Xukunka deg-dega ah ee lagu xukumay dadkii mudaharaadka loo qab-qabtay
waa xaaraan, waana qayrul dastuuri” Sidaa waxa yidhi gudoomiyaha xisbiga
UCID ee gobolka Hargeysa Xasan Suld. C/laahi Suld. C/raxmaan oo
wargeyska Haatuf shalay wareysi kula yeeshay xafiiskiisa Hargeysa.
Guddoomiyaha Gobolka
Hargeysa Ee Xisbiga UCID Mudane Xasan Suldaan Cabdilaahi
Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye "mana ogolin in
maxbuus jidh-dil iyo si xuquuqal insaanka ka baxsan
loola dhaqmo, diiniyana ma banaana, waayo maxbuusku
xuquuq aasaasiya ayuu leeyahay oo u baahan in la dhowro".
|
Wareysigaas oo uu Gudoomiyuhu dhinacyo
badan kaga hadlayo waxa uu isaga oo dhamaystiran u dhacay sidan:
S: Sideed u aragtaa jidh-dilka la
sheegayo in lagu sameeyey maxbuus ku xidhan xabsiga dhexe ee dadweynuhu
u mudaharaaday?
J: Qof kasta oo muwaadin ahi wuxuu xaq
u leeyahay inuu mudaharaad salmi ah ra’yigiisa ku cabiro, waana xaq
dastuuri ah, hadii ay jirto cajaladan jidh-dilka ah ee laga soo duubay
Maxamed Sh. Ismaaciil iyo mudaharaadkaba waxa la odhan karaa waxaa sabab
u ah xukuumada, maadaama ay cajaladani in muddo ahba ku jirtay
mareegooyinka Internet-ka waxay ahayd inay xukuumadu guddi baadhis ah oo
madax banaan u saarto oo ay ku jiraan saxaafada, culimada iyo axsaabta
siyaasaduba, qofkuna dambi wuu geli karaa, laakiinse waxa muhiim ah in
sharciga la mariyo oo dastuurka qaranka la xaq dhawro.
Waxa nasiib darro ah in qareenada caga-juglaynta loo geysto oo
guryahoodana si sharci darro ah loo galalafo, waxaana muhiim ah in
dhacdadan guddi baadhis ah oo madax banaan loo saaro, aamusnaanta
Madaxweyne Rayaalena waxay noqonaysaa qiraal buuxa oo tuhun keeni kara
inuu jiro jidh-dilkaasi.
S: Sideed u aragtaa dadkii loo qabqabtay mudaharaadka oo la sheegay inay
guddida nabadgelyadu xukun deg-deg ah ku fulisay?
J: Anagu xisbi ahaan laba iyo toban
mudaharaad ayaanu ka baajinay dadweynaha oo waajib ahaa samayntoodu,
tusaale ahaan dilkii foosha xumaa ee wasaarada hawlaha guud ay masuul ka
ahayd ee 1-dii January 2005 lagu dilay Marxuum Axmed Shamadle iyo
Marxuum Muuse Xuseen oo si waxshinimo ah loogu dilay jago ay sharci u
haysteen, afartii beebee ee madaxweyne ku xigeenku geliyey cusbitaalka
guud ee Hargeysa, waxa kale oo aanu isna baajinay maalintii dhoweyto ee
uu madaxweyne Rayaale sida qayrul dastuuriga ah uu u jabiyey dastuurka
ee uu golaha guurtida mudada afar sannadood ah u kordhiyey, iyada oo
aanu ognahay in ummaddu ay xaq uleedahay inay ka dhiidhiyaan go’aamada
bilaa naxariista ah ee uu madaxweyne Rayaale ku talaabsanayo, hadana
waxaanu si adag u cambaareynaynaa go’aankii xaaraanta ahaa ee xukunka
deg-deg ah ee guddida nabadgelyadu ku xukuntay dadweynihii mudaharaaday,
xukunkaas oo ah mid ka soo horjeeda dastuurka qaranka, isla markaana uu
golaha baarlamaanku laalay, waana mid xaq-darro ah.
S: Hadii madaxweyne Rayaale sidan uu wax u wado wax ka bedeli waayo
maxaa idiinka qorsheysan xisbi ahaan?
J: Kolay mawqifkayaga hore ayaanu u
cadaynay in aanu ka soo horjeedno wax kasta oo sharciga dalka u yaala
khilaafsan, marnaba aqbali mayno marka uu gudoomiyaha xisbigu safarka
dibadda ka soo noqdo bisha Ramadaan ka dib ayay go’aanada xisbigu si
rasmi ah u soo bixi doonaan.
S: Sidee baad u aragtaa in loo mudaharaado maxaabiista xabsiga ku xidhan
ee kiiska argagixisada ku eedeysan?
