SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
XABSIGA - HARGEYSA
Daabaco Boggan | Print

Jirdilka Xabsiga Hargeysa loogu Geystey Sheikh Maxamed Shiikh Ismaaciil...

»Culimada Hargeysa ku Xidhan
»
Hubso: Ma jidhdil wadaad mise fidno abuur? | Cige

BAAQA CAALAMIGA EE XUQUUQDA AADANAHA OO AFSOOMAALI AH GUJI....

XABSIGA THAILAND:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 |

PUNTLAND vs TERRY:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 |

SAMSAM & XABSIGII HAREYSA:
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 | 75 | 76 | 77 | 78 | 79 | 80 | 81 | 82 | 83 | 84 | 85 | 86 | 87 | 88 | 89 | 90 | 91 | 92 | 93 | 94 | 95 | 96 | 97 | 98 | 99 | 100 | 101 | 102 | 103 | 104 | 105 | 106 | 107 | 108 | 109 | 110 | 111 | 112 | 113 | 114 | 115 | 116 | 117 | 118 | 119 | 120 |

JAWAABO:: HADALKII GEEDDI
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 |

IIBSIGII XAAFUUN EE 99 SANO:
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11

SUNTA KU DUUGAN SOOMAALIYA
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17


Gumaad iyo Gedood 

as/wr/wb

bacda sanaal waxaan marlabaad salaamayaa bahda webkan somalitalk oo iyagu hadiyo joor soo bandhiga ama xiiseeya suugaanta soomaaliga oo runtii meel sara kaga jirta qaab dhaqameedka somaalida iyo murtidaba, intaa kadib gabaygan hoos ku qorani waxan filayaa inuu isagu isfasiri'doono oo aanu u baahnayn wax faala ah oo dheeriya inlaga baxsho, hadiise loo baahdo waa laysoo weydiin karayaa insha allaah.
waxaana tiriyey Abdinaasir Axmed Ducaale UK
 
1  Geeraar ka tegey maansa aan gole ka sheegaaye
2  Garta kuma niqiyo xaajadii geedka loo wacay e
3  Ma gorfaynin gabay waaganoo waanigii gudhaye
4  Balaan caawa godol baadho iyo gaax inaan qabo'e
 
5  Gugan iyo gobaysane halkiyo garasha'deenoo dhan
6  ilaa gaaddaweyn bay jireen gaala raacyaduye
7  Gurma go'anka waa wadanjireen guufanaayada'e
8  Geedsaarku iyo ciinku waa garab ordaayeene 
9   Kuwa lagu gabraartaa badnaa laguna guuraaye
10  Gebi bay ka tuuraan ninkaan guudxamaal noqone 
 
11  Gumaysigu markuu ina galiyo guudcadow faranji
12  Markii gulufka uu wadey kufrigu gubayey reerkeena
13 Waatii guntiga aan xidhoo diidey gogoshiiye
14 Guutooyinkiisii markaan gawrac wada saaray
15  Markaan gaasaskiisii badnaa goosan yar u reebay
16  Gaashaan dhigiisii markaan kaga gariirsiiyey
 
17 Markii aan in badan gaasiroo gaabshey cududooda
18 Gubniyaal markii aan diliyo jananadii geyshka
19 Kumanyaal garoomale markaan gabawaroo laayey
20 Geedkuu istaagaba markaan gooyey xididkiisa
21 Markii uu garwaaqsaday inaanu waxiga goynaynin
22 Markaasuu gudoonsaday galbeed inu wax geystaaye
 
23 Afrtaasi waa gogol'dhig iyo gabaxlihii roob dheh
24 Guulaamadii mayeyga'subax ama gadiidkii dheh 
25 Galoolkiyo maraagoo bixiyo geedihii yucub dheh
26 Baroor gubadle xamar gaada'weyn goraygi ciideed dheh
27 Afarkalena waa ii gundhige iga gudoomaay dheh
   
28 Gardarada daraawiish markii lagu gumaadaayey
29 Diyaaradaha guuxiyo wixii nala dul gawdiidshey
30 Gantaalaha wixii uu caddaan nagu garaacaayey
31 Girifoofka iyo rayfalkii gama'a noodiidey
32 Gidhligaanku wuxu reer tolkay gudub u leefaayey
33 Madaafiicda goobaha wixii na lagu gaanguumay
 
34 Wixii gaal madow iyo cadaan geesta naga raacay
35 Siikhii gambaysnaa wuxuu daba guclaynaayey
36 Wixii ay go'doon naga dhigeen gebiga soomaali
37 Garanuug sideedii waxaan wada galuub naaday
38 Waxaan goroda laalaadiyoo cadha isgeylaanshey
39 Gaajiyo haraadkii wuxuu godey dhafoorkayga
 
40 wixii gaydhe nagu daacayoo galawgu uu qayshey  
41 Wixii garab banaanaaday iyo gelengeshaan joogney
42 Wixii gaari ooyaysey iyo gibin agoomowdey
43 Gadhgeydhiyo wixii reerkayaga guurti laga xaaqay 
44 Gadhcas iyo waxaan layga tegin geesi magac weyne
45 gurboodkii kacaayiyo waxan gaban la ii dhaafin
 
46 Goonyaha nugaal iyo sanaag gaabo iyo ceeri
47 Goodiga xadeed iyo garadag godanka cayn oo dhan
48 Geyigaan ku noola marbaan gabadhi oolayne
49 Gacal iyo islaamli'i waxaan gibil madoobaadey
50  Gedday daalibaan baan ahayn galabta joogaane
 
 51 Gabanadii taleex laga gurtiyo mirishi guudkeeda
52 Gorgorkiyo ka dhereg hadkuyoo goosay hilibkiiye
53 Gawsaha waraabuhu wuxuu gudur ka ciilbeelay
54 Guuraha habeenimo waxaan ciil la golosleeyey
55 Dhaxanta iyo gooxii waxaan gooni ugu leexday 

61 Geel iyo wixii gumara adhi gebi naweydaartey
62 Gamaankii fardaha iyo wixii naga gawaan raacay
63 Gob jabtay iyo geel dagan wixii rag'igu geeraaray
64 Waxay naga gubeen maal wixii gurada nooyiiley
65 Guuyiyo wixii nalaga dhacay gooldhankii dahabka
 

66 Googoosya cawsiyo lamiyo gogosha weylaalis
67 Kebed gedefya weyn iyo alool aniga iigaara
68 Waxii aqal gobeed iyo aduun dhaafay gacantayda
69 Gabayoox waxaan meel cidlaa gorfsanaa waayo
70 Gargaariyo waxaan cidi nasiin gacana ii geysan
 
71 Gurmadiyo ha joogeen bahday garab i taartaaye
72 Meeshaan gabaadiyo u filo gelin ku noolaansho
73 Goobtaan fadhiistaba rag baa gurayey raadkaye
74 Kuwa goynayaa jiray dhirtii igu gedaanayde
76 Ma gembiyin ma gaalayn islaam mana guhaadayne
 
77 Gefwaxaa ahaa qudha inaan diidey gaalada'e
78 Waxaan idhi gobweeyaan abkay mana gumoobaane
79 U gurguuran maayo ma rabo guul darraystaha e
80 Garna ma aha gurigay inuu iigu goodiyo'e
 
81 Afartaasi waa gogoldhigiyo gabaxlihii roobdheh
82 Guulaamadi mayeyga'subax ama gadiidkiidheh
83 Galoolkiyo maraagoo bixiyo geedihii yucubdheh
84 Baroor gubadleh xamar gaadaweyn goraygi ciideeddheh
85 Afarkalena waa iigundhige iga gudoomaaydheh
 
85 Maantana galgaldkaan arkaa waa gediishalaye
86 Gujadiyo markii nalagu diley gacan tugaalaynta
87 Gabane amxaariyo markay gorayo nooheestsy
88 Goortuu ibleys gaamuri guriga noo seexday
89 Waakaa gadoodkii shacbigu gaadhyey meelsare'e
90 Guulbaa inoo muuqatiyo geeda soobaxaye
91 Galadii allaa soobaxdoo gaaja looqabaye
92 Gargaarkii ilaahay wakaa gogol dhigiisiiye
93 Gobolada badhkood maanta waw gu'iyo dayr weyne 
94 Intakalena way guuxayaan waana godol dhowe
95 Insha allaahu tawxiidka yay siinayaan garabe                 
 
96 Gabdhohoo asturan wiilashoo diinta garanaaya
97 Surwaalkoo lagaabshiyo xijaab guniyo baar jooga
99 Gadhka iyo sunaha nimaka nacay ama giriifaaya
100 Culimada kuwii geynayee ganacsadee laayey
101 Inay godob ilaahay galeen garanba maayaane
 
102 Gafanayaashi xamar haystey iyo garabcadii joogtey
103 Gaaladu kuway wadatayee gacanta siinaayey
104 Gadhwadenaka nimankii ahaa amase gaadiidka
105 Waxmagaratadii maatadiyo gacalka aafeeye
106 Giniyada kuwii qaatayee gadayey diintooda
 
107 Garaad laawayaashii kufriga garabka siinaayey
108 Kuwii gogosha dhiigale hurdee maydka garab jiifey
109 Kuwii gamaska dhiigale watee gudimaduun haystey
110 Caqligaa gedmaday maankibay gudub udhaafeene
111 Geedkii aybeerteen walee gooste midhihiiso
112 Go'aankoodi bay hiifayaan ama guhaadshaane
113 God libaax nin seexdow hurdiyo gama laguudiidye 
114 Gawrac weeye waxaad dhawrayaan gooshkan maanta ahe

waxaa tiriyey Abdinaasir Axmed Ducaale UK
hurreaxmed@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 10, 2006




Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD