Siyaad
Barre iyo Somaliland ha loo Garsooro!!
Siyaad Barre waxa lagu dhaliili jiray Afar
waxyaabood, midda ugu horeysa waxay ahayd xeerkii Qoyska oo uu tobanka u dilay,
wuxuu ahaa nin hanti wadaaga xoogga saaray oo dadkii Muslimiinta ahaa ku
cadaadiyey in ay sidaa aqbalaan, Duulaankii xoogga badnaa ee uu ku qaaday
Gobalada Waqooyi iyo Gobalada dhexe iyo waliba qaybo ka mid ah Gobalada
Koonfureed, Beesha uu ka dhashay oo uu aad u hubeeyey intooda badan Saraakiil
iyo madax kalaba ka dhigay, iyadoo sidaas ah dalkii ayuu dhisay, fartii
Soomaaliga ayuu qoray oo aad looga faa’iideystay, Dugsiga hoose ilaa Jamaacad
ayaa lacag la’aan lagu Baran jiray, Gurina ma uusan dhisan, Akoon dibadeedna ma
uusan furan, xoolana ma uusan tabcan, Galbahaareyna Guri muuqda ma uusan ka
dhisin taas oo lagu xaman jiray in uu ku dhashay, dagaalada markii isaga lagu
bilaabeyna ayuu difaac xad dhaaf ah sameeyay, sidaa darteed dagaaladiisii difaac
bay ahaayeen ayaa la dhihi kara, shisheeyuhuna ma adeegsan jirin Max’ed Siyaad
ee isagaa wuxuu maago sameyn jiray intaa haddaan Max’ed Siyaad Barre uga baxo.
Soomaaliland horta Soomaali bay kala gooyeen, intoodii wada goydayna Isaaq iyo
Gadabiirsi baa meesha ku haray oo kuligood ah intii nabad sugida ahaan jirtay,
waxaa caddaatay, si ay aqoonsi ku helaan in ay geed dheer iyo geed gaabana u
fuuleen xitaa haddii Diinta looga baxayo, taas oo kaliftay in ninkii ahlo Diin
ahba lala coloobo, wuxuuna arrinku noqday in inta jirdil lagu sameeyo Culumada
ay sheegeen in ay falal argagixiso u qabteen ay u beec geeyaan Gaalada ay
xiriirka la leeyihiin, Qabyaaladu waa Xumbo, Xumbana way dhacdaa, waxay ay
qabteena lama arko, oo taariikhda u galay
Siyaad Barre…Soomaaliland Sagaashan Jeerow
ka Saxnaay
(Shirib)
- Mutacalimiintiyo, Dadyahow maansada
yaqaan.
- Marqaati haddaad gashiin, Muslin rumana
aad tihiin.
- Maamulka Somaliland, Muslimkiyo Gaalada
midkeebay jecel yihiin.
- Muftiga Diin Faafiyiyo, Muhdiga kee
jecel yihiin.
- Gabdhaha tii maxajabaa, iyo meertada
tee jecel yihiin.
- Shabaabka Masaajidiyo, Meelaha kheryka
leh fadhiya.
- Oo Mareykanku neceb yihiin, iyo muqayil
aan Diin laheyn, midkeebay jecel yihiin.
- Ahdigii Nabi Muxamad iyo, Dastuur Gaal
muhindisay, Midkeebay jecel yihiin.
- Mareykan iyo Usaame, Midkeebay jecel
yihiin
- Muftiga Sheekh Muxamad iyo Mellas, Kee
jecel yihiin.
- Nin diinku ka muuqdo iyo, Muqayil kee
jecel yihiin.
- Mucatab aqoonsi iyo, Midnimo
Soomaaliyeed, Midkeebay jecel yihiin.
- Musxafkoo lagu dhaqmiyo, Mugdiga kee
jecel yihiin.
- Fooxlaha maansooda iyo Manhajkii
Nabigayaga Midkeebay jecel yihiin.
- Musanif xadrada dejiyo, Qur’aankaan
muqadaska ah midkeebay jecel yihiin.
- Janada Mowluhu baxshiyo, Manfaca
gaaladu hayaan, Midkeebay jecel yihiin.
- Macbuudku wuxuu na faray iyo Mabda’a
Gaaladu dejeen, Midkeebay jecel yihiin.
- Mareykan raaligeli iyo Musxafka manhaj
ka dhigo, Midkeebay Jecel yihiin
- In Qur’aanka lagu Xukuntameey Qadaf u
haystaane!!
- Qof kastoo Makhluuq ihi, markuu qalab
sameynaayo.
- Qoraal iyo wuxuu raaciyaa qaab ku
dhaqankiisa,
- Qaadirkuna qorshuu noo dejiyey, qalad
la’aaneede.
- Qur’aankaan intaad qaadatiin qaab ku
dhaqankiisa.
- Qowlkii Nabiga oo lagu fasiray qaanic
ku ahaada.
- Qudamadii Salafu Saalixuna qawlkey ku
ijmacday.
- Asna qaadashuu leeyahaye qaanic ku
ahaada.
- Wallee ineyd naan qiil kale heleyn
qiyaaska mooyaane.
- Qamriiste iyo Odey qanax ah bay xukun
ka qaataane.
- Qawaaniin samaawiya inama uma
qashuucaane.
- Hadba xeerki qoyskoo kaley qaabila
hayaane.
- Nin qur’aanka lagu xukuntameey qadaf u
haystaane.
- Khiyaar ma lihinoo amar Allaa qoorta
noo surane.
- Haddaan qaadan weynana kufribuu nagu
qoraayaaye.
- Qabuul dhahoo, qalbiga ka aqbaloo,
laabta qabadsiiya.
- Ama naar inuu idinku qubo qaanic ku
ahaada.
- Quud xalaala iyo waxays ag yaal qadadii
Doorshaanka.
- Qof walboow midkaad qaadatana waa laguu
qoriye.
W/T: Abwaan Abshir Nuur Faarax (Abshir Bacadle)
Waxaa soo tabiyey : Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail :
amiinkhasaaro@myway.com
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 10, 2006
|