SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
AF-KALAQAAD - GABAY
Daabaco Boggan | Print

Jirdilka Xabsiga Hargeysa loogu Geystey Sheikh Maxamed Shiikh Ismaaciil...

GABAY::: HURGUMO: Gabaygan waxaa tiriyey Mursal Siciid Cali Waraabe oo kaga qayb gelaya silsilad suugaaneedka loogu xaq raadinayo xabsiga iyo tacadiga Sh. M Ismaaciil ... Guji.
Xildhibaan Maxamed Jaamac Oo Ka Tirsan Golaha Wakiiladda Ayaa Ku Eedeeyey Wasiirka Daakhliga Inuu Reer Sool U Gaar Yeelay Cajaladda.. Guji...
Waa nasiib darro in uu KULMIYE isagu noqdo ka difaacaaya xukuumada looga bartay been abuur iyo jidhdilba.... Guji.. (Cali Guuleed)
Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Cadaaladda SL: Waxaanu Weydiinay: Maxamedow Ma jirtaa in lagu jidh dillay? wuxuu ku jawaabay Haa Waa La I Jidh Dilay.. Guji..
Abwaan Bacadle Oo Gabay Ka Tiriyay Tacadigii Sh. Max’ed Sh. Ismaaciil Ee Tacadiga Loogu Geystay Xabsiga Magaalada Hargeysa.. Guji..
qoraalAFKALAQAAD (Gabay): Awliyadii Ilaahay xabsiga lagu ihaaneeye, Itoobiya maxaad eray u tidhi waa afkalaqaade Guji (Nabadoon)
GABAY::: Ceelkii Hargaysaad::: Gabay ka hadlaya tacadigii Sh. maxamed loo geystey... GUJI... | Dhagaafe
Gabay: Sheikh lagu silac-dilyeeynayo Xabsiga Hargeysa:: heelleeeyda haasaawe gabay   hirarka suugaanta... GUJI.. (Dailaaf)
Gabayga: Hungo ::: Ma huq  iyo murugaan hurdada ciil la heli waayey? : Ma hiqleeyey sidii wiil yaroo oohin la hinraagay? ..Guji.. (Xiirane)
Hubso: Ma jidhdil wadaad mise fidno abuur?:: Guulaha cusub ee farsamada isgaadhsiinta casriga ah, gaar ahaan mareegta... Guji (Cige)
cabdiwaaxidCulumada Xamar oo la Xurmeeyey; Kuwii Somaliland oo la Xirxiray, iyo Kuwii Puntland oo laga Xanibay Diyaaradday soo Guji.. (C/waxid)
Waraysi lala Yeeshay Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil Walaalkii Faysal Sh Ismaaciil.::: Cajaladdan maxkamadda ayaannu ku aragnay ... Guji...
Waa Sidee Aragtida Xisbiga UCID Ee Jidh Dilka Sh.M.Ismaaciil "Xukunka Degdega Ah Ee Lagu Xukamay Dadku Waa Xaaran.." Xasan Suldaan Guji...
Gudoomiyaha  golaha fulinta  maxkamadaha islaamiga ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ugu baaqay maamulka Somaliland in ay joojiyaan dhibaatada ay ku hayaan culimaa'uddiinka Soomaaliyeed.. Guji..


AFKALAQAAD  (Gabay)

Inj. Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon

omarabdinur@hotmail.com


Gabaygaan Afkalaqaad waxaa tiriyey Inj. Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon oo aalaaba ka maansooda qarannimada ummadda Soomaaliyeed iyo caddaalad darrada asalka u ah marinhabowga iyo ismaandhaafka la dhexdhigay dadka Soomaaliyeed ee isku afka, diinta, deegaanka iyo dantaba ah. Maansadaan Afkalaqaad oo soo baxday 10.10.06 waxay tooshka ku ifineysaa arrimo layaab ah oo inay sidaas u dhacaan aysan ula muuqan Cumar Nabaddoon, waxayna tiri: 

  • Indhawaalo waataan ka tagay aaladdii gabaye
  • Waataan ka aamusay murtidaan ooho leynjiraye
  • Asaraari uma aan tirshiyo agab aduunyaade
  • Waxa igu ijbaaraan dadow idin ogeysiine
  • U dhugyeesha maantana midkani waa afkalaqaade
  •  
  • Asalkeeda Soomali waa ul iyo diirkeede
  • Waa oday laba uu dhaliyo aabbe iyo wiile
  • Waa ina abtiyo ina habreed aayyo korisaahe
  • Waa eeddo iyo habaryar iyo inan dumaashaahe
  • Maxaa arammi loo kala dhexdhigin waa afkalaqaade
  •  
  • Afka luuqaddiyo waa mid qura aragga guudkaahaaye
  • Ictiqaadka waa wada Islaam Eebbe caabudo’e
  • Arligana hal meel bay degaan Geeska Afrikaahe
  • Ehel iyo qaraabiyo xigtiyo unug mid weeyaane
  • Maxaa oodo loo kala dhexdhigin waa afkalaqaade
  •  
  • Awal hore shan baa loo qoqobay idan la’aanteene
  • Awooddaa na ciishaye midnimaa oon xun loo qabaye
  • Waatii abkoow iyo awoow iilka loo dhigaye
  • Waatay Amxaarada kun jeer inaka awdeene
  • Maxaa maanta loo abasaxyahay waa afkalaqaade
  •  
  • Awdal iyo Hargeysiyo Barbara aag dhan baw xirane
  • Waxba igama gelin bay ku oran aafo reer Xamare
  • Oo oradka qaran loogu jiro maba arkaayaane
  • Waa ugub in loo kala afnaqo ubadki Soomaale
  • Abasiiniyaa Xamar iiga dhow waa afkalaqaade
  •  
  • Awliyadii Ilaahay xabsiga lagu ihaaneeye
  • Afkay daasad weyn kala dhaceen aabi iyo qooqe
  • Addimaday silsilad uga xidheen sidii addoontiiye
  • Annagoo arkaynay kelyaha urug ku aasaane
  • Waxa lagu eryanayana ma aha eedo uu galaye
  • Itoobiya maxaad eray u tidhi waa afkalaqaade
  •  
  • Ninkii waayo-arag ahi waqtiga waa odorosaaye
  • Amxaar iyo Tigree baa na jecel aragti sheydaan dhe
  • Adis ababa kheyr nama dhexyaal waan ogsoonnahaye
  • Aargoosad bay nala rabtaa abid ka sheekeeye
  • Axmed Gurey jabkii uu baday ka ambaqaaddaaye
  • Alloow qabo Itoobiya dab bay ololineysaaye
  •  
  • Ummad waxaa hoggaamiya ninkii aayaheed garane
  • Adigoo Islaamoo cidina kugu ijbaareynin
  • Albaqriyo Nisaa midaan aqoon amar in loo dhiibto
  • Oo horumar laga dhawro kaas waa afkalaqaade
  • Mar Ilxaad inaad raacdo ood diinta ka irdhowdo
  • Marna udub qabyaalada dhistaa malaha aamaale
  • Afar dhibic shan (4.5) baa lagu xalliyey waa afkalaqaade
  •  
  • Waxeer Odayga Nairobi wado aayatiin malahe
  • Arab Moi warkuu sheegay buu sii ebyahayeeye
  • En Ef Dii (NFD) kolkuu naga hantuu sii asaasaqaye
  • Inuu Waamo qaatuu beryahan aawilahayeeye
  • Innaguna  ma aragnoo xalbaan ka ag sugeynaaye
  • Embaghati Xamar laga xukumo waa afkalaqaade
  •  
  • Maxkamadaha Islaamkana mid baan u ifinaayaaye
  • Hadafkiyo ujeeddaaad waddaan waan ayidayaaye
  • Hayeeshee anaaniyada waa lagu ufoobaaye
  • Aqoonyahan nadiifaa jiroon iilan waligoode
  • Indheergarad xalaalaa jiriyo odoyo waaweyne
  • Ugu yeerta hawlahakan adag haw arrimiyeene
  •  
  • Haddii aad ilduuftaan markaan waa Allow sahale
  • Oodaha dhacmeed waa inaad aaddo tii saro’e
  • Inaad hoos ka jiiddoo ma aha oof is gelisaaye
  • Afrikaan dhammaan wada xoreyn  waa afkalaqaade
  • Horta ooga shareecada dalkaan eexna ka fogaada
  • Oo taaga qaran cidi aan cidkale ugu awood sheegan.

Inj. Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon

omarabdinur@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

»GABAY:: Gumaad iyo Gedood | C/naasir

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 11, 2006




Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD