SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
XABSIGA - HARGEYSA


Daahir Riyaale oo loogu Baaqay Siidaynta Culimada ku Xidhan Xabsiga Hargeysa

Hargeysa: Oct 10, 2006: In ka badan 135 qof oo isugu jira madax-dhaqameeyo, siyaasiyiin, ganacsato, culimaa'udiin iyo waxgarad kale ayaa cambaareeyey xadhigga culimo iyo maato ku xidhan Xabsiga Dhexe ee Hargeysa, waxayna ku baaqeen in si deg-deg ah loogu soo celiyo xorriyaddooda.

Bayaan ay soo saareen 135-ka xubnood oo ka soo jeeda degaannada koonfurta iyo Bariga Hargeysa, waxa uu ka dambeeyey kulan ballaadhan oo xalay ka dhacay hotelka Star ee koonfurta caasimadda, waxa ay si weyn ugu dhaliileen xadhigga muddada dheer qaatay ee culimada oo ayey yidhaahdeen; "aan ilaa hadda loo hayn wax fal-dambiyeedyo ah."

Bayaankan waxa kale oo ay xukuumadda kaga dalbadeen in baadhis qoto dheer oo madaxbannaan lagu sameeyo dhacdooyinka tacaddiga ah, isla markaana ciddii xadgudubka geysatay sharciga la horkeeno. Bayaankaas oo ka kooban saddex qodob iyo soo-jeedimo ku lifaaqan waxa uu u qornaa sidan:

"Annaga oo ah cuqaasha, culimada, ganacsatada, aqoonyahanka iyo waxgaradka kale ee qoraalkan saxeexay dhammaantoodna ka soo jeeda beelaha Garxajis, waxaannu si cad u cambaaraynaynaa:

Xildhibaan Maxamed Jaamac Oo Ka Tirsan Golaha Wakiiladda Ayaa Ku Eedeeyey Wasiirka Daakhliga Inuu Reer Sool U Gaar Yeelay Cajaladda.. Guji...
Waa nasiib darro in uu KULMIYE isagu noqdo ka difaacaaya xukuumada looga bartay been abuur iyo jidhdilba.... Guji.. (Cali Guuleed)
Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Cadaaladda SL: Waxaanu Weydiinay: Maxamedow Ma jirtaa in lagu jidh dillay? wuxuu ku jawaabay Haa Waa La I Jidh Dilay.. Guji..
Abwaan Bacadle Oo Gabay Ka Tiriyay Tacadigii Sh. Max’ed Sh. Ismaaciil Ee Tacadiga Loogu Geystay Xabsiga Magaalada Hargeysa.. Guji..
qoraalAFKALAQAAD (Gabay): Awliyadii Ilaahay xabsiga lagu ihaaneeye, Itoobiya maxaad eray u tidhi waa afkalaqaade Guji (Nabadoon)
GABAY::: Ceelkii Hargaysaad::: Gabay ka hadlaya tacadigii Sh. maxamed loo geystey... GUJI... | Dhagaafe
Gabay: Sheikh lagu silac-dilyeeynayo Xabsiga Hargeysa:: heelleeeyda haasaawe gabay   hirarka suugaanta... GUJI.. (Dailaaf)
Gabayga: Hungo ::: Ma huq  iyo murugaan hurdada ciil la heli waayey? : Ma hiqleeyey sidii wiil yaroo oohin la hinraagay? ..Guji.. (Xiirane)
Hubso: Ma jidhdil wadaad mise fidno abuur?:: Guulaha cusub ee farsamada isgaadhsiinta casriga ah, gaar ahaan mareegta... Guji (Cige)
cabdiwaaxidCulumada Xamar oo la Xurmeeyey; Kuwii Somaliland oo la Xirxiray, iyo Kuwii Puntland oo laga Xanibay Diyaaradday soo Guji.. (C/waxid)
Waraysi lala Yeeshay Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil Walaalkii Faysal Sh Ismaaciil.::: Cajaladdan maxkamadda ayaannu ku aragnay ... Guji...
Waa Sidee Aragtida Xisbiga UCID Ee Jidh Dilka Sh.M.Ismaaciil "Xukunka Degdega Ah Ee Lagu Xukamay Dadku Waa Xaaran.." Xasan Suldaan Guji...
Gudoomiyaha  golaha fulinta  maxkamadaha islaamiga ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ugu baaqay maamulka Somaliland in ay joojiyaan dhibaatada ay ku hayaan culimaa'uddiinka Soomaaliyeed.. Guji..

1-Xadhigga culimada ku xidhan Xabsiga Dhexe ee Hargeysa. Sababta oo ah, iyada oo aanay jirin ilaa maanta oo ay xidhnaayeen muddo ka badan hal sano, isla markaana aannu wax xukun ahi ku dhicin, lana hayn wax fal-dambiyeed ah ama dhibaato u geystay dalka iyo dadka oo ay geysteen. Xadhigga noocaas ah oo xadgudub ku ah sharciga Islaamka, distoorka waddanka iyo xeerarka caalamiga ahba.

2-Hab-dhaqanka loola dhaqmay culimadaas muddadii dheerayd ee ay xidhnaayeen. Waxana ka mid ah:

a)-Iyada oo lagu xadgudbay karaamada iyo xuquuqda aasaasiga ah ee ay leeyihiin ee dadnimo, waddanninimo iyo culimanimoba.

b)-Iyada oo lagula kacay tacaddi iyo jidh-dil sababay in culimada qaarkood ay maanta u naafoobaan.

3-Xadhigga sharci-darrada ah ee lagula kacay maatada rayigooda ku cabbirayey isu-soo-bax ay xaq u lahaayeen oo distoorka Somaliland u sugay.

Dadkaas oo qaarkood la garaacay, isla markaana xorriyaddooda ku waayey wax lagu sheegay xukun ka dhacay waqti habeenimo ah Saldhigga Dhexe ee Hargeysa, 29-kii September 2006. Xukunkaas oo ay gaadheen saraakiishii ka qayb-qaatay cabudhintii dadkaas maatada ah, iyaga oo huwan waxa loogu yeedho Guddiga Nabadgelyada, oo iyadu [Guddiga Nabadgelyadu] aan wax sharciyad ah lahayn haba yaraatee. Waayo, waxaynu wada ognahay in Guddi Nabadgelyo aanay meelna ku lahayn distoorka Somaliland, isla markaana uu Baarlamanka iyo Maxkamadda Sareba hore u laaleen.

GEBOGEBO:

1-In dawladdu si deg-deg ah uga hirgeliso dalka ku dhaqanka Shareecadda Islaamka, iyada oo qodobka 5aad ee distoorka Somaliland-na waajibinayo ku dhaqanka Shareecadda Islaamka.

2-In si deg-deg ah xorriyaddoodii loogu celiyo culimadaas (ciddii aan dembi ku caddaan) iyo dadkii kale ee mudaharaadka loo qabqabtay.

3-In wixii xadgudub ah ee loo geystay ciddii geysatay sharciga la horkeeno.

4-In si dhakhso ah loogu saaro guddi madaxbannaan oo si qoto dheer u soo baadha wixii tacaddi iyo jidh-dilba leh ee loo geystay culimadaas xidhan.

5-Ugu dambaynna, waxaannu taageraynaa baaqii culimada Hargeysa."

Dadka bayaanka saxeexay oo tiradoodu tahay 135 xubnood waxa ka mid ah:

  • 1-Chief-Caaqil Maxamed Cabdillaahi Maxamuud
  • 2-Chief-Caaqil Maxamed Xirsi Faarax
  • 3-Chief-Caaqil Rashiid Cabdi Xandulle
  • 4-Chief-Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Askar
  • 5-Chief-Caaqil Axmed Cabdillaahi Cadda-gude
  • 6-Chief-Caaqil Xasan Badmaax
  • 7-Chief-Caaqil Maxamed Cali Nuur
  • 8-Chief-Caaqil Axmed Iidaan Yuusuf
  • 9-Maxamed Wayrax Warsame
  • 10-Sh. Ismaaciil Cismaan
  • 11-Jirde Yuusuf Cabdi
  • 12-Faysal Muuse Shide
  • 13-Idiris Maxamed Cali
  • 14-Maxamed Axmed Kaahin
  • 15-Cabdillaahi Biixi Axmed
  • 16-Shariif Yuusuf Cabdi Jaamac
  • 17-Cabdillaahi Axmed
  • 18-Cabdiraxmaan Cabdillaahi Guuleed
  • 19-Cabdisalaan Cabdillaahi Cilmi
  • 20-Cabdiraxiim Maxamed Askar.

Isha: Jamhuriya

AFKALAQAAD (Gabay): Awliyadii Ilaahay xabsiga lagu ihaaneeye, Itoobiya maxaad eray u tidhi waa afkalaqaade Guji

»GABAY:: Gumaad iyo Gedood | C/naasir

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 11, 2006




Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD