Cajilada Vedio ee Sheekh Maxamed Ismail laga
duubay Run ma aha ee waa Flim xun loo duubay.
Abdi M.Saleiman(Mingiste)
Abdi_saleiman@hotmail.com
Waxaa dhowr jeer si fiican u daawaday cajilada
Vedio ah ee dhawaan lagu faafiyey saxaafada horta ah ,gaar ahaan Webside
Internet-ka,kuna saabsan jidh dil la sheegay in loo gaystay Sheekh Maxamed
Ismail oo ku xidhan Xabsigga dhexe ee Hargeysa.
Cajiladan waxaa ka hadlay dad fara badan oo ay
ka mid yihiin ,Dowlada iyo Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland ,Waxaa banana
baxyo laga sameeyey magaalooyin ku yaal Somaliland.
Waxaa kaloo fikrado kala duwan ka muujiyey
Cajiladaas dad aad u fara badan oo reer Somaliland iyo Somaliya ka soo kala
jeeda.
Dhinaca Somaliya waxaa hadlay Maxaakiimta ,caruur
uu dhalay sheikh Maxamed Ismaciil ,koox isku sheegtay in ay ka soo jeedaan
Somaliland kana tirsan yihiin waxa loogu yeedho Golaha Baarlamaanka ee DFKM.
Wasiir
Ku Xigeenka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Yuusuf Ciise
Tallaabo oo sheegay in ay xabsiga ugu tageen kulmeen Sh. Maxamed
Ismaaciil ayaa sharaxaad ka bixinaaya Su'aalo ay ka weydiiyeen
Sh. Maxamed
jiritaanka Cajalad Video oo isaga lagu jidh dilaayo iyo wuxuu
ugu jawaabay wuxuu yidhi " Waxaanu Weydiinay Seddex Su'aalood oo
kala ahaa 1. Maxamedow Ma jirtaa in lagu jidh dillay? wuxuu ku
jawaabay Haa Waa La I Jidh Dilay, Waxaanu weydiinay Maxaa lagugu
dili jiray? wuxuu yidhi Suun ayaa la igu garaaci jiray isagoo
farta ku fiiqay Suunka nooca Ciidanka oo meesha yaallay, iyo
aalad kale oo ah ayuu yidhi laydh yar oo jac kaa siinaaya, Waxaa
kale oo aanu weydiinay yaa ku dili jiray? wuxuu ku jawaabay Dad
Madaxa Duuban. Waxaanu weydiinay Maxaad wakhtigaasi oo dhan u
qarinaysay ee aad u sheegi wayday? wuxuu ku jawaabay Cajaladda
Video-ga ah ayaa dhinaca Xukuumadda ku maqnaydo intay ka soo
baxayso ayaanu sugaynay.!"..
AKHRI....
|
Haddaba markaan dhowr jeer daawaday
Cajiladaas,waxaa qabaa in ay tahay mid la been abuuray ,waxaanan ku cadeynayaa
arimaha soo socda.
1. Cajiladu ma laha wax taariikh ah,lama garan
karo xilliigii la duubay.
2. Ma jiraan wax cadeynaya in Cajiladaas lagu
duubay xabsiga Hargeysa.
3. Indhaha Sheekh Maxamed waa la socdaan in
Cajilad laga duubayo,weliba Sheekh Maxamed wuxuu mar kasta Indhaha kula
xidhiidhayaa qofka Cajilada duubaya si uu uga gudbo suaashii hore.
4. Kama muuqdaan sheekh Maxamed wax muujinaya
in uu ku jiro Ciqaab amase jidh dil,balse waxaa ka muuqda xaalad deganaansho,oo
mararka qaarkood keenaysa in uu qoslo.
5. Sheekh Maxamed kama muuqdaan korkiisa wax
nabaro ah oo ay keentay jidh dilkii loo geysanayey haba yaraatee.
6. Ma arag haba yaraatee wax nabar ah oo Sheekh
Maxamed si toos ah iyo si dadban midna loogu dhufanayo,laakiin laba nin cagaha
ayey dhulka la dhacayaan.
7. Nimanka Sheekha ka duubaya Cajilada waxay ku
hadlayaan Luqad aan ahayn ta laga hadlo Somaliland .
8. Laba nin ee iska dhigaya in ay Sheekh
Maxamed garaacayaan,waxa ay dhulka la dhacayaan Cagaha iyo Shaabuuga ay haystaan
,mana jiraan nabar ay si toos ah ugu dhufanayaan Sheekh Maxamed.
9. Suaalaha la weydiinayaa ma aha qaar haba
yaraatee wax xidhiidh ah la leh dembiga loo haysto,waxaana wax lala yaabo ah ,waxa
isu keenay U.S.A,Itoobiya iyo SNM.
10. Sheekh Maxamed waxaa marka ugu dambeysa ka
mid ahaa erayadiisa “waa idiin saxeexayaa ,waan idiin saxeexayaa”,laakiin ma
jirto cid weydiisay in wax saxeexo.
Haddaba 10 kaa qodob iyo qaar kale ,waxay ka
mid yihiin waxyaabaha aan u daaliishanayo in cajiladani tahay been abuur loogu
talo galay in lagu wax yeelaynayo sumcada dadka iyo dalka Somaliland.
Waxaan hadalka ku soo koobayaa dadka reer
Somaliland waxaa la gudboon in ay ilaashadaan Qaranimadooda ay muda dheer u soo
halgamayeen, Dowladana waxaa la gudboon si rasmi ah loo baadho arinta cid kasta
oo ka qayb qaadatay been abuurkaas waxaa haboon in sharciga la horkeeno.
ALLAA MAHAD LEH
Abdi M.Saleiman(Mingiste)
Abdi_saleiman@hotmail.com
AFeef: ARagtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 8, 2006
|