CAJALADU MA DHABA MISE WAA DHOOBDHOOB?
Qasaali
SC: Salaanta islaamka ka dib beryahan marka
maqaal la akhriyayo qofka akhriyaya waxuu iska mala awaala halkaasu ayu
ka so jeeda qorahu. Markaas aan is cadeeyo waxaan ahay nin rer
somaliland ah oo waliba Habraha ah (Kaftan!!)
Intaas hadaan ku dhaafo halkaas ,cajaladan
waxaan daawaday xiligi iigu horaysay iyadoo aan afuri doono xiliga
Australia ,markaan daawaday afurkii waan cuni kari wayay siday i
damaqday. Waxa la yidhi Geeriyi geel jire iyo ninmaanad aqoon ayay ku
wacnayde, Ilaahay ha xafidee Sheekh Maxamed Ismaaciil waxuu aha nin
aanu Jaar nahay Hargeysa From 2000-2005 aanan aqaano lafahiisa cadcad,
Isla markiiba 1000% waxaan xaqiiqsaday inuu isagii yahay anigo aqaan
Muqaalkiisa si fiican, Codkiisa oo hadi laygu dhex daro 100 nin aan ka
so saari karo iyo waliba Body Languagekiisa oon si fiican u aqaano aya
i samaxday inaan wax yar oo shakiyi qalbigayga galin inuu isagi yahay
iyo in kale cadayna haba yaraate aanan cid uga baahan.
Hagaag markaan xaqiiqsaday inuu isagi
yahay waxaan is waydiiyay Suaalahan ayna noqatay inaan so baadho
1- Why nin la jidh dilayo cajalad looga
duubay?
Jawaabteeda waxa la leyahay waxa loo
duubay Ethiopianka si loo tuso loona dhaho Big fish ayaan
Qabanay eegana sidaan u galayno.
2- Maxay markii ugu horaysay u so qori
wayeen Webabka Rer Somaliland mala waa Propoganda iyo wax laga soo
abuuray meel kale ?
Waxa lay shegay inay diden sidaasna lagu
so saray Webka laascaanood
3- Ma noqon karta cajaladu mid la isu
geegeyay sida dad badani qabaan?
Jawaab :-Maya ma noqon karto waayo codkii
iyo Body languageki iyo Muqaalkiiba waa kii Sh Maxamed xage wax la isaga
gayn karaa. Dadka aan la hadalay oo dhan ee reer Hargeysana wax yar oo
shakiyi kuma jiraan. Waxaan aad uga helay Lawyerka Sheekha oo yidhi Nabi
Maxamed Cs ayay Qurayshi ku tidhi waa Gabay quraanku, deedna u ku yidhi
Cs " 10 aayadood oo la mida so saara hadu Gabay Yahay Quraanku" Ee bal
mid la mida soo saara oo keena cid kasta adeegsadoo.
3- Ma noqon karta Cajaladu mid lagu
duubay Jeelka dhexdiisa?
Maya oo kama suuroowdo sheekhu fal
been abuura oo sidaas u wayn o ku so noqon doona inuu
faraha la galay oo sumcadiisa iyo
sheekhnimadiisa dhaawici kara kana dhigi kara Fidno wale iyo
Beenaale hadaan anigu aqaano Sh maxamed wax ka suuroobi kara iyana
maha
GeboGabo:- Cajaladan fikirkayga yar
100% waa Mid Jirta. Kuwa shakisan xaqiiqdeedana kolay waxa ay ku
rumaystaan way arki dhowaan inshalaah. Markaad wadanki la
hadalaysana dadka aan
Xag jirin la hadla ee dhexdhexaadka si
aad u heshaan jawaab dhexdhexaad ah.
Qasaali
AFeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
Amal
Sheekh Max’ed Ismaciil “Aabbahay wuxuu u xiran yahay.”
Amal Sheekh Max’ed Ismaaciil oo uu dhalay
Sheekh Max’ed Ismaaciil oo ah Sheekh ku xiran Xabsiga Magaalada Hargeysa
dhawaana Web-Site-yada caalamka laga daawaday iyada oo ay jir dilayaan
ciidamo ka tirsan maamulka Daahir Riyaale ayaa waxa ay xariga Aabbaheed ku
tilmaantay mid xaqdaro ah.
“Aabbahay waxa uu u xiran yahay maxaad u
fidineysaa diinta Islaamka oo aad uga soo horjeedaa Itoobiya iyo Mareykanka”
ayey tiri Amal oo markii la wareysaney ilmeyneysay taas oo dadka
Soomaaliyeed aad uga jariiracoodeen, waxayna ummadda Soomaaliyeed ka
codsatay sii loo siideyn lahaa Aababbaheed. Amal waxa ay sheegtay in
Aabaheed uu u shaqeynayay carruur fara badan kuwaas oo ku nool dalka
Gudihiisa iyo dibaddiisa.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail : amiinkhasaaro@hotmail.com