SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SIIRADII - RASUULKA (scw)

<><><> 

Casharka 51 & 52aad ee Kitaabka Siirada Nebiga Muhammed SCW

#51 DULLAANKII NAJDI

Ka dib markii Alle u gargaaray Rasuulkiisii SCW uuna hoojiyey acdaa'dii Ilaah ee reer banii Nadiir ayaa wardoonkii soo gudbiyeen in qabiilooyin reer baadiye ah oo ka mid ahaa reer Qadafaan, lana kala oran jirey Banii Xaarith iyo banii Thaclaba ay isku urursanayaan si ay Madiina ugu soo duullaan. Markaas ayaa Rasuulka SCW ciidankii kaxaystay uguna teteg meeshii ay degganaayeen hase yeeshee acdaa'dii Ilaahay markii ay maqleen ciidammadii Alle ayey buuraha iyo kaymaha kala galeen, waxaana Alle ku riday baqdin iyo argagax, ka dibna ciidankii musimiiintu waxa uu ku soo laabtay Madiina isaga oo aan wax dagaal ah la soo kulmin, wuxuna dhacay duullaankani bishii Rabbiicul-Aakhir ama bishii Jamaadul-Uulaa midkood.

#52 DUULLAANKII BADARTII LABAAD

Markii Rasuulku SCW uu ka soo laabtay qabiilooyinkii reer baadiyaha ahaa wuxuu galay tabaabushe iyo is diyaarin uu isku diyaarinayo ballantii ay qureysh wada galeen maalinkii Uxud oo ahayd in sannadka dambe Badar la isugu yimaaddo. Markii la marayo bishii Shacbaan, sannadkii 4aad ee hijriga ayaa Rasuulka SCW oo hoggaaminaya ciidan gaaraya 1500 nin ka soo baxay Madiina, wuxuuna Madiina madax uga soo dhigay Cali binu Abii-dhaalib, waxa ayna wateen 10 faras. Wuxuu Rasuulku SCW tegey ceelkii Badar, halkaas oo uu degey kuna sugayey gaaladii qureysheed.

Dhinicii reer Makka, Abuu Sufyaan oo ahaa hoggaamiyahooda wuxuu Makka kala soo baxay ciidan gaaraya 20000 oo nin, waxa ayna wateen 50 faras. Abuu Sufyaan iyo ciidankiisii markii ay marayaan meesha la yiraahdo Marri Dhahraan ayaa isaga oo ilaa markii uu Makka ka soo baxay caga jiidayey, waxaa Ilaahay ku diray baqdin iyo argagax, isaga oo ka baqaya in Badartani noqoto Badartii hore oo kale, sidaa darteed wuxuu go'aansaday in uu laabto, ciidankiisiina wuxuu ku yiri "qureyshey idiinma wanaagsada (dagaal) sannad barwaaqo ah mahane, sannadkanina waa sannad abaareed, marka anigu waa laabanayaaye ha la laabto". Ciidankii qureysh oo awalba caga jiida ahaa, aadna u niyad xumaa waxa ay halhaleel u qaateen go'aankii Abuu Sufyaan waxa ayna ku laabteen Makka.

Ciidankii muslimiintu waxa ay Badar degganaayeen 8 maalmood, dabadeedna markii ay ogaadeen in ay qureyshi baqday oo ay Makka ku noqotay ayay ganagsi galeen oo alaabtii ay wateen gadeen kana faa'iideen suuqii, waxay u baahnaayeenna ka gateen, maxaa yeelay Badar waxa ay ahaan jirtey meel lagu kulmo oo badeecada lagu kala beddesho. Ka dibna waxa ya ciidankii muslimiintu ku laabteen Madiina iyaga oo Cisi iyo guul wata, lana ogaaday awooddooda iyo in qureysh ka baqday.

Daabacad: 2003-01-21  | bog cusub: June 26, 2004

CASHARKA HORE CASHARKA XIGA


URL: www.SomaliTalk.com/siiro

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

 



HTML CD