- Taariikhda duug ah
- Doqon baa qadarine
- Qarniyaal is dabayaal
- wixii aan dagaal galay
- Dirirtii amxaarada
- wixii diric iga lumay
- waxaan danabadoodii
- Guutooyinkuu dumay
- dabkii kala wareegoo
- Dabdaguugan la dhigay
- Dabayaaqadoodii
- Haddaan Ruushku dabaqaban
- Duufleey amxaarada
- Dunida kuma nagaateen
- Dibna looma sheegeen
- daqarradi horeeyiyo
- Doraad waxaan ku falaybuu
- Weli daba socdaayo
- Damiin baan wax garanine
- Melas wuxuu danayaa
- waa aano durugsane
- Caku waye dadkaygoow
- Demenaantu waa maxay
- Sii durugtay sheekadi
- dalkii waa la kala jaray
- Durba laanno soo baxe
- caddawgii la darajee
- loo noqay dilaal run
- ishi dununow lagu yiri
- Dekedihiina loo dhiib
- weli daahiroo kale
- masalaha la daba qaad
- Diintiina loo tuur
- Culimadi dartiis baa
- xabsiga loo daabulay
- lagu xoor daluun dheer
- Dembi ma aanay galabsane
- dawladaa Itoobiya
- Maxaad ugu danidayoo
- waa duulal gaala
- Debnahaaga ugu tiri
- ayaa loogu dow galay
- markii laadka lagu deyey
- lagu daaray korontada
- Dinihiisu tawxiid
- ayey sii daldalayeen
- Dariiqii Bilaal iyo
- Axad Axad ma daynine
- Sheekhu waa ku diirsaday
- inuu diinta Eebbiyo
- Ashahaado lagu dilo
- Taas ka sii daran
- dadkii joogay meeshaa
- wax ka diiray maan arag
- dulmigaa la gaystayna
- Badi waa difaaceen
- waxaa taas ka sii daran
- Dumarkiyo iyo caruurtii
- ka danqaday xumaantaa
- Daakhilkaa lawada dhigay
- Dinad naag ciqaabtaa
- dadka loogu tuuree
- Daaci Eebay jecel
- ninka daaray weligaa
- Dagaal Eebbe waw kow
- Dulli aakhiraa u dheer
Abu-cali bin Abu-cali
faragod@hotmail.com
AFeef: Aragtida gabaygan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
Gabayga
Murugo iyo Gabayga Dhibaabo waxaa tiriyey Cali Aadan Doolaal wuxuna
kaga qayb gelayaa silsiladii gabayada ahayd ee laga tiriyey shiikh
Maxamed shiikh Ismaaciil... Guji...