Odeyaashii qureysh markay arkeen in aan Nabiga SCW marna u
soo dabcayn, boqortooyo iyo wax walba oo loo ballanqaadana
uusan doonayn, diintiisiina ay soo xoogeysanayso, rag khatar
ahna ayba raaceen, hadday sidaa ku sii socotana ay rag badan
oo kale raaci doonaan, ayey ku laabteen ficilkoodii hore oo
kordhiyeen dhibkii ay Nabiga SCW ay u geysanayeen gacanna
ula tageen.
Abii-dhaalib markuu arkay waxay qureysh samaynayso iyo
go'aanka ay gaareen oo ah iney Nabiga SCW dilaan, wuxuu
isugu yeeray reer Haashim iyo reer Mudhalib wuxuuna ku yiri
"xaal meeshuu marayo waad aragtaan iyo in la rabo Maxammed
la dilo, Maxammedna idinkuu idinka dhashay cid kale oo
difaaceysaana ma jirto haddaba waa inaan difaacnaa
dhammaanteen". Go'aankii Abii-dhaalib waa la qaatay oo
labadaas reer waxay go'aan ku gaareen in kooda muslimka ah
iyo kooda gaalka ahi ay difaacaan Nabiga SCW Abii-lahab oo
diidey maahee. Qureysh markay go'aanka labadaas reer ay
wadajirka u qaateen oo ah iney Nabiga SCW difaacaan waxay
isugu yimaadeen shir ay arrintaa ku falanqeynayaan, ugu
dambayntiina waxay soo saareen go'aan adag oo ah in
cunaqabatayn lagu soo rogo labadaas reer, warqado ayeyna
go'aammadii ku qoreen kuna dhejiyeen kacbada. Go'aammadaa
waxaa ka mid ahaa: inaan wax laga gadan karin lagana iibin
karin, inaan loo guurin karin lagana guursan karin, inaan
lala macaamaloon karin lana caawin karin.
Labadii reer waxay iyaguna go'aansadeen in aan loo
jixinjixin arrimahaas ay qureysh soo saartay, mowqifkoodiina
waxba ka beddelin, Abii-dhaalibna wuxuu go'aamiyey in la
dego kayntii uu degganaa iyo in la ilaaliyo Rasuulka.
Abii-dhaalibna wuxuu sameyn jirey, habeenkii Rasuulka SCW
ayuu gogoshiisa ku seexin jirey, gogosha Rasuulka SCW qof
kale ayuu seexin jirey. Cunaqabatayntan oo bilaabatay
bilowgii sannadki 7aad ee soo diriddii Rasuulka SCW waxay
socotay saddex sano ilaa laga gaaray sannadkii 10aad. Waxaa
labadaas reer la soo gudboonaatay dhibaato iyo baahi aad u
daran ilaa ay caleenta iyo haragga ka cuneen, dhawaqa
carruurtuna uu guryahooda ka baxayey.
Sannadkii 10aad horraantiisii ayey cunaqabataytii
dhammaatay oo laga takhalusay. Habka looga takhalusayna
wuxuu ahaa, nin la oran jirey Hishaam ibnu Camar ayaa markuu
arkay dhibaatada iyo dulmiga lagu hayey reerahaasi meesha ay
gaartey iyo inaan loo dulqaadan karin waxay qureysh
samaynayso ayuu is xilqaamay oo u istaagay siduu arrintaa ku
tirtiri lahaa, wuxuuna uu ugu horreyntii u tegey nin la oran
jirey Suheyr ibnu abu Ummaya oo ay dhashay Caatika bintu
Cabdimudhalib markaasuu ku yiri "waxa aan samaynayno ma wax
loo dulqaadan karayo ayey kula yihiin, mase ku raalli
noqotay inaad dheregto abtiyaashaa iyo habaryarahaana ay
meeshaa ku gaajoodaan." Markaasuu Suheyr yiri "Anigaa nin
keliyaan ahaye maxaa samayn karaa." Hishaam wuxuu yiri "Anigaa
kula jira cid kalena waa raadineynaa". Wuxuu u tegey saddex
nin oo kale oo arrintii ka dhaadhiciyey dabadeedna
shantoodii ayaa tashaday.
Subixii dambe markii kacbada la isugu yimid ayaa Suheyr
intuu si fiican u soo lebbistay oo kacbada dawaafay ayuu
yiri "warqaddaas xunta ah oo daallimadda ah dadkana
baabi'isay bari baan ka nahay." Abii-jahal baa soo boday oo
yiri "been baad sheegtay lamana baabi'inayo", shantoodii mid
kale oo ka mid ah ayaa ka daba hadlay oo ku yiri Abii-jahal
"adigaa ka been badan " intuusan Abii-jahal weli hadlin ayaa
midkii saddexaad yiri "labadaas nin ayaa run sheegay wax
kale ninkii ku jawaabaana been ayuu sheegay, kii shanaad
ayaa sidoo kale u hadlay. Abii-jahal markuu arkay intaas oo
nin oo iska daba hadashay oo weliba xamaasadaysa, wax kale
oo ka dambeeyana uusan garanayn ayuu yiri "arrinkaan
meeshaan meel aan ahayn ayaa lagu soo qaatay xalay baana loo
soo dhiray" sidaa ayaa warqaddii kacbada ku dhegganayd oo
qodabbadii cunaqabtayntu ay ku qornaayeen loo baabi'iyey,
cunaqabatayntiina ku dhammaatay. Waqtigaasu wuxuu ahaa
bishii Muxarram sannadkii 10aad marka laga soo bilaabo soo
diriddii Rasuulka SCW.