HADDAAN
TOL WAAYEY MUSLIMNA MA WAAYEY!
C/Rahman
Eelay
eediran@yahoo.com
Waxa la yidhi maalin baa
jirta. Maalin qof waliba uu tiimbanayo mool ka sameysmay dhididkiisa. Ama dabaal
joogta xariif ku ahow ama huuy-da aad u kas, haddii aan lagu fasaxin oo Eebe kuu
fududeyn waad muquuran!. Magaran waxa dhidikaas balliga ka dhigay? Qorraxdii baa
dhow markaasaa sida tubo la furay dhididku noqonayaa! Suubanahu(csw) wuxuu noo
sheegay inay jiraan dad maalintaas helaya hoos iyo hadh aan la suureysan karin.
Dadkaas waxaa ka mid ah qof ku gacan seydhay oo aayadaha Eebahay iyo sida ay
runtu tahay ka hor cadeeyey mas’uul Eebe xadhigiisii ka goostay oo awood u leh
inuu dadka ciqaabo!
Eebe hortiina ha nuuriyo;
waa culumada tirada badan ee ku xirxiran Xabsiga Hargeisa ee maalinba mid la
jirdilayo si ay u gadmaan, laakiin kasoo dhaqaaqi waayey wixii ay
aaminsanaayeen.
Eebe ha idin dulleeyo
Qoowmu Riyaale oo ah Maxishoodayaasha caadeystay kufsiga, xarigga, jirdilka iyo
marin habaabinta Bulsha weynta Somaliland si ay danahooda ay ugu adeegayaan
cadowga ummada Soomaaliyeed u gaaraan.
Waxaa la yidhi waraabe ayaa
jiilaalku ku dheeraaday markaasuu arkay nin isna safarku ku dheeraaday.
Waraabihii ayaa isbihinbihiyey si uu ninkan u sasabto: “ Waaryaahee waa ninka,
sowdigan calfihii kaa go’een oo afkii jilifta ku noqday. Waar aan ku qaadee si
uu toobiyuhu kuugu soo dhowaado ee kusoo bood dhabarkeyga!” Waaba waraabe faras
ka dhigo! Ninkii baa ku booday waraabihii inta uu iska bixiyey kabihii
jaangeriga ahaa. Waraabihii baa la faranduleeyey ninkii isagoo xowli ku socda.
Ninkii baa qayliyey: “ Waraabow joogso! Waar joogso waad I dhaafisay
gurigeygiiye! Waar xaguu nagu wadaa!” Waraabihii siduu ninkii ulasii cararayey
ayuu godkiisii dalaq la yidhi, kadibna? Warmaa yaala hee!
Waxaan taas ka duwaneyn
yeeyda Bulsha weynta Somaliland u kacday iyagoo isleh barwaaqo ayaad gaareysaan.
Maxaa ka qabsaday waa qarsanayaane! Waxaan leeyahay maaweeladu intii hore ha
ahaato ee Qowmu Riyaale meel idiima wadaane godkan aad gasheen ee aad madaxa
kala soo jeedaan kasoo booda oo sida Reer Koonfurta iska xoreeya Ashahaada la
dirirka! Waxaa la yaab leh sida Sabtiga iyo Axada uu Tigreegu uu Kalaabyada
Hargeisa uu ugu caweeyo iyagoo wixii soo agmara ay laad kala daalayaan! Waxaa la
yaableh sida iyagoo qaaqaawan ay meel walba ula mushaaxayaan dumarka
Soomaaliyeed! Waxaa la yaab leh sida haddiiba lagaa maqlo erega Amxaar markiiba
afka laguu goosanayo: “Afku ku go’ye! Waa inaad tidhaahdaa walaaladeen aanu
jecel nahay ee Itoobiya” Waxaa la yaab leh sida ay Reer Somaliland u kala garan
la’yihiin Muwaadinka iyo Ajnabiga. Waxaan leeyahay marka masiibo timaado Qowmu
Riyaale oo keliya ku dhici maysee dhamaan ummada Somaliland bay taabanaysaa ee
iska gaara Qowmkan horeyna idiinsoo gumaaday haatana weli magiciina wax ku
gumaadaya. Dadku garasha yaraa! Isqabad yaraa! Arxan daranaa! Waa bad taqaanaan
Riyaale wuxuu ahaan jirey iyo hawlihiisii hore ee sidee ku aaminteen! Xornimo
ayaad raadineysaan idinkooba xor ahayn! Bal horta isxoreeya! Dadka noocan ah
yaasoo habay oo soo ababiyey mataqaan?
Akhri qoraalkii hore.
Suubanuhu wuxuu yidhi: “
Haddii aan xishoodba lagugu ogeyn wixii aad doontidba iska samee”. Xishoodkii
iyo xayadii baa Eebe ka qaaday Qowmka Riyaale oo waa kuwii doorkii horena
gabadhii yarayd ee ay wada awoowayaasha u ahaayeen ku fara xumeeyey Xabsigan
baas ilaa qayladhaan dunida ka timid ay hoggaa kasoo saartay. Tolow miyeysay
wixii tegey waxba ku qaadan mise maanta culumadu Doolar bay joogaan oo waaba
jaanis furan!
Bal halkan akhri . Qowmu Riyaale waa kuwii qoowmiyada aan u dhalan
Somaliland u dhiibay xabashida, waa kuwii maatada iyo carruurta Reer Koonfur ee
martida u ahaa kasoo raafay Hargeisa markii Viise laga waayey. Waa kuwa
Qowmiyada laga tirada badan yahay sida biciidka u ugaadha ama ku kala jeexa laba
baabuur inta ay lugaha uga xiraan.
Halkan ka akhri
Sidey u wada dhan yihiin isma qabtaan oo qof yaxyaxa laguma oga, qof
damqada laguma oga, qof waxgarad ah laguma oga. Waxaase loo baahan yahay in
shicibka Soomaaliland ay fahmaan aayahooda oo ay iska gartaan awrka lagu
kacsanayo haddii kale masiibada ku dhacda Qowmu Riyaale ayaa iyagana aafeyn
doonta. Ogow bahashu indha ay ku kala garato waayeel, carruur, daalim, munaafaq
iyo mu’min ma laha-e!
Waxa la yidhi saaxiibku waa
ka kugu dhinta een kaa cararin maalinta aad yaaban tahay. Waxa la yidhi carruur
sidaa ismoodaysay inay isku ahaayeen ayaa Yeey xuubsata ah oo gaajeysani kusoo
baxay markaasey cagaha wax ka dayeen. Mid saaxiibkood ah ayaa dhinacna u
dhaqaaqi waayey naxdin darteed markaasuu dhulka isku dhuftay oo neeftana isku
xidhay. Yeydii baa urursatay markaasey iskaga tagtay. Kuwii carary ayaa su’aalay
miskiinkii ay ka carareen waxa ay yeeydu u sheegeysay. Wuxuu ugu jawaabay: “
Yeydu waxay ii sheegtay inaan raacin saaxiibada iga carara marka xaalku adag
yahay”. Haddaba maxaa ku dhacay dadka damiirka leh, culumaa’udiinka iyo weliba
asxaabtii ay lahaayeen wadaadada ku xiran Xabsiga CID-da ee Hargeisa. Sow iyagu
maaha laandheerayaal u dhashay wadanka? Sow ma ahayn inay asxaabtooda
badbaadiyaan ama ay xeer soomaali wax ku dhameeyaan? Tusaale wanaagsan waxaan
usoo qaadanayaa wareysiga laga qaaday Sh. Maxamed Ismaaciil isagoo la jirdilayo
ayaa waxaa ku jirtay inuu Muxaadarada lagu soo qabtay uu la sameynayey Sheekh
Mustafa. Sheekh Mustafe lama soo qaban isaga waayo tolkiis ayaan u ogolaaneyn in
lagu xadgudbo, laakiin Sheekh Mohamed iyo inta la xiran oo ilaa 10-yo ku dhowaad
ah ayaa habeen iyo maalin walba la jirdilaa ilaa qaar ay naafo ka noqdeen!
Ninkii tol leh wuu badbaadaye, tol yare yaa tol u ah!
Eebe hortiina ha nuuriyo;
waa culumada tirada badan ee ku xirxiran Xabsiga Hargeisa ee maalinba mid la
jirdilayo si ay gadmaan, laakiin kasoo dhaqaaqi waayey wixii ay aaminsanaayeen.
Eebe ha idin duleeyo Qoowmu
Riyaale oo ah Maxishoodayaasha caadeystay kufsiga, xarigga, jirdilka iyo marin
habaabinta Bulsha weynta Somaliland si ay danahooda ay ugu adeegayaan cadowga
ummada Soomaaliyeed u gaaraan.
Culumada ku xidhan Xabsiga
Hargeisa ee lagu waayey sicir iyo qiima wanaagsan oo laga siisto dibedda ayaa
haatan waxaa jirdilkooda loogu raaxeeyaa Tigreega ka amarkutaagleeya Somaliland.
Waxaay waayeen tolweyne u gurmada, waxaase ka daran markii ay waayeen shicib wax
fahansan iyo muslimiin u gurmata, waxaase aan marnaba meesha ka bixin ducadooda
aan soo laabaneyn ee Suubanuhu(csw) yidhi: “ Waar hooy ka baqa ducada dulmanaha,
waayo lama soo celiyo”.
Walle Qowmu Riyaale dhowdhowdu uma dhacsana!
C/Rahman Eelay
eediran@yahoo.com
Afeef: Aragtida gabaygan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 14, 2006
|