Jidhdilka culimada iyo hiddo raaca
maamulka somaliland
Waxa maalmahanba dadku kumashquul sanaa cajalada lagu
baahiyay shabakada internet-ka taas oo tilmaamaysa nin sheekh ah oo
lajidhdilayo, waxaan haddaba isku hawlay inaan ogaado siday wax
ugajiraan arrintan, markii aan laxidhiidhay meelo badan oo xog ogaal ah
iyo ilo kala duwan waxa iisoo baxay arintani ay tahay hubaal. waxa laga
yaabaa inay dadbadani layaaban faldanbiyeeka noocaas ah ama ay u
qudhqudhsami waydo foolxumada intaa leeg ee lagula talaabsaday dhibanaha.
waxay dadku su'aal kaqabaan suurtogal matahay in maamulka somaliland
kutalaabsado foolxumadan. waxaadse jawaabta kadhex helaysaa inaad ogaato
waa ayo maamulka somaliland? soomaaha rag ku abtirsada taliskii gacan
kudhiilaha ahaa ee dadka iyo dalkuba eedeen, Riyaale iyo inbadan oo kamid
ah wasiiradiisa soo gacanyare umay ahayn nidaamkii mas'uulka ka ahaa
dhibta maanta ka aloosan gayiga soomaaliyeed oo dhan?
Waxa aynu lasoconaa dilkii loo gaystay culimadii
soomaaliyeed badhtamihii todobaatanaadkii taas oo uu kutalaabsaday nidaamkii kaligii
taliska ahaa. haddaba waxa dadka reer somaliland umaleeyeen in isbadal
dhacay waanay kuhungoobeen ismood siiskaa mana oga in waxa isbadal yahay hebal
kukala duwan magaca iyo muuqaalka kana midaysan maanka iyo maskaxda,waxa
shaki la'aan ah in maamulka somaliland uu hiddo raacay isla markaana uu
cagtasaaray waddadii lagu anqariyay ee uu kadhaxlay nidaamkii shuuciga
ahaa, waxba ismaybadalin dadkana waxa lagu beer laxwsadaa waxa idinlaayay
soomaali koonfureed....waa ayaan darro.
Waxa aynu kadharag sanahay dabaysha kasocota adduun
waynaha ee loogu magacdaray ladagaalanka argagixisada, haddaba jidhdilka
sheekhani waa gurdan raac iyo anna waykan, isla markaana inay caalamka
tusaan inay hortaaganyihiin halis argagixiso oo kusoo wajahan geeska
afrika, dhuuni iyo dhaqaalana ay kuhelaan ujeedada ugu wayn ee cajalad loo
duubayna waa taas.
Haddaad
dhuuxdo falalka uu ku kaco maamulka somaliland waxaad arkaysaa inuu yahay
mid dhaawacaaya milgaha iyo maamuuska dadka reer somaliland falalkaasi ha
noqdaan: gabadh laxidho -oo ay dhinac ugasoo wadajeed sadaan maamulka
dhamaantii madaxwayne iyo kuxigeenba-,wadaad la jidhdilo, isku dhajinta
Ethiopia, ku tilmaamidda walaalahayaga soomaaliyeed inay yihiin nacab iyo
cadawga somaliland iyo ugu dambayn dhawaaqii qayaxnaa ee kasoo yeedhay
wasiirka arimaha dabadda ee ku andacoonaayay somaliland inay tahay (secular
state) ama wadan aan diin lahayn, intuba waa ficil gumeed ka dhan ah
sharafta dadka reer somaliland, waxaana lagudboon inay iska dalfiyaan.
Sidoo
kale waxa marti looga yahay inay ugargaaraan dhibanaha oo ay ladhinac
joogsadaan hoo iyo hiilba, uguna kaalmeeyaan af iyo adinba, hana ogaadaan
ciqaabta Rabbi inaanay kukoonayn cidda xumaanta gaysatay oo kaliya sida
kucad qur'aanka Rabbi wuxu yidhi(iska ilaaliya-ama kacabsada cadaab aan
kudhici doonin ciddii danbiga gashay oo
kaliyaata) - hadaad tixraacdo aayaadka qur'aanka isla markaana aad eegto
sooyaalka taariikheed waxaad qaraw sanaysaa in dulmigu ka turjumo cimri
dagdag iyo burbur ku habsada cidda cadaysata waxaan haddaba kutalinlahaa
cidda kudhaqmaysaa ay kagaabsato cidda arkaysaana ay kadhiidhido.
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan