DUULLAAMADII CIIDAMEED EE KU XIGEY UXUD
Markii dadkii muslimiinta ahaa
dhaawac ku soo gaaray Uxud ayaa waxaa yaraaday cabsidii iyo
baqdintii laga biqi jirey muslimiinta, waxaana bilaabmay
guux iyo cadaawad loo muujinayo dadkii muslimiinta ahaa.
Guuxaas wuxuu ka imaanayey gudaha muslimiinta, sida
munaafiqiinta, iyo dibedda sida yuhuuddii Madiina wax ka
degganayd iyo qabiilladii reer baadiyaha ee hareeraha
Madiina ku noolaa.
Qolooyinkaas oo dhammi
markii ay arkeen in muslimiinta dhaawaca soo gaaray ayey
doobbida listeen, qaarkoodna waxa ay ku hammiyeen in ay
muslimiinta duullaan ku soo qaadaan sida reer banuu Asad oo
labo bilood ka dib (Uxud) isu diyaariyey in ay duullaan
Madiina ku soo qaadaan. Sidoo kale qabiilooyinka kala ah
Cadal iyo Qaara waxay afar bilood ka dib sameeyeen shirqool
ay ku dileen 10 nin oo asxaabtii Rasuulka SCW ah. Qabiillada
banuu Caamir iyo banuu Suleym ayaa iyaguna sidoo kale waxa
ay si khiyaamo ah u dileen 70 nin oo asxaabtii Rasuulka SCW
ah. Sidoo kale qabiiloyinkii reer Qadafaan waxa ay ku
hammiyeen in ay Madiina soo weeraraan.
Haddaba arrimahaas iyo kuwo
kaleba waxaa sameyey qabiilooyinkii reer baadiyaha ahaa oo
degganaa Xijaas ilaa Najdi iyagoo doonayey in a islaamka iyo
muslimiinta cirib tiraan maxaa yeelay waxa ay u arkayeen in
muslimiintu yihiin khatar ku soo socata Khaliijiul-carab.
Waxaa iyaguna sidoo kale
cadaawad daran muujiyey, har iyo habeenna ku fekerayey sidii
ay Rasuulka SCW iyo asxaabtiisa dhib u gaarsiin lahaayeen
yahuuddii reer banii Qaynuqaac oo Rasuulku SCW ka raray
Madiina iyo yahuuddii kale oo Madiina ku hartay (banuu
Nadiir iyo banuu Qureyda), siiba banuu Nadiir oo maleegay
shirqol ay rabeen in ay ku dilaan Nabiga SCW.
Markii arrimahaas oo dhan
gudaha iyo dibeddaba ah ay soo food saareen muslimiintii
ayaa Rasuulku SCW la qaabbilay xikmadiisii iyo kaartadiisii
dagaalka ee wanaagsanayd, wuxuuna muslimiintii ka saaray
ciriirigii iyo dhibtii, Acdaadii Ilaahayna xumaatadoodii iyo
makrigoodii ayuu ku celiyey, wuxuuna soo celiyey cisigii iyo
heybaddii muslimiinta.
Tallaabooyinkii uu qaaday
Rasuulku SCW waxaa ugu horreeyey duullaankii Xamraa-ul-Asad
oo uu uga daba tegey ciidankii qureysheed ee Uxud ka laabtay,
halkaas oo uu deggenaa saddex maalmood. Waxaa ayna dhammaan
acdaadii Ilaah ogaadeen awoodda iyo geesinnimada muslimiinta
iyo sida aysan marnaba u jixinjixeyn. Haddaba waxa aynu mid
mid u xoo qaadanaynaa arrimihii iyo dhacdooyinkii dhacay
intii u dhexeysey dagaalkii horeeyeen inkastoo qaarkood la
isku khilaafo siday ukala horreeyeyn haddaana waxaan
qaadanaynaa sida loo badan yahay.
1) ILLAALADII ABUU
SALAMA
Markii uu dhammaaday
dagaalkii Uxud oo la joogey labo bilood iyo bar, ayaa
wardoonkii Madiina wuxuu soo gudbiyey in labada nin oo la
kala oran jirey Dhalxa iyo Abuu Salama oo ilma Khuweylid
ahaa ay ciddoodii iyo wixii kale oo raacayba ugu yeereen la
dagaallanka Rasuulka SCW. Rasuulku SCW markii uu arrinkaa
maqlay ayuu sidii caadadiisa ahaydba wuxuu diray ciidan
gaaraya 150 nin, wuxuuna madax uga dhigey Abuu Salama.
Waqtigaas wuxuu ahaa kowdii bishii Muxarram, sannadkii 4aad
ee higriga.
Abuu Salama iyo
ciidankiisii markii ay tageen guryihii reer banuu Asad, oo
ahaa qabiilkii duullaanka soo waday, ayaa qabiilkii Ilaahay
wuxuu ku ridey rucbi iyo baqdin meeshiina way ka carareen.
Muslimiintii waxa ay meeshaas ka soo kaxeysteen geel iyo ari
ay qabiilkaasu lahaayeen, waxayna soo laabteen iyaga oo aan
dagaal gelin soona qaniimeystey. Abuu Salama oo ciidanka
watay, markuu Madiina ku soo laabtay, ayaa waxaa ku soo
kacay nabar ku dhacay dagaalkii Uxud, muddo yar ka dibna waa
uu shahiiday.
2) DILITAANKII KHAALID
BINU SUFYAAN AL-HUDALI
Sidoo kale isla bishii
Muxarram 5teedii ayaa waxaa Rasuulka SCW loo soo gudbiyey in
ninkii la oran jirey Khaalid binu Sufyaan Al-hudali uu
ciidan u ururinayo la dagaallanka muslimiinta, markaas ayaa
Rasuulku SCW wuxuu direy Cabdullaahi binu Uneys si uu
ninkaas uga soo takhalluso. Cabdullaahi wuxuu Madiina ka
maqnaa 18 habeen, wuxuuna Madiina ku soo laabtay iyada oo ay
7 habeen ka dhiman tahay Muxarram isagoo soo diley Khaalid
binu Sufyaan oo madaxiisii wada, wuxuuna madaxii dhigay
Rasuulka SCW hortiisa. Rasuulku SCW arrinkaa wuu ku farxay,
wuxuuna Cabdullaahi siiyey ul uu yiri "tani waa inoocalaamad
aniga iyo adiga maalinka qiyaamaha". Cabdullaahi ushii wuu
hastay jirey ugu dambayntiina markii uu dhimanayey wuxuu
dardaarmay in usha kafantiisa lala geliyo. |