SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
XABSIGA - HARGEYSA
Daabaco Boggan | Print

Jirdilka Xabsiga Hargeysa loogu Geystey Sheikh Maxamed Shiikh Ismaaciil...

GABAY::: HURGUMO: Gabaygan waxaa tiriyey Mursal Siciid Cali Waraabe oo kaga qayb gelaya silsilad suugaaneedka loogu xaq raadinayo xabsiga iyo tacadiga Sh. M Ismaaciil ... Guji.
Xildhibaan Maxamed Jaamac Oo Ka Tirsan Golaha Wakiiladda Ayaa Ku Eedeeyey Wasiirka Daakhliga Inuu Reer Sool U Gaar Yeelay Cajaladda.. Guji...
Waa nasiib darro in uu KULMIYE isagu noqdo ka difaacaaya xukuumada looga bartay been abuur iyo jidhdilba.... Guji.. (Cali Guuleed)
Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Cadaaladda SL: Waxaanu Weydiinay: Maxamedow Ma jirtaa in lagu jidh dillay? wuxuu ku jawaabay Haa Waa La I Jidh Dilay.. Guji..
Abwaan Bacadle Oo Gabay Ka Tiriyay Tacadigii Sh. Max’ed Sh. Ismaaciil Ee Tacadiga Loogu Geystay Xabsiga Magaalada Hargeysa.. Guji..
qoraalAFKALAQAAD (Gabay): Awliyadii Ilaahay xabsiga lagu ihaaneeye, Itoobiya maxaad eray u tidhi waa afkalaqaade Guji (Nabadoon)
GABAY::: Ceelkii Hargaysaad::: Gabay ka hadlaya tacadigii Sh. maxamed loo geystey... GUJI... | Dhagaafe
Gabay: Sheikh lagu silac-dilyeeynayo Xabsiga Hargeysa:: heelleeeyda haasaawe gabay   hirarka suugaanta... GUJI.. (Dailaaf)
Gabayga: Hungo ::: Ma huq  iyo murugaan hurdada ciil la heli waayey? : Ma hiqleeyey sidii wiil yaroo oohin la hinraagay? ..Guji.. (Xiirane)
Hubso: Ma jidhdil wadaad mise fidno abuur?:: Guulaha cusub ee farsamada isgaadhsiinta casriga ah, gaar ahaan mareegta... Guji (Cige)
cabdiwaaxidCulumada Xamar oo la Xurmeeyey; Kuwii Somaliland oo la Xirxiray, iyo Kuwii Puntland oo laga Xanibay Diyaaradday soo Guji.. (C/waxid)
Waraysi lala Yeeshay Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil Walaalkii Faysal Sh Ismaaciil.::: Cajaladdan maxkamadda ayaannu ku aragnay ... Guji...
Waa Sidee Aragtida Xisbiga UCID Ee Jidh Dilka Sh.M.Ismaaciil "Xukunka Degdega Ah Ee Lagu Xukamay Dadku Waa Xaaran.." Xasan Suldaan Guji...
Gudoomiyaha  golaha fulinta  maxkamadaha islaamiga ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ugu baaqay maamulka Somaliland in ay joojiyaan dhibaatada ay ku hayaan culimaa'uddiinka Soomaaliyeed.. Guji..


 
  • Maamulka Somaliland oo Ogolaaday in Xabsiga Lagu Booqdo Sh. Maxamed Ismaaciil oo Muddo Hal Sano ah ku xirnaa Xabsiga Hargeysa..

  • Sheekh/Ganacsade Udhashay Gobolada Puntland oo saaka lagu xidhay xabsiga Hargaysa...


Maamulka Somaliland oo Ogolaaday in Xabsiga Lagu Booqdo Sh. Maxamed Ismaaciil oo Muddo Hal Sano ah ku xirnaa Xabsiga Hargeysa...

 

Maamulka Somaliland ayaa waxaa ay u golaadey in la booqan karo wadaadka ku xiran xabsiga magaalada Hargeysa, sheikh Max’ed Ismaaciil, oo dhawaan aysoo baxeen warar ku saabsan in wadaadku la jirdiley. 

 

Wararka ka imaanaaya magaalada Hargeysa ee Maamulka la baxey Somaliland ayaa sheegay in markii ugu horeysay ogolaatay in ay xabsiga ku booqdaan ehelada Sheekh Max'ed Ismaciil.

