BAAQ CULIMADA DEGMADA BADHAN KA SOO SAAREEN JIDH
DILKA CULIMADA EE XABSIGA HARGEYSA
Badhan:- Culimada ku sugan Magaalada Badhan iyo Hadaaftimo ayaa isku dayey iney
qaban qaabiyaan mudaharaad ballaadhan oo lagu muujinyao sida looga xun yahay
jidh dilka iyo arxan darada loo geystey shiikh Maxamed Ismaaciil, hase yeeshee
duqa degmada Badhan Md.Maxamed Axmed Cismaan ayaa bulshada ka codsaday in
mudaharaadka la baajiyo, iyadoo rabshado iyo qalalaase iney dhacaan uu Duqu ka
digey, wuxuna culimada usoo jeediyey iney si gaar ah uga hadlaan arintaas, lana
joojiyo mudaharaadkaas.
Arintaas oo culimada iyo maamulka degmadu isla
garteen in culimadu baaq soo saarto,waxana baaqaasi u qornaa sidan:
KU :- MAAMULKA SOOMAALILAND
OG;- HAY'ADAHA XUQUUQDA AADANAHA
OG;- SAXAAFADDA MADAXA BANNAAN
UJEEDDO: BAAQ KU WAJAHAN JIDH DILKA IYO
XADHIGA LOO GEYSTEY SHIIKH MAXAMED ISMAACIIL .
Anaga oo ku hadlayna magaca culimada
Soomaaliyeed, gaar ahaan gobolka Sanaag/ degmada Badhan.
Markii aan hubinay, ka baraan degney sawirada
iyo hadalka laga soo saaray warbaahinta ee muujinaya arxandarada loogu geystey
Shiikh Maxamed Ismaaciil xabsiga Hargeysa.
Markii aan la xidhiidhnay dad qaraabo la ah
Shiikha, waxan baaqan si toos ah ugu soo jeedinaynaa maamulka Somaliland,
waxannu ugu baaqeynaa:
1) Waxannu ka markhaanti kacaynaa in Maxamed
Shiikh Ismaaciil yahay nin shiikh ah oo aan marna ku sifaysnayn waxyaalaha lagu
eedaynayo ama lagu tuhunsan yahay
2) Waxan maamulka Somaliland ugu baaqeynaa in
sharciga la horkeeno ciddii arxandarada iyo dilka foosha xun u geysatey Shiikh
Maxamed Ismaaciil. Arinkaas oo ah mid ka fog dhammaan shuruucda aadanaha u
yaalla.
3)Waxan ka codsanaynaa Maamulka Soomaaliland
iney si shuruud la'aan ah oo deg-deg ah u soo daayaan Shiikh Maxamed Ismaaciil ,
sharaftiisii iyo karaamadiisiina loo soo celiyo, iyadoo lagu jiro bishii
ramadaan ee barakaysnayd.
4)Dadka ka gadoodsan arintan ee abaabulaya
mudaharaadada iyo rabshadaha, kuna nool daafaha Soomaaliyeed waxan ugu
baaqeynaa iney is dejiyaan , sugaanna inta jawaab laga helo maamulka
Soomaaliland.
Ilaah baa weyn.
Culimada baaqan soo saaray:
- 1) Shiikh Cabdixayi Shiikh Muuse.
- 2) Shiikh Faysal Xuseen Mire.
- 3) Shiikh C/qaadir Axmed Ismaaciil.
- 4) Shiikh Maxamuud Maxamed Cumar.
- 5) Shiikh Maxamuud Faarax
- 6) Shiikh Xuseen Cabdi wadaad.
- 7) Shiikh Caydaruus Axmed Faarax.
- 8) Shiikh Aadan Axmed Yuusuf.
- 9) Shiikh Haaruun Siciid Cabdulle.
- 10) Shiikh Maxamed Axmed Faarax.
- 11) Shiikh C/casiis Axmed Saalax.
LaasqorayNet / Badhan