SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
XABSIGA - HARGEYSA
Daabaco Boggan | Print

Jirdilka Xabsiga Hargeysa loogu Geystey Sheikh Maxamed Shiikh Ismaaciil...

»Culimada Hargeysa ku Xidhan
»
Hubso: Ma jidhdil wadaad mise fidno abuur? | Cige

BAAQA CAALAMIGA EE XUQUUQDA AADANAHA OO AFSOOMAALI AH GUJI....

XABSIGA THAILAND:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 |

PUNTLAND vs TERRY:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 |

SAMSAM & XABSIGII HAREYSA:
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 | 75 | 76 | 77 | 78 | 79 | 80 | 81 | 82 | 83 | 84 | 85 | 86 | 87 | 88 | 89 | 90 | 91 | 92 | 93 | 94 | 95 | 96 | 97 | 98 | 99 | 100 | 101 | 102 | 103 | 104 | 105 | 106 | 107 | 108 | 109 | 110 | 111 | 112 | 113 | 114 | 115 | 116 | 117 | 118 | 119 | 120 |

JAWAABO:: HADALKII GEEDDI
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 |

IIBSIGII XAAFUUN EE 99 SANO:
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11

SUNTA KU DUUGAN SOOMAALIYA
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17


Abwaan Bacadle Oo Gabay Ka Tiriyay Tacadigii Sh. Max’ed Sh. Ismaaciil Ee Tacadiga Loogu Geystay Xabsiga Magaalada Hargeysa
Somaliland.Org — Muqdisho, Somalia — 4 October, 2006

(Hida Raaca Gaaladey Tigraha kaga horeeyaane!!!) 

Abwaan Abshir Nuur Faarax "Bacadle" ayaa gabay k atiriyey dhibatada xabsiga Hargeysa loogu geystey Sheekh Maxamed Sheekh Ismaacil , waana kan gabaygii:-

  1. Gabaygani hin-buu kicinayaa waana la hubaaye
  2. Hargeysoo dhan uma jeedo iyo heybahaa dega’e
  3. Gabaygan I wuxuu la hadlayaa howlwadeenada’e
  4. Iyo wixii u hiilinahayoo heyb u daba jooga
  5. Hadhow yaan la oran beel dhambaad holaca gaarsiisay
  6. Waxaan ka hadlayaa culumadii beeca loo helaye
  7. Oo aad waayaradii Korontada ku holcineyseene
  8. Oo aad timaha heyseen sida Gaal la soo helaye
  9. Ood ku hirdiseyseen Jilbaha ha igu towxiidin
  10. Magaaladan Hargeysoo Kufriga hibada loo siiyay
  11. Oo Gaaladeenaad handadi lagu huruufaayo
  12. Oo hiilka Buush noqotayoo Xabashidow heegan
  13. Oo naasigii Hitler shaabahdoo Diinta ka huleeshay
  14. Oo hilibka culimada ku nool, kuna haliileysa
  15. Oo aan Hadyigii Nebiga rabin heestase u qaada
  16. Oon haba yaraatee Sunnaha hoos u dhuganeynin
  17. Hida raaca Gaaladey Tigraha kaga horeeyaane
  18. Iimaanki-bey u huri Kufrigu hey aqoonsado’e
  19. Hanka beesha iyo Gaal unbey u halgamaayaane
  20. Hey haatan calan aad heshoo hibo laguu siiyo
  21. Intaan Koonfurta habeynayaad hununuceysaaye
  22. Huuraalayaalkaan qaxiyay iiga howlyaride
  23. Kuwii dhiiga culimada harqaday waan isku hubaaye
  24. Rabibaan isku haleynayaa guulna waan heliye
  25. INSHA ALLAAH, Hargeysiyo Berbera waan hantinayaaye
  26. Kitaabkaanan ku hogaaminn ee ma’ahan heybteyda
  27. Haad geed saaran-baad ii tohoon waraf u heysaaye
  28. Howd iyo Burciyo xeebta Bari kuuma heegana’e
  29. Raggii aad isku haleyn jirteen hiil ALLEY noqone
  30. Kuwii Xamar ka heyruubay-baad la hal wadaagtiine
  31. Hareeraha markaan kaaga rido hoos unbaad dhugane
  32. Hayaayda iyo qeyladana waad sii hawaawiciye
  33. Hidaha Gaala raacoo dhambaa hoos u sii degiye
  34. Ka huleele meeshay Furqaan ku hagranaayeene
  35. Hanka beeshu Diintoo dhambey kala horeysaaye
  36. Nadyiga Nebiga iyo Aayadaha ku hakan maayaane
  37. Hiyi raaca Gaaladey Furqaan kaga habsaameene
  38. Wax la heysan jirayoo kaley u haminaayaane
  39. Helina waaye go’itaanki ay u halgamaayeene
  40. Dulcad iyo hartii Sheekh mar waan kuu hantaaturine
  41. Har-cadbaa la geli oo la qaban howlwadeenada’e
  42. Daroogada markaan ka hurgufney Khabar helaayaane
  43. Hurdada waxay ka kici waa markaan how-da ma qashiiyo
  44. Rabbi kuwo u hiilinahayuu hibada siiyaaye
  45. INSHA ALLAHU hadalkeenu waa noo hirgelayaaye
  46. Haamaha markii laga quboo holac la leefsiiyo
  47. ama aan Qabriga ku hubsaney Khabar helaayaane
  48. Wan humbulan kor ma haleelayee hoos unbuu dhugane
  49. Cirkaba woxowgu hora maalintii helayo Gaal-leefta

tix Shirib ah:-

  1. Safar badnaa Somaliland
  2. Madax Ahlu sunney sidaan
  3. Madax garleh Mareykan geey
  4. Malyan ha kugu maalgelshee
  5. Riyaale
  6. Raa’ix iyo Rujuuc dhowaa
  7. Illeyn ru’uus dadoow raraa
  8. Howshiisi mow hilmaamayaa
  9. Hilib dadow horuu bartee
  10. Bahdow hogaamiyaa ba’doo
  11. Bilad basaasnimow sitaa

Halkan ka dhegeyso Gabayga Bacadle ka tiriyey Jirdilka Xabsiga Hargeysa

Gabay kale oo uu tiriyey Abshir Bacadle...

Abwaan Abshir Bacadle waxa uu sheegay in uu aaminsan yahay in madaxda maamulka Somaliland ay Cajaladaha Vedeo-ga ah oo ay ka duubaan dadka Muslimiinta ah ee ay Xabsiyadooda ku ciqaabaan u iibgeeyaan Mareykanka iyo Tigreega, uuna dhaqaalaha ugu badan halkaasi ka soo galo, nasiib darase waxaa ku ah in Cajalkii ugu dambeeyey oo lacagta badan goyn lahaa in laga soo xaday iyadoo duuban, lana keenay magaalada Laasacaano halkaasna lagu daawaday oo caalamkana la wada gaarsiiyay.

Halkan ka dhegeyso Mudaharaadkii Magaalada Xingalool...

Akhri: Kuwo Raali Galinta Alle Weyne Ka jeclaaday  Rali galinta Ethopia iyo Maraykan.

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 4, 2006




Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD