SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
GABAY - HURGUMO
Daabaco Boggan | Print

Jirdilka Xabsiga Hargeysa loogu Geystey Sheikh Maxamed Shiikh Ismaaciil...

Xildhibaan Maxamed Jaamac Oo Ka Tirsan Golaha Wakiiladda Ayaa Ku Eedeeyey Wasiirka Daakhliga Inuu Reer Sool U Gaar Yeelay Cajaladda.. Guji...
Waa nasiib darro in uu KULMIYE isagu noqdo ka difaacaaya xukuumada looga bartay been abuur iyo jidhdilba.... Guji.. (Cali Guuleed)
Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Cadaaladda SL: Waxaanu Weydiinay: Maxamedow Ma jirtaa in lagu jidh dillay? wuxuu ku jawaabay Haa Waa La I Jidh Dilay.. Guji..
Abwaan Bacadle Oo Gabay Ka Tiriyay Tacadigii Sh. Max’ed Sh. Ismaaciil Ee Tacadiga Loogu Geystay Xabsiga Magaalada Hargeysa.. Guji..
qoraalAFKALAQAAD (Gabay): Awliyadii Ilaahay xabsiga lagu ihaaneeye, Itoobiya maxaad eray u tidhi waa afkalaqaade Guji (Nabadoon)
GABAY::: Ceelkii Hargaysaad::: Gabay ka hadlaya tacadigii Sh. maxamed loo geystey... GUJI... | Dhagaafe
Gabay: Sheikh lagu silac-dilyeeynayo Xabsiga Hargeysa:: heelleeeyda haasaawe gabay   hirarka suugaanta... GUJI.. (Dailaaf)
Gabayga: Hungo ::: Ma huq  iyo murugaan hurdada ciil la heli waayey? : Ma hiqleeyey sidii wiil yaroo oohin la hinraagay? ..Guji.. (Xiirane)
Hubso: Ma jidhdil wadaad mise fidno abuur?:: Guulaha cusub ee farsamada isgaadhsiinta casriga ah, gaar ahaan mareegta... Guji (Cige)
cabdiwaaxidCulumada Xamar oo la Xurmeeyey; Kuwii Somaliland oo la Xirxiray, iyo Kuwii Puntland oo laga Xanibay Diyaaradday soo Guji.. (C/waxid)
Waraysi lala Yeeshay Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil Walaalkii Faysal Sh Ismaaciil.::: Cajaladdan maxkamadda ayaannu ku aragnay ... Guji...
Waa Sidee Aragtida Xisbiga UCID Ee Jidh Dilka Sh.M.Ismaaciil "Xukunka Degdega Ah Ee Lagu Xukamay Dadku Waa Xaaran.." Xasan Suldaan Guji...
Gudoomiyaha  golaha fulinta  maxkamadaha islaamiga ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ugu baaqay maamulka Somaliland in ay joojiyaan dhibaatada ay ku hayaan culimaa'uddiinka Soomaaliyeed.. Guji..

Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji




GABAY::: HURGUMO


Mursal Siciid Cali


Gabaygan waxaa tiriyey Mursal Siciid Cali Waraabe oo kaga qayb gelaya silsilad suugaaneedka loogu xaq raadinayo xabsiga iyo tacadiga Sh. M Ismaaciil . Mursal wuxuu joogaa degmada Xingalool ee Gobolka Sanaag.

1.      Wax hargaysa laga sheegayaa waa hurguma wayne
2.      Waa hilib wadaad oo la cunay horror sidiisiiye
3.      Waa waayir lagu haynayaan haragna reebayne
4.      Waa haraati aan loo tudhayn oo hantaaqa ahe
5.      Waa habkii bilaal loo galoo Ummaya haystaa ye
6.      Waa haayir iyo tuug wax dila hooliflow bahale
7.      Waa habar dugaag aan lahayn hibitiq iimaane
8.      Hayaankii waqooyigu dadaw halis miyuu sheegay
9.      Hiddaha iyo dhaqankeenii hore hoos ma laga siibay
10.     Waxaan laysu hurin bay ragani soo hor mariyeene
11.     Habar bay dhashiyo saw ma go,in xididki haybtiisu
12.     Soow heeryadisiii nin cunay uma hadhuub qaadan
13.     Soow boqonta heeraa ma gelin hooska gurigeena
14.     Halaq iyo gungume soow dadaw hoosta kuma haysan
15.     Soow goorta uu haamad rido haakah oran mayo
16.     Soow harar intuu tago wadaad hooshka dhigi mayo
17.     Soow hawl ammaan baam wadaa hadalka guud maaha
18.     Soow hooliflaw Meles iyo xabashi hayb maaha
19.     Soow duul Ilaahay hagraday weli uhay maaha
20.     Habkii maalka loo heli lahaa soow ku hiro maaha
21.     Soow hadafka guud minaan ku rabin u hanbalyey maaha
22.     Hitlar tacadiguu geli jiryo Hiriqle soow maaha
23.     Wax  wadaadka lagu haysto waa haadi buu qiraye
24.     Hadal buu amxaarada ku yiri waw hatigayeene
25.     hanjabaadu waa meel fog iyo hirarka dhaadheere
26.     ajnabaa hogaanka u haya iyo duul hawaawirane
27.     kuwa hawsha loo soo dirsaday waa hunuud timiye
28.     haygii godkiyo aakhiray wada hilmaameene
29.     hiyigaba ma gelin mawdka iyo  hanafadiisiiye
30.     hor istaaga Eebbena ka maqan hiira hiiraha e
31.     hareefkii cadaabkiyo ma oga qiiqa huruflayne
32.     hal habeen casho ah bay ku gadan diinta hodonkaaye
33.     mijin haaligeedawga roon hadhac fardawsaade
34.     hayaay iyo hadaan waa wareey marada haylaansho
35.     hadii aan gacmaha hoorsadoo Eebbe ku hagaajo
36.     dulmi ruuxuu haystaba Ilaah hiiliyaw maqane
37.     banii aadam hayntiisu saa maaha hebelaw e
38.     haraati iyo gujiyo maaha iyo tima la hiigaaye
39.     hayinkoo udxiya loo xidhiyo maaha hebed awre
40.     hor Ilaahay tii aad fasheen waa habaar dhacaye
41.     huutuhu mayeeliyo nimaan kaa hanjalaqoone
42.     hufnaantii horeetaa jabtoo heetisoo maqane
43.     hayn wayde oo wiiganaad huuba kiciseene
44.     hiyigaba ma gelin foolxumaa haatan kuu dhimane
45.     raggu hawsha waa mudan jiree tanise waa hooge
46.     haweenkii arkaa uurki dhigay dhicisna soo hoorshay
47.     Hawd iyo Nugaal iyo Baraa loo halaahalaye
48.     hareerihii Bakool iyo Gedaa dumar hiqleeyeene
49.     hogobkii Baki iyo Saaxil waa xeebta hadal yaale
50.     Hiiraan Sanaag iyo Togdheer laga hinraac taase
51.     Hobyo iyo maxaa Mudugta dhexe haadku kiciwaayey
52.     in gumaysi halabeeyey iyo horin yar mooyaane
53.     ka hindhidhe dadkii oo dhamaan hoos ka wada guuxe
54.     hawraartu waa dahab ninkii hadal damqaayaaye
55.     waxba hadalku yuu ila durkine waxaan ku soo heelay
56.     oo talo ku soo hidin lahaa lama huraankiiya
57.     haybadi ma noolee muftiga haatan ka ufooda
58.     hadyad iyo ugeeya iyo xaal oo huwiya shaalal
59.     humbaniga ku foorora ka rida koronto kii haystay
60.     hoyguu ku noolaa u dira oo hanti ugeeye
61.     haddii kalese say noqoto iyo aan hadhaw aragno


  Qormada gabaygan waxaa leh:
   Mursal Siciid Cali
Kala xiriir:
ciyoon10@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

»GABAY:: Gumaad iyo Gedood | C/naasir

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 11, 2006




Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD