-
Hargeysaay anaa kaa huredee mooryaan kuma soo haliileene.
-
Hagardamada kuwii ku baday hanjabaad kuuguma soo heeseene.
-
Halboowlaha kuwii ku jaray hagoog kale kuuma soo qaateene
-
Hangash cumaamadani hor Ilaahay kuuguma soo gabateene.
-
Hoostiisa isagoon eegin hadba laaca kulama soo higsadeene
-
Hadal meel waayay iyo cay kulama soo huluusheene
-
Hanti badan haddii loogu sheegay reer Alloore hungurigooda
-
Hadal yaraanta Rayaale haddii la arkoo lagu soo haliilayo.
-
Heeryadaad tuurtay hadduu raggi haatan kula goobayo.
-
Harta sheekhaan ku gayn hadduu maanta hadalku joogo
-
Hanadaddii S-taa la ismoodsiin inay ciidda hoos mareene
-
Heegan inaad leedahay iyo gaadh kuu holinaaya
-
Halyeeyo dab qaadi inay kuu kaceen heedhe maad sheegtid.
-
Haddaanan anigu kaa hurdin hadba doc lagaagama soo galeene
-
Hohe kuma rabo ninkaad tidhi kuma daba hadaafeene
-
Hanyaraantayduu moodi inaan ilko beelay haatane
-
Halkii dacawo macal uga baraty ku habsaanta maalin kale e.
-
Maantan hindisihoogu waa Hargaysaan galayaaye.
-
Hohe yaa noo kala turjuma garan maayo kuwan hadalkooge.
-
Hohe yaa digniin wayn u holiya dadnimo seegooda
-
Hohe yaa ku yidhaa eebow ha lug-gu’ina oo ku aada hawshiina.
-
Hadal-maluuq Abshiroow hadaad heeryaddii tuurtay
-
Shalay uun hadaad hambaaburtayood halaqyaddii iska saartay
-
Hagardaamaddii lagugu hayay haddii hibo ALLE kaa siiyay
-
Alxamdu halkaad ka odhan lahayd hadaad kibir caasha taagtay
-
Hargaysaan galayaa iyo hadduu xaalku noqday hurin colaadeed
-
Hilinkii Alle inaad seegtay hagoog igama saare
-
Hortaa intii ku lug go’aday kibirka maad hoos u eegtid
-
Huri colaad iyo ciidan heersare ah sayidkii hoobalayn jiray
-
Hayeeshee isba wakii kibirkiyo hagardaamadii eersadaye
-
Halyayadii kacaanka loo wada raxlee heerna gaadhe e
-
Na hogaami Siyaad la yidhi oo lagu wada raac hiile
-
Hargaysadaad u holinaysaa watay horay u eedeene
-
Soo mushaax hogay ku dhaceen hadaad wali soo higsanayso
-
Hal fudaydku Abshiroow waa hayb lagugu yaqaane
-
Hubsiimo li’ibaad waligaa afuuftaa uun hollace
-
Hadaad hurgumooyinkii jiray maata dib u soo hurinayso
-
Hal Alle kaama arko intaad dhiig islaam u soo haliilayso
-
Hiil ALLE inaad filataa waa habeen xalayoo tagaye.
-
Huuralayaashaad saartiyo adigu dhagar uma kala sokaysaane
-
Himbiriirsiga aragtidaaga gaaban ee kibirku haleeyay
-
Ku tidhi Hargaysaan galayaa oo hareertaan kaga dhufan hadeere
-
Hadalkiisa colaad islaam kii ku hurinaaya janadii seegye
-
Ha moogaan fidmadu dhagar islam
kama hoosyasee
-
Hiil Allana kuma filan kartid oo waa la hubaaye.
-
Hayb dhan lama hadlayo ku hal qarso is tidhiye
-
Hawl wadeendaan doortay iyo kala saartay heegan koogiiye
-
Hargaysoo dhan lama hadlayo igu hoosasi is tidhiye
-
Haduu Rayaale khaldamo waa hawl anuun ii taale
-
Hoostaadoo ololi baad waligaa igu soo haliishaaye
-
Gondahaaga hoos uma eegtid waanad hagrataaye
-
Hoygooda kuwaad ku jirtid hiil kaama helaane
-
Haybsooc-baad ku riixdeen qabaa’il dhan ood halbowlaha jartaane
-
Habqankoogu wakaa meel walba yaalee gaalada hoosgalaye
-
Hal Alle hadaad ku socotid ood hilinkii raacaysid
-
Hiil maanay kaaga baahnayn inta badda ku heermi?
-
Hadalkaygiyo wax sheega hadaad ku hakan waydo
-
Haday kaa gaayn waydooy hamuumtu ku soo qaado
-
Ha soo hilmaamin Turki iyo Morgankii Hilblaha ahaaye
-
Hareertadana ka soo kaxayso guutooyinkii Horee jabaye
-
Hub waxaad haysatana soo qabadsii hilinka dheeraa
-
Hoobaan waxaad ka heshid aan aragno haatan
-
Hilinkii janadu inuu Hargaysa ku yaal aan aragno haatan
-
Hilbaha islaam waxaad ka heshid aan aragno haatan
-
Hurimii Siyaad inaad hogoodii ku dhacdid aan aragno haatan.
Abdirahman J. Adan
Gabay Ku Socda Bacadle: Hawaawigu Dhabmaahee Miyaad Heesta Naga Daysid (Cabdale faarax sigad )
Sabti Oct 7, 2006
Tixdani waxay ku socotaa ninka la yidhaa Abshir Nuur Faarax (Bacadle) oo ah dadka ku taama amaba ku riyooda in ay jabhadaha xamar Somaliland qabsadaan. Waxana layidhaa tixda magaceeda-à Hawaawigu dhabmaahee miyaad heesta naga daysid
-
Waana tani tixduye akhris wanaagsan
-
Abshiroow hataataca iyo hadal xumaantiisa
-
Hadaad diinta hiil u tahay uma hiloowdeene.
-
Hamigaagu waakaa kuyidhi hawdaka soo qabo e’
-
Hubsanwaagu waa tii hawiye heertay waa horee
-
Hawraarta maansada adoon hubin maxaa hadalka kaa keenay.
-
Hinyi kaca iyo hamaahsiga waxbaa ku horsocdood
-
Haabo leedahaye
-
Hargeysiyo barbaraa lagu horkeenaaye, adigoo
-
hurduunbaad hawd xoraysaaye.
-
Hawaawigu dhabmaahee miyaad heesta naga daysid.
-
Afartaa hadaan hakiyo oon hoos u daadago
-
Hirdankiyo dagaalkaad wadaa Abshiroow Haybsi weeyaane
-
Haday xamar hagaag diiday ooy diintu kaHadaaftay
-
Oo aad hanoonini kufriga adi ku hoosjooga
-
Hiilbaaban soo diri lahaa iyo culimi heeryaysan
-
Ee hiilkiyo xumaantaad wadaan hiifay waahoree
-
Hawiyaa higaadini quraan waa hadal macaankaaye
-
Hashayduun baad rabtaa inaad haanta goysee
-
Hawaawigu dhabmaahee miyaad heesta naga daysid.
-
Habeenadan khayrka badan ee ibliis
-
Haanta laga buuxshat, aduunbaa dijaal
-
Nagu hadhoo Abshiroow soo hagoogane
-
Hadaad diin hawaysani bishani maba Habaaqdeene
-
Hido uma aad lahayn ee anaa diinta kuu
-
Huraye, halkaan kuugu joojaad wali ku haysaaye
-
Hawaawigu dhabmaahee miyaad heesta naga daysid
-
Halgankii hawaas iyo markaan herar xoraynaayay
-
Haylihii sayidku sheegaybaa malaha kugu hagoognaaye
-
Hada diinta lama soo dajine yaad hanoonini
-
Habeen baad gudaysaa dayuxu hoyday waa hora e’
-
Hulac iyo rasaas baan kuhelin oon timaha kaa hoolin
-
Hawlyraan kismaayaad gashee way ku hodintaayi
-
Ee hawaawigu dhabmaahee miyaad heesta naga daysid.
-
Hadii uu majeerteen hawiye soo horkaco manta
-
Oo ay hamiga soo gashaan hawdka
bari gaadha
-
Hawaas ciise joogiyo tolkaybaan soo Horkacayaaye.
-
Hadii aad hawaawiga isaaq heer istidhi maanta
-
Anigaa hogaanshoo soo horaynaaya.
-
Hubka niman hindisaan Awdal ku hayaaye
-
Heegan bay yihiin hadaad nabada
-
heertaan inay xamar Hujuumaane.
-
Hawaawigu dhabmaahee miyaad heesta naga daysid
-
Haybadaha ilaahay hibada noo siiyay sunahaa
-
uhoreeyo anagu
kama habaabayno.
-
Ee hadaad hooriyoow wiil hawiye Hilib dad ruugayso
-
Oo aad hanoon mooday dhiiga hawdhabani
-
Hargeysa inaad hantidi waa habeentagaye
-
Hawaawigu dhabmaahee miyaad heesta naga daysid
Cabdale faarax sigad
Isha: Halganews
Abshir Bacadle:
Munaafiq Shaadh Diimeed Gashaday!
Guud ahaan dadweynaha Islaamka ah
iyo qof kasta oo damiir lehba waxaa farxad galiyay oo ay ku
damaashaadayeen Farajkii Rabbi ee uu Allaha Naxariista badani kaga
feyday shacbiga muqdisho ku nool Ciqaabtii, Fidnadii, Colaadii iyo
Gumaysigii ay qabqablayaashii naxariista darnaa ay sanadaha badan ku
hayeen dadweynahaasi.
Waxa amaan iyo ducuba mudnaa
dhalinta iyo culimada is abaabushay ee dagaalka qadhaadh la gashay
dhagarqabayaashii xoogga iyo xaaraanta ku haystay dadweynaha reer
Muqdisho ee u ciilanaa inay mar uun nabad gelyo helaan kana nastaan
argagaxii siyaasiyiinta faasiqa ahi ku hayeen sanadahaas murugada
badan ee lasoo dhaafay.
Iyada oo hadaba ay amaan mudan
yihiin culimada halgankaas soo celinta xorriyada hormuudka ka noqday,
isla markaasina ay hubaal tahay in ku dhaqanka Shareecada Islaamku
ay tahay mabda'a kaliya ee horumar, nabadgelyo, iyo barwaaqo adduun
iyo mid aakhiraba u horseedi kara umadda Soomaalidu meel kasta oo ay
ku nool yihiin, ayaa hadana waxaa soo muuqanaya askhaas tiro yar oo
ka tirsan maxkamadaha balse u muuqda inay yihiin qaar munaafiqiin ah
oo tashuush ku abuuraya halganka xalaasha ah Golaha Maxaakiimta.
Xubnahaas Munaafiqiinta ah oo uu
Hormuud ka yahay Gabayaaga Abshir Bacadle waxaa muuqata in ninkaasi
uu halis ku yahay sharafta iyo karaamada halgamayaasha shareecada
Islaamka, waxaana sida ka muuqata ficilada Abshir Bacadle uu u
muuqdaa Munaafiq Shaadh Diimeed gashaday oo raba inuu waji qabiil u
yeelo halganka maxkamadaha isaga oo adeegsanaya ereyada iyo gabayada
naxliga huwan ee kasoo burqanaya afkiisa aan daahirka ahayn.
Abshir Bacadle oo hore u tiriyay
gabayo uu ugu calaacalyo kaligii taliyihii haligmay ee Siyaad Barre
oo dalbanayay in dib loo soo nooleeyo derejana lagu talo, ayaa
imikana waxa uu tiriyay gabay aflagaado iyo naxli huwan oo uu
dadweynaha reer Somaliland ugu hanjabayo inuu qax ku ridi doono oo
Dulcad iyo Harta Sheekh uu u qaxin doono.
Isaga oo Abshir sheeganaya in
Muqdishona ay tahay Magaalo Islaam Hargeysana magaalo Gaalo, isaga
oo hilmaamay in Hargeysa ay tahay mid dadkeedu ay nabad iyo caano ay
ku nool yhiin Calan Tawxiidku ku yaalaana uu ka dul babanayay 16kii
sanadood ee tagay, halka ay muqdisho ka tahay meel dadka lagu
qalanayay oo dhac, kufi iyo boob uu ka socday 16kii sanadood ee
lasoo dhaafay.
Iyada oo ay haboon tahay inaynu
maanka ku hayno in Abshir Bacadle uu yahay Shakhsi kali ah, oo aanuu
metelin Maxaakiimta Islaamka iyo xataa beesha Sharafta badan ee uu
ka dhashay toona, beeshaas oo ah beel Geesiyaal ah oo la walaalo ah
Beelaha Somaliland ee uu Abshir gabayaga cayda ah u tiriyay, ayaa
hadana waxaa lagama maarmaan ah in Maxaakiimta Islaamku ninkaas
hadalkiisa dhan isaga leexiyaan oo ay cambaareeyaan si aanuu
wasakhda afkiiska ka soo burqanaysa aanuu ugu nashuushadayn halganka
shariifka ah ee ay golaha maxaakiimtu kula jiraan cadawga Islaamka.
Dhinaca kale hadaan yara Jalleeco
Jirdilka la sheegay in lagu sameeyay Sheekh Maxamed Ismaaciil, hadii
uu jiro oo uu dhab yahay Jirdilkaasi waxaa waajib ah in Maxkamad la
horkeeno askarta jirdilka samaysay iyo kuwa amarka jirdilka
bixiyayba, sidoo kale waa in degdeg loo sii daayo sheekha lana
hakiyo dacwada loo haysto maadaama jir dil dhacay, hadiise
jirdilkaasi uu yahay mid aan jirin oo la dhoob-dhoobay waa in
talaabo adag laga qaadaa askarta jeelka joogta iyo madaxada jeelka
Hargeysa ee ogolaaday in filimkaas la duubo.
Xukunka Shareecada Islaamka iyo
Somaliland:
Waan Jeclaan lahaa in Sheekh
Maxamed Cumar Dirir iyo Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil ay iigu
fadhiistaan labada kursi ee ay maanta iigu fadhiyaan Daahir Rayaale
iyo Axmed Yaasiin, waan jeclaan lahaa Gudoomiyaha Maxkamada Hargeysa
saaxiibkay Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan inuu Kitaabka Alle iyo
shareecada Islaamka oo kaliya ku kala xukumayo ummada, halka uu
maanta ka adeegsanayo Xeerarka baaniyaalka iyo qawaaniinta faasidka
ah.
Waan Jeclaan lahaa inaan arko
Sheekh Xasan Cabdisalaan Sheekh Cali, Sheekh Maxamed Cali Geedi,
Cabdilaahi Askar iyo dhalinyarada nadiifta ah ee Ilaahay ka
cabsanaysa oo hoggaanka talada dalka qabta.
Waan Jeclaan lahaa inaan arko
Madaxda faasidka ah iyo siyaasiyiinta faasiqiinta ah oo ummada laga
qabto, lana helo madax Ilaahay ka cabsanaysa oo Kitaabka Alle ummada
ku xukunta.
Haseyeeshee waxaa arrintani ay u
taalaa shacbiga Somaliland oo qudha oo iyagu hadii ay sidan rabaan u
mari kara waddo kasta oo sharciga waafaqsan oo ay ku gaadhi karaan
inay dhistaan madax daacad ah oo cadaalad iyo kitaabka alle ku
xukunta.
Kaysar Cabdilaahi
Bristol. UK
kaysar@europe.com
Isha: jamhuriya
Tacadiga Sh.Maxamed Cismanciil
loogu gaystay Xabsiga Hargeysa oo Noqday Hadal Haynta ugu Badan ee
Soomaalida Maraykanka ku Nool
Oct 7, 2006
Ilaa iyo markii ay ku soo bexeen
shabakadaha internetka muuqaalada naxdinta leh ee muujinaya Sh.
Maxamed Cismanciil loogu gaystay xabsiga Hargaysa ayaa waxaa hal mar
is badalay fikradihii ay Soomaalida Maraykanka ku nooli ka
aaminsanaayeen maamulka Somaliland. Mashaa’ikhda diinta oo ah kuwa
loogu xurmada badan yahay Soomaalida dhexdeeda ayay dad badani
rumaysan waayeen in Sh.Maxamed haraati madadaxa lagala dhaco iyada
oo waxa kali ah ee loo ciqaabayaana ay yihiin aayado ka mid ah
qur’aanka kariimka oo uu u fasiray sidii uu ALLE u soo dajiyay. Inta
badan meelaha ay Soomaalidu ku kulanto ee dalka maraykanka sida
goobaha shaqada, xarumaha waxbarshada, goobaha ganacsiga iyo
masaajida ayaa waxaa markasta dhegtaada ku dhacaya magaca Sh.Maxamed
Cismaanciil oo ay dadku siyaabo kala duwan uga hadlayaan.
Arinka ugu weyn ee lahadal
hayo ayaa ah sida ay xukuumada Soomaaliland ugu bareertay in ay been
abuur ku tilmaanto cajalada sida cad u muujinaysa muuqaalka sheekha
oo ay lugaha silsiladi uga xiran tahay isla markaana karbaash iyo
haraati lala dhacayo. Mid ka mid ah odayaasha Soomaalida ee degan
maalada Rochester ee gobolka Minnesota ayaa yiri “Hadii ay
cajaladaasi been abuur tahay ma jirto cajalad danbe oo la rumaysan
karo, waxa sheekha lagula kacay waxay u muudaan sida qoraxda oo
kale”
Qodobka labaad ee ay dadku is
waydiinayaan ayaa ah bal waxa uu yahay danbiga sheekha loo haysto.
Labada nin ee doonaya in ay sheekha hadalka ka dhaliyaan ayaa waxay
ku doodayaan labo arimood oo kala ah 1) Sababta uu sheekhu wax uga
sheegay dawladaha Maraykanka iyo Itoobiya oo ay ku sheegeen
saaxiibada Somaliland iyo 2) In uu sheego meesha uu jiro nin la
yiraahdo Maxamed Cali Geedi oo shirkadii Al-Barakaat xisaabiye u
ahaan jiray. Arintaasi ayaa fajiciso ku noqotay dadkii cajalada
fiirsaday iyaga oo ku dooday in iyada oo uu tobaadkasta Aqalka Cad
ee Maraykanka looga taliyo hortiisa ka dhoco banaabaxyo lagu
canbaaraynayo siyaasadaha dowlada Maraykanka in wadaad jooga geeska
Afrika loo ciqaabo hadal uu ka sheegay Maraykanka. Boodigoobka ay
Somaliland ugu jirto shaqaalihii Al-Barakaat ayaa iyaduna noqotay
mid ay ku jaahwareereen Somalida Ameerika ku nool iyada oo ay Al-
Barkaat dhowaan rajaynayso in loo fasoxo hantidii ay wadamo badani
ka xayireen kadib markii ay cadaatay in aanay wax xiriir ah la
lahayn waxa argagixisada loogu yeero.
Si kastaba ha ahaatee walaaca
ay Soomaalida Maraykanka ku nooli ka muujiyeen tacadiga Sh.Maxamed
Cismanciil loogu gaystay xabsiga Hargeysa ayaa ah mid uu la wadaago
qof kasta oo Soomaalia ah oo leh damiir islaanimo iyo mid wadaninimo
waxaana ay arintani meesha ka saaraysaa beer laxawsigii ay
Somaliland dunida ugu sheegi jirtay in ay tahay jamhuuriyad uu ka
jiro nidaam dowladeed oo ilaaliya sharafta muwaadiniinta ee
aasaasiga ah.
Jirdilka Xabsiga Hargeysa loogu
Geystey Sheikh Maxamed Shiikh Ismaaciil...
Abdirizaq Ahmed
Rochester, Minnesota USA
Email:
abdirizaq88@hotmail.com
Isha: Hobyonet
AFeef: ARagtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 8, 2006