J: Horta marka u horeysa qof kasta oo
fal dambiyeed qarankan ka galay in sharciga la mariyaa waa waajib, qof
dambi galay oo maxkamad horteeda dambi kaga cadaadayna u mudaharaadkiisu
waa mid khaldan, maxaabiista arimahan ku eedaysana waxa loo baahan yahay
in wixii maxkamadda kaga cadaadda ee kiiskooda ka soo baxa la sugo, mana
ogolin in maxbuus jidh-dil iyo si xuquuqal insaanka ka baxsan loola
dhaqmo, diiniyana ma banaana, waayo maxbuusku xuquuq aasaasiya ayuu
leeyahay oo u baahan in la dhowro.
Xisbiga
KULMIYE ayaa warsaxafadeed uu maanta soo saaray ku tilmaamay Cajaladd
Video oo netka lagu shaaciyey tilmaamaysayna jidh dil loo gaystay Sh.
Maxamed Ismaaciil Wadaad la yidhaahdo oo ku xidhan Xabsiga Hargeysa Mid
Been Abuur ah oo loogu tallo gallay in lagu waxyeeleeyo Sumcadda iyo
kalsoonida Somaliland, waxaa kale oo Xisbiga KULMIYE warsaxafadeedkani
ay ku sheegeen inay ka gun gaadheen cajaladani kuna tilmaamayaan
Shirqool iyo khal khal gelin lagu samaynaayo xasiloonida iyo madax
banaanida Somaliland, waxaa kale oo Xisbiga KULMIYE dhaleecaynayaa
cabudhintii iyo caga juglaynta loo gaystay Garyaqaanada.
Wuxuu Xisbiga KULMIYE ku talinayaa in
guddi heer qarran oo ay ku jiraan culumada diinta, dhakhaatiir,
xisbiyada Qarranka, iyo haayadaha xuquuqul insaanka loo xil saaro
arrintani baadhitaankeeda, haddaba Warsaxafadeedkani oo uu ku
saxeexanyahay Ku Simaha Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna Guddoomiye Ku
Xigeenka Mudane Maxamuud Saalax Nuur Fagadhe ayaa isagoo dhamaystiran
wuxuu u dhigna sidani:
"Ma noqon karta cajaladu mid la isu
geegeyay sida dad badani qabaan?
Jawaab :-Maya ma noqon karto waayo codkii
iyo Body languageki iyo Muqaalkiiba waa kii Sh Maxamed xage wax la isaga
gayn karaa. Dadka aan la hadalay oo dhan ee reer Hargeysana wax yar oo
shakiyi kuma jiraan. Waxaan aad uga helay Lawyerka Sheekha oo yidhi Nabi
Maxamed Cs ayay Qurayshi ku tidhi waa Gabay quraanku, deedna u ku yidhi
Cs " 10 aayadood oo la mida so saara hadu Gabay Yahay Quraanku" Ee bal
mid la mida soo saara oo keena cid kasta adeegsadoo."
AKHRI HALKAN...
|
"Xisbiga KULMIYE waxa uu cambaaraynayaa
cajaladda been abuurka ah ee loo maleegay in Somaliland lagu waxyeeleeyo
eek u soo baxday websiteyada ee ka been sheegaysa jidh-dil la leeyahay
waxa loo geystay nin loo haysto falal argagixiso.
Wararkaa been abuurka ah waxaa loogu
talo galay in lagu waxyeeleeyo sumcadda iyo kalsoonida Somaliland .
Guddiga Fulinta ee Xisbiga KULMIYE, cajaladaasi si fiican ayuu u dersay
, waqtina way nagu qaadatay xaqiiqo raadintaasi,.
sidaasi daraadeed, Xisbiga KULMIYE ayaa
ugu dambeyey ka hadalka arrintan , waxaanuna gaadhnay inay tahay been-abuur
, shirqool iyo khal-khal gelinayo xasiloonida iyo Gooni-isu-taagga
Somaliland.
Xisbiga KULMIYE waxa uu ku talinayaa:
In Guddi heer Qaran ah oo ay ku jiraan
Culumada diinta, DHakhaatiir, Xisbiyada Qaranka iyo hay’adaha Xuquuqal
insaanku , loo saaro arrintan, si looga baaraan dego xaqiiqada iyo cidda
ka dambeysay falkan.
In la soo afjaro xukunka maxkamadeed ee
dadka loo haysto fal-dambiyeedyada Argagixisanimada eek u jira Xabsiyada
Somaliland, waayo , caddaalad raagtaa waa caddaalad xumo (Justice
delayed is justice denied ). Iyadoo la ogyahay in dembilihii dorraad loo
qabtay falka isku dayga dilka ah ee nin ajnabi ah, isla markiiba 24
saacadood gudahood lagu xukumay 10 Sanno oo Xadhig ah,waa arrin qalad
ah, waxayna u baahnayd ka fiirsasho iyo baadhitaan dheer. Sidoo kale dib
u dhaca Xukunka maxkamada ee dadka argagixisada u xidhani, wuxuu keenay
inuu maanta dalku khal-khal galo, dembigaasna waxaa iska leh Xukuumada,
waxana ay ahayd in mar hore Kiiskooda la gebogebeeyo.
Been abuurkaa la sameeyey ee khal-khal
gelinta khatarta ah ee dalka lagu sameeyey, ee aan laga daba tagein, waa
guul-darro ay sameysay Wasaaradda sheegata inay u xilsaaran tahay
wacyigelinta iyo hannuuninta dadweynaha oo ay maanta ka dheereeyeen
Websityada yar yare ee Xin-galool, Hawd iyo Nugaal.
Mabaadii’ida Xisbiga KULMIYE iyo sida
Dastuurka Somalilandba qeexayo, labaduba way ka soo hor-jeedaan jidh-dil
iyo wixii xuquuqal Insaanka waxyeelaynaya. Sidoo kale waxaanu
cambaareynaynaa caga-juglayntii iyo cabudhinta loo geystay garyaqaanada"
Wasiir
Ku Xigeenka Cadaaladda Oo Ka Hadlay Kulan Uu La Yeeshay Sh.M.Ismaaciil "Wuxuu
Yidhi Suun Ayaa La Igu Garaaci Jiray Waxaanu.."
Somaliland.Org — Hargeisa,
Somaliland — 3 October, 2006
Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda
Cadaaladda Somaliland Mudane Yuusuf Ciise Tallaabo iyo xubno ka
tirsan Haayadda Xuquuqul Insaanka Somaliland oo shir jaraa'id
shallay ku qabtay Xafiiska Wasiir ku xigeenka Cadaaladda ayaa
sheegay in ay la kulmeen Sh. Maxamed Ismaaciil oo ah Wadaad dhawaan
la sheegay in lagu jidh dilay Xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa,
ugu horayn Wasiirka Cadaaladdu wuxuu sheegay in ay ugu yeedheen Sh.
Maxamed Ismaaciil Xafiiska Taliyaha Xasbiga dhexe ee Hargeysa
halkaasi oo ugu xog waramay
Mudane Yuusuf Ciise
Tallaabo oo Shirkaasi Jaraa'id Bixinaya Shallay
Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa
|
"Waxaanu shallay (Dorraad) annaga
oo wada socona Saraakiil ka tirsan Haayadda Xuquuqul Insaanka
Somaliland u wada tagnay Sh. Maxamed Ismaaciil oo aanu ugu yeedhnay
Xafiiska Taliyaha Xabsiga Hargeysa Sheekha waxaanu la joognay 45
Daqiiqo, waxaanu sheekhu hadalkiisa noogu kala qaaday laba qaybood,
Qaybta hore oo uu kaga hadlaayo cabasho uu qabbay oo uu lahaa Aabay
iyo Xaaskaygii ayaa Wax laga sheegay isagoo ka andacoonaaya Wasiirka
Daakhliga Cabdilaahi Ciro, iyo qaybta labaad oo uu kaga hadlay
isagoo kiiskiisiiba bedelay kuna sheegay inuu ku eedaysanyahay oo
lagu haysto inqilaab uu la sameeyey Niman SNM ah" ayuu yidhi Mudane
Yuusuf Ciise Tallaab,
Mudane Tallaabo oo sharaxaad ka
bixinaaya Su'aalo ay ka weydiiyeen jiritaanka Cajalad Video oo isaga
lagu jidh dilaayo iyo wuxuu ugu jawaabay wuxuu yidhi " Waxaanu
Weydiinay Seddex Su'aalood oo kala ahaa 1. Maxamedow Ma jirtaa in
lagu jidh dillay? wuxuu ku jawaabay Haa Waa La I Jidh Dilay, Waxaanu
weydiinay Maxaa lagugu dili jiray? wuxuu yidhi Suun ayaa la igu
garaaci jiray isagoo farta ku fiiqay Suunka nooca Ciidanka oo meesha
yaallay, iyo aalad kale oo ah ayuu yidhi laydh yar oo jac kaa
siinaaya, Waxaa kale oo aanu weydiinay yaa ku dili jiray? wuxuu ku
jawaabay Dad Madaxa Duuban. Waxaanu weydiinay Maxaad wakhtigaasi oo
dhan u qarinaysay ee aad u sheegi wayday? wuxuu ku jawaabay
Cajaladda Video-ga ah ayaa dhinaca Xukuumadda ku maqnaydo intay ka
soo baxayso ayaanu sugaynay.!"
Mudane Yuusuf Ciise Tallaabo wuxuu
sheegay markii aanu intaasi su'aalahaasi weydiinay ayuu isaguna
Su'aalo kale nagu bilaabay wuxuu na weydiiyey ayuu yidhi bal sida
dadku isaga u arkaan ee ay u dareensanyahiin? Waxaananu ugu
jawaabnay ayuu yidhi "Waxay dadku qabaan in Cajaladdani Samaysay
macmal ah tahay oo nin aad walaalo tahiin Oo Internetka Baar Jibouti
lagu sameeyey qolo maraykan ka timidna ay hawlahani iskugu kiin
hagaajiyeen, sidaasi ayey dadku qabaan ayaan ku idhi" ayuu yidhi
Mudane Tallaabo.
Mudane Yuusuf Ciise Tallaabo wuxuu
sheegay in isagoo ka faa'iidaysanaya khibrado hore oo uu lahaa
Xabsiga dhexe ee Hargeysa oo uu sheegay inuu mar ku xidhnaa Sh.
Maxamed Ismaaciil ku jiro qolka ku xiga, uu arko waxani oo dhan mid
lagu xumaynaayo qaddiyadda iyo karaamada Somaliland, wuxuuna sheegay
in qofka xidhani uu mar walba necayb u hayo maamulka jira, taasina
ay ka muuqato ayuu yidhi sh. Maxamed Ismaaciil laftigiisa, Mudane
Tallaabo wuxuu digniin ka bixiyey wadaaddo uu sheegay inay iskaga
dab qaadaan magaalo Madaxda Hargeysa iyo Soomaaliya kuwaasi oo uu ka
magacaabay Wadaadda Tabliqiyiinta wuxuuna sheegay inay khatar ku
yahiin Qaranimada Somaliland.
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
Somaliland.Org, Hargeisa
diridhaba@gmail.com
“Waxaannu Weydiinay Sheekha in la Jidh-dilay, Wuxuuna Noo sheegay; ‘Suun ayaa Layla Dhici jiray, Kaadidii iyo Baytalmiigii Waa la ii Diiday’ (Wasiir-ku-xigeenka Caddaaladda)
‘Horta sheekadani waa arrintii Samsam oo kale’
Halganews, Hargeysa. | Oct 3, 2006
Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland, Md. Yuusuf Ciise Ducaale (Tallaabo), ayaa ku tilmaamay Sheekh Maxamed Sh. Ismaaciil iyo cajaladda fiidyowga ah ee laga faafiyey mid siyaasadeed oo gabbood lagaga dhiganayo arrintiisa. Sidaana waxa uu ku sheegay shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiska, kaas oo saxaafadda xog-warran kaga siiyey kulan ay Xabsiga Dhexe ee Hargeysa isaga [Tallaabo] iyo masuuliyiin ka tirsan Komishanka Xuquuqal-insaanka Qaranka (National Human Right Commission) kula yeesheen Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil, oo ah maxbuuska.
Md. Tallaabo; oo faahfaahinayey sida ay ku tageen Xabsiga Dhexe iyo qaabkii ay ula kulmeen Maxamed Sh. Ismaaciil, waxa uu yidhi; “Annaga oo wada socona Komishanka Xuquuqal-insaanka Qaranka, ayaa shalay [dorraad] waxaannu tagnay Jeelka. Xafiiska taliyaha ayaannu ugu yeedhnay [maxbuuska].”
Intaa kadib, waxa uu ka warramay muddadii ay la joogeen Maxamed Sh. Ismaaciil iyo waxyaabiyihii ay ka warsadeen. “Sheekha waxaannu la joognay 45 daqiiqo, waxaannu sheekhu hadalkiisa nooga dhigay laba qaybood – qayb dheer oo uu kaga hadlayo tabasho uu kaga hadlayo aabbahay iyo xaaskaygii baa war laga sheegay – isaga oo tixraacaya khudbad uu akhriyey Wasiirka Daakhiliga [Cabdillaahi-cirro] iyo kiiskiisii oo uu dhalan-gediyey qodobaddii uu ku eedaysnaa oo ahaa Q.222aad, kana dhigay in uu ku eedaysan yahay inqilaab uu la dhigay niman SNM ah.”
Md.Tallaabo iyo xubnaha kale ee ka socday Komishanka Xuquuqal-insaanka Qaranka, oo ay ujeeddada booqashadoodu ahayd in ay Sheekha wax ka weydiiyaan jiritaanka muuqaalka cajaladda fiidyowga ah ee lagu faafiyey shabakadaha internet-ka, waxa uu Wasiir-ku-xigeenku sheegay in ay weydiiyeen dhowr su’aalood.
“Waxaannu weydiinay [Maxamed Sh. Ismaaciil] saddex su’aalood: Kow; Maxamedoow ma jirtaa in lagu jidh-dilay? ‘Haa,’ ayuu yidhi. Waxaannu weydiinay; maxaa lagugu dili jiray? ‘Suun,’ ayuu yidhi; ‘work-talk-ga halkaa yaal, aalad le’eg oo kale oo ahayd laydh yar oo jac kaa siinaya.’ Waxa kale oo aannu su’aalnay yaa ku dili jiray? ‘Dad madax duuban,’ ayuu yidhi. Waxaannu weydiinay; maxaad muddadaas oo dhan u sheegi wayday? Waxa uu yidhi; ‘cajaladda ayaa xagga dawladda ku maqnayd oo inta aannu ka soo saarayno ayaannu sugaynay.”
Md. Tallaabo, waxa kale oo uu sheegay in uu Sheekhu weydiiyey; bal sida dadku u dareemeen arrintiisa, isla markaana ay ugu jawaabeen; “Waxay dadku qabaan in cajaladdani samays tahay, oo nin aad wallaalo tihiin oo Internet-ka Baar Jabuuti ku yaalla lagu sameeyey, qolo Maraykan ka timina ay hindisaha iyo arrimaha idinla hagaajiyeen.”
Wasirka oo ka hadlayey kulanka Sheekha, waxyaabaha uu ku soo arkay iyo aqoontiisa ku wajahan xadhigga iyo arrimaha xabsiyada, waxa uu yidhi; “Aniga oo ka faa’iidaysanaya waayo-aragnimada aan u leeyahay xadhigga iyo xabsiyada…. Waayo, 13 jeer ayaa la i xidhay. Saddex goor oo ka mid ahna xabsiga Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil ku jiro iyo qolka uu ku xidhan yahay ayaan ku xidhnaa. Qof waliba rajiimka xidha wuu neceb yahay, markaa horta waxa iiga muuqday Sheekha mucaaradad adag oo wax abaabulaysa,” ayuu yidhi.
Ugu dambayn, Wasiir-ku-xigeenkii markii uu dhammeeyey waxyaabihii ay is-dhaafsadeen Maxamed Sh. Ismaaciil, waxa uu tafaasiil dheer ka bixiyey dhaqdhaqaaqyadan iyo arrimaha hadda socda, kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay yihiin qaar lagu minjo-xaabinayo madaxbannaanida iyo jiritaanka Somaliland. Isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Middi waa hay’adaha UN-ta oo siminaarro iyo work-shop-yo dadka u qabanaya, kuwaas oo ay marna xaggaa [koonfurta Soomaaliya] geynayaan, marna halkan [Somaliland] isugu keenayaan. Haddii aad dhegaysataan marka warbixinaha Soomaaliya la sheegayo, waxay yidhaahdaan hay’adaha federaalka ahi waa laamaha ururrada ee kala duwan, waana qorshaha caalamiga ah ee ku wajahan in la mideeyo Soomaaliya.
Qaabkaas waxa kale oo ku hoos jira in dadka adag dawladda laga dhammeeyo, waa hab caalami ah oo ay ku shaqeeyaan dadka mukhaabaraadka ahi. Waayo, gorgorka marba baal ayaa laga rifaa ilaa inta uu duuli kari waayo marka dambe. Qorshaha caalamku dawladeenna ula dagaalamayaa waa noocaas.
Tan labaad; waxa arrintaa dhinac socda Tabliiq. Isaguna 20 iyo 40 cisho dadka u saaraya, Baydhabo ayaa la geynayaa, Ijtimaaciina Xamar baa lagu qabanayaa. Arrimahaas oo dhammi waa siminaar iyo work-shop is-barbar socda. Labadaasina goonni-isu-taagga Somaliland waa u dhibaato cidda wada, waayo, labaduna waa midayn.
Waxa kale oo jira arrimo dhulka hoostiisa socda oo qorshahoodu yahay ku du’ dareenka dadweynaha dawladda, kaas oo ah mid dadka lagu celcelinayo odhaaha ah; dawladdu way xun tahay, kacaanku wuu xun yahay, aakhirkiina dadku waxay yidhaahdaan dawladdu way xun tahay.”
“Waxaannu weydiinay annaga oo saaxiib ah. Waxa uu noo sheegay; ‘suun ayaa layla dhici jiray, kaadidii iyo baytalmiigii waa la ii diiday, oo Maxamed Cige ayaa markii dambe ii fasaxay oo markaa Jananka Bilayska ahaa. Waxa kale oo la igu samayn jiray qalab lagu jacsiin jiray jidhkayga, nabarro uu igu sameeyeyna ma jirin. Muddo dabada ayaa dhiig iga shumbayey.’ ma nabarro caloosha lagaaga dhuftay bay ahaayeen ayaannu weydiinay; ‘maya,’ ayuu yidhi; ‘laakiin dabada ayaa laad la igaga dhuftay.’ Wax aannu qaadanaana way ka soo gu’i waayeen wadaadka.”
“Horta sheekadani waa arrintii Samsam oo kale ee aynu nidhi kaalaya Jimciyadda Quruumaha oo dhakhaatiir keena ee waxba laga waayey, ee haddana internet-ka ku wareegi jirtay. Arrinku waa arrinkii, inta yar ee sawirka ah ayaa ku soo biirtay, markaa niman culimo iyo dhakhaatiir ahi way tageen Jeelka oo waxay ka soo saarayaan go’aan,” ayuu yidhi Md. Yuusuf Ciise Taallaabo.
AA.Sheekh, Halganews, Hargeysa.
Mudaharaad
Jawaab U Ah Banaabax Shallay Ka Dhacay Burco Oo Maanta Ka Dhacay Isla
Burco Xarunta Gobolka Togdheer
Somaliland.Org — Hargeisa,
Somaliland — 4 October, 2006
Waxaa Maanta maalintii labaad ka
dhacay Xarunta gobolka Togdheer ee Burco Banaabax labaad,
Mudaharaadkani saaka ka dhacay Burco ayaa ka gedisna kii shallay ka
dhacay magaaladaasi iyadoo dadka Maanta Mudaharaadaayey ay jawaab
uga dhigayeen Banaanbaxani kii shallay.
Shabakadda Somaliland.Org oo maanta
barqadii khadka telefoonka kula xidhiidhay Weriye Luqmaan Xamse
Maxamed Gadaweyne oo ku sugan magaalada Burco ayaa wuxuu noo
xaqiijiyey in mudaharaadkani qaban qaabadiisa laga dareemaayey
magaalada ilaa habeenkii xallay iyadoo xallay iyo saaka waabarigii
horana ay magaalada dhex gooshayeen gawaadhi ay ku rakibanyahiin cod
baahiyayaal lagu ogaysiinaayo shacabka reer Burco in ay iskugu
yimaadaan banaabax.
Banaabaxayaashani ayaa waxay ka soo
horjeedeen banaabax isagu shallay ka dhacay magaalada Burco kaasi
waxaanay dadkaasi mudaharaadaayey si weyn u taageersanayeen hadalkii
Xukuumadda Somaliland ay ku naqdiday jiritaanka Cajalad Video oo
Netka lagus shaaciyey taasi oo tilmaamaysay garaac iyo jidh dil loo
gaystay Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil wadaad la yidhaahdo oo ku eedaysan
falal argagixiso kuna xidhan Xabsiga dhexe ee Hargeysa,
mudaharadayaasha ayaa waxay iskugu soo uruureen Garoonka Kubadda
Cagta ee magaalada Burco halkaasi oo ay hadalo iyo khudbado kala
duwan uga jeediyeen dadkii Mudaharaadaayey Cuqaasha, Salaadiinta iyo
waxgaradka reer Burco.
Banaabaxani Saaka ayaa ka weyna kii
shallay magaalada ka dhacay iyadoo Weriye Luqmaan Xamse uu noo
caddeeyey in garoonka Kubadda Cagta ee magaalada Burco ay dadk isku
buux dhaafiyeen, kelmadaha ay ku dhawaaqayeen ayaa waxaa ka mid ahaa
Xamar dooni mayno, Maxkamad beenalayaal dooni mayno, iyo kelmado
kale oo ay dadkaasi mudaharaadaayey ku durayeen wadadda reer Burco
oo shallay iyago mudaharaadkii ka dhacay magaalada qaban qaabiyey.
Mudaharaad
Salmi Ah Oo Ka Dhacay Magaalada Burco: Waxay Ka Mudaharadayeen Jidh
Dil La Sheegay In Loo Gaystay Sh.M. Ismaaciil
Somaliland.Org — Hargeisa,
Somaliland — 03 October, 2006
Qaar ka mid ah dadweynaha
magaalada Burco ku dhaqan ayaa maanta waxay iskugu soo baxeen
Mudaharaad ay sheegeen inay kaga soo horjeedaan jidh dil la
sheegay in lagu sameeyey Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil Wadaad la
yidhaahdo oo ku xidhan Xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa taasi
oo lagu muujiyey cajalad Video ah oo Internetka lagu shaaciyey
balse Xukuumadda Somaliland ay ku tilmaantay Mid uu cadawga
Somaliland soo dhoodhabay oo la doonaayo in wax lagu yeelo
karaamada iyo sharafta Somaliland leedahay.
Dadweynaha Magaalada
Burco Oo Iskugu Soo Baxay Mudaharaad Ay Kaga Soo
Horjeedaan Jidh Dil La Sheegay in Loo Gaystay Sh.
Maxamed Ismaaciil Xabsiga Dhexe Ee Hargeysa Balse Ay
Xukuumaddu Beenisay
|
Banaanbaxani ayaa saaka wuxuu
ka bilaabmay badhtamaha magaalada Burco, Shabakadda Wararka ee
Somaliland.Org oo khadka telefoonka ee magaalada Burco kula
xidhiidhay weriyayaal ku sugan halkaasi ayaa waxaa loo
xaqiijiyey in markii banaabaxaasi uu bilaabmay ay goobta
yimaadeen Badhasaabka gobolka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere iyo
maayorka magaalada Burco oo ay wehelinayeen ciidanka ammaanka ee
magaalada Burco, Dadweynahani ayaa waxaa soo horkacay Culumada
magaalada Burco, waxaanay iskugo soo uruureen Garoonka Kubadda
magaalada Burco halkaasi oo hadalo iyo khudbado kala duwan ay ka
jeediyeen culumada magaalada Burco, dadweynahii reer Burco oo
Mudaharaadkani salmiga ah ka qayb qaadanaayey ayaa waxay ku
dhawaaqayeen kelmado ayey kaga soo horjeedaan jidh dilka la
sheegay in loo gaystay Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil iyagoo ugu
baaqay Xukuumadda Somaliland inay baadhitaan ku samayso falkani
isla markaana cadaaladda la horkeeno dadkii ka danbeeyey, dadka
reer Burco waxay sidoo kale ku dhawaaqayeen kelmado ay ku
diidanyahiin xadhiga Wadaadani waxaanay ku baaqayeen in la sii
daayo oo Xorriyadooda loo sii daayo, haddiba waxaa lagu haysta
tahay in ay waxyeelayaan amerikaan iyo Ethiopia.
Mudaharaadkani ayaa ku
dhamaaday jawi nabadgelyo waxaanay Banaabaxayaashu ay
shucuurtooda ku muujiyeen si xor ah iyadoo aanay cidi ka
hortagin, ciidamada Amaanka ayaa iyagu hareeraha kaga jiray
dadkani mudaharaadayey iyadoo maamulka Gobolka Togdheer-na
bilawgii mudaharaadkani isku dayey inuu qaboojiyo xaaladda balse
ay u suurtagal noqon wayday, Mudaharaadkani saaka ka dhacay
magaalada Burco wuxuu ahaa kii ugu balaadhna, waxaa sidoo kale
Mudaharaadyo kani la mid ahi hore uga dhaceen magaalooyinka
Hargeysa, Ceerigaabo, iyo Xingalool ee gobolka Sanaag.
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
Somaliland.Org, Hargeisa
diridhaba@gmail.com
Maxamed Sh. Ismaaciil oo Afka ka Xidhay Guddi Gaar ah oo Xabsiga ku Booqday
Hargeysa (Jam)- Sheekh Maxamed Sh. Ismaaciil, oo ah maxbuuska muuqiisa lagu baahiyey cajalad fiidyow ah oo lagu faafiyey bogagga internet-ka, iyada oo lagu samaynayo jidh-dil, ayaa afka ka xidhay in uu wax xog ah ka siiyo culimaa’udiinka magaalada Hargeysa oo weheliyaan waaxda garsoorka qaranka ka tirsan oo gelinkii dambe ee shalay ku booqday Xabsiga Dhexe ee Hargeysa.
Ma jiro war madaxbannaan oo daboolka ka qaadaya kulanka dhexmaray maxbuuska iyo kooxdaas.
Hase yeeshee, sida ay Jamhuuriya u xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo ku dhowdhow kooxdaas, ayaa sheegay in uu Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil diiday in uu wax xog ah oo ku saabsan jiritaanka cajaladdaas ka siiyo culimada iyo baadhayaasha, ka hor inta aanu la tashan qareenkiisa, sidaana uu ku baaqsaday hadafkii ay kooxdaasi maxbuuska ugu booqdeen Xabsiga Hargeysa ee uu ku xidhan yahay.
Waxa kale oo ilahaasi tibaaxeen in ujeeddada kooxda culimada iyo baadhayaashu ahayd sidii ay maxbuuska uga waraysan lahaayeen jiritaanka cajaladda la faafiyey, iyaga oo la kaashanaya Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil oo ah nin wadaad ah ay ku dhaariyaan kitaabka Qur’aanka in uu falka cajaladda lagu muujiyey uu yahay mid jira iyo in kale.
Qaar ka mid ah xubnaha culimada ah ee booqday maxbuuska, oo Jamhuuriya isku dayey xalay in uu wax ka weydiiyo arrintaas, ayaanay u suurtogelin. Sida oo kalena, waxa aan iyana noo suurtogelin in aan la xidhiidhno qareenka Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil. Waxana wararka qaarkood sheegeen in qareenka oo habeenimadii Sabtidii ciidamada ammaanku baadheen gurigiisa uu ka baqayo in ay xukuumaddu xidho, haddii uu soo baxo.
Hase yeeshee, ma jiraan tibaaxo xaqiijinaya arrintaas oo ka soo baxay dhinaca Garyaqaan Maxamed Siciid Xirsi, isla markaana ma cadda in uu jiro amar ay xukuumaddu ku farayso soo qabashadiisa.
Arinta
Sheikh Maxamed Namay Qancin Jawaabta Dawlada S.land Ka Bixisay
Osman Omar Dool — Oslo, Norway —
04 October, 2006
BRR.
Ramadaan Kariim dhamaan dadka muslinka
ah meel ay joogaanba.
Hadii wax la sheego waxay noqon
karaan laba midkood. Run iyo Been.
Cidii sheegtay sheygaa laga hadalyo
waxaa banaan in laba wado loo raaco kuwaas oo kala ah in looga
markhaati furo oo la yidhaa waa wax jira, oo hadii ay wax xumaan
ahaydna danbegeeda dusha loo rito, hadii ay wax wanaagsan ahayeen
waxa la sheegayna kii markaa wariya iyo kii sameeyayba kheyr baa ugu
jira.
Hadiise been la sheego oo waxaan
jirin la sheego waxaa banaan cidii laga sheegay inay iska beri
yeesho oo si waadaxa oo aan caad saarnayn ay isaga leexiso. Waxaa
markaa denbigii fadhiisanaya kii soo wariyay oo manaafaq noqonaya,
waxaana tuhunka iyo shakigu ka baxayaa kii loo sheegay.
Arinta cajalada muuqalka ah ee lagu
shaaciyay shabakadaha internetku waa laba mid uun inay jirto iyo in
aanay jirin. Hadaba waxaa fiican in xaqiiqda loo noqdo oo la is
waydiiyo sidee loo cadeyn karaa arintani inay jirto iyo in aanay
jirin. Marka laga tago dadka wax mala awaala ee rayigoodu inta badan
ku salaysan yahay weerar iyo difaac ayaa waxaa la odhan karaa
arintaa xaqiiqdeeda cida ogi waa Alle iyo cida gacanta ku haysa
Sheekha xidhan ee cajaladu sheegayso inuu yahay Sheekh Max`ed
Ismaciil.
Waxaa haboon in arinta haneedka
laga maro oo halka ay ka dhawdahay loo doono oo aan meel kale laga
doonin, ma aha in dadku ay Somaliland jacayl u difacaan hadii
xumaani jirto waxay taasi keenaysa in dadku hadii ay difaacaan cid
dulmi samaynaysa in dulmigu iyaga laftooda uu aakhirka fadhiisan
doono. Waxaa sidoo kale iyaduna fiican in arinta in hadii wax la
sheego ama la arkoo laga fiirsado inay jiraan intaan wax talaabo ah
la qaadin markaa ma haboona in mudaharaad iyo fawdo lagu dabaqo arin
aan wali la hubsan oo aan si aad loo hub run iyo been ka ay tahay.
Si hadaba uu tuhunku meesha uga
baxo waxaa dawlada Somaliland ee uu Daahir Riyaale M/weynaha ka
yahay ku haboon inay si dhaqso ah arinta uga bixiso jawaab cad oo
waafiya oo hadii arintu aanay jirina ay keento cadeyn lagu qanci
karo oo ugu yaraan ah in Sheekha laftiisii la oglaado inay soo
waraystaan cid dhexdhexaad ahi, hadii arintu tahay mid jirta oo
dhabana si dhaqso ah wax looga qabto oo cadaalad la hor keeno cida
falka samayneysa. Waxaa anigu rayi ahaan aaminsaney in jawaabtii uu
bixiyay Wasiirka arimaha guduhu ay ahayd jawaab aan lagu qanci karin
oo ka fog xaqiiq lagu qanci karo ama u cuntami karta dadka arintan
shakigu kaga jiro ee aan wali qaadan go`aan ay ku beeninayaan ama ay
ku rumaynayaan.
Hadii Dawlada Somaliland ay sidaa
yeeli waydo oo arintaa ay indhaha ka qarsato waxaa abaalkeedu noqon
doonaa in jilbaha dhulka loogu dhufto oo ay ku gadoodaan dadweynaha
aan raalida ka ahayn in qof aaminsan diinta islaamka lagu ciqaabo
halkii uu u dhashay iyadoo la raali galinayo dawlado aan kolbay
nasteex u ahayn dad muslina.
Alla mahad leh
Osman Omar Dool
Oslo Norway.
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan