SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
XABSIGA - HARGEYSA
Daabaco Boggan | Print

Jirdilka Xabsiga Hargeysa loogu Geystey Sheikh Maxamed Shiikh Ismaaciil...

»Culimada Hargeysa ku Xidhan
»
Hubso: Ma jidhdil wadaad mise fidno abuur? | Cige

BAAQA CAALAMIGA EE XUQUUQDA AADANAHA OO AFSOOMAALI AH GUJI....

XABSIGA THAILAND:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 |

PUNTLAND vs TERRY:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 |

SAMSAM & XABSIGII HAREYSA:
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 | 75 | 76 | 77 | 78 | 79 | 80 | 81 | 82 | 83 | 84 | 85 | 86 | 87 | 88 | 89 | 90 | 91 | 92 | 93 | 94 | 95 | 96 | 97 | 98 | 99 | 100 | 101 | 102 | 103 | 104 | 105 | 106 | 107 | 108 | 109 | 110 | 111 | 112 | 113 | 114 | 115 | 116 | 117 | 118 | 119 | 120 |

JAWAABO:: HADALKII GEEDDI
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 |

IIBSIGII XAAFUUN EE 99 SANO:
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11

SUNTA KU DUUGAN SOOMAALIYA
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17


KULMIYE Iyo Jawaanow Intaa Waa La Idiinka Han Weynaa
Ali Gulaid — San Jose, CA, USA — 08 October, 2006
 
War saxaafadeed uu KULMIYE soo saaray iyo mid uu Cabdillaahi-Jawaan soo saaray ( 10/04/06) oo isku maalin soo wada baxay oo laba arrimood oo kala duwan ku saabsanaa ayaan midba wax kooban ka odhanayaa. Markaan ka baaraan degay labada warsaxaafadeed waxa aan yaqeen saday midna inaanu laaqi aheyn noqsaanna ku keeni karo cidda soo kala saartay (KULMIYE iyo Cabdillaahi-Jawaan). Waxaanan leeyahay KULMIYE iyo Jawaanow inta waa la idiinka hanweynaa!

 
Ali Gulaid, San Jose, CA, USA

War Saxaafadeedkii KULMIYE

Haddaan ku horeeyo warsaxafadeeka KULMIYE uu ku beeneeyay cajalada lagu faafiyay Internetka ee lagu andacoonaayo in lagu jidh dilaayo Sheekh Maxamed Ismaaciil oo xabsiga ku jira kuna tilmaamay cajalada been abuur looga jeedo in lagu wax yeeleeyo nabada iyo madaxbannaanida Somaliland horta waa nasiib darro in uu KULMIYE isagu noqdo ka difaacaaya xukuumada looga bartay been abuur iyo jidhdilba isaga oo an baadhitan waxku ool ah sameyn. Mida kale cajaladdu waa been abuur oo waxba kama jiraan iyo ha la baadho gudina ha loo saaro sida uu KULMIYE yidhi dee isma qabtaan. Waxbaa si ah!  Cajaladdu in aay runtahay iyo in la jilaayo nuxurku ma aha ee sua’ashu waxa aay tahey cajalad iyo cajalad la’aanba Sheekh ma la jidhdilay.  Taasina Sheekha ayaa afkiisa laga hayaa waana wax lagu yaqaanay Riyaale iyo rabaciisa.

KULMIYE sida uu isu lahaa yaan lagugu cambaareyn ku jiqsii ayaa la kala garanwaayay maanta KULMIYE iyo UDUB. Xukuumada Riyaale maanta uuma baahna in ay iska difaacdo xuquuqal insanka aay meel kaga dhacayso waayo KULMIYE ayaa difacayaa.  Warbaahintii xukuumada ee aan weligeed afxumo mooyaane aan wax kale ka sheege jirin ayaa ila shalay bahinaysay warsaxafadeedkii KULMIYE.  Cajiib!

Sida dawga ah marka aad wax baadheyso waa in aad marka hore dhinac walba dhegeysataa. Wixii halkaa kaaga soo baxana aad ku darsataa maxaa dhinac walba looga bartay amba ka suurtoobi kara. Taasi KULMIYE ma yeelin ee inta aay cajaladdii uun daawadeen ayaay qaraar iska gaadheen. Maxaay Xukuumada u weydiisan waayeen in ay maxbuuska la kulmaan amba maxbuuska loo ogolaado in cid madaxbanaani la kulanto? Maxaay wax uugu qaadan waayeen maxbuuskan Wasiirka u sheegtay in la jidh dilay? Maxaay u odhan waayeen sidiibay ku dhacday in maxbuus gacanta xukuumada ku jira in cajalad laga soo duubo? Maxaay.. Maxaay? Arintan waxa si fiican ka yeeelay Xisbiga UCID Kulmiyana ku maay habooneyn in aay dacaayada rakhiiska ah ee xukumada Riyaale faafineyso aay iyaga oo aan biyana iskaga daren sidiida u qaatan. Haddii uu KULMIYE u nacamleeyo Riyaale, Riyaale waxa uu noqon doonaa kudkii oo kaba loo tolay. Waayeel nimadii, aqoontii, iyo waayo aragtinimadii lagu yaqaanay lagana filaayay KULMIYEe wuu ka baaqsaday dhaawac weyna wuu isu geystay. Intaa waxa aan uuga gudbayaa cajaladan iyo Sheekha

Sheekha Maxaa Lagu Soo Dacweeyay

Inta aanan cajalada wax ka odhan waxa aan wax yar odhanayaa dadkan caadifaddu madax martay ee Sheekha ku eedeynaaya ARGAGAXISNIMO.  Hubsiimo halbaa la siistaa ee imika iyo mar hore toona Sheekha laguma soo dacweyn ARGAGAXISNIMO ee waxa xukuumaddu ku eedeyneysa oo lagu soo taandhiiyay qodobka  lambarkiisu yahay (222) oo ah DHICID HANTIYEED, XASUUQ iyo BURBURIN

Sua’aasha ku Haboon Cajalada

Haddi aan u soo noqdo cajaladan horta lama odhan karo waa been abuur. Malaha dadka ku dacwiyaaya waa been abuur waxa ay u jeedaan ninkan cajalada ku jiraa ma aha sheekha xabsiga ku jira amba ninkan lama jidhdilaayo ee waa la jilayaa. Haddaanu ninkani Sheekh Maxamed Ismaaciil aheyn ayaa la odhan kara waa been abuur. In la jidhdilaayo iyo in la jilaayo waa la isku khilaafi kara.

Hadaba sua’ashu meesha ku jirtaa waxa aay tahey a) Ninka cajaladan  ka mooqdaa ma yahey Sheekh Maxamed Ismaaciil b) Cajaladan ma la duubay intii uu Sheekhu maxbuuska ahaa ee uu gacanta xukuumada ku jiray.   In la jidhdilayo iyo in kale waa arrin kale. Haddi uu ninkani yahey Sheekhii oo aan xukuumaddu dafiraheyn amba ha la jidh dilo ambaa yaan la jidh dilin ee sua’aasha meesha ku habooni waxa aay tahey sideebaa ninkani isaga oo Somaliland maxbuus u ah cajaladan looga duubay; yaase ka doobay?  Danta laga lahaa waa maxay? Maxaay xukumadu uuga jawaabi weyday!

Sheekha Ma La Jidhdilay

"....horta ninkaasi cajaladda ku jira ee muuqiisa la arkaya waa Maxamed Sh.Ismaaciil, goobta cajaladda lagu qabtay ee la arkayaana waa Xabsiga dhexe ee Hargeysa ama waaxda C.I.D-da" Xildhibaan Maxamed Jaamac


Ninkan cajalada ku jira ma la jidh dilayaa mise lama jidh dilaayo. Horta cajaladan waxa ka muuqata in ninkan loo tudhaayo oo laga ilaalinaayo in wax nabar ah oo muuqda loo geysto inta badana agtiisa ayaa lagu dhufanayaa waxaanay u eegtahay in la jilaayo. Taasi waa cadaan. Laakiin dadku waxa aay ilaabayaan jidh dilku in aanu ku eegeyn uun nabara muuqda oo lagu gaadhsiiyo ee bahdalaad lagu bahdalo macnawiyan iyo maskaxahanba aay ka mid tahey jidhdil. Macanaha jidhdilka aduunku aqoonsan yahey waa sidan:

Torture is any act by which severe pain, whether physical or psychological, is intentionally inflicted on a person as a means of intimidation, deterrence, revenge, punishment, sadism, information gathering, or to obtain false confessions for propaganda or political purposes

Sida cajaladan ka cadna in kasta oo la iska ilaalinaayo in nabara muuqda ninkan loo geysto hadana sida maxbuuskan loola dhaqmay waxa lagu sifeyn karaa jidhdil marka laga duulo waxa loo nisbeyn karo Jidhdil ee Caaalamku isku waafaqsan yahey

Cajaladu Sidiibaay Ku Timid

Mida kale cajaladan lix bilood ka hor ayuu qareenka maxbuusku (Maxamed Saciid Xirsi) uu u soo bandhigay maxkamadda halkaasi oo uu maxbuuskuna ka qirtay in jidh dil lagu sameeyay. Isla markaa ayaay Cajaladu gacanta u gashay Xeer Ilaaliyaha iyo CIDa. Marka ma aha cajaladdu mid imika uun soo ifbaxday. Markaa dad badani waxa aay aminsanyiheen in aay xaga xukuumada ka baxday dan laga lahaaba. Qaar kalena waxa aay aaminsanyiheen cajaldani in aay ka badan tahay saddex dan miridh (3:45 minutes) ee lagu fafiyay warbaahinta oo aay dhan tahey ila 30 miridh. Waxa kale oo iyana la sheegayaa in  Safaarada Mareykanka ee Nairobi loo diray halkaasi oo aay cid dan gaar ah ka lihi ka soo celisay.  Waxa kale oo iyana la is la dhex marayaa inna nimanka Sheekha jidhdilaaya amba jilaaya la garanaayo

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Yuusuf Ciise Tallaabo oo sheegay in ay xabsiga ugu tageen kulmeen Sh. Maxamed Ismaaciil ayaa sharaxaad ka bixinaaya Su'aalo ay ka weydiiyeen Sh. Maxamed jiritaanka Cajalad Video oo isaga lagu jidh dilaayo iyo wuxuu ugu jawaabay wuxuu yidhi " Waxaanu Weydiinay Seddex Su'aalood oo kala ahaa 1. Maxamedow Ma jirtaa in lagu jidh dillay? wuxuu ku jawaabay Haa Waa La I Jidh Dilay, Waxaanu weydiinay Maxaa lagugu dili jiray? wuxuu yidhi Suun ayaa la igu garaaci jiray isagoo farta ku fiiqay Suunka nooca Ciidanka oo meesha yaallay, iyo aalad kale oo ah ayuu yidhi laydh yar oo jac kaa siinaaya, Waxaa kale oo aanu weydiinay yaa ku dili jiray? wuxuu ku jawaabay Dad Madaxa Duuban. Waxaanu weydiinay Maxaad wakhtigaasi oo dhan u qarinaysay ee aad u sheegi wayday? wuxuu ku jawaabay Cajaladda Video-ga ah ayaa dhinaca Xukuumadda ku maqnaydo intay ka soo baxayso ayaanu sugaynay.!".. AKHRI....
Wasiir Talaabo Muxuu Ku Soo War Celiyay

Waxa kale oo uu sheekhu u sheegay Wasiir ku-xegeenka Cadaalada Yusuf Talaabo iyo kooxdii uu hor kacaayay ee xukumada ka socotay in SUUN lagu garaaci jiray xafiiska CIDa. Halkii uu ka garaabi lahaa Talabo ee uu odhan laha gudi madax banaan ha loo saaro wixii uu ku jawaabay waaynu ognahay. Nasiib darro. Waxa cadatay Cadaalada Talaabo in aay tahey tii kowboyga (Cow Boy) waxaanu ilowsan yahay in magaalo la soo galay oo qaaynoon lagu kala baxo. Waar ragow kibirka waa lagu kufaa taa ha la ogaado. Cadaalada Talaabo waaynu aragnaa waxaanaynu ognahay caddalad darrada xukuumada Riyaale wixii uu Taalaabo hore uuga sheegay. Ileen geed la cuskadaana

War Saxaafadeedkii Jawaan

Haddaan u soo noqdo warsaxaafadeedka Cabdillaahi Xaji Cumar (Cabdillaahi-Jawaan). Markii uu istiqaalada bixinaayay waxa uu ku cawday in kursiga Gudoomiyaha si xaq darro ah looga qaaday waxa kale oo uu inuu sheegay istiqaalada in aay ku kaliftay badbaado qaran. Waata hore e Komishanku iyaga ayaa dhexdooda iska doorta Gudoomiyaha Saddex jeer oo loo codeeyayna waxa la doortay Gudoomiyaha maanta Komishanka mayalka u haya. Waxa aan ku darayaa mar Marwo Shukri Bandari oo karti iyo hufnaanba leh lagu magacaaby ku xigenka wixii Jawaan ka geystay wa loo soo taagnaa. Waa ta kale e waxa nasiib darro ah in ninkii hogaankii demoqraadiya ee lagaga gudbi laaha qabyaalada tooska ah gacanta loo geliyay ( Komishanka Doorashada) aay noqoto badbaadadii qaran ee laga sugaayay reer kayaga wasiir baa ka maqan ee hana loo kordhiyo mansabka aan iska casileyna nin reer kayga ah ha lagu bedelo iyo mahadnaq Madaxweyne.

Mar haddi uu Jawaan is casilay oo aay ka soo go’aday in uu  aqbalaad ka sugo cidna may aha. Qofka aanay ka dhab aheyn sidii C/Qaadir Jirde ayaa ku meereysta waa la iga aqbali waayay. Xuquuqal insaanka ayaay ka mid tahey in aad shaqada aad hayso marka aad doonto ka tegi karto hadii kale cabiid (slave) ayaad tahey. Istiqaaladdu waa ogeysiis uun. Sidaa awgeed wax uu Jawaan uugu mahadnaqdo Riyaale meesha ma oolin. 

Rikoodka Jawaan U Yaalaa Waa Maxay

Waxase laga yaabaa xidhiidh hoosaadkii uu Jawaan la lahaan jiray Riyaale in uu oga mahadnaqaayay. Waxa laga wada warqabaa iixashadaa uugu foosha xumaayd innay ka dhaceen goobihii Jawaan loo xilsaaray oo aay ka mid ahaayeen BALINCALINLEH iyo LUGHAYABA. Sidaa awgeed Komishanka iyo shacbiga midna Cabdillaahi-Jawaan u darsan maayo. Waxaana loo tirinayaa Riyaale sabata uu ku yimid iyo Sababta aay UDUB ku bursatay Golaha Wakiiladaba in uu Jawaan door weyn ka ciyaaray. Marka sidii Jamhuuriyaba tidh Salaama Jawaanow

Komishanka Cusub Yaa Soo Dooranaaya

Mid kalana Jawaan wuu ku qaldanyahay. Komishanka waqtigiisii waxa uu ku eeg yahey 18ka December ee sannadkan (2006). Mar haddii aay bilo tahey waxa ka hadhay wakhtigii Komishanka sida loo soo dooranaayo Komishan cusub Riyaale uuma taallo ee waxa aay u taalaa axsaabta (stake holders). Axsaabtuna hore ayaay fikradooda ka dhiibatay oo aay yidhaahdeen komishanka cusub ha noqdo sagaal (9) xisbi walibana hasoo magacabo saddex (3). Haddi laga tegi waayo jagada uu iska casilay Jawaan waxa xaq u leh KULMIYE in aay cid u soo maqacabaan waayo Guurtida, Madaxtooyada iyo xisbiga UCidba cidbaay soo magacabeen. Xisbiga an weli cid soo magacaabini waa KULMIYE. Haddi aaynu taariikhda dib uugu noqono wakhtigii Komishankii hore la soo magacaabay axsaabi ma jirin.  Waxana soo kala xulay Madaxweynaha uu Saddex ah (3), Guurtida oo Laba ah (2) iyo laba bulshada ah (2).

Wadhciga maanta tagan Madaxweynaha (Fulinta) iyo Guurtidu way isku milmeen markaa in aay shan (5) soo xulaan wada UDUB ah caqliga geli mayso waana habeenkii xalay ahaa oo tegay.  Sidaa awgeed Saddexda xisbi ayaay u taala sida loo soo magacabaayo Komishanka cusub ee Salaama Jawaanow.

Gebogebo

Daahir Rayaale

Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil

Jaamc Cabdilaahi Qalib (Jaamac Yare) buug uu qoray waxa uu ku xariiqay dhulkii la isku odhan jiray Somalia meesha QUDHA ee hadhaagii Siyaad Barre uu weli ka taliyaa in aay tahey Somaliland.  Taasi waxa u daliil ah cajaladda shabakadaha war baahinta lagu fafiyay ee lagu jidh dilaayo Sheekh Maxamed Ismaaciil oo jeelka ku jira.  Anshaxa xun iyo cadaalada daradaba ummado hore iyo dawlado badan ayaa lagu rogay. Khatarta uugu weynina maanta waxa ku keeni kara Somaliland caddaalad xumida ka jirta ee yaan waxba lagu meereysan shirqool iyo cadow aan jirin.

Sida Jaamac Yare sheegay talada kuwa hayaa waa dirkii Siyaad. Xeelada iyo tabta aay isticmaalaana waa kuwii Siyaad. Marka lagaga bilaabo Madaxweyne Riyaale, wasiirka daakhiliga Cabdilaahi Cirro Wasiirka maaliyada Cawil oo ku faana in uu yahay qofkii uugu denbeeyay ee Siyaad koofi (coffee) la caba maalintii uu baxsanayay iyo kuwa kale oo badan oo ka mid ahaa haya’dii sirdoonka (NSStii) ee ku caan baxday jidh dilka gidi inta talo ka go’adaa waa dirkii Siyaad Barre.   Imisa ayaa u xidhan xukun maxkamadaha degdega ihi ku rideen? Maxaa ka hor jooga markaa in ay SUUN la dhacaan haddi aay Diintii Bani Aadam nimadii iyo Distoorkii midna ka xishoon waayeen. Markaa  sida ka muuqata cajalada lagu baahiyay shabakadaha warbahinta ee lagu  Jidh dilaayo Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil (Sheekha) , in kasta oo aay nasiib darro tahey, haddana wax lala yaabo ma aha. Waxa weli sii baxaaya dhawaaqii inantii yareyd ee SAMSAM ee Jimciyada qurromuhu u soo gurmatay. Waa caadadood ee ceebtood ma aha.  Sida uu Jaamac Yare ka dhawaajiyay haddi uu Siyaad Barre uu maanta soo noolan laha meesha QUDHA ee askartiisii uu taba baray sii dalacday xeeladihii uu isticmaaali jirayna la sii feeqay lana sii baahiyay waxa uu qiri lahaa in aay Somaliland tahey.

Waxa la yidhi haddan sacabka xeelade ku jirin maxaa habeenkii loo garaacayaa. Haddan wax la qarineyn maxaa Sheekha cid madaxbanaan oo xukuumada ka madaxbanan loo tusi wayay; maxaa Amnesty International iyo hay’adaha kale loogu sii deyn waayay, maxaa hayada xuquuqal insaanka e maxaliga ah ee madaxbanaan loo tusi waayay.

Waxa aan ku soo afjarayaa cajaladan siddi lagu hubin kari lahaa in aay dhabtahay iyo inkale xukuumada ayaa hortagan oo diidan in aay guddi xukuumada ka madaxbanaan u saarto. Ila inta taa la helaayo amba wax cadeyn ah oo beeneynaaya aan la soo bandhigin (oo aan hadal aheyn) iyada oo la og yahey in aay xukuumada Riyaale isticmaasho maxkamadaha degdega ah iyo xishood la’anba waxa aan denbi ku jirin in lagu goa’amiyo in Sheekha la jidhdilay cajaladuna aay dhabtahay. Sida qareenka Sheekhu shir jaraa’d ka sheegay Sheekha waxa lagu soo dacweeyay DHICID HANTIYEED iyo XASUUQ. Iyaba waa yaabe maxaa hantidii uu Sheekhu dhacay ciddi uu ka dhacay iyo ciddi uu xasuuqay loo sheegi wayay???????

Waxa aan leeyahay xukuumada Riyaale waa caadadeed ee ceebteed ma aha KULMIYE iyo Jawaana waxaa aan markale leeyahay inta waa la idiinka hanweynaa

Ali Gulaid, San Jose, CA

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

»GABAY:: Gumaad iyo Gedood | C/naasir

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 10, 2006




Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD