Gabay
ka hadalaya Tacadiga Lagula kacay shiikh maxamed ismaciil oo ku
xiran Xabsiga Hargaysa.
Bacadlow aduunyadani waa oday ka
sheekeeye
Amakaag ma laha shay haduu soo ahaan jiraye
Adamigu wixii ku cusub bay la ashqaraaraane
arin aniga iga yaabiyoo aada baa jira.e
Arxan xumada soomaaliland maqal islaamkiiye
Iyaga iyo axmaaradu iblays agabki weeyaane
Culimada ilaahay diraye diinta u adeegta
Xabsiga abu qurayb oo kalaa lagu idleeyaaye
Eed ma gelin wadaadkaniye waa la arjumaayaaye
Iimaanka uu leeyahay buu eeday oo qudhahe
Elekteriga lagu ololiyee ubucda loo saaro
Indhihii arkaa la hubaa inay ilmeeyeene
Abtirsiinyahaa lagu arkay iyo oodda uu yahaye
Akishuu noqdaye ina isaaq weys tixgeliyaaye
Awood nimaan lahayn iyo qariib waa alqaacido.e
Iyagay aduunyada tusaan kuna ugaadhaane
Abris iyo abeesay noqdeen arami jiiftaaye
Ehel ma laha gaal iyo ninkii aaladow sida.e
Inaguu gargaar inaga sugi ina ismaaciile
Adimada hadaan lagu tegeyn jeelka lagu ooday
Aan lagu afuufayn rasaas ololku qiiqaayo
Alaylehe inaan aamusnaa waa ardaalnimo.e
Abshirow adow hiilin jiray kii la aayiro.e
Inantii yarayd waadigii aakahow ridaye
Eegana afkaagay bulshadu eegaysaa weliye
Uugaami maansada mar baa lagu itaalaaye
Inta uurka nugul ee dulmiga ka anfariiraysa
Odayada wax garadkee xalila xaajo la adkeeyey
Interneedka ugu sheeg xaq waa loo arimiyaaye.
*************************************
Afartaasi alifkaan bartiyo erayadaydii dheh
Hawraar awow laga wato iyo hibo ilaahay dheh
Eegana rigaalow la maqal waxaad ahaateene
Oogada saraad uga eg tahay ina islaameede
Adigiyo israa.iilba waad edeb daraateene
Nin islaamka neceb baad tihiyo ehelu khayrkiiye
Axmaqyohow wadaad sooman baad adhaxda goysaaye
Laga ogaayey eeddaad fasheen tan iyo ireland.e
Axmed Cabdi Geele .
axmedlibaax@hotmail.com
AFeef: ARagtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 7, 2006
DHEGEYSI:
Halkan ka
dhegeyso Gabayga Bacadle ka tiriyey Jirdilka Xabsiga Hargeysa
DHEGEYSO:
Gabay kale
oo uu tiriyey Abshir Bacadle...