Sh. Xasan Turki oo Ballan Qaaday inay soo dayn
doonaan Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil iyo culimda kale oo ku xiran Xabsiga
Hargaysa.
sh,xasan turki oo kamida golaha shuurada ee
midowga maxaakiimta ayaa sheegay inay si weyn uga xun yihiin culimada sida
arxan darrada ah loogu ciqaabayo magaalada hargaysa , waxuuna balan qaaday
inay si kastooy ku soo daayaanba ay soo dayn doonaan culimadaas oo uu ka mid
yahay sh,maxamed ismaaciil. Sidoo kale sh. xasan turki ayaa isagoo u
waramayey warbaahinta ayaa la waydiiyey bal sida ay u soo dayn doonaan
culimadaas ma xoog ayaad ku soo daynaysaan ? sh. xasan turki ayaa sheegay
inay doonayaan inay dalka soomaaliya oo dhan ku maamulaan kitaabka alle ,waana
ka mid tahay hargaysa soomaaliya waana tegeynaa ayuu sheegay sh. xasan turki
.
SHeekha ayaa carrabka ku adkeeyey mar la
waydiiyey in culimo u dhalatay Hargaysa ay kamid yihiin maxaakiimta, ayuu
yidhi "haa waxaa naga mida kuwa ugu firfircoon abu-shabaabka ayaaba ay kamid
yihiin ,waana tegeynaa Hargaysa iyo meel kasta oo ay ka jiraan dulmi lagu
caburinayo diinta islaamka .
Mar la waydiiyey ma taqaanay sh,maxamed
ismaaciil ayuu yidhi '"sh,xasan turki maya laakiin sida cad waxuu ahaa
culimada waaweyn ee dalka soomaaliyeed waana wax laga xumaado kuwo u
adeegaya axmaaro iyo kufaarta inay dadka mu'miniinta ah ku ciqaabaan
xabsiyadooda ,sidoo kale sh,xasan turki oo hadalkiisa ay ka muuqato caro
xoogan ayaa ku celceliyey inay si kastooy ahaataaba la soo bixi doonaan
culimada lagu cadaadinayo xabsiga Hargaysa .
Hadalkan sh,xasan turki ayaa kusoo beegmay
xili ay warbaahinta magaalada muqdisho ay ka hadashay gabar uu dhalay sh.
maxamed ismaaciil oo ku sugan magaalada muqdisho ayaa sheegtay iyadoo
ooyaysa;;; waxaan maamulka somali-land ka codsanayaa inay aabahay iska soo
daayaan ''' aabahay ma ahayn siyaasi waxuu ahaa nin caruurtiisa u shaqaysta
kuna xeel dheer faafinta diinta islaamka ,oo masaajidada ka akhrin jiray
tafsiirka. Amaal sh:ismaaciil iyadoo sheegtay inuu abaaaheed lahaa afar xaas
iyo ciyaal yaryar oo ay hada Hargaysa ku hayso daryeel la,aan waayo isaga
ayaa u shaqayn jiray ma jiraan cid kale oo u maqan gabdhaas ayaa dadkii kala
socday warbaahinada magaalada muqdisho codkeeda ayaa waxuu saamayn balaadhan
ku yeeshay shacabka ku dhaqan magaalada muqdisho,waxaa gabadhaasi ay iyadoo
OOYAYSA'''''ay ku celcelisay iska soo daaya aabahay ''iska soo daaya aabahay
waxba idinkaba galabsane .
Si kastaba ha ahaatee sh. maxamed ismaaciil
ayaa isaga iyo culimada kale ee jirdilka loogu gaystay xabsiga hargaysa ,sida
laga daawaday cajalada lagu faafiyey warbaahinta inter-netka ayaa waxaa ay
saamayn xoog leh ku yeelatay dhamaan umada soomaaliyeed meel kasta ay
joogaan ,iyo meelo kamida caalamka ''arintan oo kicisay shacabka tiro badan
oo soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin kuwo ku dhaqan gobolda togdheer ,sanaag,
iyo meelo kale ,ayaa waxay ruxday Qalbiga midowga maxaakiimta oo ka taliya
koonfurta soomaaliya.
MUUSEMAXAMUUDJIISOW
musejisow@hotmail.com