DHAQ DHAQAAQYADII
CIIDAMEED EE KU XIGAY DAA'IF
Rasuulku SCW markii uu ku soo
laabtay Madiina bishii Duq-Qacda, sannadkii 8aad ee hijriga
ma uusan bixin ilaa laga gaaray bishii Rajab, sannadkii 9aad
ee hijriga ee uu u baxay duullaankii Tabuuk. Hase yeeshee
wuxuu Rasuulku SCW diray ilaalooyin ciidameed oo uu u kala
diray jihooyinka sidoo kale wuxuu diray rag badan oo uu u
kala diray qabiilooyinkii muslimiinta si ay sakada uga soo
ururiyaan islaamkana u baraan. Haddaba haddii aan soo
qaadanno duullaamadii waxa ay kala ahaayeen sidatan:
1. Ilaaladii Cuyayna binu
Muxsin oo la diray bishii Muxarram, sannadkii 9aad ee
hijriga, wuxuu Rasuulku SCW u diray reer banii Tamiim.
Sababta uu Rasuulku SCW u dirayna waxa ay ahayd in gaaladii
reer banii Tamiim ay diideen jisyaddii. Cuyayna wuxuu watay
50 nin oo fardooley ah oo aysan ku jirin Muhaajiriin iyo
Ansaar. Cuyayna iyo ciidankiisii way baxeen iyaga oo
habeenkiina soconaya, maalintiina degaya ilaa ay ugu
dambayntii ka weerareen cadowgii, wuuna baqday oo kala
cararay. Cuyayna wuxuu gacanta ku soo dhigay 11 nin, 21
haween ah iyo 30 carruur ah, wuxuuna keenay Madiina.
Dabadeed waxaa ka daba yimid 10 nin oo madaxdii qabiilkaas
ah oo Rasuulka SCW la hadlay, islaamayna, Rasuulkuna SCW
wuxuu u celiyey maxaabiistoodii.
2. Ilaaladii Qudba binu
Caamir oo ka koobnayd 20 nin waxa uu Rasuulku SCW diray
bishii Safar isla sannadkii 9aad ee hijriga, waxa uuna u
diray qabiil ka mid ahaa reer Khuthcam oo degganaa agagaarka
meesha la yiraahdo Tubaala. Qudba iyo raggiisii way baxeen
ilaa ay kala kulmeen cadowgii, waxaana dhex maray dagaal
daran ilaa labada qolaba uu dhaaawacu ku batay, Qudbana ku
shahiiday, ka dibna muslimiintii waxa ay ku soo laabteen
Madiina iyaga oo qaniimo wata.
3. Ilaaladii Daxaak binu
Sufyaan oo uu Rasuulku SCW diray bishii Rabbiicul-Awal,
sannadkii 9aad ee hijriga, wuxuuna u diray reer banii
Kulaaba, wuxuuna amray in islaamka loogu yeero, hase yeeshee
islaamkii way diideen, wayna dagaallameen, dabadeedna jab
baa ka raacay oo muslimiintii ayaa guulaystay.
Waxaa kale oo jirtay
Ilaaladii Calqama binu Mujsis oo ka koobnayd 300 oo nin,
Rasuulkuna SCW u diray xeebta Jidda bishii Rabbiicul-Aakhir,
sannadkii 9aad ee hijriga. |