Wararkii: Oct 31, 2006
- Ciidamada Itoobiya oo
dhaqdhaqaaqyo ka bilaabey deegaano ku dhow...
- Maxay kala yihiin shuuradaha ay
kala wataan…
- Maxkamadaha oo maalin walba isu
soo dhiibayaan maleeshiyooyin iyo..
- Shariif Xasan oo ku soo jeeda
Magaalada..
- WARAR KALA DUWAN OO KA SOO
BAXAYA KHARTUUM
- QORAAL UU MADAXWE-YNE C/LAAHI
YUUSUF U...
- MALEESHIYOOYINKA MAXAAKIIMTA OO
BU'AALE....
- MALEESHIYO IYO GAADIID DAGAAL
OO KA SOO BAXSADAY...
- WASIIRKA GAASHAAN-DHIGGA
DOWLADDA OO...
- JAAMACADDA CARABTA OO SHEEGTAY
IN...
- MAAMULKA MAGAALADA BAYDHABO OO
MARKII....
- Norway: Gabar Soomaliyeed oo 7
jir ah oo si xun loogu faraxumeeyay iskool ay ka dhiganaysay
Magacyada 5-nin oo
Dhaawac ahaa oo lagu diley Bu'aaleShantan nin ayaa lagu soo qabtay
dagaaladii ka soconayey degaanada jubada dhexe ee u dhexeeyey wasiirka
gaashaandhiga dfkmg ah barre hiiraale iyo golaha maxaakiimta iyagoo
dhaawacyo kala duwan ah, sidoo kalena Shantan nin ayaa kasoo jeeda
beesha SADE waxaana la geeyey oo lagu daweynayey isbitaal ku yaala
degmada bu,aale ,islamarkaana waxaa lagala baxay isbitaalkii kadibna
waxaa lagu toogtay meel aan ka dheeray isla goobtaas....
WARKAN OO DHAN.... GUJI...
Ciidamada Itoobiya oo dhaqdhaqaaqyo ka
bilaabey deegaano ku dhow...
Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya ayaa waxay
wararku sheegayaan in dhaqdhaqaaqii ugu xoogaan haatan ka wadaan
deegaano ku dhow dhow Magaalada Baydhabo iyo waliba magaalada gudaheeda,
waxaan lagu sheegay dhaqdhaqaaqaani uu ka dambeeyay kaddib markii
ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah la sheegay in ay si aad ah ugu
dhawaadeen fariisimada ay ku sugan Itoobiyaanka, taas oo qalqal weyn
gelisay Dowladda Federaalka ah.
Wararka Baydhabo naga soo gaaraya ayaa sheegaya in saraakiil Itoobiyaan
ah iyo kuwo ka tirsan Dowladda Federaalka ah ay gaareen goobaha ay ku
sugan yihiin Ciidamada Itoobiya, waxayna goob joog inoo sheegeen in
ciidamadaasi la arkayey iyaga oo circa ku tuuraya Bulalery iyo waliba
rasaas digniin ah, waxaana laga cabsi qabaa in dagaal uu ka dhex dhaco
labada Dhinaca ee haatan kaabiga isku saran. Arrintan ayaa waxay ku soo
beegmeysaa iyadoo manta lagu wado in Khartuum si rasmi ah uu uga furmo
Shirka dib u heshiisiinta ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo
Maxaakiimta Islaamiga ah.
Maxay kala yihiin shuuradaha ay
kala wataan…
Wararka ka imaanaya magaalada Khartuum ee Dalka Suudaan waxay sheegayaan
in wufuudii ka kala socotay Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Dowladda
Federaalka ay haatan ku sugan yihiin Magaalada Khartuum, kuwaas oo la
filayo in manta uu u furmo shirkii lagu heshiisiinayey. Shalay oo la
filayey in uu furmo shirku ayaa dib u dhac ku yimid kaddib markii uu
khilaaf soo kala dhex galay wufuudii ka socotay Dowladda Federaalka,
hase yeeshee shalay ayaa la xaliyey arrintaasi, kaddib markii
guddoomiyaha Baarlmaaanka Shariif Xasan uu isaga haray xubnihii Dowladda.
Waxaa xalay socday kulamo gooni gooni ah oo labada dhinac ay la kala
yeelanayeen madax ka socotay Jaamacadda Carabta. Dowladda Federaalka
ayaa waxaa la sheegay inay wadato labo shuruud oo mid ay tahay in
maxaakiimtu ay marka hore ka baxaan goobihii ay qabsadeen wixii ka
dambeeyey kulankii labaad ee shirkii Khartuum, sidoo kale waxay
shuruurada labaad tahay in dowladda Kenya shir gudoomiso kulanka dib u
heshiisiinta ee Dolwadda Federaalka iyo Golaha Maxaakiimta. Dhanka kale
Maxaakiimta ayaa iyana shuruudo wata, waxaana ka mid ah in Ciidamda
Itoobiya ka baxaan deegaanada Soomaaliya, waxay kalloo soo jeediyey in
haddii Dowladda Kenya shirka lagu wareejiyo aysan marnaba ka qaybgali
doonin. Dadka Soomaaliyeed eek u dhaqan dalka Suudaan ayaa waxa ay
codsiyo u gudbiyeen Golaha Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka oo ay
kaga dalbanayaan inay soo afjaraan hilaafka.
Maxkamadaha oo maalin walba isu soo
dhiibayaan maleeshiyooyin iyo..
Wararka naga soo gaaraya Gobalada Dhexe waxay sheegayaan in
maleeshiyooyin daacad u ahaa Max’ed Dheere Cabdi Waal, Yuusuf Daba-Geed
iyo Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ay shalay ilaa iyo xalay ku soo
qulqulayeen deegano ka tirsan Gobalada Galguduud iyo Hiiraan.
Ciidan wata dhowr tikniko ah oo daacad u ahaa Max’ed Dheere iyo Yuusuf
Daba-Geed ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Baladweyne, mar la
wareystayna waxay sheegeen in sababaha ay u soo goosteen ay tahay
tacadiyada Ciidanka Itoobiya u gaysanayaan Shacabka Soomaaliyeed, sidoo
kale waxay sheegeen in Dowladda Itoobiya ay tahy dowlad aan dooneyn
horumarka Soomaaliya.
Ciidamo daaca u ahaa Cabdi Walaal laguna tababarayey dalka Itoobiya ayaa
waxay soo galeen degmada Guraceel, waxaana halkaasi si weyn ugu soo
dhaweeyay dadweynaha deegaanka, sidoo kale Todobo gaari oo tikniko ah o
uu lahaa Cabdi Qaybdiid ayaa iyana soo gaaray fariisamada ciidamada
Maxakiimtu ku leeyihiin Cadaado.
Qulqulka maleeshiyooyinka ayaa waxay dhabar jab ku noqotay Dowladda
Federaalka iyo Dowladda Itoobiya oo iyagu doonayey in ciidankaasi laga
hor geeyo kuwa Maxaakiimta.
Ciidankaasi ayaa la filayaa in loo furo tababaro isla markaana dib loogu
celiyo goobihii ay ka yimaadeen.
Shariif Xasan oo ku soo jeeda
Magaalada..
Guddoomiyaha baarla-maanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa warar aanu
helnay waxay sheegayaan in uu ku soo jeedo Magaalada Muqdisho kaddib
markii uu martiqaad ka helay Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah.
Waayadaanba waxaa la hadal hayey in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ku soo
jeedo Magaalada Muqdisho, waxaana arrintaani ka shaqeeyay 70-xildhibaan
oo iyana ku sugan Magaalada Muqdisho oo kulamo la lahaa golaha
Maxaakiimta Islaamiga ah.
Guddoomiye Shariif Xasan iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa mar kale
khilaaf soo kala dhex galay kaas oo ku aadan kaddib markii ay isku
khilaafeen qaabka wada hadal loola furayo golaha Maxaakiimta Islaamiga
ah gaar ahaan shirka Khartuum.
Warar ayaa waxay sheegayaan in Gudoomiyaha Baarlamaanku uu qorsheynayo
in Muqdisho uu shir-guddoomiyo kulankii Baarlamanka, iyadoo maalmahan
Magaalada Baydhabo ay ka soo cararayeen xubnaha Baarlamaanka, kaddib
markii qaar ka mid ah hanjabaadyo uga yimaadeen mas’uuliyiinta sar sare
ee Dowladda halka kuwa kalana ay u dulqaadan waayeen faragelinta
Itoobiya ku hayso Soomaaliya.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail :
amiinkhasaaro@hotmail.com
WARAR
KALA DUWAN OO KA SOO BAXAYA KHARTUUM
Muuse Maxamuud Jiisow
Somali39@hotmail.com
Muqdsisho, Somalia
002521576666/002521653623
Iyadoo lagu waday in uu Isniintii oo ku
beegnayd 30kii bishan October 2006-da, loona ballansanaa inuu ka furmo
magaalada Khartoum ee dalka Suudaan wareeggii saddexaad ee wadahadallada
lagu soo afjarayo khilaafka u dhexeeya dowladda Federalka iyo golaha
Maxkamadaha Islaamiga ayaa lagu warramayaa in uu waxoogaa dib u dhac ku
yimid furitaanka shirkaasi ee Isniintii, iyadoo wafdigii ka socday
golaha maxkamadaha Islaamiga ay halkaasi diyaar ku ahaayeen saacadihii
ugu dam-beeyay, sidoo kalena wafdigii dowladda Federalka uga qeyb
galayay kulankaasi uu isna dib u dhac ku yimid, inkastoo wararkii ugu
dambeeyay ay sheegayaan in wafdigaasi oo haatan gaaray magaalada
Khartoum ee dalka Suudaan kaddib markii Isniintii gelinkii dambe ka
ambabaxeen dalka Kenya.
Wafdigan dowladda Federalka ayaa lagu waday inuu horkaco Shariif Xasan
Sheekh Aadan guddoomiyaha baarlamaanka, waxaase la sheegayaa in
Shariifka uu ka baaqsaday inuu hoggaamiyo wafdigaasi, iyadoo arrintaasi
ay ka dambeysay kaddib markii khilaaf soo kala dhex galay ra'iisul
wasaare Cali Max'ed Geeddi iyo madaxwey-naha dowladda Federalka C/laahi
Yuusuf oo la sheegay in warqad ka dhan guddoomiyaha baarlamaanka uu u
gudbiyay madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir, taasoo
keentay in Shariif Xasan uu ka baaqsado inuu wafdiga dowladda horkaco,
iyadoo sidoo kalena ra'iisul wasaare Geeddi uu u magacaabay labo maal-mood
ka hor guddoomiyaha baarlamanka inuu xukuumadda Federalka u hoggaamiyo
wafdi-ga ka qeyb galaya shirka khar-toum, waxaase haatan soo baxaya in
wafdiga uu hogaami-nayo Wasiirka Dastuurka iyo arrimaha Federalka C/laahi
Sheekh Ismaaciil.
Dhinaca kale golaha Maxakiimta Islaamiga ee haatan ku sugan magaalada
Khartoum ee dalka Suudaan ayaa dhinacooda waxay sheegeen inaysan shirka
marnaba ku qanacsaneyn ilaa laga fulinayo labo qodob oo kala ah: in
ciidamada itoobiya ay dalka gebi ahaanba isaga baxayaan iyo in aan
dowladda Kenya aan la soo horfadhiisin miiska waadahadalka.
QORAAL UU MADAXWE-YNE C/LAAHI YUUSUF
U...
Madaxweynaha dowladda Federalka Soomaaliya C/laahi Yuusuf ayaa qoraal uu
u diray madaxweynaha dalka Suudaan sababay in Guddoomiyaha baarlamaanka
uu ka baaqsado hogaaminta iyo ka qeybgalka wadahadada shirkaas.
Qoraalka ayaa qeexayey in wafdiga uu ka kooban yahay 19 xubnood oo uu
hoggaaminayo C/laahi Sh. Ismaaciil oo ah wasiirka dastuurka, iyadoo
Guddoomiyaha baarlamaankana lagu tilmaamay guddomiye sharafeed aan awood
laheyn iyadoo awooda uu leeyahay C/laahi Sh. Ismaaciil.
Horay ayuu Ra'isal wasaare Geeddi u sheegay in aanu jirin wax khilaaf ah
oo u dhaxeeya dowladda oo Guddoomiyaha baarlamaanka uuna hogaamin doono
wadahadalada shirka Khartuum, waxa ayna qoraalka madaxweynaha ka
careysiisay Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan oo ka haray tagistii
magaalada Khartuum isagoo imminka ku sugan magaalada Nairobi ee dalka
Kenya.
Waxaa muuqaneysa in madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Ra'isal wasaare Geeddi
ay ka caga jiidayeen in Guddoomiyaha wadahadalada u horkaco wafdiga
dowladda ee tagaya magaalada Khartuum.
Sidoo kale waxaa jiray shirar badan oo Guddoomiyaha baarlamanka uu kula
lahaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya diblomaasiyiin ka tirsan dalalka
carabta oo shirkaas guddoominayey iyo kuwa kale oo caalami ah iyadoo
ilaa xalay uu socday shirkaas.
Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa la moodaa inuu kaga afkaar duwan yahay
qaabka ay madaxweynaha iyo Ra'isal wasaaraha u dhigayaan wadahadalada
Khartuum..
MALEESHIYOOYINKA MAXAAKIIMTA OO
BU'AALE....
Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose
ayaa sheegaya in ay magaaladaasi ay gilgileen warar sheegaya in
maleeshiyooyinka maxaakiimtu ay dhameystireen qaar ka mid ah dadkii ku
dhaawacmay dagaaladdii ku dhexmaray agaggaarka Bu’aale Col. Barre Aaden
Shire (Hiire) iyo Golaha Maxkamadaha.
Dadkan la laayey oo tiradooda lagu sheegay afar qof ayaa lagu soo
waramayaa in lagu dilay gudaha magaalada Bu’aale, halkaasoo lagu
daweynayay.
Mas’uul ka tirsan maamulka Maxkamadaha ee magaalada Muqdisho ayaa
sheegay in dhacdadaasi baaritaan lagu sameynayo ciddii geysatayna
sharciga la horgeyn doono.
Arintan oo shacabka magaalada Kismaayo aad uga caroodeen ayaa guud ahaan
magaaladaasi oo dhan laga dareemayaa, taasoo laga cabsi qabo in ay gacan
ka hadal isku badashao sida ay sheegayaan wararka laga helayo halkaasi.
Sidoo kale waxaa jira warar hoose tibaaxaya in ay arintani khilaaf ka
dhex aloostay hogaamiyayaasha maxaakiimta iyo mas’uuliyiinta hadda la
shaqeeya ee horey ugu sugnaan jiray magaalada Kismaayo ka hor inta aysan
maxkamaduhu halkaasi gaarin.
MALEESHIYO IYO GAADIID DAGAAL OO KA
SOO BAXSADAY...
Maleeshiyooyin iyo gaadiid dagaal oo ka soo tagay deegaanka
Bandiiradleey ayaa soo gaaray degmada cadaado.
Maleeshiyooyinkaan oo wata shan baabuur oo kuwa dagaalka si aad ahna ugu
hubeysan qoryaha fudud nuucyadooda kala duwan ayaa shalay soo gaaray
magaalada Cadaado, sida uu sheegay Cali Cabdulle Axmed Tooyo oo ka
tirsan Saraakiisha sar sare ee Maxkamada Alfurqaan.
Md. Tooyo ayaa sheegay in Gaadiidkaasi ay yihiin kuwo ka soo baxsaday
Col. Cabdi Qeybdiid ayna ku soo biirayaan Maxkamadaha islaamka.
Cali Tooyo waxaa sidoo kale uu sheegay in wada hadalo uu u socday
Maleeshiyadaasi oo ku aadan sidii ay uga soo tagi lahaayeen Col. Cabdi
Qeybdiid oo ku howlan duulaano ka dhan ah Maxkamadaha islaamka.
Ma jiraan warar ka soo baxay dhinaca Cabdi Qeybdiid oo tilmaamaya
maleeshiyooyinka ka soo baxsaday, iyadoo arintaana ay tahay markii ugu
horeeysay oo maleeshiyo ay ka soo goosato Col. Cabdi Qeybdiid tan iyo
markii uu gobolada dhexe uu gaaray loogana adkaaday dagaaladii ka dhacay
Muqdisha.
WASIIRKA GAASHAAN-DHIGGA DOWLADDA
OO...
Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Federalka Barre Aadan Shire Barre
Hiiraale iyo Qaar ka mid ah saraakiishiisii Ciidamada ayaa dib ugu soo
laabtay degmada Baardheere ee gobolka Gedo, ka dib markii dhowaan dagaal
uu ku dhex maray degmada Bu'aale maleeshiyo uu wato wasiirka iyo
Ciidamada Maxkamadaha islaamka.
Col. Barre Aadan Shire Hiiraale oo ay wehliyaan saraakiil uu ka mid
yahay Col. C/laahi Sheekh Ismaciil Fartaag iyo Ciidamo fara badan ayaa
dib ugu soo laabtay degmada Baardheere, ka dib markii uu ka soo
dhaqaaqay degmada Saakoow ee gobolka Jubbada dhexe.
Wasiirka iyo maleeshiyadiisa ayaa la tilmaamay in ay fariisin ka
dhigteen duleedka degmada Baardheere xero ku taala oo lagu magacaabo
Muuri, halkaasi oo horey ugu aheyd saldhigiisii ciidamada intii aanu ka
duulin Baardheere.
Col. Barre Hiiraale ayaa shalay booqday Isbitaalka degmada Baardheere,
oo ay ku jiraan maleeshiyooyin labaatameeyo kor u dhaafaya oo ku soo
dhaawacmay dagaalkii degmada Bu'aale iyaga iyo Maxkamadaha ku dhex maray.
Mana jirto ilaa iyo haatan wax war ah oo Barre Hiiraale uu ka siiyay
saxaafadda dagaalkii Bu'aale, iyadoo Col. Fartaag uu sheegay in dhowaan
uu la hadli doono saxaafadda.
JAAMACADDA CARABTA OO SHEEGTAY
IN...
Jaamacadda Carabta ayaa sheegtay in wareegga 3aad ee wada hadalada
dowladda iyo Maxkamadaha islaamka ee shalay lagu waday inuu ka furmo
Khartoum uu ku soo beegmay xilli ciidamo shisheeye ay ku sugan yihiin
gudaha Somalia.
Samiir Xusni oo ah Madaxa ergada jaamacadda Carabta ee wada xaajoodka
dowladda iyo Maxkamadaha islaamka ee magaalada Khartoum ayaa sheegay in
wareegga cusub ee wada hadalda sedexaad uu ku soo beegmay xilli
Dowladaha dariska ah ay fara galin toos ah ku hayaan arimaha Somalia,
isagoona sheegay in kulankaan uu yahay dib u heshiisiin la kala dhex
dhigo kooxaha is haya.
Isagoo la hadlayay wakaaladda wararka Kuweit ayaa sheegay in hindisaha
jaamacadda Carabta ee dib u heshiisiinta Somalia in ujeedadeedu ay tahay
in la xaqiijiyo madax banaanida Somalia oo aan lagu xadgudbin, sidoo
kalena dowladaha dariska ayuu ugu baaqay in ay ixtiraamaan jiritaanka
iyo xuriyadda dadka Soomaaliyeed.
Mar uu ka hadlayay suurto galnimada in la soo afjari karo colaadaha
taagan oo ciidamo shisheeyana lagu tuhmayo Somalia in ay joogaan ayaa
waxa uu ugu baaqay kooxaha Maxkamadaha iyo dowladda in ay u hogaansamaan
heshiisyadii la gaaray intii lagu jirey wareegii labaad ee wada hadalka.
Diblumaasigaan carbeed ayaa waxa uu amaanka isfahamkii laga gaaray
xilligii uu socday kulanka Nairobi ee kooxda xiriir-ka caalamiga,
kooxdaasoo ay ku jiraan Mareykanka, Engriiska, Sweden iyo Norway.
Wuxuu sheegay in la isku raa-cay in ururka Jaamacadda Carabta iyo
dadaalada caala-miga iyo kuwa gobolkaba in isku meel la isugu keeno si
loo hormariyo hanaanka nabadda Somalia, waxaana uu rajo ka muujiyay
taageerada beesha caalamka loo hayo hindisaha Jaamacadda carabta, iyadoo
iminka lagu soo kordhiyay ururka IGAD.
Samir xusni wxa uu sheegay in ka qeybgalka wareega 3aad ee dowladda
Kenya ee wada hadalka Khartoum, iyadoo Kenya ay tahay hogaanka IGAD in
gacan ay ka geysan karto in uu guuleeysto wareegga 3aad ee wada hadalada
nabaddam hanaanka dib u heshiisiinta Somaliyana uu noqdo mid miro dhala.
MAAMULKA MAGAALADA BAYDHABO OO
MARKII....
Maamulka magaalada Bay-dhabo ee gobolka Bay ayaa markii ugu horeysay ka
hadlay xariga saxafiyiinta Mukhtaar Catoosh iyo Max'd Cadaawe oo u kala
shaqeynayey Idaacadaha HornAfrik iyo Shabeele.
Guddoomiyaha magaalada Baydhabo Axmed Maadey Isaaq oo ayaa sheegay in ka
hor xariga Saxafiyiinta uu jiray digniino badan oo ay u jeediyeen gaar
ahaan uu isaga u tagay islamarkaana uu ku war galiyey inay joojiyaan
wararka ka dhanka ah maamulka gobolka iyo dowladda federalka ah oo ay
tabiyeen balse ay ka dhaga adeygeen.
Guddoomiyaha magaalada Bay-dhabo ayaa sheegay in saba-baha loo heysto ay
ka mid yihiin wararkaas inkastoo Gudoom-iyaha aanu wararkaa si dhab ah u
faahfaahin, waxa uuna cade-eyey in haddii arrimaha lagu heysto ka
waantoobi waayaan mar walba la xiri doono.
Guddoomiyaha degmada Bay-dhabo ayaa intaas ku daray in Saxafiyiinta
baaritaan lagu wado islamarkaana haddii dambiga lagu helo ay marin doono
waxyaabaha ay muteysyteen.
Muuse Maxamuud Jiisow
Somali39@hotmail.com
Muqdsisho, Somalia
002521576666/002521653623
Gabar
Soomaliyeed oo 7 jir ah oo si xun loogu faraxumeeyay iskool ay ka
dhiganaysay Norway
Gabar 7 jir ah ayaa waxaa lagu faraxumeeyay iskool ay ka dhiganaysay
magaalada Bergan oo ah magaalada madaxda 2aad ee Norway. Gabadha ayaa
waxaa lagu isticmaalayay iskoolka mudo dhan hal asbuuc. Hooyada gabadha
ayaa ka dib u bogi waysay xaalada gabadha markaas ayaay waxay gaysay
xarun caafimaad. Shaqaalaha xarunta cafimaadka ayaa gabadhii baaray oo
usheegay in gabadha galmood xaddhaaf ah lagu sameeyay waxayna
dhaqaatiirtu kula taliyeen waalidka gabadha yar dacwo ugudbiyaan
booliiska. Booliska ayaa ka dib waxay arinkaan foosha xun ku eedeeyeen
macalin gabadha u dhigi jiray afsoomaaliga. Macalinka ayaa dafiray
arinkaan.
Hadaa waxaa laba asbuuc ku xukuman gabadha aabaheed oo 27 jir ah laguna
eedeeyay inuu rabay inuu guska ka jaro 42 jirka macalinkii gabadha.
Aabaha ayaa lagu soo xiray bir iyo midi. Aabaha ayaa qirtay inuu rabay
inuu horta birta ku suuxiyo ninka xadgudubka gabadha yar lagu soo
eedeeyay kadibna ka jaro guska.
Arinkaan waxaa wax ka qoray joornaaladaan hoos ku qoran:
Kufsi iyo faraxumeen kan oo kale ah
ayaa sanadkii hore waxaa loogu gaystay wiil yar oo soomaali ah
wadanka Danmark.
Kufsiga gabadha yar loo gaystay ayaa dhacay maalinta ugudamabaysa ee
ilamaha u dabaaldegaan ciida kristiyaanka taariikhduna ahayd 20ka
desember 2005. Joornaalada ayaa asbuucaan oo kaliya wax ka qoray
arinkaan foosha xun.
Waxyaalaha ka dhacaya Norway kala socda websidka www.sominfo.no
gaaboow@sominfo.no