Xabsiga Hargaysa: Cadaabtii Aan Kasoo
Noqoshada Lahayn...
Jeelka Hargaysa
waxaa dhisay Saancadaalihii Ingiriiska 80 sanno ka hor, waxaana lagu ciqaabi
jiray dadka kasoo horjeesta xukunkiisa aan sharciga ku dhisnayn. xabsiga
Hargaysa waqtigii la dhisayay magaalada Hargaysa dadka ku nool aad ayay u
yaraayeen cimrigeeduna markaas kama badnayn 30 sanno, oo dadka taariikhda
Hargaysa yaqaan waxay ku qiyaasaan in Hargaysa jirto 110 sanno oo qudha.
Jeelka Hargaysa waxuu ku yaal meel daadaga oo laga galo xaafadda Goljanno ee
waqooyiga Hargaysa.
Maxmayiddii Ingiriiska oo markii dambe Caasimad ka dhigatay magaalada
Hargaysa, waxuu u baahday meel uu ku ciqaabo muwaadiniitii Soomaaliyeed ee
xukunkiisa ku hoos jirtay,ayadoo dhalinyaro badan iyo culimaba kasoo
horjeesteen joogitaankiisa dhulkooda hooyo, taas ayaana sababtay in
Ingiriisku dhiso Jeel lagu cadaabo dadka xaq u dirirka ee diidan heeryadiisa
gumaysi, waayo dambiyada iska yar sida tuugada, dagaalka labo qof IWM, Ingiriisku
waxuu marka hore ku hayn jiray xafiiska Dc-ga deedna ama wuu jeedalayn jiray
amase kaabo qabiilada ayaa dhammayn jiray.
Xornimada ka dib Xukuumadihii isaga dambeeyay
gaar ahaan tii Kacaankii Siyaad Barre, Jeelka Hargaysa waxuu ahaa
Alla-bakhadii lagu xanuunjin jiray dadka ka dhiidhiya siyaasaddi qalafsnayd
ee Kacaanka. Waxaa la waayay dad badan oo markii arag ugu dambaysay ku jiray
Jeelkaas, waxaa lagu jir dilay kumanaal dad ah oo la iska soo qabqabto
ayadoo loogu marmarsiisoonayo waxaad ka mid tihiin wax Kacaanku u yaqaanay
Burcadda balse loola jeedo taageerayasha SNM. Waxaa dacalada duninda maanta
ku nool dad naafo ku noqday ciqaabtii Xabsiga Hargaysa.
Haddaba ka dib markii meesha ay ka baxday
xukuumaddii Kacaanka ee dadka ku ciqaabi jirtay Xabsiga Hargaysa ee dhibka
badan. Waxaa dad badan oo wali ka guuxaysa waayo aragnimadii ay u yeesheen
Jeelka Hargaysa ay iswaydiin karaan Jeelka Ciqaabta kululaa meesha ma ka
baxay oo ma raacay xukuumadihii dhibka badnayd iyo Saancadaalihii gumaystaha?
Jawaabta oo kooban waa MAYA oo Jeelka Hargaysa inuu sii duqoobay kana sii
daray mooyaane innaba hayaaraatee lagama raysan ciqaabtii uu hiddaha iyo
dhaqanka u lahaa. War bixinno badan oo laga qoray Xabsiga Hargaysa waxaa
lagu xussay in Jeelkaas la dummiyo lagana waantoobo dhaqanka arxan darida ah
ee ay ku kacaan CID Somaliland. Waxaa marag madoonta ah qof kala oo ayna
maskaxdiisu marna ka tirtirmayn dhiilada taal Xabsiga Hargaysa.
Boqor Buur madow oo muddo kooban ku jiray
Jeelkaas, mar uu walaalkiis Faarax Maxamuud ka waramayay waxa uu ku sugan
yahay walaakiis oo waliba isaga waa Boqor Buur madow e ka yara roona
maxaabista kale ku tilmaamay meel iska daa banii-aadami aan xitaa saacado
kooban lagu hayn karin xoolaha. Cuduro badan oo faafa ayaa ka jira jeelkaas
wax daryeelana ma jiraan dad badanna way ku dhintaan ka dib markii ay
waayaan daryeel caafimaad iyo mid nafaqo. Cunto lama siiyo Maxaabiista
sidaas daraadeed qofkaan ehel u joogin Hargaysa macaluul ayuu la joogsadaa.
Jeelka Hargaysa iyo Sh. Maxamed
Ismaaciil
Dhawaan shaashadda Internetka waxaa lagu
faafiyay Jirdil ay CID-da Somaliland kula kacayso Shiikha, waxayna dad badan
argagax ku ridday arxan darida taal Nidaamka ay ku shaqeeyaan wardoonka
Somaliland oo innaba hayaraatee aan ka agab sokeyn kacaankii hore ee laga
dhiidhiyay. Qof daawaday Cajaladaas oo aan qalbigiisu rogmani waa yaryahay.
Waxay dad badan iswaydiiyaan rer Somaliland dulmigay ka dagaalameen waqtigii
Kacaanka miyay maanta ku fiirsanayaan dadka looga badan yahay Somaliland ee
waliba ka mid ah aqoonyahannada iyo culimada u dhashay Hargaysa.
Sh. Maxamed Ismaaciil waxuu ahaa nin geesiya
oo aan la gabban inuu caddeeyo caddaalad darrada iyo dulmiga jira. Waxaa
lagu xasuustaa markii uu dhiganayay Jaamcadda Dhaqtarnimada Xoolaha waxuu
kitaab ka akhrin jiray Jaamacaddii Gahayr sanadihii horaantii 80-maayadii,
marar badan ayaa NSStii waagaas hujuumeen isagoo xitaa laga joojin jiray
Wacdiga iyo kitaabada uu meerin jiray. Shiikha waqtiga uu ummadda cilmiga
barayay dhanka kale wasiirka arrimha gudaha ee Somaliland iyo Madexweynahaba
waa Cirro iyo Riyaale e waxay ahaayeen NSStii markaas ugaadhsanayay dadka ka
dhiidhiya xaqdarrada. Shiikha in lagu sheego argagixiso waa nasiib darrada
dadka haysata waxayna na xasuusinaysaa kelmadihii la isticmaali jiray waagii
Kacaanka ee Burcad, Mahbar Qurmis IWM. Luqadaha ay isticmaalaan kuwa wax
caburiya iyo dadka u go'doomay kitaabka alle iyo Sunnaha Suubanaha marna
meel kuma heshiiyeen waxayna waligood isku noqdaan Bisad iyo Jiir.
Cajaladda laga soo duubay Shiikha
sidee u rumaystay
Marka ugu horaysa ee aad daawatid cajaladda
waxaa maskaxdaada ku soo dhacaysa inaad iswaydiiso jiritaankeeda. Marka hore
waxaa shaki kaa galayaa isha wareed ee laga soo xigtay oo ayna maamulka
Somaliland isku fiicnayn. waxaad kaloo shaki kaa gali karaa see loo duubay
oo u suuroobi kartaa; iyo midda ugu muhiimsan oo ah qofka la jidh dilayo ma
jiraa oo maku jiraa jeelka Hargaysa mise wax banaanka laga soo macmalay.
Markaan kaashaaday dad iga khibrad badan iyo u
kuurgalid dheeriya waxaan yiqiinsaday in jid-dilkaas run yahay cajaladaasina
ayan ahayn been abuur.
Sababaha aan u rumaystay waxaa ka mid ah:
Maamulka Somaliland dad yeela waa yihiin oo waa tii la ogaa gabadhii yarayd
ee Samsam ee 16ka sano jirtay halkay isla gaareen arrinteedii. Waa ta
labaade raadiyo Laascaanood waa meesha ugu dhaw oo ka madax banaan xukunka
Somaliland oo baahin karta dhacdadaas. Waa marka seddexaade Shiikhii oo ku
jira jeelka oo ayna suuroobayn qof kale in la been abuuro (ogow sawiro waa
lakakabi karaa laakiin qofkii codkiisa isagoo la jidayo, lugaha ka xidhan oo
fiidayow ah waa masuurowdo in lamacmalo). Waa marka afraadee xukuumadda
Somaliland oo ka meermeeraysa inay oggolaato dad madax banaan inay baaraan
arrintaas.Waa marka Shanaade Garyaqaankiisii oo la handaday oo ku sigtay in
la xidho. iyo ugu dambayntii Maxkamadaha Somaliland oo ku caana maala
caddaaladi ka jirin oo iska daa kiiskaan oo kale e waxay kala saari
la'yihiin labo Islaamood oo isku haysta jago banaan. Sidaas daraadeed waxaa
rer Somaliland la haboon inayan indhaha uga qarsan qadiyadayadii
waxyeelaysaa haddaan ka dhiidhinno dulmiga ka jira maamulka Somaliland iyo
waxyaalaha aan la qaadan karin in lagula kacayo dadkii indhaha u ahaa
ummadda oo ubad badan wax barayay. Adduunka waxaa ugu xun jahliga Dr. Shiikh
Maxamed Ismaaciil arday badan ayuu soo aflixiyay cilmi adduun iyo mid
aakhiro, marka yaan loogu abaal gudin silicdilyo iyo Jeelka Dhibka badan ee
aan ku haboonayn xitaa in burcadda lagu xidho. Waa in Kuwii gaystay jidh
dilka Shiikha la horkeeno caddaaladda oo laga jaaiseeyo waxay u gaysteen
Shiikha. Si degdegana looga soo saaraa Jeelka aan kor ku xusay ee "Xabsiga
Hargaysa: Cadaabtii Aan Kasoo Noqoshada Lahayn.
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 2, 2006
|