Culima
awdiinkii ma waxaa laga dhigay mid dhintay,mid dhaawac ah,mid la dhiibay,
mid dhawraya iyo mid dhuumanaya ?
Maxamed abshir cali
Lausanne, Switzerland
Maxamedabshir@msn.com
Oct. 2006
BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM,
ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WARAKAATUHU,
Waxaa mahad leh Ilaahii cirka taagay tiir la’aan dhulkana goglay buurahana
ku dhidbay, jinni iyo insina u abuuray kaliya inay isaga caabudaan ,waxaa
mahad leh Ilaahii Mursaliinta kii ugu khayr badnaa noo soo diray
Kitaabkiisa sharafta badanna noogu soo dhiibay ,diintiisa toosanna nagu
hanuuniyey.
Naxariis iyo nabadgalyo Nabi Muxammed korkiisa ha ahaato.
Waagii hore dadka soomaaliyeed waxay ahaan jireen dad culima awdiinkooda
aad u xaq dawra, islamarkaana aad u xushmeeya, ninka shiikha ahi dadka
soomaaliyeed dhexdooda wuxuu ka ahaa biri magaydo,
Isagaana marwalba mudnaanta la siinjirey,wuxuuna umadda dhexdeeda ka lahaa
sharaf iyo karaamo buuxda, qaddarin iyo ixtiraamid gaar ahaaneed buu
lahaa, aadbaana loo maamuusi jirey,iska daa in af iyo addin wax lagu yeelee
waxaa dhici jirtey markii la arko nin shiikh ah oo soo socda in hoos la
wada fiirin jirey, qaddarin iyo xushmayn loo hayo darteed, markii uu
hadlana dadku waxay ahaan jireen sidii ido roob hayo oo kale, markii uu
wax gooyana wixii uu gooyaa lagu gawracnaan jirey, sababtuna waxay ahayd
dadka soomaaliyeed waagii hore waxay ahaayeen dad iimaan ku jiro
damiirkooduna noolyahay islamarkaana waxay intooda badan ahaayeey dad
xalaal quudata ah oo qalbigoodu fayowyahay,middakale waxay ogaayeen
qiimaha uu leeyahay qofka sharciga Alle xambaarsani,dadka soomaaliyeed
marna raalli kama noqon jirin in culimadooda wax la yeelo ama hortooda
lagu jiid-jiido ama lagu jir-dilo, hase ahaatee maanta waxaa muuqata inay
waxyaalo badani isbeddeleen , shacabkii soomaaliyeedna dulloobay
damiirkoodiina dhintay, xaqii iyo xaq-darradiina ay kala garan waayeen,
xalaal iyo xaaraanna laysku qasay, xaq iyo baadilna laysku walaaqay,
waxaadna mooddaa in had iyo jeer laga sii darayo,
Ninkii wuxuu yiri :
Hadba labo de’ood tii danbaa belo dufaysaaye.
Waxaa muuqda oo qofwalbaaba arkikaraa wixii ay somaalidii hore oo qiimaha
lahayd ka xishoon jireen ay kuwa maanta joogaa ku xarragoonayaan,waxaa la
dhayalsanayaa wixii laga dhiidhin jirey, waxaa lagu diirsanayaa wixii laga
danqanjirey, goormaynu arki jirney nin shiikh ah oo baydkii Alle ku jira
Kitaabkii Allana dadka baraya oo inta tunka lagu soo dhegey oo garba-duub
loo xiray feer,laad ,haraati,dharbaaxo, budh,jeedal suun iyo koronto lagu
garaacayo waliba isagoo Ilaahay aayaadkiisa quraanka ah ku celcelinaya
oo dad soomaaliyeed oo muslimiin sheeganayaa waxaa ku samaynayaan kuwo
kalana ku bannaan baxayaan oo leeyihiin ‘ waa danbiilee yaan la sii dayn ‘
Sh. maxamed sh. ismaaciil iyo shiikhyo kalaba waxay ku xiranyihiin
xabsiga dhexe ee Hargaysa muddo dheerna waa ay xirnaayeen dhibaatada iyo
ciqaabka lagu hayana waa la wada daawaday ilaa iyo haddana qaddiyad ama
kiis ay u xiranyihiin oo lagu soo eedeeyey ma jirto kaliya waxaa lagu
haystaa kelmedda tawxiidka, waxaa lagu haystaa maxaad ugu dheggantihiin
Kitaabka Alle (sw) iyo Sunnada Nabiga ( scw)
Inkastoo ay jiraan dad badan oo soomaali ah oo ay arrintaasi aad uga
caraysiisay kuwo bannaan baxay iyo kuwo si kale u cabbiray intaba haddana
wali meeshii la rabey lama joogo loomana dhowa waxaan aamminsanahay maanta
ummadda soomaaliyeed inay siday rabaan uga aargoosankaraan ciddii ku
xadgudubta culimadooda iyo caqiidadooda
Haddaba culima awdiinka halkaa lagu silcinayaa Ilaahay ka sokoow waxay
gargaar iyo hiil ka sugayaan shacabka muslimiinta ah ee ku hareeraysan,
Ilaahayna (sw) waa u gargaarikaraaye wuxuu ku fiirinayaa dadka muslimiinta
ah ee meesha la jooga bal inay walaalohood u ficiloodaan iyo inkale.
Hal waxaan leeyahay Daahir Riyaale
Halna waxaan leeyahay maamulka Daahir Riyaale
Halna waxaan leeyahay shacabka soomaaliyeed
Halna waxaan leeyahay culimada diinta
hal waxaan leeyahay Daahir Riyaale,
Daahir Riyaaloow waxaa tahay jaahil gaboobay, oo aan waxba ogayn waxna
aqoon, waxaa tahay ruux aan adduun iyo aakhiro midna wax kala socon, Rabbi,
Rasuul, Risaalo iyo Rag midna wax kama taqaannid waxaana leedahay saddex
sifo oo xun-xun , kibir-badni, caqli-darro iyo jaahilnimo, kibirkaaga waxaa
u daliil ah inaad tiri carradaan anigaa ka waayeel ah cidkale in lagu
caadunada raalli kama ahiye, caqli-darradaadana waxaa daliil u ah markii
Ilaahii ku abuuray oo ku karaameeyey oo nimcooyinka aan la tirinkarin
korkaaga ku mannaystay kuuna abuuray inaad isaga kaligii caabuddid
,meeshaad ilaahay ku shugrin lahayd baad ku kufriday, meeshii aad ka caabudi
lahaydna cisyaan baad ku beddeshay, jaahilnimadaadana waxaa u daliil ah
qabrigaagii baad kacmahaaga ku qodanaysaa, waxaana ka shaqaynaysaa wixii aad
adigu ku halaagsami lahayd, maxaayeelay waxaa jira adigu ma ogide dad badan
oo adiga kaa horreeyey oo shaqo ka dhigtay waxaan aad adigu maanta ka
shaqaynaysid, laakiin maxaad kala socotaa meesha ay ku danbeeyeen ?
Dabeecad waxaa ka dhigatay inaad Ilaahay sw diintiisa iyo awliyadiisa la
dagaallantid adigoo isku dayaya inaad Ilaahay nuurkiisa damisid diintiisana
is hortaagtid,
adigoo ku raalli galinaya Buush iyo Baleer iyo Milis Zanaawi balse
waxaan kuu sheegayaa maraykan iyo ingiriis rag badan baa hortaa isku
dayey inay raalli galiyaan naf iyo maalna u huray markii danbana meeshay ku
danbeeyeen waa la ogaa sharaftii iyo karaamadiibaa Alla ka qaaday tusaale
buuxana waxaa kuugu filan saddaam xuseen marbay maraykanka iyo ingiriisku
waxay oranjireen saddaam waa saaxiibkayaga qaaliga ah maantana sida looga
yac-yacsiinayo waad aragtaa, meelkalana loogama imaane waxa sidaa u galayaa
waa maraykan iyo ingiriis ragkale oo badanna waa jiraan oo sidaasoo kale
loola dhaqmay oo hadda magacyadooda aanan halakan ku soo koobikarin,
middakale waxaad ballan ku qaadday inaad ilaahy sharcigiisa iyo awliyadiisa
la dagaallamaysid ilaa aad ka dabar goysid,
balse waxaan kuu sheegayaa taa inaadan ku guulaysan doonin sababtuna waxa
weeye taariikhdii gudubtay haddaan soo gadaal celiyo waxaa jirey ardaallo
badan oo adiga kaa horreey sida Fircoon,Haamaan,Qaaruun,Abu Jahal, Abu
Lahab, musaylamatul kadaab, boqorkii kisraa iyo ruum, mustafa kamaal iyo
kuwo kaloo badan waxay isku dayeen inay ilaahay diintiisa iyo dadkeeda la
gadaallamaan laakiin cadaabkii Allaa ku soo degey iyadoo loo wada jeedo,
tusaale kale : 11-kii dagaal-ooge oo muqdisho haystey barwaaqadii
markay ka badatay oo nimcadii cirka ka gaadhay meeshay Ilaahii u nimceeyey
oo u barwaaqeeyey mahadin lahaayeen oo ku shugrin lahaayeen bay maalin
cad waxay shaaca ka qaadeen inay Ilaahay diintiisa la gadaallamayaan sida
la wada ogsoonyahayna ninwalbaaba wuxuu haystey 100 tignika ah iyo kumanaan
askari hase ahaatee nimuu Ilaahay sw la dagaallamayo hub iyo ciidan waxba
uma taraan Ilaahaybaa sharafta ka qaaday maanta waxay ku suganyihiinna waa
la wada ogyahay meeshay soo maraanba sankaa laga qabsadaa, hal ku
dheggooduna waxa weeye ‘alla maxaa nagu watay’
hadal iyo dhammaan wuxuusan shaki ku jirin cadaabkii iyo ciqaabkii iyo
halaaggii nimankaa ku soo degey inuu adigana kugu soo socdo maadaama aad
faraha kula jirtid shaqadoodii foosha xumayd, marka anigu waxaan kuugu
baaqayaa inta goori goor tahay Ilaahay (sw) u toobad keen culima awdiinka
xabsiga kuugu jirana shuruud la’aan ku siidaa dhibbaantii aad u gaysatayna
mag-dhow ka bixi danbiga iyo godobta aad ka gashayna uga cududaaro,
haddii kale waxaa lagaa rabaa barri ka maalin meeshii ku qarin lahayd iyo
meeshii aad gali lahayd , nafley waa tashataaye tasho waxaadna ogaataa
maalintaa buush iyo baleer inaysan ku badbaadin doonin nin kuu digayna
kuma dilin hadhowba ha oran ‘ ma ogayn iyo ma arkayn iyo ma maqlayn iyo la
iima sheegin ;
ninkii wuxuu yiri :
• Nin guubaabadaada isku dayey waw danli’i uune
• Wax wacdigu dubaaqa u galaa duulka khayrka lehe
• Damiin dhegala’ lama waaniyoo waa iskagadaale
Maamulka Daahir Riyaalana waxaan leeyahay,
• Mudaniyo haddii maamul jira laysku magacaabay
• Haddii midow adduun laga dalbaday madax bannaanaada
• Miisaan maxkamadeed hadduu madal ka laalaadey
• Ma’wi diimuqraadiya hadday dunidu moodaysey
• Intii mooro wayniyo la dhigay shalow la meegaaray
• Haddii moqolladdii aadanaha lagu maqaar siibay
• Marrey iyo haddii dumar martiya lagu dhex miigeeyey
• Wixii laysku magacaabijirey waa midaan jirine
• Ruuxii maqlaba maaddadaan waa mashiiqsadaye
• Mashaqaa dhacdiyo ceebo aan duulna soo marine
• Mashriq iyo galbeedbuu warkii maanta wada yaale
• Muran wuxuu ka joogaa siday ugu midoobeene
• Maqaarkeeda tuluddii cuntaan cidina maalayne
• Minankiisa ruuxii gubaan cidi ka moosayne
• Allaylehe musiibaa dhacdiyo mahadho ceebeede
• Wixii dunida loo muujin jirey mahala beenoowye.
Umadda soomaaliyeed wixii qalbigooda iimaan ku jiro waxaan leeyahay,
Wax badan baad xaq-darro taageerteen, wax badan baad gar-daro garba
siiseen, wax badan baad dan-darro dagaal u gasheen, mar aad qabiil
difaacdaan iyo mar aad qabqable dagaal difaacdaan, maanta waxaa laydinka
doonayaa inaad Ilaahay (sw) diintiisa difaacdaan xaqana u dagaallantaan,
inaad u dirirtaan oo u dooddaan sidii aad u koryeeli lahaydeen kelmedda
Alle (sw), dulliga idin saranna isa rogi lahaydeen, maanta waxaa gargaar
idiinka baahan diinta Alle waxaa hiil idiinka baahan kitaabka Alle iyo
sunnada Nabiga (scw) Ilaahayna diintiisa waa u
gargaarikaraaye wuxuu doonayaa inuu dadka tijaabo ka qaado marka imtixaanbaa
socda imtixaankaa qofna waa ku dhacayaa qofna waa ku baasayaa marka
Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu inaga dhigo kuwii imtixaankaa ku guulaysta
oo diintiisa u gargaara (Aamiin, Aamiin)
Ilaahay subxaanahu wa tacaalaa qofwalba oo muslim ah wuxuu maalinta qiyaame
waydiin doonaa wixii uu diintiisa u qabtay. Marka waxaa habboon qofwalbaaba
inuu naftiisa xisaabiyo ka hor intaan isaga la xisaabin,
Culimada diintana waxaan leeyahay
Haddii aanu nahay shacabkiinnii waxaad naga mudnaydeen hiil iyo hoo waxtar
iyo wanaag , gargaar iyo garab istaagid, hase ahaatee waxaad naga
mudnaydeen nagama aydaan helin wanaaggii aad waddeen iyo khayrkii aad nala
doonayseen xumaan baanu idiinku beddelnay
Marka maanta waxaanu idinka codsanaynaa inaad na cafidaan noona soo
ducaysaan ilaahayna nooga baridaan inuu na hagaajiyo noona danbi dhaafo
nagana dhigo kuwii xaqa u hiiliya,
Idinkuna ilaahay u samra dhibaatada idin haysatana u dhabar adayga hana ka
daalinnina inaad Ilaahay (sw) sharcigiisa faafisaan dariiqa fiican oo aad
ku taagantihiinna ku toosnaada ,inaad xaqa sheegtaanna haka weecannina,
handadaadda gaalada iyo kuwa u sheqeeyana dhego maroodi ka gashada,
midnimana muujiya oo isku xirnaada , safafkiinna mideeya, codadkiinnana
mideeya, addinkiinnana awood u yeela Ilaahaybaa idinla jiree,
Magacyada la idiinla baxayna ha layaabinnina markay idin leeyihiin gaalada
iyo gaala-raacyadu ‘argagixiso, asal-raac, xagjir, seefla-bood,iwm’
Sida aynu wada ognahay Nabi Muxammed (scw) oo ahaa khalqiga kii ugu
khayrka badnaa markii uu dadka xaqa ugu yeerayey oo uu khayrka u sheegayey
gaaladu waxay ku oran jireen ‘ sixirroole, fooxiye,gabyaa,beenlow,
waalane, iwm’ marka maantana tiibaa taagan
Waxaa laydiin dhibayaa oo magacyada laydiinku bixinayaa maanta idinkaa
dhaxalkii Nabi muxammed (scw) xambaarsan,
Waxaadna ogaataan waadba ogtihiine dhulkaan Ilaahbaa iska leh wuxuuna
dhaxalsiinayaa cidduu doono cirib-danbeedka fiicanna waxaa iska leh dadka
Alle (sw) ka cabsada.
Wallaahul mustacaan wa billaahi towfiiq
Maxamed abshir cali
Maxamedabshir@msn.com
AFeef: ARagtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 8, 2006
|