SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
XABSIGA - HARGEYSA
Daabaco Boggan | Print

Jirdilka Xabsiga Hargeysa loogu Geystey Sheikh Maxamed Shiikh Ismaaciil...

Gabayga Murugo iyo Gabayga Dhibaabo waxaa tiriyey Cali Aadan Doolaal wuxuna kaga qayb gelayaa silsiladii gabayada ahayd ee laga tiriyey shiikh Maxamed shiikh Ismaaciil... Guji...
Waxa la yidhi maalin baa jirta. Maalin qof waliba uu tiimbanayo mool ka sameysmay dhididkiisa. Ama dabaal joogta xariif ku ahow ama.. Guji..
Gabay: Guutada Hargeysiyo maxaa gaalo nabadeeyay. Gabaygaan waxaa tiriyay abwaan xasan garaad warsame waxaana uu uga hadlay  tacadigii loo geystay xabsiga magaalad... Guji...
GABAY::: HURGUMO: Gabaygan waxaa tiriyey Mursal Siciid Cali Waraabe oo kaga qayb gelaya silsilad suugaaneedka loogu xaq raadinayo xabsiga iyo tacadiga Sh. M Ismaaciil ... Guji.
Xildhibaan Maxamed Jaamac Oo Ka Tirsan Golaha Wakiiladda Ayaa Ku Eedeeyey Wasiirka Daakhliga Inuu Reer Sool U Gaar Yeelay Cajaladda.. Guji...
Waa nasiib darro in uu KULMIYE isagu noqdo ka difaacaaya xukuumada looga bartay been abuur iyo jidhdilba.... Guji.. (Cali Guuleed)
Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Cadaaladda SL: Waxaanu Weydiinay: Maxamedow Ma jirtaa in lagu jidh dillay? wuxuu ku jawaabay Haa Waa La I Jidh Dilay.. Guji..
Abwaan Bacadle Oo Gabay Ka Tiriyay Tacadigii Sh. Max’ed Sh. Ismaaciil Ee Tacadiga Loogu Geystay Xabsiga Magaalada Hargeysa.. Guji..
qoraalAFKALAQAAD (Gabay): Awliyadii Ilaahay xabsiga lagu ihaaneeye, Itoobiya maxaad eray u tidhi waa afkalaqaade Guji (Nabadoon)
GABAY::: Ceelkii Hargaysaad::: Gabay ka hadlaya tacadigii Sh. maxamed loo geystey... GUJI... | Dhagaafe
Gabay: Sheikh lagu silac-dilyeeynayo Xabsiga Hargeysa:: heelleeeyda haasaawe gabay   hirarka suugaanta... GUJI.. (Dailaaf)
Gabayga: Hungo ::: Ma huq  iyo murugaan hurdada ciil la heli waayey? : Ma hiqleeyey sidii wiil yaroo oohin la hinraagay? ..Guji.. (Xiirane)
Hubso: Ma jidhdil wadaad mise fidno abuur?:: Guulaha cusub ee farsamada isgaadhsiinta casriga ah, gaar ahaan mareegta... Guji (Cige)
cabdiwaaxidCulumada Xamar oo la Xurmeeyey; Kuwii Somaliland oo la Xirxiray, iyo Kuwii Puntland oo laga Xanibay Diyaaradday soo Guji.. (C/waxid)
Waraysi lala Yeeshay Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil Walaalkii Faysal Sh Ismaaciil.::: Cajaladdan maxkamadda ayaannu ku aragnay ... Guji...
Waa Sidee Aragtida Xisbiga UCID Ee Jidh Dilka Sh.M.Ismaaciil "Xukunka Degdega Ah Ee Lagu Xukamay Dadku Waa Xaaran.." Xasan Suldaan Guji...
Gudoomiyaha  golaha fulinta  maxkamadaha islaamiga ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ugu baaqay maamulka Somaliland in ay joojiyaan dhibaatada ay ku hayaan culimaa'uddiinka Soomaaliyeed.. Guji..


GABAYGA MURUGO


cmdfaarax@hotmail.com

00 2525 777586
Ceergaabo.

Gabaygan waxaa tiriyey Cali Aadan Doolaal wuxuna kaga qayb gelayaa silsiladii gabayada ahayd ee laga tiriyey shiikh Maxamed shiikh Ismaaciil oo lagu jidhdeley xabsiga Hargeysa. Cali Waxa uu ku nool yahay magaalada Ceergaabo ee gobolka Sanaag. wuxuna yidhi :-

  1. Nimanyohow macruufkii hadii maro lasaaraayo
  2. Munkarkiyo xumaantii hadii loomash xaradaayo
  3. macaan kii hadii lagategay oo dacar lamoodaayo
  4. maskabkiyo wanaagii hadaan meesha lagu haynin
  5. maxaa koon ka lays kaga luraa waamacno la aane
  6. mushtamaca dhamaantii wax baa meel isagayaale
  7. waa duni maraykan iyo amxaar macatab siiyeene
  8. maalooyin baalaydhistoo laygu maamulaye
  9. hadaan marada halaq iigu jirin ma aan mutays teene
  10. maankaygi waxa doorshey waa gaal madooba ahe
  11. mulkigana ilaah baahayoon magan sanaayaaye
  12. mashaa yiikhihiibaa xabsiga lagu mudaayaaye
  13. Maxamed shiikh Ismaaciil cadowga midigtaloosaaray
  14. korontada madoobaysey oo qaaday midab kiisa
  15. miyir door sankiyo laadka iyo miiga lagutaagey
  16. muslin murugadii weeye iyo gaal mashxara diise
  17. mar labaad hargeysaay hadaan shiikha lagamaadan
  18. maqaar baahadhaye aan xabsiga manta laga saarin
  19. miciin kiina eebaahayoo mooyi saynoqone
  20. miridh weeye aduun yadatan aad mahadho moodeene
  21. intaa maracad ruux lagu kafmaad garab maraysaane
  22. maal wuxuu lahaa iyo kategay maran tidiisiiye
  23. marka iilka lagudhababo ee ciida lagu miiso
  24. midh kuu dhaxashadaa baan halqiga cidina moogayne
  25. madhax xumo qof kii sii dhigtaa murug kurayray ye
  26. mar sadexaad hargeysaay hadaan shiikha lagamaadan
  27. maqaar baa hadhaye aan xabsiga maantalaga saarin
  28. madhaxiisa inaad dhuun yataan bay umalowdaaye
  29. mashaayiikh cuqaal iyo wax garad meesha waxa yaala
  30. maxaa marada laga saarayaa waa midh kaa qudha e
  31. misee anays ka daalaye xumahaa galay macruuf kii

GABAYGA DHIBAABO

Gaxbaygan oo layiraahdo dhibaabo waxa isagana tiriyey Cali Aadan Doolaal wuxuna ka tiriyey sidoo kale xadhiga iyo jidhdilkii shiikh Maxamed shiikh Ismaaciil ee xabsiga Hargeysa.

  1. nimanyohow dhibaabaha aduun lagu dhibaatawye
  2. waxkastoo dhacana noole waw wada dhegtaagaaye
  3. midse dhaygag keentaa timiyo dhaawac aan hadhine
  4. dhanllay reebtay shiikhii xabsiga loogu dhaadhacaye
  5. dhawaaqiisii kala daatay iyo dhiigii kala miirmay
  6. dhabanaday islaamkii qabteen dhiifna nagu reebye
  7. dheeraad dulmigan keenay ee lagu dhexmeeraayo
  8. dhulku inuu go’aa baan kabiqi dhoofka gaalada’e
  9. dhudhumadiisa miiqmiyo markaan dheeha sare eego
  10. dhimashadu xaqweeyee silica dhidibka loo aasay
  11. dhayal kuhadli maayeee marbaan dheelintaa keliye
  12. shiikhii dhamaa baa amxaar lagu dhibaayaaye
  13. dhabanada ilmada qoyseybaan cidina dhaadayne
  14. waxa lagu dhegdilayaana waa dhaqanka diineede
  15. waa waxa dhulkeenii qaribay dheemanta ahaaye
  16. waa waxay dhallaan iyo haweenba udhaqaaqeene
  17. waa waxa dhirtii dararsanayd dhimay magoolkeede
  18. culimada hadaan dhuuxyihiyo dhaadka laga goynin
  19. dhakhsana looga siideyn xabsigan lagu dhibaateeyey
  20. dharaar weeye diintuye hadaan maaxda laga dhaansan
  21. aan dhurayo loo qaadanoo laysu dhiidhiibin
  22. dhinbiliilo iyo naar ayaa laga dhaxlaayaaye
  23. dhabna maaha maalmahakan iyo waxan dhamaanayne
  24. iilkay kudhababmeen kuwii siistamkaa dhigaye
  25. dhadhansade macaan iyo qadhaadh waxay dhitaysteene
  26. dhamaantiin wax garad maamul iyo dhaqan wixii jooga
  27. allaan idinku dhaarshee hadaan maanta laga dhaafin
  28. cuquubada kasoo dheelmataad dhaxashan doontaan
  29. adoo oon ladhugatoobeyoo luun dhadhaminwaayey
  30. dhedo weel udhigo waxa karoon laasaad dhurataaye
  31. isagaa dhulkana kuugu yaal dheefna kuu wacane
  32. dhalanteed haraacina xaqaan cidina dhaafayne.

 
cmdfaarax@hotmail.com

00 2525 777586
Ceergaabo.

AFeef: Aragtida gabaygan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 22, 2006




Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD