan, markii albaabka laga
furi waayey ayuu wuxuu u tegey Salaam ibnu Mashkam, oo ahaa
duqii reer banuu Nadiir, keydkoodana hayey. Albaabka ayuu
markaa ku garaacay oo ka idan dalbay, wuuna ka furay oo wuu
soo dhoweeyey, wuuna u warramay. Ka dibna abuu Sufyaan waa
baxay, wuxuuna isla habeennimadiiba ku noqday ciidankiisii,
dabadeedna wuxuu direy koox ciidanka ka mid aha si ay wax u
soo kharbudaan isla habeennimadaba, maxaa yeelay dhuumaleysi
maahane, dagaal caddaan ah uma uusan imaan.
Kooxdii uu direy waxay tageen beer
beerihii muslimiinta ka mid ah, markaas ayey dhirtii jareen,
beertiina gubeen, labo nin oo muslimiin ah oo beertooda
joogeyna way soo dileen, ka dibna si degdeg ah ayey Abuu
Sufyaan iyo ciidankiisii Makka ugu noqdeen.