Hubso: Ma jidhdil wadaad
mise fidno abuur?
Cabdillaahi Cawed Cige
Guulaha cusub ee farsamada
isgaadhsiinta casriga ah, gaar ahaan mareegta internet-ka, laga hirqaday waxa ka
mid ah awoodda qofku u helay inuu waxa uu doono, meesha uu doono, goorta uu
doono, isaga oo aan Eebbe iyo aadami midna ka baqanayn iska yidhaahdo.
Waa guul aad loogu riyaaqo,
gaar ahaan haddii aad fidmowale, tuug, geedismaris ama dhagarwade tahay. Inta
aad been buurtii Surrad ka culus oo quruumo isku rogikarta soo dhisto ayaad
hawada ku tawsiinaysaa, waa taas malaayiin ‘run u qaatayaal ah’ oo wixii loo
sheego sida midhaha darayga u liqayaa toos isu dhaafiyeen ee uunka dacalwalba
gaadhsiiyeen. Adiguna waa ku kaas dib u fadhiistay ee qalbiga munaafaqaddu
yuururto maalmaha khayrka leh ee Ramadaan meel ifka ku taal la dingiiga ee sidii
qof Qudus xoreeyay isu bogaya!
Waxa maalintii bisha
Sebtambar 24ka ahayd, sannadka 2006, bogga sumaddiisu tahay
radiolaascaanood1.com soo dhejiyay fiidyow cinwaan looga dhigay;
“jidhdilka iyo foolxumada ka jirta xabsiga Hargeysa oo argagax leh daawo falka
lagula kacay Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil.” [Video-ga
ka daawo halkan...]
Fiidyowgan oo sheekadiisu
imika gaadhay mashriq iyo maqrib waxa aan daawaday afar jeer. Aniga oo ka talo
qaadanaya maahmaahda ah; “Muslinow run sheeg, Muslinowna run uga qaado” ayaan
doorbiday in aan idinla wadaago xogta iiga iftiintay sawirka, oo u muuqata mid
ka dhuumatay dad badan oo fiidyowga daawaday oo sidii midhaha darayga ku liqay
wixii meesha ku jiray.
Waxa aan marka hore afeef ka
dhiganayaa in aan qoraalkaygu ku socon Shiikha la magacaabay iyo xaaladdiisa,
xabsi iyo xor ka uu yahay, islamarkaana aanan gudagelayn rikoodhka iyo raadadka
xuquuqda qofka ee xukuumadda Somaliland, taas oo ah sida aan qabo mawduuc kale
oo ballaadhan oo dood kale lagaga hadlikaro. Waxa keliya ee aan jecelahay in aan
daaha ka qaado Fiidyowga bogga
radiolaascaanood1.com faafiyay iyo nuxurkiisa, run iyo been ka uu u eg
yahay.
Fiidyowgu wuxuu ka kooban
yahay laba qaybood oo kala ah:-
-
Waraysi iyo
-
Jidhdil
1. Waraysiga:
Fiidyowgu wuxuu ku
bilaabmayaa waraysi lala yeelanayo nin soo fadhiya oo gashan funaanad gamco
go’an iyo macawis. Ninku wuxuu fadhiyaa qol u eg mid aan si fiican loo talbiisin,
meesha wax gogol ah oo ka muuqataa ma jiraan aan ahayn buste dhulka ku goglan oo
ninku ku dulfadhiyo. Waxa aan malaynayaa in meesha afar qof joogaan, mid waa ka
kamaradda haya, labana laba rikoodh oo yaryar ayay bidix iyo midig ka soo
taagayaan oo hor hayaan ninka afraad oo ah kan wadaadka lagu tilmaamayo.
Ninku wuxuu u muuqdaa in
gamcaha iyo addimaddu isku xidhan yihiin, marka hore qaarkiisa hoose lagu
tusimaayo. Waxa aad arkaysaa laba gamcood oo dhinacyada ka soo taagaya rikoodho
yaryar oo kuwa wariyayaashu adeegsadaan u eg. Weydiimo aan qaabaysnayn oo
mawduucyo kala duwan marba mid u boodaya ayaa ninka lagu boobayaa, muxaadarooyin
baa wax laga weydiinayaa, Itoobiya, Maraykanka oo masaajid gudihiisa wax lagaga
sheegay, shirar la leeyahay waxa aad la yeelatay SNM iwm.
Ninka dhinaca bidixda
rikoodhka ka soo taagaya ayaa mar aad ugu soo dhowaanaya ninka wax la weydiinayo
oo madaxa korkiisa gacantiisa bidix ka saaraya. Mar buu ninka wax la weydiinayaa
u muuqdaa nin weydiimaha qaarkood maad ula ekaadeen oo uu qoslayaa, nin aan
filayo inuu yahay ka kamaradda haya ayaa xusuusinaya in aanu qoslin, isaga oo u
muuqda in lagu qabtay ayuu qosolkii iska bi’inayaa, se waad garanaysaa inuu isku
hayo inuu qoslo.
Halkaas marka ay marayso
sida aniga ii baxday waxa qofku helayaa xog ugu filan inuu kala saaro maad iyo
murugo midka meesha ka socda. Waxa nimankii ninka wax weydiinayay ku
wargelinayaa in imika waraysigii habeen loo beddelayo.
2. Jidhdilka
Jidhdilka waxa samaynayaa
isla labadii nin ee waraysiga qaadayay. Ninka dhinaca midig rikoodhka ka soo
taagayay waxa gacantiisa midig imika ka muuqda wax suunka labku dhexda ku xidho
u eg, ninkii dhinac bidix rikoodhka ka soo taagayay isagu wuu faramadhan yahay,
aan ka ahayn rikoodhkii.
Si qaab daran ayaa qaylo iyo
laad iyo dhirbaaxo ninka loogu bilaabayaa, ninkii suunka haystay ayaa meel ninka
dhinaciisa bidix ku beegan oo dhulka ah si xoog ah suunkii ugu dhifanaya.
Dhammaan gamcaha iyo lugaha ninka lagu fiiqayaa inta badan taabanmaayaan ee way
u dhowaanayaan, marka ay taabtaanna waad garanaysaa in aanay waxba yeelayn.
Waxa kuu muuqanaysa aragti
shaki leh, ninku wuxuu metelayay inuu xidhan yahay oo labada gamcood iyo labada
addin silsiladi isugu xidhan tahay, mar horeba gacantiisa bidix way dhuunsatay
oo waad arkaysay inuu si hawl yar meeshii uga saaray, imika se labadii gamcoodba
way furan yihiin oo wuxuu metelayaa nin isaga dhigaya nabarrada ku soo socda.
“Waxaad doonaysaan baan
idiin saxeexayaa”, hadallo ay ka mid yihiin ayuu odhanayaa. Mar baad dareemaysaa
iyada oo kaftankii laga daalay oo ninku caadiga isaga soo fadhiistay. Ninkii
dhanka bidix ka xigay ayaa rikoodhkiisii yaraa ka dhigaya laydh ninka lagu
dhejinayo oo qoorta kaga macmacaya. Si fudud oo aad mooddo in lagu ballamay ayuu
dhinac midig isugu tuurayaa. “Laydhka iga daa”, iyo hadallo noocaas ah ayuu
odhanayaa.
Marka ay dhacdada oo dhammi
soo gebagebawdo waxa aad maqlaysaa hadallo aad ka fahmayso, “Soo kici, ina
keena”.
Nuxurka sheekada:
Sheekada fiidyowga ku duuban
waxa iiga soo baxay in ay tahay macmal, weliba ay sameeyeen dad aad u farsamo
xun, waxa ay ka tageen oo ilbidhiqsi kasta oo fiidyowga ah ka muuqda raadad aad
u tiro badan oo xitaa aniga oo aan weligay cid wax baadhaysa arag sida dayaxa
iigu muuqday.
Waxyaabaha marka hore
sheekada dhab ahaanteeda tuhunka kaa gelinaya waxa ka mid ah qaabka weydiimaha
loo weydiinayo iyo nuxurkooda, waxa aad mooddaa niman siyaasi waraysanaya oo
ra’yigiisa weydiinaya, xitaa qaabka ay isu dhigeen waxa ay u muuqdaan yaryarka
bogagga usoo warrama.
Waxa kuu baxaysa in sheekada
la sii dhisay, mar baa nin u eg kan kamaradda hayaa weydiin dhiibanayaa loogu
talagalay in lagu baadho sida ninku u arko xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya
dadka walaalaha ah, sida uu hadalka u dhigayo, ee Itoobiya iyo Somaliland. Ninka
la waraysanayo su’aashaasii si kale ayay ugu dhadhammaysaa, wuxuu odhanayaa;
“Waa dad xaqooda u dagaalamaya” isaga oo ka hadlaya dadka Soomaaliyeed ee ay
Xabashida ishayaan.
Waxa iyana ciyaar ah
silsiladda iyo qaabka ninka loogu xidhay. Waxa maqan habayaraatee dirays ciidan
iyo hub nooca uu doono ha noqdee. Rikoodhkii wax lagu duubayay ayaa laga
dhiganayaa aalad laydh oo wax lagu gubayo.
Mararka ugu ciyaalsan ee
cidda fiidyowga samaysay kaftankooda munaafaqnimo debedda soo dhigaysaa waa
marka ninka jidhdilka khiyaaliga ah lagu samaynayo, waxa aad arkaysaa cag nin
weyn oo kolba dhulka bac lagaga siinayo iyo nin kale oo weyn oo aan weligii meel
wax lagu metelayo arag oo lagu yidhi iska dhig nin la dilayo. Addimada laga
girifgirifsiinayo iyo farsamoxumadoodu waxa ay i xusuusisay dagaalkii qaraamiga
ahaa ee Basbaas iyo Huryo(AUN) dhexmarijiray. Weli sida Basbaas islaantiisa laad
uu uga tudhayo dhuuca ugu geliyo ma aragtay? Tiisu waa jilaa dhab ah, se ta
halkan ku duubani waa tu jilaa khibrad yare ahi macmalay.
Qosolka ninka la jidhdilayaa
la dhoolacaddaynayo ayaa iyana muujinaysa raad kale oo ay seegeen in ay ka
digtoonaadaan dadka fiidyowga sameeyay, nin kale ayaa is odhanaya ka saar
dhiidhiga jilaagu galay oo odhanaya, “Ha qoslin”, taas oo aan waxba tarin
khashiinnimadoodii oo ay sii caddayso mooyaane.
Dhammaadka sheekada ayaa
iyana lagala soo bixikaraa in nimanku ay wada socdeen oo waxa meesha ka socda
isla ogaayeen, sida ninka kamaradda duubayaa u odhanayo ina keena iyo sida ninka
la metelayo in la jidhdilayaa ugu hinqanayo inuu soo kaco ayaa tan ka markhaati
furaysa.
Gebgebo:
Ujeeddada iyo faa’iidada qof
uga fadhiyo inuu kasbado samaynta fiidyowgan kama warramikarro, waa se oo keliya
aynu mutuhinkarraa, waxa se aan shaki ku jirin oo cad in fiidyowga iyo
sheekaduba yihiin been abuur ay samayntiisa ka muuqato taxaddir la’aan, aqoon
gaabni dhinaca farsamada, isku dubbaridka iyo maaraynta ah, se ku talagalka
dhaawac iyo aafada lagu wado inuu geystaa waa mid baaxaddiisa iyo fidnadiisa leh.
Cabdillaahi Cawed Cige,
edleh@hotmail.com
Liverpool UK
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | Oct 1, 2006
|