ABSHIR
BACADLOW CIID MUBAARAK, MAXAABIISTA JEELKA HARGEYSAY CIID
MUBAARAK.
Waxaan Salaamayaa dhamaan
ummada Soomaaliyeed ee Muslimka ah, Waxaan Ciid Mubaarak
leeyahay Mudane Al-Muxtarim Abshir Bacadle iyo Sheekh
Maxamed Sheekh Ismaaciil ka sida sharci darada ah ugu xidhan
Jeelka hargeysa iyo Maxaabiista kale ee Soomaaliyeed ee ku
jira Abuqurayb(Hargeysa)..
Ciid-Wanaagsan, Ayaandaro.
Waxaa fooda inagu soo haysa
maalin weyn oo ah Ciida Muslimka, ilaahay ha inaga yeelo
kuwii sanadkan sanadkiisa ku ciida Bash-Bash iyo Barwaaqo.
Waxaa Ayaandaro ah, In Maanta
Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil uu ku jiro Jeel isaga iyo
Maxaabiis kale oo halkaas ku dulman, Sheekhu wuxuu jeelka ku
jiray Mudo laba Ciidood ah.
Waxaa ummada Soomaaliyeed la
gudboon hadii Culumada hargeysa ku xidhan la siin dayn waayo.
- Waa in Dhamaan ummada
Soomaaliyeed aanay ilaawin Wallaalahooda ku Dulman Jeelka
Naxariista Daran ee Hargeysa.
- Waa in Dacwad Caalami ah
lagaga furaa Aduunka oo dhan, kaas oo lagu dacweynayo,
Eedaysanayaasha Masaakiinta Jidh-dila sida Riyaale, Ina
Dhoolayare (Wasiirka Arimaha Dibada, Wasiir Arimaha Gudaha
iyo Kan Cadaalada ee la yiraahdo Talaabo, Madaxweyne ku
xigeenka Axmed Yaasiin
- Waa in Dacwada laga furaa,
Qaahira, UK, USA, Nairobi, Jabuuti, waa in nimankaas
sharciga caalamiga ah la horkeenaa.
- Waa in loo qabtaa Qareeno
Caalami ah oo u dooda Dulmanayaasha cadowga naxariista daran
gacanta ugu jira.
- Arintani umma taalo
ehelada Maxaabiista kaliya ee waa arin qofkasta oo Soomaali
ah oo ilaahay aaminsan, iimaana laga helay u taal inuu wax
ka qabto.
- Qareenada caalamiga ah ee
u dooda Xuquuqul insaanka waxay ku shaqeeyaan lacag
la'aan.Fadlan Arinta xooga hala saaro.
- Hay'adaha Xuquuqul
insaanka ee jooga Caasimada Soomaaliyeed ee Mogadisho waa
inay qaadaan talaabadii ku haboon Dulmigan, Maadaama
Hay'adihii ,Culimadii iyo Shacabkii Hargeysa ay Howshoodii
gabeen bini-aadnimo iyo islaanimo.
- Caadifada Qabiilka ilaahow
ummada Soomaaliyeed ka dawee
- ilaahow Culimada iyo
Cuqaasha Caadifada qabiil ka dawee.
Soomaaliyey isu naxa oo
wanaaga isugu hiiliya, Dulmigana Si wada jira ula dagaalama.
ilaahow, Maxaabiistaas ka sii
daa cadowga.
Cali Jaamac