DHEGEYSI:
Halkan ka
dhegeyso Gabayga Bacadle ka tiriyey Jirdilka Xabsiga Hargeysa
DHEGEYSO:
Gabay kale
oo uu tiriyey Abshir Bacadle...
Laascaanood:Mudaharaad Ballaaran oo
Looga soo Horjeedo Jirdilka wadaadka ee ku xiran xabsiga Hargaysa oo
Laascaanood kadhacay.
Dadwaynaha ku dhaqan magaalada
Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool ayaa Jimcadii ku waabariistay
dibadbax aad u xogbadan kaas oo ka dhan ah jirdilka la sheegay in ay
ciidamada soomaaliland kula keceen wadaad ku xiran xabsiga Hargaysa.
Mudaharaadayaasha ayaa isugu
soobaxay bartamaha magaalada iyaga oo wata boorar ay ku qornaayeen
halkudhigyo ka dhan ah xukuumada lamagacbaxday Soomaaliland iyo
erayo kale oo ay ka mid ahaayeen, hala siidaayo wadaadka diinta
darteed u xiran, gaala raac doonimayno, diinta iibsade doonimayno,
istustiska gaalada doonimayno iyo erayo kale.
Isu soo baxan oo haatan wali si
teel teel ah uga socday (markii aan qormadan qorayney) ayaa dadku ku
muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan ama ay uga xunyihiin falalka
naxariisdarada ah iyo jidh dilka iyo ciqaabta daran isugu jira ee
loogu geysanayo culumada ku xiran xabsiga magaalada Hargaysa.
Sida la xaqiijiyayna waxaa
wadaadada laascaanod ay hada qorshaynayaan in ay ka soojeediyaan
salaada jimce ka dib masaajida khudbado lagu muujinayo sida ay umada
soomaaliyeed uga xuntahay xariga wadaadada ku xiran xabsiga hargaysa.
Mudaharaadkan mid la mid ah ayaa
horay uga dhacay magaalooyinka Xingalool, Burco, Ceerigaabo, Baran.
Xariga wadaadka Shiikh Maxamed
Ismaaciil ayaa markii uu soobaxay cajalka videoga ah soomali dhamaan
ka wada caraysiiyay waxaana loogu baaqay soomaalilinad in ay si
dhakhso ah u siidaayaan wadaadka islamarkaana baaritaan lagu sameeyo
jirdilka lagu sameeyay wadaadka.
A/rizak koronto
Garowe puntland
Mudaharaad Balaadhan oo lagu gubay
calanka Somaliland oo ka socda laascaanood
Wararka laga helayo magaalada
laascaanood ayaa waxay sheegayaan inay saaka waaberigii ka
bilowdeen mudaharaadyo lagaga soo horjeedo jidhdilka iyo xidhitaanka
maxamed sh,ismaaciil iyo culimada kale ee ku xidhan xabsiga hargaysa
,mudaharaadyadan oo ah kuwo aad u balaadhan ayaa waxay dadweynaha
magaaladaasi ku gubeen goob fagaare ah calanka Somali land sidoo
kalena waxay ku dhawaaqyeen allaahu akbar ,allaahu akbar iyo erayo
ka dhan ah culimada ku xidhan xabsiga hargaysa gaar ahaan sheikh
maxamed sh,ismaaciil ,sida ay soo sheegayo weriyaha c/qaadir
gaabuush oo ku sugan goobta mudaharaadku ka socdo ee magaalada
laascaanood.
Mudaharaadkan ayaa waxaa soo
abaabulay culama-udiinka iyo waxgaradka gobolka sool waxuuna sida ay
wararku nagu soo gaadhayaan ku nsocdaa ilaa iyo iminka si nabadgelyo
ah.
Sidoo kale mudaharaadayaasha ayaa
calanka maamulka la magac baxay Somaliland ,ku gubay meel fagaare ah
isla markaana waxay dhulka ku jiideen calankii oo gubanaya iyadoo
sida wararka lagu helayona muadaharaadayaasha ay wejiyadooda ka
muuqato cadho xoogan.
Mudaharaadkan oo daba socday mudaharaadyo xoogan oo lagaga soo
horjeedo jidhdilka culimada ku xidhan magaalada hargaysa ayaa waxuu
ka kala dhacay gobolka sanaag ,togdheer iyo meelo kale.
Culamaa’udiinka magaalada
lascaanood ayaa ugu baaqay maamulka daahir riyaale inuu si dhakhso
ah ugu soo daayo culimada ku xidhan jeelka hargaysa.
Isku wada duuboo mudahaardkan ayaa
ilaa hada si nabada uga soconaya magaalada laascaanood iyadoo ay
xidhan yihiin goobaha ganacsiga iyo suuqyada magaaldaasi sida
wararku sheegayaana ay goob fagaare ah kula hadli doonaan culimadu
dadka isu soo baxay .
Yaasiin maxamed cali (faytin)
Yaasiin2006@hotmail.com
002521-580916
NB,.waxii wara ee kazoo kordha
lasoco waraka 2aad