SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
XABSIGA - HARGEYSA
Daabaco Boggan | Print

Jirdilka Xabsiga Hargeysa loogu Geystey Sheikh Maxamed Shiikh Ismaaciil...

»Culimada Hargeysa ku Xidhan
»
Hubso: Ma jidhdil wadaad mise fidno abuur? | Cige

BAAQA CAALAMIGA EE XUQUUQDA AADANAHA OO AFSOOMAALI AH GUJI....

XABSIGA THAILAND:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 |

PUNTLAND vs TERRY:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 |

SAMSAM & XABSIGII HAREYSA:
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 | 75 | 76 | 77 | 78 | 79 | 80 | 81 | 82 | 83 | 84 | 85 | 86 | 87 | 88 | 89 | 90 | 91 | 92 | 93 | 94 | 95 | 96 | 97 | 98 | 99 | 100 | 101 | 102 | 103 | 104 | 105 | 106 | 107 | 108 | 109 | 110 | 111 | 112 | 113 | 114 | 115 | 116 | 117 | 118 | 119 | 120 |

JAWAABO:: HADALKII GEEDDI
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 |

IIBSIGII XAAFUUN EE 99 SANO:
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11

SUNTA KU DUUGAN SOOMAALIYA
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17


"....horta ninkaasi cajaladda ku jira ee muuqiisa la arkaya waa Maxamed Sh.Ismaaciil, goobta cajaladda lagu qabtay ee la arkayaana waa Xabsiga dhexe ee Hargeysa ama waaxda C.I.D-da" Xildhibaan Maxamed Jaamac

Xildhibaan Maxamed Jaamac Oo Ka Tirsan Golaha Wakiiladda Ayaa Ku Eedeeyey Wasiirka Daakhliga Inuu Reer Sool U Gaar Yeelay Cajaladda Videoga

Xildhibaan Maxamed Jaamac oo ka tirsan Mudanayaasha golaha Wakiiladda ee laga soo doortay gobolka Sool ayaa shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay xarunta golaha Wakiiladda wuxuu ku dhaleeceeyey Wasiirka arrimaha Gudaha Mudane Cabdilaahi Ismaaciil Cali inuu reer Sool u gaar yeelay samayntii iyo abuurkii cajalad Video oo la sheegay in lagu jidh dilaayey Wadaad ku xidhan Xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa, waxaa kale oo uu shirkaasi Jaraa'id Xildhibaan Maxamed Jaamac Eed usoo jeediyey Xukuumadda Somaliland oo u ku tilmaamay inaanay weligeed run ka sheegin xaqaa'qa dhabta ah ee dalku ku suganyahay.


Xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi

ugu horayn Xildhibaan Maxamed Jaamac wuxuu ka hadlay Shir jaraa'id oo uu dhawaan qabtay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cabdilaahi Ismaaciil Ciro, isagoo taasi ka hadlayana wuxuu yidhi "maalin dhawayd wasiirka arrimaha gudahu wuxuu sheegay in cajaladda jidh dilka ee la sheegay in loo gaystay nin ku xidhan xabsiga dhexe ay ka danbeeyaan oo ay soo mala awaaleen reer Sool, isagoo reer Sool arrintaasi u gaar yeelay, waxaan islahaa Cabdilaahi ugu yaraan waa nin sharciga wax ka yaqaana, wasiirku isagoo ku beer laxawsanaya Beesha Isaaq midawgeeda ayaa wuxuu eeda cajaladaasi ku duway reer Sool oo ku tilmaamay qaar qaranimada iyo wanaagga Somaliland ka soo horjeeda, waxaan qabaa inay khalad ku tahay Wasiirka sharaftiisa iyo karamaada reer Somaliland in gobol dhan oo Somaliland ku yaalla loo aaneeyo, waxaan leeyahay Idaacad Laas Canood ku taallaana cajaladani may samayn ee markii ugu horaysay waxaa lagu daawaday Maxkamaddii qaadaysay kiiska nimankani xidhan ilaa maalintaasina Xukuumaddu kama ay hadal waxaa la yaableh haddaba waxaa Wasiirku ugu duur xulay reer Sool ee uu ugu gooni yeelaayo". ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Jaamac

Xildhibaan Maxamed Jaamac wuxuu intaasi ku darray in uu ka filaayey Wasiirka arrimaha Gudaha oo dhawaan ku soo biiray golaha Xukuumaddu inuu dhaami doono kuwii hore "Waxaan ku leeyahay Wasiir Cabdilaahiyow godobtu ka fog gadhka yogol, reer Sool arrintani waa ka durugsantahay waana ka fogtahay" ayuu yidhi Mudane Maxamed Jaamac. dhinaca kale Xildhibaan Maxamed Jaamac wuxuu ka hadlay waxqabadka Xukuumadda isagoo taasi ka hadlayana wuxuu yidhi "Ciil maynaan qabneen haddii maalin uun aynu arki lahayn masuul dawladda ka tirsan oo runta u sheegga dadka, Madaxweyne ilaa Wasiir, maaliintii Madaxweyne Rayaale la doortay waxay dadku ugu codeeyeen waxay ahayd inuu arrinta garsoorka iyo cadaaladda wax ka qabanaayo, alla yaa maalintaasi uu madaxweynahu sidaasi lahaa inagu celiya marka loo eego xaaladda aynu maanta taaganahay, waad ogaydeenoo Xeerkii garsoorka ee aanu gudbinay ee madax banaanaynaayey haayadda garsoorka qarranka waxaa laga saaray dhammaanba qodobadii madax banaanayntaasi waxaana lagu celiyey sidii hore u u ahaa ee Wasaaradda cadaaladda uu hoos imanaayey, waxaanan leeyahay runtii waa ayaan darro".

Mudane Maxamed Jaamac isagoo ka hadlaaya arrinta Muddo kordhinta golaha guurtida wuxuu dhaleecayn dhabarka ugu saaray Xukuumadda oo uu sheegay inay ka danbayso arrintaasi "Xukuumaddu maalintii lagu jiray doorashadii golaha Wakiiladda ballan ayey martay waxay tidhi haddii golle baarlamaan oo Mucaarid u badanyahay yimaaddo maxay qaban karaan mushaharka ayaanu ka bixine, qudha iyo xero maanta taasi way u hirgashay xukuumadda, annaguna waxba ma hayno awoodayadii waxay noqotay hal balacaad lagu lisay, golahani kale Guurtiduna waxba ma hayaan, taasina waanu wada qabnaa fadqaladda koobaad ee labadani golle madaxa la iskugu xidhayna waxaa lahaa waa Xukuumadda oo ka faa'idaysatay fullisayna wacadkii hore ay u gashay" ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Jaamac.

Intaasi ka dib ayaa Suxufiyiintu weydiiyeen Su'aalo kala duwan waxaanay ahaayeen su'aalahii la weydiiyey iyo jawaabahoodu sidani:

Su'aal: Maxamed Jaamac waxad ka hadashay arrinta cajaladda jidh dilka oo aad tidhi reer Sool waxba kuma laha, waxaanu ognahay in meeshii ugu horaysay ee lagu faafiyey ay ahaayeen shabakaddo reer Sool lahaayeen, marka taasi cajaladda laga yimaaddana waxaa ay maalin walba lidi ku yahiin qaranimada Somaliland waxaa ugu danbaysay warqad lagu daabacay shabakadaasi reer Sool mid ka mid ah oo ay leeyahiin Ina Cigaal alla ha u naxariistee madaxweynahii hore Somaliland ayaa Waraaq u qoray Israel uu ku leeyahay shacabka Somaliland waa reer Binu isra'iil ma waxaad leedahay dacayadaahi iyo qaranimo diidkaasi reer Sool ma qabaan oo adigu Hargeysa jooga ka difaacaaya?

Jawaab: maya horta aynu laba kala saaro, midi waa Maamulka Puntland, midina waa reer Sool iyo shacabka, runtii markay timaado arrintani oo kale dee maamulka Puntland waa ka faa'idaysanaya oo waa u cadaw qaranimadeena, laakiin reer Laas Canood iyo Reer Sool waa ay ka mid ah reer Somaliland waxbana kagama jiraan arrintani, ta cajaladda ama waxaa ku jira ha la jilo ama dhab ha noqoto eh Xukuumadda ayey ahayd inay iyadu ka hadasho ee may ahayn inay gobol dabada u saarto.


"....horta ninkaasi cajaladda ku jira ee muuqiisa la arkaya waa Maxamed Sh.Ismaaciil, goobta cajaladda lagu qabtay ee la arkayaana waa Xabsiga dhexe ee Hargeysa ama waaxda C.I.D-da" Xildhibaan Maxamed Jaamac


Su'aal: Maxamed Cajaladani markaynu ku laabano, adigu siday kula tahay ra'yigaaga ma dhabbaa mise waa been abuur?

Jawaab: horta markii hore ayaan uga afeef dhigtayo aan idhi waxa ku jira runteeda iyo beenteeda waxba ka odhan maayo, laakiin laba ayaan leeyahay horta ninkaasi cajaladda ku jira ee muuqiisa la arkaya waa Maxamed Sh.Ismaaciil, goobta cajaladda lagu qabtay ee la arkayaana waa Xabsiga dhexe ee Hargeysa ama waaxda C.I.D-da.

Su'aal: Waxaad sheegtay inay UDUB Xukuumadda Madaxweyne Rayaale aanay weligood run sheegin, waxaad ka mid ahayd garyaqaanadii maalintii doorashada natiijooyinkoodii u doodaayey UDUB, markaa beenta aad sheegayso ma maantaad ogaatay?

Jawaab: (Qosol) odaygii adeerkay ahaaye Qaybe ayaa wuxuu yidhi markii uu halkani (Somaliland) inoogu imanaayey Soomaaliya ninba maalin ayuu ka qancaaye aniguna maanta ayaan ka qancay, waxaan leeyahay UDUB mar hore ayaan ka qancay.

Su'aal: arrintani khilaafka labadiinii gole ee Wakiiladda iyo guurtida waadiganoo sheegaya in ay meel halis ah marayso, wakhtigii asalka ahaaye guurtidana waa dhamaadayo bishani October ayuu kaga ekaa, haddaba idinku sideed xal u aragtaan?

Jawaab: horta xalka ka hor waxaa fiican in dastuurka iyo sharciga lagu dhaqmo, haddii taasi la waayana xal imanayaa ma jirto, masalan waxay leeyahiin arrin qarran ha la iskaga yimaado, waxaanay diideen xeerkii golahani sameeyey, halkay iska waafaqaysa, waxba kama qabno in arrintaasi si qarran lagu dhameeyo.


MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
Somaliland.Org, Hargeisa.
diridhaba@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 9, 2006




Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD