SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
XABSIGA - HARGEYSA
Daabaco Boggan | Print

Waxa la yidhi maalin baa jirta. Maalin qof waliba uu tiimbanayo mool ka sameysmay dhididkiisa. Ama dabaal joogta xariif ku ahow ama.. Guji..
Gabay: Guutada Hargeysiyo maxaa gaalo nabadeeyay. Gabaygaan waxaa tiriyay abwaan xasan garaad warsame waxaana uu uga hadlay  tacadigii loo geystay xabsiga magaalad... Guji...
GABAY::: HURGUMO: Gabaygan waxaa tiriyey Mursal Siciid Cali Waraabe oo kaga qayb gelaya silsilad suugaaneedka loogu xaq raadinayo xabsiga iyo tacadiga Sh. M Ismaaciil ... Guji.
Xildhibaan Maxamed Jaamac Oo Ka Tirsan Golaha Wakiiladda Ayaa Ku Eedeeyey Wasiirka Daakhliga Inuu Reer Sool U Gaar Yeelay Cajaladda.. Guji...
Waa nasiib darro in uu KULMIYE isagu noqdo ka difaacaaya xukuumada looga bartay been abuur iyo jidhdilba.... Guji.. (Cali Guuleed)
Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Cadaaladda SL: Waxaanu Weydiinay: Maxamedow Ma jirtaa in lagu jidh dillay? wuxuu ku jawaabay Haa Waa La I Jidh Dilay.. Guji..
Abwaan Bacadle Oo Gabay Ka Tiriyay Tacadigii Sh. Max’ed Sh. Ismaaciil Ee Tacadiga Loogu Geystay Xabsiga Magaalada Hargeysa.. Guji..
qoraalAFKALAQAAD (Gabay): Awliyadii Ilaahay xabsiga lagu ihaaneeye, Itoobiya maxaad eray u tidhi waa afkalaqaade Guji (Nabadoon)
GABAY::: Ceelkii Hargaysaad::: Gabay ka hadlaya tacadigii Sh. maxamed loo geystey... GUJI... | Dhagaafe
Gabay: Sheikh lagu silac-dilyeeynayo Xabsiga Hargeysa:: heelleeeyda haasaawe gabay   hirarka suugaanta... GUJI.. (Dailaaf)
Gabayga: Hungo ::: Ma huq  iyo murugaan hurdada ciil la heli waayey? : Ma hiqleeyey sidii wiil yaroo oohin la hinraagay? ..Guji.. (Xiirane)
Hubso: Ma jidhdil wadaad mise fidno abuur?:: Guulaha cusub ee farsamada isgaadhsiinta casriga ah, gaar ahaan mareegta... Guji (Cige)
cabdiwaaxidCulumada Xamar oo la Xurmeeyey; Kuwii Somaliland oo la Xirxiray, iyo Kuwii Puntland oo laga Xanibay Diyaaradday soo Guji.. (C/waxid)
Waraysi lala Yeeshay Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil Walaalkii Faysal Sh Ismaaciil.::: Cajaladdan maxkamadda ayaannu ku aragnay ... Guji...
Waa Sidee Aragtida Xisbiga UCID Ee Jidh Dilka Sh.M.Ismaaciil "Xukunka Degdega Ah Ee Lagu Xukamay Dadku Waa Xaaran.." Xasan Suldaan Guji...
Gudoomiyaha  golaha fulinta  maxkamadaha islaamiga ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ugu baaqay maamulka Somaliland in ay joojiyaan dhibaatada ay ku hayaan culimaa'uddiinka Soomaaliyeed.. Guji..


Jirdilka Xabsiga Hargeysa loogu Geystey Sheikh Maxamed Shiikh Ismaaciil...



Diridhaba Waxaanu La Jecelnahay Wanaag Waxana Aanu Leenahay NABADGELYO
Somaliland.Org — --- — 18 October, 2006

 
Diridhaba: "is Casilid Shaqadii Aan Ka Hayey Shabakadda Somaliland: Waxaa Ka Mid Ah Sababaha Aan Isku Casilay AKhri
Maamulka Somaliland.org kumuu tala jirin in uu dibada soo dhigo xidhiidhkii ka dhexeeyay Somaliland.Org iyo Dhiridhaba sidii uu ku dhamaaday. Marse haddii uu Diridhaba isagu qoraal ku faafiyay warbaahinta (16/10/2006) waxay maamulka Somaliland.Org ku kaliftay inuu wax kooban ka yidhaahdo arrinkaas. Ugu horeyn Diridhiba isma casilin ee markii wararkii uu soo dirayay u bateen warar been abuur ah, wax aan sal iyo raad-toona lahayn, buunbuunis xad gudub ah iyo waxyaalo ka hooseeyay heerkii Somaliland.Org looga bartay kuna kacay inuu xukuumadda u adeego isaga oo sheeganaya wariye madaxbannaan.  Sababahaas awgood iyo markii ashkataddii akhristayaashu badatay waxay ka fursan weyday inuu mamulku ka fadhiisiiyo shaqadii uu u hayay wariye Diridhaba shebekadda. Ma aha markii ugu horeysay ee maamulka boggu shaqo kafadhisin ku sameeyo Diridhaba, hase ahaatee, dhawr jeer oo hore ayuu maamulku isku deyay inuu xidhiidhkii u dhaxeeyay isaga iyo Diridhaba dhameeyo, laakeen akhyaar uu maamulku qadaraiyo ayaa soo dhex galay, sidaasna ayu Diridhaba shaqada kusii watay.  Diridhaba wuxuu shaqada weriyenimo ka bilaabay Somaliland.Org sanadkii 2005, isagoo berigaa aan lahayn khibrad weriyenimo isla markaana aan loo eegin qabiil, gobol iyo magaalo midna ee loo qaatay muwaadin Somaliland ah laguna qortay mushahar joogto ah. Ilaa maalintaas marna may dhicin in Diridhaba lagala hadlo ama loo diro hadal qabiil xambaarsan habayaraatee.

Maantana ma aha markii ugu horaysay ee uu Diridhaba been abuur ku kaco.  Hoos waxa ku qoran sababaha kadib markii maamulka shebekaddu arkay uu goostay in Diridhaba shaqo ka fadhiisin ku sameeyo, kuwaas oo kala ah:
  1. Bishii FEBRUARY 2006 waxa Diridhaba u soo geliyey shebekadda qoraal af lagaado xambaarsan oo uu ka qoray Marwo Huda Barkhad, xaaska Madaxweynaha: Maxaad Kala Socota Awoodaha Qarsoon Ee Marwada Madaxweynaha Marwo Huda
    Qoraalkaas oo ku xigay dhalliillo hore oo isasoo tarayay oo ka jiray shaqadiisa ayaa waxa lagu wargeliyey Diridhaba inuu fasax yahay. Waxa Diridhaba uu warbaahinta ku qaybiyey raalli gelin uu siiyey Marwadda Madaxweynaha, waxaanu soo isticmalay xubno maamulka shebekadda ay aqoon isu leeyihin, taasoo suurto gelisay in shaqadii dib uu usii wato.
     
  2. JUNE 2006 waxa Diridhaba website-ka soo geliyey war sheegaya in Madaxweyne Rayale safar uu London ku yimi ku kharash gareeyey lacag dhan $500,000 isaga iyo xaaskiisu, isaga oo xusay in kooobka shaaha ee hudhelka Madaxweynuhu ahaa £50. Warkaasi oo been abuur ahaa, waxay ku kaliftay in maamulka shebekaddu uu siiyo Md Diridhaba digniin kama danbeys ah wararka been abuurka ee uusoo gelinayo bogga.
     
  3. August 2006 Diridhaba waxa uu soo geliyey shebekadda war sheegaya in uu isagu la hadlay Gudoomiye xigeenka baarlamanka, Cabdilcasiis Samaale, oo u caddeeyey in loo diidey fiisihii dal ku galka Marayka. Warkaasi wuxuu noqday been abuur, Guddoomiye Xigeenku wuxuu cadeeyey inaanuu Diridhaba marnaba la hadlin, warkaasna siin. Waxa kale oo iyaguna warkaas kaa soo ashtakooday ururka SOPRI oo iyagu xaqiiqada hayay. Waxa shebekadda uu warkaasi ku kalifay inay CUDUR DAAR iyo raali gelin 'public' ah ay bixiso .
     
  4. SEPTEMBER 30-keedii ayuu Diridhaba soo geliyay Somaliland.Org qoraal uu cinwaan uga dhigay:
    Sh.Maxamed Ismaaciil Oo Ahaa Ninkii La Sheegay In Jidh Dilka Lagu Sameeyey Cajalad Video Ah Oo Beeniyey Jiritaanka Cajaladaasi
    Warkaasi wuxuu ahaa war aan meel loo raaco iyo raad toona lahayn oo been abuur ah. Kadib markii aan dabagal ku samaynay warkaas iyo xaqiiqadiisa ayaan Diridhaba waydiinay meesha uu warkaas ka keenay, wuxuuna qirtay inuu isagu sameeyay sababta uu u sameeyayna ay noqotay "dadkaan ku dejinayay".
     
  5. OCTOBER 2006 Md Diridhaba hadana war kale ayuu bogga soo galiyey oo u qornaa
    Garyaqaankii U Doodaayey Kiiska Sh. Maxamed Ismaaciil Oo Diiday Guddi Culumo Awdiin
    Warkaasi been abuur ayuu isna noqday, waxaana cabasho kasoo bixiyay garyaqaankii Sheekha oo sheegay inuu Diridhaba marna lasoo xidhiidhin, marki Diridhaba la weydiyey isna wuu qirtay.
     
  6. Ugu danbayntii Tobankii 5-tii OCTOBER ayaa waxa uu codsigan hoos ku qoran Diridhaba u soo diray maamulaha shebekadda Somaliland.Org:

HEIGHT=559
Qoraalkan oo fasiix ah (ama farwaaweyn ku qoran) halkan ka eeg... GUJI...

Markii aay intaasi oo dhami dhacday ee aay caddaatay inuu Diridhaba gacanta u galay Wasiirka Daakhiliga ee xukuumadda Rayale, waxa ay ka fursan weyday in shaqo ka fadhiisin lagu sameeyo, iyada oo digniin hore iyo cabashooyin horena u horeeyeen.

Diridhaba waxaanu la jecelnahay wanaag waxana aanu leenahay NABADGELYO

Maamulka Somaliland.Org

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 18, 2006

Been Abuurka laga sameeyey Sh. Maxamed Ismaaciil, oo ku xiran Hargeysa...

Warkaasi (warka hoose) been abuur ayuu isna noqday, waxaana cabasho kasoo bixiyay garyaqaankii Sheekha oo sheegay inuu Diridhaba marna lasoo xidhiidhin,


Sh.Maxamed Ismaaciil Oo Ahaa Ninkii La Sheegay In Jidh Dilka Lagu Sameeyey Cajalad Video Ah Oo Beeniyey Jiritaanka Cajaladaasi
Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 30 September, 2006

 

DIGNIIN
FOR REFERENCE ONLY

Warkani waa war hore looga saaray websitekan sababo kalsooni darro awgood.
Ma aha war rasmi ah.

Hargeysa (Somaliland.Org)-- Wararka ay shabakadda Somaliland.Org maanta gelinkii danbe ka heshay Xarunta Xeer Ilaalinta Qarranka Somaliland ayaa u xaqiijiyey in maanta ay jeelka Dhexe ee magaalada Hargeysa ku booqdeen Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil culumada magaalada Hargeysa iyo saraakiil waaxda Garsoorka qarranka ka tirsan.

Wararkani ayaa Somaliland.Org heshay ayaa xaqiijinaya  in culumadii reer Hargeysa ee halkaasi ku booqatay iyo weliba waaxda Garsoorku ay hor dhigeen Sh. Maxamed Ismaaciil Kitaab Quraan ah isla markaana ay ka codsadeen maadama uu yahay nin isagu diinta islaamka yaqaana oo sheekha inuu ku dhaarta kitaabkaasi in isaga jidh dil loo gaystay isla markaana ay dhabtahay cajaladaasi lagu shaaciyey shabakadaha Internetka, Wararka aanu hellay waxay noo xaqiijiyeen in Sh. Maxamed Ismaaciil uu muddo aamusay, ka dibna uu diiday inuu kitaabka ku dhaarto, ka dibna markii danbe uu sheegay inaanu ogayn ama aanay jirin wax caga juglayn ama garaac ama jidh dil ah oo loo gaystay, wuxuu Sh. Maxamed beeniyey cajaladaasi balse haddana faah faahin dheeraad ah ma bixin oo intaasi ka badan.

Cajaladani ayaa u muuqata dhammaanteedba mid ka baxsan milgaha loo adeegsado dadka Maxaabiista ah ee ku jira jeelasha Somaliland, cajaladani oo ay ka muuqdaan laba nin oo wata rikoodhahada codka lagu duubo ayaa u muuqda qaar mala awaalaya su'aalo ka baxsan hannaanka baadhaha (Inspector) ee Somaliland loo adeegsaday, Wasiirka arrimaha gudaha, taliyayaasha Booliiska iyo Asluubta ayaa hore u beeniyey cajaladani isla markaana ku tilmaamay mid cadawga Somaliland u isticmaalay in dadka lagu kiciyo.

Warka arrintani ku saabsan iyo Culumada reer Hargeysa ee booqatay ee la kulantay sheekha ayaanu isku dayaynaa inaanu la kulano oo weraysiyo ka soo qaadno kala soco Somaliland.Org.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
Somaliland.Org, Hargeisa
diridhaba@gmail.com


Garyaqaankii U Doodaayey Kiiska Sh. Maxamed Ismaaciil Oo Diiday Guddi Culumo Awdiin Ahi Inay Xabsiga Ku Booqato
Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 06 October, 2006

 

DIGNIIN
FOR REFERENCE ONLY

Warkani waa war hore looga saaray websitekan sababo kalsooni darro awgood.
Ma aha war rasmi ah.

Hargeysa (Somaliland.Org)-- Garyaqaanka U doodaya Wadaadka la yidhi waxaa lagu jidh dilay Xabsiga dhexe ee Hargeysa oo lagu magacaabo garyaqaan Maxamed Siciid ayaa diiday inuu ogolaado Guddi iskugu jiray Culumo awdiin, dhakhaatiir iyo aqoonyahano kale inay ku booqdaan Xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa Sh. Maxamed Ismaaciil oo ah ninka la yidhi waxaa lagu jidh dilay Xabsiga dhexe balse Xukuumadda Somaliland ay si weyn u beenisay.

Shabakadda Somaliland.Org oo maanta ilo kala duwan la xidhiidhay ayaa waxaa naloo xaqiijiyey in garyaqaanka oo adeegsanaya qoyska Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil ay ku gacan saydheen guddidaasi iyagoo sheegay inaanay ku qanacsanayn guddidani, ilaha xogeed ee shabakadda Somaliland.Org heshay ayaa waxaa naloogu xaqiijiyey in guddidani ay ka mid ahaayeen Culumada loogu qadaris iyo xishmadda badanyahay Somaliland gudaheeda sida Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir, Sh. Xasan Cabdisalaan Sh. Maxamed Cabdi Carab iyo culumo kale, waxaa kale oo la sheegaya in dhakhaatiirta loo xil saaray arrintani baadhitaankeeda ay ka mid ahaayeen kuwa aanay Xukuumadda isku mawqif ahayn sida Dr. Maxamed Cabdi Gaboose (Neurologist), iyo dhakhaatiir kale, xogtani ay Somaliland.Org heshay ayaa xaqiijinaya guddidani iskugu jiray culumada iyo dhakhaatiirtu ay ugu ballan qaadeen qoyska Sh. Maxamed Ismaaciil iyo garyaqaankiisaba inay kitaabka alle ugu dhaaran doonaan inay baadhitaanka xaqiiqda jidh dil la sheegay in loo gaystay sida cadaalad ah u qaadan.

Xallay Fiidkii ayaa la sheegay in Garyaqaan Maxamed Siciid oo ah Ninka u doodaya kiiska Sh. Maxamed Ismaaciil ay soo saareen inaanay ogolayn guddidani isla markaana aanay raali ka ahayn, shabakadda Somaliland.Org oo la xidhiidhay Garyaqaan Maxamed Siciid waa ka gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo sababta ay u diideen, balse wararku waxay sheegayaan in sababta ay u diideen tahay iyadoo loo ballansanaa in Sh. Maxamed Ismaaciil loo dhaariyo inuu jiro jidh dil lagu sameeyey taasi oo la sheegay in Sh. Maxamed Ismaaciil uu diiday inuu dhaarto.

Saraakiil sare oo ka tirsan Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland oo aanu la xidhiidhnay ayaa noo xaqiijiyey in ay hadda u egtahay in dhammaanba mala awaalkii cajalad la yidhi waa lagu jidh dilayaa Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil uu noqday wax been ah oo ay runtiina cadaatay.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
Somaliland.Org, Hargeisa
diridhaba@gmail.com




Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD