XABSIGA HARGEYSA:::
00 |
01 |
02 |
03 |
04 |
05 |
06 |
07 |
08 |
09 |
10 |
11 |
12 |
13 |
14 |
15 |
16 |
17 |
18 |
19 |
20 |
21 |
22 |
23 |
24 |
25 |
26 |
27 |
28 |
29 |
30 |
31 |
32 |
33 |
34 |
35 |
36 |
37 |
38 |
39 |
40 |
41 |
42 |
43 |
44 |
45 |
46 |
47 |
48 |
49 |
50 |
51 |
52 |
Ma Run Baa Muuqaalka
Jidh Dilka Sh. Maxamed Ismaciil?
Xog Ururin Dhab Ah!
Asalamu Calaykum dhamaan ummadda Somaliland dal
iyo dibad meel aad joogtaanba.
Ramadan Kariim
Run ahaan ma doonayn in aad wax maqaal ah soo gudbiyo inta lagu jiro bishan
Ramadaan oo ah bil cibaado, balse way noqon wayday oo waxaan arkay sheeko aan la
amakaagay kuna saabsanayd Sh.Maxamed Ismaaciil oo ku xidhan xabsiga magaalada
Hargeysa.
Sheekha waxaa loo haystaa arimo argagixiso oo uu ku kici lahaa haddii aan
ciidanka wadanku ka hor tagin, taas oo uu sida la sheegay uu qarxin lahaa
doorashadii Golaha Wakiilada si Somaliland u noqoto meel aan waxba dhaamin
Somaliya. Haddaba su'aasha aan doonayaa in aan is weydiiyo ayaa waxay tahay yaa
doonaya dhibaatada Somaliland, ma shacabkii doorashada u dhaqaaqay ma culimada
Somaliland ee qaarkood hanjabaada loo soo qoray jimicihii, mise dad kale oo
doonaya dano gaar ah? Jawaabtu waa dad kale balse yay noqon karaan dadkaasi bal
eeg qoraalkaan.
Masaajidka Xawaadleh ee magaalada Hargeysa oo ka mid ah masaajidada ugu weyn
caasimadda ayaa Imaamka Khaadibka ka ahi Sh. Aadan Xaaji Xiiray (Aadan Siiro) oo
ka mid ah Culumada ugu waaweyn Caasimadda Hargeysa ee aad loo tixgeliyo wuxuu
Jimcihii khudbadii salaadda jimcaha ku sheegay in uu hellay laba warqadood oo
loo dhigay Masaajidka, kuwaasi oo isaga loogu hanjabaayo in la dili doono haddii
aanu joojin weerarka uu ku hayo Maxaakiimta Islaamka ee ka taliya qaybo ka mid
ah dalka Soomaaliya.
Sh. Aadan Siiro muxuu galabsaday oo loogu
hanjabay maxaase isu soo aadiyay muuqaalkan la baahiyay iyo hanjabaada oo ay
waqti isu dhaw u soo baxeen? Waa arrin la is waydiiyo u baahan, sidoo kale Sh.
Shariifka Xamar ayaa isna hadal adag ka yidhi arinkaan kuna beegay waqtigan oo
aan la hubin muuqaalka dhab ahaantiisa iyo been ahaantiisa intaba.
Sharaxaad ku saabsan Muuqaalka Sh.Maxamed Ismaaciil.
Waxaa marka hore arkaysaa Sheekha oo fadhiya laba askari sida lagu sheegay ay
labada dhinac ka taagan yihiin. Sheekhu wuxuu wataa Macawis nooca Sabar hindida
loo yaqaan iyo garan madow diilmo cadaan ah leh, halka labada askari ay wataan
dhar aan kuwa askarta lagu yaqaan ahayn, dhanka midig askariga ka taagan sheekha
wuxuu xidhan yahay shaati Buluug ah, Surwaal aan midabkiisa sixi karin balse u
eg buluug caddaan ah iyo kabo sandal ah, ninka dhanka bidix ka taagan dharka uu
xidhan yahay lama qiyaasi karo inta aan ka ahayn surwaal Buluug ah.
Sheekhu waa la waraysanayaa oo labada nin waxay wataan Record nooca saxaafadu
isticmaasho oo kale ah, waxayna duubayaan wixii uu yidhaahdo oo dhan, sidoo kale
waxaa shaki badan iiga jiraa in nin 3aad meesha ku jiro, kaas oo aan is leeyahay
waa ninka Kamaradda ka duubaaya oo taagan meel ku beegan wajiga sheekha xilli
kasta marka la waraysanayo iyo marka la ciqaabayo intaba wajiga sheekha waa la
arkaa sheekha laftiisuna wuxuu inta badan eegayaa Kamarada ee labada askari
wajigooda ma eegayo.
Haddaba muuqaalkani waxyaabaha soo socda marka la eego waa been abuur oo waa mid
la sameeyay.
1. Marka hore aad u daawo muuqaalkan maaha mid xidhiidh ah ee wuu kala go'an
yahay oo sheekada dhexmaraysa sheekha iyo askarigu maaha mid sida ay isugu
xigtay loo duubay ee su'aal cusub oo meesha ku jirin ayaa hadba bilaabmaysa sida
Cali nin la yidhaahdo ayaa la waydiinayaa isagoo jawaabtii aan aad u
dhamaystirin ayaa su'aal kale bilaabmaysaa.
2. Sheekhu wuxuu had iyo goor eegayaa Kamarada ragga waraysanayaana labada
dhinac ayay ka joogaan, wejigiisa ma eegayaan taasina maaha hab lagu yaqaano
askarta dambiyada baadha. Sidoo kale Askartu waxay wataan dhar aan muujinayn
calaamad askarinimo gaar ahaan ciidanka. Markaa mar haddii wajiga sheeku eegayo
kamarada waxay u egtahay in arin la diyaariyay oo meel aan xabsiga Hargeysa
ahayn lagu duubay ayay ila tahay, waayo sabab ama calaamad ciidan kuma duubna
cajaladaa oo waxaa la duubay inta aanuu Sheekha xabsiga lagu ridin si haddii
sida maanta dhacday arinkoodu fashilmo loogu ceebeeyo dawladda waana arin lagu
sii talo galay si aan dawladdu caddayn u waydo oo markhaati u noqoto ninkan
wadaadka sheeganaya oo Xabsiga ku jira ayaa la soo saaray.
3. Haddii arinkani run yahay waan ognahay Xabsiga marka la gelayo waa la is
baadhaa oo waxyaabo aad u wayn lalama gali karo, sida kaamarad weyn, sidaa
darteed ninka awooda u yeeshay in uu Xabsiga Kamarad la galo ma awoodi waayay in
meel ka mid ah Xabsiga ama Ciidanka Ciqaabaya Sheekha in uu sawirka uu ku xaday
marka ay jidh dilayeen in uu sawir ku xado ama xitaa hadalkooda aan ahayn
waraysiga uu soo duubo.
4. Geeska Afrika way ku yar yihiin qalab horumarsan oo samayn kara isku xidh
suurado kala duwan si qaab kaliya loogu sameeyo, laakiin arinkani dadaal
dibadeed ayaa ku jira oo dad qurbaha jooga ayaa shaqadeeda ka qayb galay ugu
yaraan Dubai ayaa la isticmaalay si wuxu suurto gal u noqdaan, balse nasiib
wanaag waxaan helay in muuqaalku yahay mid jilid u eg waliba sheekhu dadka wax
waydiinaya muxuu u eegi waayay halka uu Kamarada ka eegayo ileyn Kamaradu isuma
ogga sida la sheegaye mid qarsoon ayay ahayde, Sheekhu wuxuu xitaa marka la jidh
dilayo eegayaa Kamarada marar badan, markaa miyay taasi caddayn u ahayn in uu
arinka og yahay isagu oo wax uu wax ka diyaariyay aanay ahayn waa sax.
5. Culimada Somaliland inta badan ma ogola hadalada ka soo yeedha Maxaakiimta
Somaliya, waxaana culimadaasi ka mid ah Sh. Aadan Siiro oo Toddobaadkan loogu
hanjabay in la dili doono haddii aanuu joojin weerarka uu ku hayo Maxaakiimta,
sababtuna waxay tahay haddii culimadeenu shacabka tusaan in dalkoodu uga roon
yahay wax kasta in dadku dhamaan ka soo wada horjeesanayaan culimada la soo
dirsaday ee mashruuca Somaliweynta wada, taas oo caqabad weyn ku ah taliska
qarsoon ee Xamar hamiga la jooga, sidaa awgeed wixii qodax ay u arkaan ayay
siibayaan. Sh. Aadan waa tusaalihii ugu horeeyay arinkaana maaha mid xididkiisu
dhaw yahay Xukuumaduna ficil muuqda lagama hayo marka shacabka ayaa laga
doonayaa sidii ay uga baxsan lahaayeen.
6. Maxaakiimtu iyaga oo aan hubsan ayay cambaareeyeen arinka Sheekha, waliba
qaranimada Somaliland waxay ku sheegeen dad Afweyne oo kaliya ka cadhaysiiyay oo
aan Somaliweyn diidanayn, markaa hadalkaasi wuxuu la mid yahay laba arimood oo
kala ah; in Culumada Somaliland beer laxawsi looga dhigo in dawladda Somaliland
ay laynayso, Maxaakiimta Xamar ay naxteex u yihiin sidaas darteed loo sameeyo
koox Culimo ah oo Ciidan iyo Hub la siiyo dagaalna ka bilowda Somailand iyo
dadka Somaliland loo sheego in Afweyne tagay dhibkii lagu sameeyay isaga uu
raacay isla markaa u diyaar garoobaan in la xukumo maadaama Afweynihii dhibka u
gaystay dhintay. Laakiin Ayax tag eelna reerb Afweyne isagu xabad gacantiisa
intuu ka ridday Hargeysa kuma dhufan ee ragga caanka ahaa Xamar ayay joogaan
wali dadkayga Somaliland taa ayaan u sheegayaa.
Marka hore waa sidaa xogta dhabta ah ee aan ka soo diyaariyay muuqaalkan
ceebteena iibka loogu doonayo, mana aha markii ugu horaysay ee Somaliland sidan
laga yeelo, waynu ogayn wixii ay samaysay Zamzam Axmed Ducaale iyo sidii ay ku
dambaysay waliba iyadoo dhulkeedii tagtay ayay lahayd waxbaa la igu sameeyay UN
kii ayaana xaqiijiyay warkeeda.
Qofkii aaminsan Somaliland wuu aamini qoraalkan marka arimaha uu eego isagoo
daawana muuqaalka, laakiin qofkii neceb Somaliland ma deeqayo hadalkani waayo
mid kan ka soo horjeeda ayaa ka buuxa laabtiisa. Sidoo kale waxaan leeyahay
qofka arinkan xaqiiqdiisa hayaa wuu soo gudbin karaa, waayo xukuumadeenu maaha
mid aan khaldamin mana aha mid aan loo sheegi karin khaladkeeda waa mid ogol
wixii sax ah alle hortii.
Sh.Maxmed Ismaaciil waa muwaadin sida aan jeclahay, waxaan aad uga xumahay sida
uu wax yeelay, dadkiisii iyo dalkiisii ayaa wehel uga baahan dad shisheeye in uu
u adeego maaha, Islaam waa la wada yahay qof aan diintu xil ka saarnayn ma jirto,
cid diinta wakiil gooni u ahna ma jirto, Rasuul SCW wuxuu yidhi "Iga gaadhsiiya
ummadday xitaa Aayad" markaa qofka aayad kaliya diinta ka garanaya waa in uu
sheegaa.
Wadamo badan oo Islaam ah ayaa jira, Xasan Daahir Aweys wakiil kama ah
wadamadaas inaguna la mid ayaynu nahay, xitaa haddii la samaynayo Maxaakiim
Islaam ah inagoo Somaliland ah aan samaysano maxaa ku jaban?????????? Waxba.
Waxaan kula dardaarmayaa wadaadada Somalialnd in ay ka foog jinaadaan in dib aan
ugu noqono dagaalkii iyo xasuuqii 20 sannadood ka hor, Shalay Oday baa ku
fududaaday Somaliweyn oo Calankeenii, Cududeenii iyo wadankeenii Koofur geeyay
dhaxalna waxaan uga helnay in nala Xasuuqo, maantana wadaadada ayay joogtaa ha
marina wadadii Odayaasha, masuuliyad kama qaadi kartaan in dadkani wanaag
helayaan, maanta sida ay ku jirtaa maaha meel xun oo laga dido ee waa khayr.
Walaalayaaloow na daaya Alle ayaan idinku dhaarshaye, Sh.Maxamedoow adigaa kow
ka ah ee dadkan daa, wixii aad jeceshay naftaada u jeclow dadkan iska daa dhib
way ka soo daaleene.
Macsalaama
Allaa mahad leh
Cabdul-Qaadir Sanweyne
Allaa Mahad leh
Faarax Maxamed Yuusuf Ina Sanweyne
haatuf
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 14, 2006
XABSIGA HARGEYSA:::
00 |
01 |
02 |
03 |
04 |
05 |
06 |
07 |
08 |
09 |
10 |
11 |
12 |
13 |
14 |
15 |
16 |
17 |
18 |
19 |
20 |
21 |
22 |
23 |
24 |
25 |
26 |
27 |
28 |
29 |
30 |
31 |
32 |
33 |
34 |
35 |
36 |
37 |
38 |
39 |
40 |
41 |
42 |
43 |
44 |
45 |
46 |
47 |
48 |
49 |
50 |
51 |
52 |

|