Markuu dhammaaday dagaalkii Badar, oo
ahaa dagaalkii ugu horreeyey oo ay isaga hor yimaadeen xaqa
iyo baadilka. Allaahna uu nasrigiisa siiyey dadkii
muslimiinta ahaa, carab oo dhanna ay ogaatay xoogga iyo
awoodda muslimiinta iyo in ay yihiin awood khatar ku ah
iyaga, haddii aan laga hor teginna ay mandiqada oo dhan
qabsanayaan, ayaa waxaa bilaabmay naceyb iyo cadaawad loo
hayo muslimiinta. Qabiil walba oo ka mid ahaa mushrikiinta
carabta iyo yahuudda wuxuu ku fekerayey sidii uu uga
hortegilahaa islaamka.
Waxaa hormood u ahaa cadowtinimadaas
reer Makka, oo iyagoo awalba u ciil qabay Nabiga SCW iyo
asaxaabiisa, haddana dharbaaxo xumi ku soo dhacday Badar,
halkaas oo ay ku waayeen madaxdoodii iyo raggoodii khatarta
ahaa. Dadkii Makka ku noolaa waxaa quluubtooda buuxiyey
nacayb iyo colaad ay u hayaan islaamka iyo muslimiinta.
Sidoo kale saddexdii qabiilo ee yahuudda ahaa oo degganaa
Madiina waxa ay la guuxayeen nacaybka islaamka, qabiil ka
mid ihi nacaybkaas islaamka wuuba muujistay. Waxaa degganaa
baadiyaha iyo magaalooyinkii ku hareereysnaa madiina.
Rasuulka SCW iyo asxaabtiisa waxa uu
go'aankoodu ahaa in ay u beerdhigaan cid walba oo islaamka
soo milicsata, waxa ayna ka hor tegi jireen cid walba oo
duullaan soo abaabusha damacdana in ay muslimiinta dhib u
geysato. Rasuulkuna SCW markuu maqlo qolo soo hub
urursanaysa duullaan ayuu qaadi jirey oo meesheeda ayuu ugu
tegi jirey. Sidaa darteed Rasuulku SCW markuu ka soo laabtay
Badar oo uu joogey 9 cisho ayaa wardoonkii Madiina wuxuu u
soo gudbiyey in qabiilka la yiraahdo banii Suleym oo ka mid
ahaa reer Qadafaan uu u diyaarinayo ciidankiisii sidii uu
duullaan ugu soo qaadi lahaa Madiina. Rasuulku SCW markuu
maqlay arrinkaas wuxuu kaxaystay ciidan dhan 200 oo nin oo
gaadiidkoodii iyo hubkoodii wata, Madiinana wuxuu madax uga
dhigay Cabdullaahi ibnu ummi Maktuum.
Rasuulka SCW iyo ciidankiisii waxay
gaareen meesha la yiraahdo Kudru oo ay reer banii Suleym
degganaayeen. Reer banuu Suleym markii ay maqleen Rasuulka
SCW iyo ciidankiisi ayey kala carareen, waxayna toggii ay
deganaayeen uga tageen 500 oo geel ah. Rasuulka SCW iyo
ciidankiisiii waxay goobtii degganaayeen saddex beri, ka
dibna way soo laabteen iyagoo geelii soo kexeystay. Rasuulku
SCW wuxuu geelii ka bixiyey khumuskii, afartii boqol ee soo
hartayna wuxuu u qaybiyey ciidankiisii oo 200 nin ka koobnaa,
sidaas darteed nin walba waxaa ku soo hagaagay 2 neef oo
geel ah. Waxaa kale oo Rasuulku SCW soo qafaashay wiil la
oran jirey Yasaar, wuuna xoreeyey, ka dibna Rasuulku SCW
Madiina ayuu ku soo laabtay.