  

Wararku waxaa ay sheegayaan in taliyaha cidamada Asluubta Col. Max'ed Cabdi Gureey uu ka danbeeyey amarka ah in ay ehalada wadaadka ay booqan karaan.

  

Sheikh Max’ed Ismaaciil oo ilaa iyo sanaddii 2005ta markii la xirey isaga ayaan loo ogoleyn in xabsiga lagu booqdo waxaana ay noqoneysaa haddiiba lagu booqdo xabsiga markii ugu horeysyey ee dhacda in wadaadka xabsiga lagu booqdo,sida ay ku waramayan dadka laqaraabo ah Sheekh Max’ed Ismacil.

Sheekh/Ganacsade Udhashay Gobolada Puntland oo saaka lagu xidhay xabsiga Hargaysa...

Warar ka naga soo gaaraya xarunta maamulka lamagac baxay Somaliland ee hargaysa ayaa sheegaya in Khamiistii halkaasi lagu xiray nin wadaad ah, ahna ganacsade oo u dhashay gobolada puntland gaar ahaan gobolka Sool....  

Ciidamada CID da ee Hargaysa ayaa la sheegay inay Khamiistii aroortii hore kala baxeen hotel uu daganaa wadaad lagu magacaabo Sheekh Abshir Adan Maxamuud  oo ka soo jeeda magaalada laascaanood .. 

Ciidamada CID da ayaa la sheegay inay ka shakiyeen wadaadka/ganacsadaha isla markaana ay su'aalo waydiinayaan ,   

Abshir Aadan Maxamuud  ayaa had ku xiran saldhiga dhexe ee bartamaha magaalada hargaysa , dad eheladiisa ah oo ku booqday xabsiga  ayaa taliyaha saldhigu usheegay in aan la arki karin ilaa ciidamada CID du ay howshooda ka dhamaysanayaan ...

Lama oga sababta dhabta ah ee ay ciidamada Maamulka riyaale u xireen Abshir Aadan balse waxaa indhowaaleba ka socotay magaalada hargaysa howlo lagula dagaalamayo culimada cilmiga u leh diinta islaamka iyo sunaha nebigeenii (SCW) Iyadoo ay culimada ku xiran xabsiga hargaysa ay dhamaantood kasoo wada jeedaan soomaalida kale ee aan ahayn reer Hargaysa ,taasoo lagu qancinayo qabshadooda iyo jir dilkoodaba dowlaha reer galbeedka ah siday Somaliland u hesho aqoonsi calami ah.  

Maaha markii ugu horaysay ee ay ciidamada Somaliland gaar ahaa ciidanka ay CID ee ay soo tababarto Ethoipiya ay xadgudubyo ugaystaan wadaadada Somalida ah , dhowaan ayay ahayd markii la shaaciyey cajaladii fadeexada wayn keentay ee ay ciidanka CID da Hargaysa ay sida arxan darada ah  ay u garaacayeen sh maxamed sh,ismaaciil  , dhibaatada jirdilka ee loo gaysanayo culima,udiinka soomeeliyeed ayaa dadka qaarkiis  ku macneeyeen inay tahay  tababar gaar ah oo la siiyey ciidanka CID Somaliland oo ka dhan ah muslinka ayaa keenaysa arxan darada lagu jir dilo culimada ,halka dadka qaar sheegayaan inay tahay sirdoonka Ethoipiya oo saldhigyo milatari ku leh magaalada Hargaysa. 

Muuse Maxammud Jiisow
Musejisow@hotmail.com

Muqdisho somaliya
002521576666/002521653623

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 13, 2006


»GABAY::: HURGUMO: tiriyey Mursal Siciid Cali Waraabe
»Daahir Riyaale oo loogu Baaqay Siidaynta Culimada
»
GABAY:: Gumaad iyo Gedood | C/naasir
»
KULMIYE Iyo Jawaanow Intaa Waa La Idiinka Han Weynaa
»Siyaad Barre iyo Somaliland ha loo Garsooro!!
»Xildhibaan Maxamed Jaamac oo Eedeeyey Wasiirka Daakhliga SL

»DULMIGA MAAMULKA SOMALILAND | Faysal
»Warsaxafadeed Wasaaradda Arrimaha Debeda ee Somaliland

»GABAY::: Ceelkii Hargaysaad | Dhagaafe
»Gabay: Sheikh lagu silac-dilyeeynayo Xabsiga Hargeysa |Dailaaf
.Warsaxafadeed: Wasaaradda Arrimaha Debedda ee SL

 




Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD