SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
XABSIGA - HARGEYSA
Daabaco Boggan | Print

Jirdilka Xabsiga Hargeysa loogu Geystey Sheikh Maxamed Shiikh Ismaaciil...

»Culimada Hargeysa ku Xidhan
»
Hubso: Ma jidhdil wadaad mise fidno abuur? | Cige

BAAQA CAALAMIGA EE XUQUUQDA AADANAHA OO AFSOOMAALI AH GUJI....

XABSIGA THAILAND:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 |

PUNTLAND vs TERRY:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 |

SAMSAM & XABSIGII HAREYSA:
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 | 75 | 76 | 77 | 78 | 79 | 80 | 81 | 82 | 83 | 84 | 85 | 86 | 87 | 88 | 89 | 90 | 91 | 92 | 93 | 94 | 95 | 96 | 97 | 98 | 99 | 100 | 101 | 102 | 103 | 104 | 105 | 106 | 107 | 108 | 109 | 110 | 111 | 112 | 113 | 114 | 115 | 116 | 117 | 118 | 119 | 120 |

JAWAABO:: HADALKII GEEDDI
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 |

IIBSIGII XAAFUUN EE 99 SANO:
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11

SUNTA KU DUUGAN SOOMAALIYA
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17


  • Gudoomiyaha  golaha fulinta  maxkamadaha islaamiga ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ugu baaqay maamulka Somaliland in ay joojiyaan dhibaatada ay ku hayaan culimaa'uddiinka Soomaaliyeed.
  • Muqdisho: Midowga maxkamadaha ayaa ugu baaqay Somaliland in ay sii dayso Shiikh Maxmed  Ismaciil.

Gudoomiyaha  golaha fulinta  maxkamadaha islaamiga ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ugu baaqay maamulka Somaliland in ay joojiyaan dhibaatada ay ku hayaan culimaa'uddiinka Soomaaliyeed.

Yaasiin maxamed cali (faytin)
Yaasiin2006@hotmail.com

002521-580916

Guddoomiyaha golaha fulinta maxkamadaha islaamiga  Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay ciqaabta  loo gaystay Sheekh Maxamed Ismaaciil oo ka mid ah culimaa'uddiinka Soomaaliyeed,isagoo ugu baaqay maamulka Somaliland in ay joojiyaan dhibaatada ay ku hayaan culimaa'uddiinka.  


Sheikh Sharif Sh. Axmed

Sheekh Shariif ayaa uga digay Somaliland dhibaateynta culimada,isagoo xusay in maamulkoodu ku  burburi doono haddii ay faraha kala bixi waayaan dhibaatada ay ku hayaan  culimaa'uddiinka Soomaaliyeed, waxa uuna wax laga xumaado ku tilmaamay in la dhibaateeyo culimada,ayadoo la raali gelinayo cadawga islaamka.  

Maamulka Somaliland ayaa culumo udiin uu kamid yahay Sheekh Maxamed Ismaaciil u gaystay falal arxan darro ah oo ka baxsan  bini aadanimada,isagoo loo haysto sababaha uu wax uga sheegay Mareykanka iyo Ethiopia,ayadoo dhawaan la soo bandhigay cajalad Video ah oo muujinaysa Sheekh Maxamed oo loo gaysanayoi jirdilo kala duwan oo ay ku jirto koronto lagu qabanayo jirkiisa.  

Sheekha waxa uu hoosta ka xariiqay in la soo gaadhay xiligii Soomaalida ay ka shaqeyn lahaayeen midnimada, isagoo ku ammaanay maamulada ka jira Somaliland iyo Puntland nabada ay ka sameeyeen deegaanadooda, balse waxa uu caddeeyay in midnimada Soomaaliya ay tahay mid muqaddas ah, loona baahan yahay cid kasto in ay u istaagto.  

Guddoomiyaha golaha fulinta maxkamadaha islaamiga ah oo maanta khudbad qiimo gal ah ka jeediyay munaasabad lagaga dhawaaqay maxkamada islaamiga gobolka Banaadir ayaa sheegay in dhismaha maxkamadan uu bilow u yahay maamul ballaadhan oo loo sameeyo gobolka Banaadir,isagoo xusay in ay fududahay ku dhawaaqista dhismo maamul balse ay adagtahay sida maamulkaasi looga dhigo maamul sal adag.  

Sheekh Shariif ayaa sheegay in cadaalad loo wada dhan yahay ay ka sameyn doonaan dalka Soomaaliya,isagoo xusay in aaney jiri doonin in cid gaar ah lagu fuliyo cadaalada, dadka qaarkoodna la cafiyo,balse waxa uu hoosta ka xariiqay in dadka ay u sinaan doonaan cadaalada.  

Gudoomiye Sheekh Shariif waxa uu sidoo kale ka hadlay fara gelinta ciidamada Ethoopiya  ay ku hayaan arrimaha Soomaaliya,isagoo xusay in ciidamada Xabashidu  ay bilaabeen madaafiic ay ku soo ridaan ciida Soomaaliya,waxa uuna caddeeyay in aaney cadaawad gaar ah u qabin wadamada dariska,balse dawladda Tikreega horkacayo ay tahay tan dhibaatada wada.  

Dhanka kale Mar uu ka hadlayay doodii dhawaan ka dhalatay dajinta calanka Soomaaliya oo uu sameeyay mid ka mid ah ciidamada maxkamadaha islaamiga oo ku sugnaa magaalada Kismaayo waxa uu sheegay  in arrinkaasi uu ahaa mid shaqsi uu sameeyay,waxa uuna xusay in ay xushmeynayaan calanka Soomaaliya oo xanbaarsan ahmiyad gaar ah.  

Si kastaba ha ahaatee sh,shariif  ka hadlay arimo dhowr ah oo taagan xiligan ayaa si gaara ugu dheeraaday arinta maamulka soomaali land ka wado magaalada hargaysa ee jidh dilka culumo udiinka soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay miday ka dhalan doonto burbur soo foodasaara maamulkooda waa siduu hadalka u dhigaye. 

Yaasiin maxamed cali (faytin)
Yaasiin2006@hotmail.com

002521-580916


Muqdisho: Midowga maxkamadaha ayaa ugu baaqay Somaliland in ay sii dayso Shiikh Maxmed  Ismaciil.

Midowga maxkamadaha muqdisho ayaa ugu baaqay Soomaaliland in ay dhawrto midnimada umada soomaaliyeed islamarkaana ay xaqdhawrto culumada soomaaliyeed  islamarkaana siidayso Shiikh Maxmed ismaaciil xukuumada soomaaliland.

Shiikh Maxamed Ismaciil oo ay Soomaaliland xirtay sandkii hore waxay ku eedaysay in uu xiriir lalahaa ururo argakixiso ah.

Mid ka mid ah culimada maxaakiimta Shiikh Xassan Turki ayaa mar sii horaysay sheegay in ay xoog ku soo furanayaan hadii ay soomaaliland sii daynwaydo shikha  xiisad colaaded oo u dhaxaysa maxaakiimta iyo soomaalilnad ayaa cirka isku sii shareertay traasoo la isku dhaafsanayo warbaahinta, Inkastoo ay soomaalilnad beenisay jirdil iyo dacadiyo logaystay shiikh maxamed ismaaciil taasoo ku soo baxday cajil video ah oo maalmihii ama todobaadkanba laga daalacanayay mareegta soomaalidu ay sida wayn u akhrisato.

Asbuucan bilowgiisiina muslimiin tiro badan ayaa mudahaardyo ay ku dalbanayaan in la siidaayo shiikha ka dhigay magaalada Burco sidoo kalena mudaharaadyo kale ayaa ka horeeyay kuwaasoo laga dhigay magaalooyinka Xingalool, Badhan, iyo kuwo kale oo ka tirsan Gobalka Sanaag.

Si kastaba waxaa wali ku xiran xabsiga hargaysa culimo badan oo uu ku jiro shiikh maxamed ismaaciil oo ah shiikhi ugu horeeyay  ee ku soobaxa cajiladaha video ah isaga oo sixun loo garaacayo islamarkaan ay ka tuubayaan waraysi kadiban ay dilayaan taasoo ka caraysiisay soomaali badan oo daawatay cajilka videoga ah ee sida gaarka ah loo soo duubay.

A/rizak koronto
Garowe puntland

Abwaan Bacadle Oo Gabay Ka Tiriyay Tacadigii Sh. Max’ed Sh. Ismaciil Gabaygan la yiraahdo (Hungo) oo soo baxay 05/10/2006, waxaa tiriyey Cali Maxamuud Xiirane oo jooga UK, London.

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 6, 2006




Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD